SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Jabkeygii iyo kii Walaashey"

Qaybta 2aad:

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Maalmo markii ay kasoo wareegtey ayaan markale ku kulanay midkale gurigiis anogoo dalbanayno in nagula soo celiyo cabitankii oo kale waayo waa laga wada heley!

Ninkii guriga laha ayaa nagu yiri: Sharabkan… waxa lagu iibiya lacag aanu qof kaligiis bixin karin…!

Lacag ayaan isku dardarnay si’an usoo iibsano dhowr xabo. Waxan filaya inad fahanteen waxa lasoo iibinayo…? Waa mukhadarad laakinse waxan uhaysana wax lagu maaweesho!

Bartii ayaa lagu wada sar qaamay markale!

Waxa go’an lasoo saarey inan joogteyno labadii isbuucba mar in laysugu yimaado midkaayo gurigiisa, daroogada lasoo wada iibiyo madama ay qaali tahey! 

Waxay arin sidas ahaataba, xaladeyda ayaa kasii dartey ilaa aan iskuulkii wadi waayey! Daroogadii iyo asxaabteydii xumeyd ayan laqabsadey! Natiijada imtixankii ayaa noqotey mid ay qoyskana rumaysan waayeen, oo rajadii ay iga qabeen hoos udhigtey! Laakinse Sarrah ayaa ceebta reerka kameertey oo keentey darajo fiican. “Mabruuk, yaa Sarrah” Ayaan ugu mahad celiyey.

Si niyad wanag ah ayan ugu mahad celiyey, waxay aheyd markii iigu danbeysay ee aan farxad qalbigeyga ugu qaado. “Maxan kuu iibiyaa Sarrah, munaasabadan muhiimka ah” Ayaan waydiyey. Ma garanaysan waxa ay iigu jawaabtey? Waxad mooda inay isoo aragtey aniga iyo saaxibadey oo wada joogna- waxay iigu jawabtey “Waxan kaa raba inad naftaada unaxariisatid! Walaal, waxad tahey garabkeyga midig ee aan isku haleynayo ilaahey kasokow!” 

Hadalas ayey ku hadaaqday miskiin ayadoon ogeen inuu noolashayda inta kahartey igu noqondona waran laygu taagay! Allah, haddii anay dhihilahena, haddii anan waydiin laheena, Aahhh, waa maxay sharafta aad iga sugaysid Sarrah, XASBIYALLAH, WANICMAL WAKIIL!!! 

Sarrah waxay gashay mahadka macalimiinta  ayadoo isu diyaarinayso inay noqoto wixii ay kuniyad wayneyd, macalimad caruurta barta diinta islaamka, waxay aheyd qof dadal udhashay oo hadana sii labo laabtey. 

 Aniga sow ma’ah, mugdi ilaa mugdi, imtixankii oo aan kudhacay ilaa aan go’goys bilaabey… kasooreyn hashegin.

Waxan ilaa iyo iminka layaabanahey ‘sida ay reerahanaga nooga warheyn!!’ waxan mareyna inaan daroogadii joogteyno oo labadii maalmoodba aan mar soo iibsano.

Mid kamid ah asxabta(cadowgeyga kamid ah) ayaa nagu yiri: War wax ma ogidiine… waxa jira shaykale oo kamacaan badan, kana qaalisan . Oo waliba inta muda ah aanu raaxadeeda dareemeyno ee maxay idinla tahey? 

Waxan weerar kuqaadnay sidii lagu helilaha alaabtaas uu sheydanka noo xayeysiiyey- ilaa aan soo iibinayba!

Arin kale oo iga fajicisay waxay aheyd, waxas oo lacag ah waxan kasoo aruurina jaabka waalidiinta, runtii, magaran karo inay kaqayb qaateen baadiyeyntanada iyo inkale? In ay danbiga qeyb kuleeyihiin iyo inkale?  

Maalin markii aan guriga kusoo laabtey, Sarrah ayaa kashakisay xaaladeyda; inta ay gacanta isoo qabatey igalisey qolkeeda si’an usaaxdo! Waaga markii uu baryey ayey ii timid ayadoo iwaanineyso, waxay iigu hanjabtey inay ikashifeyso haddii anan xaqiiqada usheegin! 

