-
Golaha Baarlamaanka
Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray
Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka
Maaliyada Puntland.
-
Xubno ka socda shirkadda macdan iyo shidaal Baarista ee
Consert ayaa manta booqasho ku tegey ceelka shidaalka ee
ay horay u lahaan jirtay shirkada shidaalka ka qodi
jirta ee Conoco.
Golaha Baarlamaanka Puntland
Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha,
Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.
Iyadoo
uu weli si rasmi uga socdo magaalada Garoowe Kalfadhiga
Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Goluhu maalinimada Sabtida
ah waxay u yeereen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo
Wasiirka Maaliyada ee Puntland.
Xildhibaan ka tirsan Golaha ayaa Radio Midnimo u sheegay
sababta ay ugu yeereen masuuliyiintan in ay salka ku hayso
xisaabtan maaliyadeed oo ay su’aalo ka weydiinayaan sida loo
maamulay hantidii dadweynaha 6dii bilood ee ugu danbeysay.
Xildhibaankan ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ahi aysan
ka taagneyn dakhliga u soo xerooday Puntland, wax is dhin
miisaaniyadeed ahna aysan ku iman ilaa bishii Jun 2006da,
haseyeeshee, uu mugdi weyni ku jiro sidii loo maamulay
kharashyada baxay.
Xildhibaanku wuxuu kaloo intaas ku daray in bil walba ay
Puntland soo gasho hanti dhan 24 Bilyan iyo 500 oo Milyan,
taasoo ku jaango’an miisaaniyada Maamul goboleedka Puntland
oo ay ku jiraan Madaxyada deynbixinta, Gurmadka Degdega ah
iyo Horumarinta, madaxyadan oo inta badan ah kuwa ay
dhibaatadu ka taagan tahay sida loo maamulay lacagahooda.
Warshada lacagta lagu daabaco ee Puntland ayaa iyadu
daabacday in ku dhow 70 Bilyan oo Shilinka Soomaaliga ah,
taasoo aan ku jirin miisaaniyada, dheerina ka ah,
lacagtaasoo qudheedu shaki weyn laga muujinayo sida loo
maamulay iyo cidda qaadatay.
Weli
waxaa taagan deymihii lagu lahaa dowladda, mushaharkii
shaqaalaha iyo adeegyadii hay’adaha dowladda ee bishii Juun,
taasoo dhan in ka badan 24 Bilyan.
Waxaa
sidoo kale dadka dhaqaalaha ku xeel dheeri welwel ka
muujinayaan halka ay ku baxday lacagihii laga jaray
mushaharooyinka shaqaalaha iyo adeegyada dowladda oo dhamaan
15% iyo 30%.
Xisaabtanka iminka loogu yeeray masuuliyiinta ugu sareysa
Puntland ayaa ah mid ay dadweynuhu si fiican dhegaha ugu
taagayaan, waxaa jiray ballan qaad uu Madaxweynuhu uu
shacabka reer Puntland ugu ballan qaaday xiligii uu
doorashada ku jiray in uu dadweynaha u soo bandhigi doono
wax walba oo jira, wuxuu kaloo ballan ku qaaday in uu la
dagaalami doono musuqmaasuqa, iyadoo uu xiligan jiro guux
dadweynuhu ay ka qabaan Wasaaradda Maaliyada Puntland oo
iyadu siday doonto u maamusha dhaqaalaha Puntland.
Waxaa
soo baxaya warar sheegaya in Masuuliyinta sarsare ee
Wasaarada iyo Bangigu ay ku halan yihiin siday u majara
habaabin lahaayeen xisaabtanka dhabta ah ee laga doonayo in
ay caddeeyaan.
Aqoonyahano badan ayaa ku doodaya in la kala qaado
Wasaaradda Maaliyada iyo xisaabiyaha Guud ee dowladda, isla
markaasna xisaabiyaha guud ee dowladdana la hoos geeyo
Madaxtooyada DGPL.
Dad
badan ayaa iyaguna waxay farta ku fiiqayaan xiriirka dhow ee
u dhexeeya Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga
Puntland, waxaana la sheegaa in meesha laga saaray
Maamulihii hore Bangiga Boosaaso Yuusuf Xuseen Aw Nuur (Dhacle),
Xisaabiyihii Guud ee Hore ee Dowladda Axmed Daad,
isbedeladaasoo u muuqday kuwo lagu doonayo in meesha looga
saaro cid walba oo baahin karta khaladaadka ka jira
Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Magaalada Boosaaso.
Bangiga Magaalada Boosaaso
Ayaa Suuqyada Sarifka Lacagaha Ku Harqiyey Lacag Ay Leedahay
Dowladda Federaalka
Qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka ee suuqyada lacagaha
lagu sarifo ee Puntland ayaa dhowrkii maalmood ee ugu
danbeeyey waxaa ku yimid sare u kac, iyadoo 100 Doolar uu
isku shareeray 1.600.000 Sh.So.
Sare u
kaca sarifka Doolarka ayaa sariflayaashu ku eedeynayaan in
uu sababay kadib markii uu Bangiga magaalada Boosaaso uu
suuqyada soo dhigay lacag dhan 20 Bilyan Sh.So, taasoo loo
sarifayo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada
Baydhabo.
Qiimaha sarifka 100 Doolar ee Mareykanka ayaa in mudo ah
fadhiyey 1.400.000 Sh.So, waxaana sare u kaca sarifka
Lacagaha qalaad ay durba sababeen in qiimo barar uu ku
yimaado badeecooyinka guud ee suuqyada lagu kala iibsado iyo
shidaalkaba.
Isha
Warka: RadioMidnimo
Email:
radiomidnimo@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 13,
2006