Markii dagaalkii dhamaaday ayaa
Rasuulu SCW yiri "yaa soo eegaya waxa Abii Jahal lagu
sameeyey?" markaas ayaa asxaabta qaar ka mid ah baadi goob u
galeen. Waxaa helay Cabdullaahi ibnu Mascuud isagii oo naf
xumi ku jirto, Cabdullaahi qoorta intuu cag ka saaray,
garkana qabtay ayuu madaxa ruxay kuna yiri "ma wuusan Alle
ku hoojin cadowgii Allow?". Abii Jahal wuxuu yiri "maxaa i
hoojiyey, ma nin tolkiis diley baan u horreeyey, yaase
maanta guusha helay?", Cabdullaahi wuxuu yiri "Alle iyo
Rasuulkiisa SCW ayaa helay". Markaasuu Abii Jahal yiri "ari
raaciiyow waxaad maanta kortay meel sarreysa", Cabdullaahi
wuxuu yiri "weligeedba islaamka ayaa sarrayn jirey". Ka dib
Cabdullaahi intuu madaxii ka soo gooyey ayuu u keenay
Rasuulka SCW oo yiri "Rasuulkii Allow, cadowgii Alle ee Abii
Jahal madaxiisii waa kan". Rasuuku SCW markuu arkay wuxuu
yiri "Allihii isaga maahane uusan Ilaah kale jirin baan ku
dhaartaye ma isagii baa?! Allaah ayaa weyn, Allaah ayaa
mahad leh, Allihii yaboohiisii ku run sheegay, addoonkiisii
u gargaaray, axsaabtiina keligiis jebiyey". Ka dib wuxuu
Rasuulku SCW yiri "kani (Abii Jahal) waa fircoonkii
ummaddaan".
Wuxuu Nabigu SCW yiri "waxaan
aqoonsaday in rag reer bini Haashim ka mid ah iyo kuwo
kaleba la soo khasbay oo ay san dagaalkeenna dooneyn,
haddaba qofkii la kulma qof reer banii Haashim ah yuusan
dilin, qofkii la kulma Abaa Bakhtari binu Hisham yuusan
dilin, qofkii la kulma Cabbaas binu Cabdimudhalibna yuusan
dilin waa la soo khasbaye". Markaas ayaa Abuu xudeyfa binu
Cutba, oo aabbihiis, walaalkiis iyo adeerkiis lagu dilay
goobta, yiri "ma waxaan leyneynaa aabbayaashayo, walaalahayo
iyo qaraabadayo, Cabbaasna waa iska deynaa? Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aan la kulmo seef baan ku dilayaa".
Arrintii ayaa Rasuulka SCW loo sheegay, markaas ayaa Cumar
binu Khadhaab yiri "ii daa Rasuulkii Allow aan seef qoorta
uga gooyee, Ilaah baan ku dhaartaye waa munaafaqoobey". Abuu
Xudeyfa wuxuu dhihi jirey "kama aammin ihi kalimadii aan iri
maalinkii Badar, waana ka cabsi qabaa in la ii dhaafi doono
ilaa in shahaado (shahiidnimo) la iig dhaafo maahane". Abuu
Xudeyfa wuxuu aakhirkii ku shahiiday dagaalkii Yamaama.
Ninkii la oran jirey Abaa Bakhtari
oo Rasuulku SCW yiri yaan la dilin, waxay ahayd sababta loo
yiri, markii Makka la joogey ayuu Rasuulka SCW ka celin
jirey dadka, Rasuulka SCW iyo islaamkana wax dhib ah uma
geysan jirin, wuxuuna ka mdi ahaa raggii baabi'ieyey
warqaaddii kacbada ku dhegsaneyd ee lagu cunaqabateeyey rer
banii Haashi, hase ahaatee ninkaas waa la diley oo rag
asxaabtii ka mid ah ayaa arkay isaga iyo nin kale oo
saaxiibkiis ah, markaasay ku dheheen "adiga kula dagaallami
mayno oo waa nalaka reebay dilitaankaaga", markaasuu yiri "saaxiikayna"
waxay dheheen "ma deyneyno saaxiibkaa", markaasuu ku yiri "haddaba
waa wada dhimanaynaa aniga iyo saaxiibkey", markaas ayey
dagaallameen oo labadoodiiba halkaas lagu diley.
