1,500 BC Fircoonkii la
oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar
badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii
uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab
iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa
xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed
"Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn
isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese
musketeers].
1889 Kadib markii ay
heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga
Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska
loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey
Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia],
kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka
soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian
Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu
qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle
xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo
Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa
qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo
badan masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay
xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo
ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.
1950 Qaramada
Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin
oo uu talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa
gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey
Itoobiya.
1960 bishii June
26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii
July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey
xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
1961 ayaa lasharciyeey
isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.
1970 Xukunkii shacabku
soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.
1976 Waxaa la asaasay
xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist
Revolutionary Party - SSRP]
1977 Waxaa Ogaden
kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib
u guratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday
Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii
Ogaadeenya.
1978 bishii December
26keedii ayaa Addis Ababa lagu asaasay SSF [Somali Salvation
Front].
1980 bishii October
21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].
1981 bishii April
6deedii ayaaLondon, UK lagu asaasay SNM [Somali National
Movement].
1988 ayaa la asaasay
USC [United Somali Congress].
1990 Bishii December
ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay
Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii
Militariga ahaydna kudhacday.
EEG TARIIKHDA SOOMAALIDA KADDIB 1990... .... Taariikho
Kooban oo Soomaaliya: Ka akhri halkan.... GUJI...
.... Bilicda
Soomaaliya iyo Taariikhda dhulka Soomaaliyeed ... GUJI
tarjumadii: Maxamed
Cali
Webmaster@somalitalk.com
1
| 2 | 3
| 4 | 5
| 6 | 7
| 8 | 9
| 10 | 11
| 12
Cusboonaysiin: Dec
27, 2002
|