dhacdooyin
dhismayaal bilicsami
Bogga Bilicda
|
Dhismayaal
Taariikhi ah |
Qaybtaan waxay ku
saabsan tahay dhismayaal taariikhi ah iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan
Soomaaliya, waana kuwan soo socda:
Masjidka
Fakhradiin ee Xamar waxaa ladhisay 1269.
Masjidka
Shiikh Cabdulcasiis ee Xamar waxaa ladhisay
1210 sano kahor .
Dekedda
Kismaayo waxaa ladhamaystiray November 1968 .
Dekedda
Berbera waxaa ladhamaystiray sanadkii 1969 .
Taalada
Dhagaxtuur waxay xusuus u tahay dhagaxtuurkii
xorriyad doonka ahaa ee dhacay 5 October 1949.
Madxafka
Qaranka [museum] wuxuu ahaan jirey gurigii
Siciid Barqash qarnigii sagaalaad dhexdiisii iyo qarqinigii tobnaad .
Waxaa kale oo xusid
mudan dekeddaha Xamar iyo Boosaaso . (Taariikhihii la
asaasay oo rasmiya mahayn markaan qoraalkaan samaynayey)
Shirkadda
Dayuuradaha ee Soomaali Airline waxaa la
asaasay sannadkii 1964 .
Garoomada
Diyaaradaha ee Soomaaliya waxaa kamida:
- Garoonka Muqdisho:
oo ah 2,500 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
- Garoonka Hargeysa:
oo ah 2,250 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
- Garoomada kale ee
Soomaaliya waa: Garoonka Kismaayo, Burco, Ceerigaabo, Boosaaso,
Caluula, Qardho, Eyl, Qandala, Gaalkacyo, Hobyo, Iskushuban,
Ballidoogle, iyo kuwo kale.
kor
dhacdooyin dhismayaal
bilicsami Bogga
Bilicda
|
Bilic-Samida
Soomaaliya |
Soomaaliya waa dhul aad
u quruxbadan. Buuraha, webiyada, xeebaha, togagga, dooxooyinka,
balliyada, dhirta, ugaarta, xoolaha, beeraha. dhammaan kuwaasi waxay ka
midyihiin bilicda ilaah ku mannaystay dhulka Soomaaliya.
Soomaaliya in ay tahay
dhul aad u qurux badan oo qadiimi ah waxaa caddaynaya dhismayaasha aadka
u da'da weyn iyo goobaha bilicda san ee kuyaal qaybkasta oo waddanka
Soomaaliya kamida.
Haddii aan meelaha
bilicda san ee Soomaaliya inyar kasoo qaadanno waa kuwan:
- Beeraha mooska iyo
cambaha ee Afgooye
- Bacaadka Shalanbood
- Gacal Libaax [Hargeysa]
- Ceelaayo iyo Qaw
- Webiyadda Jubba iyo
Shabeelle
- Karin Heegane oo u
dhexeeya Laasqoray iyo Ceelaayo
- Hilayo oo udhow
karin-heegane
- Biyaxireenka
Baardheere
- Xeebta Jasiira
- Togga Baalade oo
udhow Boosaaso
- Buuraha Sil-siladda
Goolis
- Ceelka Yamayska oo u
dhow Gaalkacayo
- Xeebta Warsheekh
- Buurta Baxaya iyo
Buruc
- Gacan-boogame oo u
dhow Laascaanood
- Dooxada Ceeriye oo u
dhow Qardho iyo Iskushuban
- Afgooye, Balcad,
Xamar, Baraawe, Marka, Hobyo, Eyl, Saylac, Hargeysa, Burco, Kismaayo,
Boosaaso, Jilib, Jamaame, iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi
karin.
Sheekooyinka
Qadiimka ah ee Soomaalida waxaa kamida:
- Dheg-Dheer iyo
Boholaha Xargaga
- Araweelo iyo Oday
Biiqay
- Wiil-Waal iyo
Afadiisii
- Aw-Geedi Baabow iyo
todobaadka arooska
- Cigaal Shiidaad iyo
Fulaynimadiisii
Waxaan akhristayaasha
markale xusuusinayaa in qoraalkaan aan ugu talagalay aqoon isweydaarsi
iyo aqoon kororsi. Waxaan idinku casumayaa in ay ii soo gudbisaan
fikradiina kusaabsan qoraalkan.
kor
dhacdooyin dhismayaal
bilicsami Bogga
Bilicda |
|