Sidoo kale Cabdirahmaan binu Cawf oo
wata canbuur bireedyo uu soo qaniimeystey ayaa wuxuu soo
maray Umaya ibnu Khalaf oo ahaa ninkii Bilaal addoonsan
jirey, ciqaabka daranna mariyey (markii uu Bilaal islaamay)
iyo wiil uu dhalay Umaya oo la oran jirey Cali oo meel
taagan markii ay arkeen in aysan fakan karin, markaasaa
Umaya la hadlay Cabdiraxmaan oo ay ahaan jireex saaxiibbo
waqtigii jaahiliga ee Makka la joogey, wuxuuna ku yiri "canbuur
bireedyadan aad wadato anigaa kaga faa'iido badan ee
miyaadan xoolo dooneyn "oo uu ula jeeday in isaga iyo
wiilkiisa uu qafaalo si aan loo dilin, dabadeedna ay hadhow
xoolo tiro badan isku furtaan. Cabdirahmaan, intuu canbuur
bireedyadii tuurey, ayuu kexeeyey Umaya iyo wiiliisi", goor
uu sii wado ayuu Umayd ku yiri Cabdiraxmaan; "kumuu ahaa
ninkii riishadda xabad ku watay? markaasuu Cabdiraxmaan yiri
"wuxuu ahaa Xamsa ibnu Cabdimudhalib", Umaya wuxuu markaa
yiri "kaas ayuu ahaa ninkii arrinta nagu sameeyey (na laayey)".
Cabdiraxmaan wuxuu yiri "goon aan dhexda sii marinayo ayaa
waxaa arkay Bilaal, markaasuu dhawaaqay oo yiri "waa madaxii
kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal kuuma sugnaan",
markaasaan iri "waa u sugnaaday magangal", Bilaal ayaa
markaa aad u dhawaaqay oo yiri "Ansaartii Allaay waa kufriga
Umaya ibnu Khalaf magangal uma sugnaan". Ka dib way na
hareereeyeen, aniguna waan isku daboolay, markaas ayey
wiilkiisii seef lug uga gooyeen, Umaya ayaa markaa qaylo
aanan weligey iyadoo kale maqal ku qeyliyey, markaas ayaan
ku iri "badbaadi naftaada magangal kuuma sugnaanine, aniguna
Ilaah baan ku dhaartaye wax kuuma tari karo". Ka dib
seefihii ayaa lagu boobey ilaa laga takhalusay labadoodiiba".
Cabdiraxmaan mid ka mid ah seefihii muslimiinta ayaa
dhudhunka uga dhacday, ka dib Cabdiraxmaan wuxuu dhihi jirey
"Alle ha u naxariisto Bilaal dhudhunkeygii ayuu dhaawacay,
asiirkieygiina (qafalkeygiina) waa diley".
Cumar binu Khadhaab sidoo kale wuxuu
maalinkaas diley abtigiis Caasin binu Hishaam, Abuubakarna
wuxuu u dhawaaqay wiilkiisii Cabdiraxmaan oo dhinaca gaalada
ka soo jeedey isagoo leh 'qurunyahow meeyey maalkeygii",
markaasuu Cabdiraxmaan yiri "waxaa ka haray hub, faras
carbisan iyo seef dileysa duq baadiyoobey".
Waxyaabihii mucjisaadka ahaa ee
meeshaa ka dhacay waxaa ka mid ahaa; ninka la yiraahdo
Cukaasha binu Muxsin ayaa waxaa jabtay seeftiisii, markaasuu
Rasuulka SCW u yimid isagoo seef ka doonaya. Rasuulku SCW,
wuxuu siiyey qori wuxuuna ku yiri "ku dagaal Cukaash".
Markii uu Cukaasha qaatay ayey ruxantay oo noqotay seef
dheer oo adag, birteeduna caddahay, dagaalkii ayuuna ku
galay Cukaasha, waxaana seeftaa la dhihi jirey Cawn, wuuna
heysan jirey oo wuxuu ku geli jirey jikhaadyada ilaa uu
aakhirkii ku shahiidey dagaalkii uu Abuubakar ku qaaday
dadkii riddoobey markuuu Rasuulku SCW geeriyoodey. Sidoo
kale waxyaabihii uu iimaanku ka muuqday ee goobtii badar ka
dhacay waxaa ka mid ahaa; markuu dagaalku dhammaaaday ayuu
Muscab binu Cumeyr soo maray walaalkiis Abii Casiis binu
Cumeyr oo nin muslim ihi soo qafaalay. Markaasuu ku yiri "si
fiican u adkee hooyadiis xoolo ayey leedahay oo waxaa la
arkaa in ay furato". Abuu Casiis aya markaas yiri "ma taas
ayaad ii dardaarantay walaalkayow". Muscab wuxuu yiri "kan
ayaa walaalkay ah" oo uu ula jeeday saxaabigii waday.