Anagoo doodeyna ayey hooyadey soo gashey, hadalkii ayaa naga kala go’ay! Alle may soo gali laheyna, Aah, may iska dhimato inta anay soo galin, maba joogi laheyn dunida oo  dhan waaba intas oo aan uqirto danbigeyga walaashey… lagayabe inay ibad baadiso, bal bad baadiso nafteeda iyo nafta reerka oo dhan! 

Hooyadey ayaa dukanka adeeg iiga dirsatey, waxayna ii aheyd fursad aan kaga fakaday waraysigii aan horeyba udiidana, markan kasoo noqdeyna, waxan bilaabey inan kamer-meero walaashey cabsi aan kaqabo in ay fashiliso wixii aan ladhudhumanayey inkabadan sanad! 

Waxan utagay mid kamid ah asxaabta anagoo sii aadnay midkale gurigiisa.Waxan cunay wixii aan heli karney ee darooga ah.

Waxan ugu waramay cabsida aan kaqabo walaahey iyo xaalada guriga meesha ay mareyso oo arinteyda udhowdahay inay fashilmadato, oo markas anagoo dhan wada fashilmano!

Marumaysanaysa, wali waxan ilaashanayna sharaftanada oo madoonayno in nalagu sheekeysto! 

Go’anadu qaarbu Sheydanku ka aa cuudi bileysta! 

Arintii ayaan kadoodnay, bal waxa kadoodey xita shayadiintii, sidii aan ugu hortagi laheyn arintan! Midkood ayaa yiri: Aniga ayaa xalka haya laakinse madoonayo inad hadal kakeentan!!

Magaranaysan waxa uu kutaliyey ee uu xalka usoo jeediyey? Walaahi, haddii sheydan lawaydiyo waxa uu xalka usoojeediyey madaxa ayaa weynanlahaa! magaranaysan waxa uu kutaliyey?! Ma waxay kula tahey inuu kutaliyey inan carabka iyo indhaha kasaarno? Wuxu kutaliyey  wax kaweyn inuu yirahdo aan gubno ama aan dilno ayadoo dhan!!! Balse wax intas kadaran, maxay yihiin wax intaas kadaran oo uu kutaliyey?? XASBIYALLAH WANICMAL WAKIIL!!!

Allah ayaan kamagan galaya ahlul mukhadaraad iyo maskaxda ay kushaqeeyan! Allah ayaan kamagan galaya sharta qofka aan saaxibka kadhigtey! 

Wuxu yiri, Ilaahey xubnihiisa cad cad ha ukala gooye, Ilahayey indhaha hatiro, caqligana hakaqaado, ilahey garabkiisa hakabaxo Aakhiro iyo Aduunkaba, ilahayow towbadiisa  ha aqbalin! ilaahayow waad ogtahay isaga ayaa sabab u ahaa waxa igu dhacay oo dhan! Ilahayow nafta kaqad inta uusan towbad keenin, ilahayow ciqaab Aakhiro iyo Aduunba! 

Wuxu soo jeediyey dulmi, xad gudub, munkar iyo colaad tii ugu xumeyd!, wuxu kutaliyey sida ugu fiican ee aan ugu soo darilaheyn Sarrah lafteeda groupka(Ilaahey hakudaro maalinta Aakhiro kuwa Fircown iyo Haaman lala soo safayo).

Waxan siinayna” Ayuu yiri isagoo soo jeedinaya fikrad sheydankiisa, “…xabad kaniini ah si’ay noogu soo biirto oo ay noo difaacdo! Haddii aan sidaas yeelno waligeed nama fashilinkarto waayo waan kuwada jirna! 

Go’ankas, sitoos ah ayan ugu gacan seyray, anigoo kuleh: War qofta aad sidas leedahey waa Sarrah, qofta edebta iyo akhlaq miiran! Walaashey aan jeclahey, Sarrah walaashey miyad.!

Waxay isku dayeen inay diidmadeyda kasoo qaadan waxan jirin ayagoo leh: Maxaad isu waalaysa, anaga kuma lihin meeshan keen oo hanala cabto daroogada! Adiga ugu gee guriga xabad kaniini ah, waadna ogtahey inuusan sidaas waxba yeelin! 

Cadadiska darogada iyo shaydanada saaxibadey, iyo waliba shaydankeyga awadood- ayaan waafaqay inan howshaas fuliyo!

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

JAYBTA 1aad QAYBTA 3aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD