SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Jabkeygii iyo kii Walaashey"

Qaybta 1aad:

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Tanina waa sheeko murugo leh oo kamid ah sheekoyinkii taxanaha ahaa ee aan idiin soo gudbin jirney si’uu ‘warmoogaha’ ugu baraarugo, ‘caasigana’ ugu waano qaato oo u ogaado wadada uu saaranyahey meesha ay kudhamaato! 

Sida muuqato sheekadu waxay kudhacday wiil yar oo kasoo jeedo qoys muxaafid ah, akhlaq iyo asturaad Allah kumanaystey. Inta badan  dhibaatooyinka noocan ah waxay kuhabsadaan cidii aan iska jirin. 

Sheekooyinka noocan ah uguma gol lihi fadeexeyn iyo soo bandhigid dad asturnaa ama sadaalin aan ladoonayo inay umada kudhacan dhibaatoyin noocaas ah laakiinse waxay igatahey digniin aan udigayo nafteyda iyo tiinaba!

Sheekooyinka sidoodaba waa duruus haddii laga faa’ideysto.

Yaanan waxba hadalka idinku daalinine, aan idin kala baxo idinka iyo ninkii sheekadu qabsatey;

Wuxuuna  yiri isagoo ka sheekeynayo bilawga iyo dhamaadka sheekada uu ugu magac darey “Jabkeyga iyo jabka walaashey”:

“Ilaa intii aan weynaadey” Ayuu yiri isagoo bilaabey sheeko kudhamaatey dhiiga walaashiis , dhimashada aabihiis, indha la’anta hooyadiis iyo xaraashka gurigooda. “Waxan kunooleyn xayaato wanaagsan oo kudhisan is jeceyl iyo wax wada qabsi!

Lix caruur ah ayaan ka ahaa midka labad wiil ahaan. Waxa jirtey gabar walaashey oo la’oron jirey ‘Sarrah’ oo hal sano iga weyned.

Waxan ahaa mas’uulka guriga, marka laga yimaado Aabahey. Cid waliba aniga ayey iila iman jirtey marka ay soo wajahdo wax dhib ah oo ubaahan latashi. 

Dugsiga sare, waxan kamarayey fasalka labaad, halka ay Sarrah kujirtey fasalka sedexaad ee dugsiga sare. Caruurta naga yarna, sanka ayey nagu soo hayeen ayagoo nahiigsanaya.

Yididiiladu waxay aheyd inaan Engineer noqdo inkasta oo hooyadey kasoo horjeedey ayadoo leh “waxan rabaa inaad pilot noqotid” Aabeheyse aniga ayuu ila saftey oo wuxuu ila rabay inaan Jaamici takhasus gooni ah leh noqdo!

Walaashey Sarrah, waxay kuriyoon jirtey inay macalimad (maadada Diinta iyo adabka) kanoqoto mid kamid ah jamacadaha waaweyn ee wadanka. 

Ninkan tashan waa loo taliya! 

Waxaas oo dhan waa amal iyo riyooyin, imisa qof ayey noolashiisa soo dhamaatey isagoon howshiisa gudan, maxaa dad badan kacaajisey inay karunsheegan waxay kutaami jireen sababo jiro awgood! Waxase badan inta kadhabeeyey ee kamiro dhaliyey!

Sikale haddii aan u iraahdo, waxaad raadineysey oo kuu suurto galiwaayey, dhibaato malahan laakinse  marka ay bil cagsi isu badasho , waa filanwaa iyo fajiciso!

Sida ay wax udhaceen, qof waalan iyo mid miyir qabo midna kuma kifikiri karo!

Bilowga mushkiladu, waxan schoolka isku baranay wiilal aad moodid wanagooda sida malabka, hadal macaan oo afmishariin ah.

Dhowr jeer ayaan racay anigoo kaqarinayo reerka;

waxan qoonsado oo aan kaga cararo ma arag!

Waxan yeelana kulamo kabaxsan schoolka, anigoo dhanka kale, wali ilaalinaya schoolka iyo waxbarashada. Waxan galnay fasax… fasax aanu Allah barakeyn!

Waxay aheyd markii uu aabehey dareemey in uu batey kabixitankeyga guriga, iyo inaan howsha guriga waxba kaqaban. Marka ay aabahey iyo hooyadey igu qayliyaan, waxa idifaaci jirtey walaashey Sarrah waayo aad ayey ii jecleyd oo waxay iiga baqaysay garaacista aabehey oo marka uu wax dilayo aan unaxariisan!

Anagoo wali fasaxa kujirna, maalin…. haddii aan ogaan lahaa meesha ay kudhamaneyso aanan fasaxna magaleen, laakinse IRAADADA ALLAH AYAA KAA AWOOD BADAN!! 

Maalin ayaan fadhiisan guri (mulxaq) uu leeyahey mid naga mid ah. Marna waxan ciyaarna turub marna waan iska sheekeysanaa; Maqribkii sidaan ufadhiisanay ayaan kusoo gaarney 11ka habeynimo, waxay aheyd saacada aan caadada kadhigtey inaan guriga kulaabto; hase ahaate, ninkii guriga lahaa ayaa iga codsaday inaan sii yara jooga ila iyo nus saac kale markas oo  ‘gidigeen’ wada bixi doona hal mar.  

Haddii aad ogaan laheyd ‘nus saacas’ inta uu iigu kacay! Nus saacas gudihiisa ayuu dumiyey cumrigeyga inta kaharta, cumriga aabehey, hooyadey balse reerka oo dhan wuxu dumay nusa sacaas. .! Waa run, kuligood nusa saacas ayey kuwada halaagsameen!! 

Waxay aheyd kala waraaq (turning point), markii  aan kawareegney noolashii barakada laheyd oo aan kuwareegney noolashii burburka.

Sidey wax udhaceen? Mid naga mid ah ayaa kutabarucay inuu shaah noo kariyo si’an waqtiga ugu dilno, shaahii ayaan cabnay anagoo kaftan iyo qosol nooga cadahey.

Waxyar kadib, qof waliba wuxu bilaabey inuu dhinac u dhaco, waxaa noogu xigtey ayadoo qof waliba matag lasoo booday? Haa anagoo dhan, mana garankaro waxa dhacay, ilaa aan wada daadanay.

Kii uhoreeyey ee soo kacay ayaa nawada toosiyey.  

Ninkii guriga lahaa ayaa nala dagaalamay isagoo kacaraysan waxa aan samaynay; anagana warba uma hayno waxa dhacay iyo sida ay udhaceen! Wuxuu canaantay kii shaaha noo kariyey!ku nasanay. Jirkeena ayaaba ubaahna!

Nadiifin iyo dhaqis kabacdi, qof waliba wuxu qabtey gurigiisa.

Gurigii ayaan galay anigoo sidii shinbiraha uqaylinayo; dadka oo dhan way jiifaan walaashey Sarrah mooyee. Gacanta intay iqabatey, ayey igalisay qolkeeda, kadibna ii nasteexeysay oo igu caga jugleysay inay ii sheegeyso aabehey haddii aan dib danbe kasoo daaho guriga.

Alle! may faraha iga qaado… aabahey ha’igaracee, Alle! may idisho, Ya Rabbi maxay ii cafisay Allaha cafiyee!

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | November 23, 2004

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

  JABKII:: QAYBTA 2aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD