Waxan
tagey guriga, Sarrah ayaa isoo qaabishey ayadoo ii yeereyso, waxan ku
iri: Shaah iikari haddii aad doonaysid inan kuu waramo dhamaan arinteyda
oo dhan!
Miskiintii orad ayey isxaabisay ayadoo doonayso inay mushkiladeyda
xaliso, aniga, maskaxdayda waxa kuwareeganayso boqolal fikradood oo
shaydaynimo ah, hamigeygu waa inan dumiyo noolasheeda! Shaahii ayey
keentey. Waxan kacodsadey inay aniga iyo ayadaba noo wada shubto!
Kadibna inay ii keento biyo aan cabo, ayan kacodsadey! Markii ay qolka
kabaxdey, intii ay biyaha kumaqned ayan ugu dhex ridey xabad kanini ah!
Walaahi, waxa iga soo daadatey ilmo anan garanayn inay aheyd naxariis
aan unaxsanahey mustaqbalkeeda meesha uu kudanbeyndoona! Ama farxad aan
kufaraxsanahey madama aan fuliyey saaxibadey balantoodii ay igu lahayeen
“sirteena cid dambe oo ogaan karto majirto!”
Waxay
soo noqotey ayadoo ii dholo cadaynayso, aniganase waxan u arka sida
canug yar oo dhex galay dhul howd ah oo ay yeyda iyo dhurwaaga
kubadanyihiin!
Niyadeeda oo wali ii saafi ah awgeed ayey aragtey ilmada indhaheyga
kasocoto, waxay bilowday inay iga tirtirto ayadoo leh: Raga ma ooyan,
ceeb… aamus!
Waxay
iskudaydey inay isamirsiiso ayadoo uhaysato inan kaxumahey wixii aan
nafteyda u gaystey! Ayada ayan unaxsanahey!!! Sideen ugu ooya anigoo
nafteyda aan kanaxeynin, waxan la ooyaya sida uu mustaqbalkeeda
noqondoona, waxan la ooyaya qosalkeeda iyo niyad wanaageeda iyo
qalbigeeda nadiifta ah, sheydankuna wuxu igu leeyahey: War ha unixin
ayada iyo adigaba saa dambe ayaad iska daaweyn doontane, oo kali ah
mushkiladada ayey ogaandoonta; wayna kuu garaabi doonta, sikale oo aad
kudarensiinkarto xaaladada majirto, waa lagama maarman inay dhadhamiso!
Sheydankii igama suulin in uu ii qurxinayo fisqiga iyo fasaadka aan
samaynayo! XASBIYALLAH CALAYHI!
Anigoo doonayo inay sifiican udaroogowda ayaan ku iri: Haye aan cabno
shaaha, markan qac kasiino ayan kuu sheekeynaya! Miskiin, shaahii ayey
cabtey! Alle may cabilaheyna, Alle haddii shaah ii karinlaheyna!!
Waxan
bilabay inan usheekeyo, mar waan qosla, marna waan ooya, managaranayo
sababta ay ilmada dhabankeyga ugu hoorayso!
Ninkii Ibliiska ahaa, aya igu akhriyey in lay ogandoona, aabo iyo hooyo
marka ay arkan walaashey oo isku dhexyaacsan in layga garaci doono~!
Waxan go’ansadey inan
cararo. Almuhiim, waxan abaarey saaxibadey anigoo ubishaareynayo
musiibadii aan gaystey! Dhamaan saaxibadey way ii wada istagey ayagoo
iimahad celinayo!
Walaahi waa cadowgeyga
kuwas ma’aha saaxibadey!
Waxay yirahdeen ayagoo
abaalmarin iiga dhigayo: “Waxas kaa rag ah, laga bilaabo maanta adiga
ayaa kooxda amiir u ah, qof kaa dabo hadli karo majiro, adiga na
amraysid, nagana reebeysid! Taajka adiga ayan kusaarney, hadalkada hadal
kama danbeeyo!”
Habeynkii, bartii ayaan saaxanay; waaga marki uu baryeyna , cabsi ayaa
iqabatey iyo wal-wal kusabsan wixii aan gaystey!
Kooxdii ayaa isku dayday inay ii niyad qaboojiso ayagoo leh: Gacan ban
kugu siinayna sidii lagu daaweynalaha, lasoco daaweynta miraha waa sahal,
waxba hakawal-walin, iska dhig nin rag ah!
Markii aan guriga kasoo maqanahey labo maalmood ayuu aabehey iweydiyo
dadka meesha aan jiro. Aniga, waxan diyaar u ahey waxkasta oo laygu
sameeyo dil, aflagaado, xabsi iyo in waxkasta oo ladoono!
Waxan
direy qaar kamid ah groupka bal si’ay usoo eegan xaalada guriga sida ay
tahey; waxay igu soo war celiyeen inay wax waliba caadiyihiin oo wax
dhibaato ah kajirin!
Gurigi ayaan aadey anigoo diyaar u ah waxkasto oo laygu sameeyo. Sidii
aan filayey, aabehey ayaa idiley, ayadoo hooyadey iyo dhamaan dadkii
kalana ay ila wada dagaalameen!
Maalmo kadib, waxa ii timid walaashey Sarrah ayadoo iweydiinayso wixii
aan shaaha ugu darey; inay jecleysatey ayey ii sheegtey oo ay hadana
doonayso laakinse waan udiidey ilaa ay sixun ii baridey; lugaha ayey iga
dhunkanayso- waa sida aan kusameeyo saaxibadey marka aan kadoonayo
daroogada!
Inta
aan uqalbi jelcay ayaan siiyey waxooga! Dhowr jeer oo kalana waan siiyey
ilaa ay laqabsatey!
Xaaladii schoolka ayaa kasoo dartey ilaa aan ugu danbeyntii katagtey,
dadkii guriga joogeyna waa lala yaabanyahey waxa gabadha kudhacay oo ay
schoolka ugu hartey! Ugu danbeyntii waxay isku samirsiiyeen inay
‘gabari hadafkeeda noolashu uu yahey guur ee ay waxbarashudu muhiim
aheyn!’
Rajadii ayaa uwareegtey dhanka walalkey iga yar madama aniga iyo
walaashey kufashilmanay waxbarashada iyo rajadii nalaga qabay!
Maalin baas ayaa waxa iga dhamaatey sahaydii (daroogadii)! Waxan
ushaxaad tagey mid kamid ah saaxibadey inuu wax isiiyo haseyeeshe wuu ii
diidey ilaa in aan.…….! Magaranaysan waxa uu igu xirey? XASBIYALLAHU WA
NICMAL WAKIIL! Wuxu ii shardiyey walaashey Sarrah ayuu raba inuu
kasinaysto!
Waan
kadiidey anigoo ladoodayo. Kooxdii kale ayaa nasoo kala dhex galay oo
damcay inay nadhex dhexaadiyan ayagoo leh:
Halmar wax dhib ah kuma jiro, weydi ayada haddii ay raali katahey, maxa
kudhibaya adiga….!
Haddii ay lasafteen ninkii, ayaan ku iri: Waxad aheyd qofkii uhoreeyey
ee iibalan qaadey inad ila daaweyneyso markii aan daroogada….., maantana
mawaxad codsanaysa inan kuu keeno, masidaasba saaxibtinimadeenii?
Inta
qoslay ayuu iigu jawabay: Maxay tahey saaxibtinimada iyo daaweynta aad
sheegeysid ninyahow! Iska hilman waxas ee…..!
Dood
adag kadib, xariirkooda oo dhan ayan jirey.