Arrimahaas oo ku tusinaya sida uu
asxaabta Rasuulka SCW iimaanku qalbigooda u degey oo aysan
wax yar oo naxariis ah ugu hayn dadkaas Ilaahay diintiisii
iyo manhajkiisii la colleytamay haba ahaadeen aabbayaashood,
addeeradood, walaalahood, abtiyaashood ama qaraabadoodii.
Waxayna ku run shegeen aayaatkii Allaah sida kuwaan:
((KUWA MU'MINIINTA AHW HAKA
YEELANINA AABAYAALKIIN IYO WALAALIHIIN WALIYO HADDAY
GAALNIMO KA JECLAADAAN IIMAANKA, CIDII KA WALI DHIGATA (GAALO)
OO IDINKA MIDA, KUWAASAA UN DAALIMIIN AH)), (Suuratu-Tawbah
23).
((MA HELAYSID DAD RUMEEYEY ALLE IYO
MAALINKA AAKHIRO IN AY JECLAADAAAN CID KHILAAFTAY ALLE IYO
RASUULKIISA, HABA AHAADAAN AABAYAALKOOD, CARUURTOODA,
WALAALAHOOD, IYO QARAAABADOODA, KUWAAS (AAN JECLAANIN
GAALADA) WAA KUWA QULUUBTOODA LAGU QORAY IIMAANKA, WUXUUNA (ALLE)
KU XOOJIYEY GAG GAAR XAGIISA KA AHAADAY, WUXUUNA GALINAYAA
JANNOOYIN AY HOOSTEEDA SOCONAYAAN WABIYAAL, WAYNA KU
WAARAYAAN DHEXDEEDA, ALLE WAA KA RAALI NOQDAY IYANA WAA
KARAALI NOQDEEN, KUWAASI WAA XISBIGA ALLE, XISBIGA ALLE UN
BAANA LIIBAANAY)), (Suuratul-Mujaadala 22).
Ugu dambayntii markii dagaalkii
dhammaaday, jab iyo halaagna ku habsaday ciidankii kufriga
ee difaacayey waddada baadhilka ah ee sheydaanka, ayna u
qaybsameen wax dhintay, wax la qafaashay iyo wax cararay oo
uu dhaawac ka buuxo, Allaahna uu guul iyo nasri u soo hooyey
xisbigiisii u dagaallamayey in kalimadda Allaah kor noqoto,
kalimadda sheydaankuna hooseyso, goobtiina ay iyagu furteen
oo u hareen, ayaa Rasuulku SCW wuxuu amray in ceel ka mid
ahaa ceelashii Badar lagu guro bakhtigii gaalada, markaas
ayaa lagu guray iyadoo qof qof laagu ridayo.
Dadkii muslimiinta ahaa ee goobtaas
ku shahiiday waxay dhammaayeen 14 nin; 6 Muhaajiriin ah iyo
8 Ansaar ah, gaaladana waxaa ka dhintay 70 nin oo u badnaa
madaxdoodii iyo odeyaashoodii, waxaana laga qafaashay 70 nin
oo kale. Rasuulku SCW raggii odeyaashooda ahaa ayuu
magacyadoodii ugu yeeray oo ku yiri "ma idin farax
gelineysaa in aad Ilaah iyo Rasuulkiisa adeecdaan? annagu
waan helnay wuxuu Rabbigayo noo ballan qaaday isaga oo xaq
ah ee ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday isaga
oo xaq ah?" Cumar binu Khadhaab ayaa Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii
Allow maxaad ula hadlaysaa jir aan naf lahayn?", wuxuu
markaas Nabiga SCW yiri "Allihii nafsadda Maxammad
gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye ugama maqal badnidin
waxa aan leeyahay, laakiin ma jawaabayaan".