dhulka
cimilada dhirta
xoolaha beeraha
Bogga Bilicda
|
Dhulka |
Soomaaliya waxay kutaalaa
geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga. Bedka
dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba
jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran). Soomaaliya waxaa
waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna
waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia, waqooyi-galbeedna
Djabouti. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo
dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km].
Dhulka Soomaaliya waa dhul
saxara xigeen ah. Waana dhul aad u siman, marka laga reebo dooxooyinka
webiyada shabeelle iyo jubba iyo buuraleyda Golis ee taxan xeebaha
Waqooyi iyo Waqooyi-Bari . Taasi waxay sahal kadhigeysaa in reer
guuraagu ay si sahal ah u safri karaan meeshii ay doonaan. Soomaaliya
waa dhul aad ugu haboon xoola dhaqashada, gaar ahaan xilliga barwaaqada,
iyadoo ay kabaxaan dhir aad u kala geddisan oo kuhaboon daaqa xoolaha
.
Dhanka waqooyiga ee ku xeeran
gacanka Cadan waxaa ku yaala dhulka looyaqaana Guban, dhulkaas oo
bilicsami ku siyaadinaya Berbera iyo buuraha Golis ee aan kor ku soo
xusnay. Ceerigaabo agteedana waxaa kuyaal buurta ugu dheer Soomaaliya oo
lagu magacaabo Surad, dhererkeeduna lagu qiyaasay 7,900 feet ama (2,408
mitir). Buurta labaad ee Soomaaliya ugu dheerna waa buurta Baxaya,
waxayna kutaal Buruc oo Boosaaso kaxigta dhanka Bari.
Dhanka koonfurtana marka aad u
kacdidna waxaad geleysaa Sool iyo Hawd iyo dhulka loo yaqaan galgodon
ama oogo . Markaad timaadid dhanka Baydhabo, waa dhul ka samaysan
dhagaxa looyaqaan "Granite". Xeebta u dhexaysa Kismaayo iyo
Hobyo oo dhererkeedu yahay 1,000 km waa dhul bacaad ah, taas oo
kutusinaysa bilicsamida dhulka soomaaliya marka aad kasoo eegtid dhanka
badda. Dhulka kale ee hooseeya (dhul-hooseed) ee Soomaaliya waxaa kamid
ah Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal oo kuyaal Waqooyi-Bari. Labaduba
waa dhul waadi ah, waxayna biyaha ku daraan badweynta Hindiya. Dharoor
waxay badda kaga darsantaa Xaafuun, Nugaalna waxay kaga darsantaa Eyl.
Dhanka koonfurta waxaa ku
yaala labada webi ee jubba iyo shabeelle. Waxay labaduba kasoo
bilaabmaan buuraha Ethiopia. Jubba wuxuu biyaha kaga daraa badweynta
Hindiya meel u dhow Kismaayo. Shabeelle wuxuu ku dhamaadaa meel dhexe
inta uusan badda gaarin. Jubba ayaa ka biyo badan Shabeelle. Dhulka
Labada webi ku xeeran ee aadka u quruxda badan waxaa kamid ah Afgooye,
Balcad, Jawhar iyo Jamaame.
Sawiradii
Muqdisho... daawo.
kor
dhulka cimilada dhirta
xoolaha beeraha Bogga
Bilicda
|
Cimilada |
Soomaaliya waxaa mara dhul
baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul. Waxayna leedahay afar xilli:
waana kuwan hoos ku qoran:
1. Gu' |
April - June |
2. Dayr |
October - December |
3. Jiilaal |
December - March |
4. Xagaa |
June - September |
Roobka ku da'a Soomaaliya
sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches (100 millimitir). Inkasta oo gobolada
soomaaliya roobka ay helaan uu kala duwanyahay. Woqooyi-Bari
qiyaastii roobka sannadkii ku da'a waa 8 ilaa 12 inches. Koonfur-Galbeed
iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da'a 20 ilaa 24 inches oo
roob ah sannadkii. Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul
yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen. Xeebaha Berbera iyo
Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa
September. Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo
ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya. Heerkulka Muqdisho
wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.
kor
dhulka cimilada dhirta
xoolaha beeraha Bogga
Bilicda
|
Dhirta
iyo Daaqa |
Dhulka Koonfurta iyo
Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan
tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da'a meelahaas oo ka badan
kan ka da'a dhulka Soomaalida intiisa kale. Woqooyina waxaa ku
badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha. Woqooyi-Bari iyo xeebaha
Woqooyiga waxaa ku badan dhirta xabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo
Maydiga. Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa
guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas
laga helo lacag adag. Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa
ku badan dhirta mayraxda leh. Soomaaliya waxay leedahay xoolo
aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa
waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga
dhoco markii uu di'i jirey.
Magacyada dhirta soomaaliya ka
baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi,
laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo
koobi karin.
Waxa kale oo duurka ama
baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan dhanka koonfurta, ku nool
xayawaano fara badan. Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada,
libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka,
sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo
shimbiro ah.
kor
dhulka cimilada dhirta
xoolaha beeraha Bogga
Bilicda
|
Xoolaha |
Khayraadka ugubadan ee
Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool. Xooluhu waa meesha dakhliga ugu
badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo. Xoolaha
Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa
laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah. Waxaa kale oo xoolaha laga
helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba
iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga
roobka.
Xoolaha Soomaaliya waxay isugu
jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaas ay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda
u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay
in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka
koobnaa:-
- 2,800,000 Neef - Lo'
- 2,500,000 Neef - Geel
- 2,100,000 Neef - Ido
- 3,300,000 Neef - Riyo
Waqtiga qiyaastaas kore
lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million.
Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen
xoolaha nool. [eeg dadka].
kor
dhulka cimilada dhirta
xoolaha beeraha Bogga
Bilicda
|
Beeraha |
Bedka Soomaaliya oo ah 63.8
million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon
siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar. Waxaase labeeri
jirey in yar oo keli ah. Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa
inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy.
Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million
hektar.
Inkastoo aan si weyn loo
beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka
yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka. Waxyaabaha kasoo baxa beeraha,
qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa
ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%)
Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha
nool iyo beeraha .
Waxyaabaha kasoo go'a ama ka
baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe,
liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago],
babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar],
baradho, bataato,cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin],
iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan.
Magaalooyinka Soomaaliya ee ku
xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar,
Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo
kuwo kale oo fara badan.
Marka laga reebo labada webi,
meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka
Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay
beerista. Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa
geed ku haboon cimilada kulul.
Roobka
ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan
wixii kabaxsan labada webi. Waana sababtaas midda ay soomaalidu u
dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer
guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.
kor
dhulka cimilada dhirta
xoolaha beeraha Bogga
Bilicda
|
|