Ciidankii gaaladu markii ay hasiimo
ku dhacday oo uu jabay ayuu kala firxaday iyadoo uu nin
walba wejiga saaray meeshii ka horreysey. Magaaladii Makkana
waxa ay suggeysey natiijada dagaalka iyo warka cusub ee ka
soo yeeri doona goobta dagaalka.
Ibnu Hishaam wuxuu yiri "ninkii ugu
horreeyey ee Makka tagay wuxuu ahaa nin la oran jirey
Xaysamaan binu Cabdullaahi Al-khusaaci, markaas ayaa lagu
yiri "bal noo warran", wuxuu yiri "Cutba binu Rabbiica waa
la dilay, Shayba binu Rabbiica waa la dilay, Abii Jahal binu
Hishaam waa la dilay, Umaya ibnu Khalafna waa la dilay".
Markuu raggii magaca lahaa oo dhan tiriyey ayaa waxaa hadlay
Safwaan binu Umaya oo qolka dhexdiisa fadhiyey wuxuuna yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye kani waxba ma oga ee bal aniga i
weydiiya (iga waraysta) xaalkeyga", markaas ayey dheheen "ka
warran Safwaan binu Umaya?", wuxuu yiri "waa kaa halkaa
fadhiya, Ilaah baan ku dhaartaye aabbihiis iyo walaalkiis
ayaa arkayey markii la dilayey.
Dhinaca Madiina, oo iyaguna sugayey
akhbaarta cusub iyo waxa soo yeeri doona, ayaa markuu
Rasuulku SCW helay narsirii Allaah waxa uu dhinaca Madiina u
diray labo nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa oo kala ahaa; Seyd
binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Wuxuuna u kala
diray labada dhinac ee magaalada Madiina. Dhinaca sare wuxuu
u diray Cabdullaahi, dhinaca hoosena Seyd.
Yahuuddii iyo munaafiqiintii joogey
Madiina waxay intaa dagaalka lagu maqnaa fidinayeen
dacaayado been ah ilaa ay markii dambe faafiyeen in Nabiga
SCW la dilay. Nin munaafiqiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu arkay
Seyd binu Xaarith oo soo socda oo fuushan hashii Rasuulka
SCW, markaas ayuu yiri "Maxammad waa la dilay waa tan
hashiisii aannu ku naqaanay, kanina waa Seyd oo aan ogeyn
waxa uu ku hadlayo argagax dartiis, firxadkii baana yimid."
Wax yar ka dibse markii ay labadoodii (Seyd iyo Cabdullaahi)
galeen magaaladii ayaa dadkii muslimiinta ahaa isku soo
hareereeyey iyagoo dhagaysanaya warka cusub ee ka soo yeeray
goobtii dagaalka. Markii ay dhegaysteen guusha iyo nasriga
uu Ilaah muslimiinta u soo hooyey waxaa la ruxantay tahliil
iyo takbiir, Usaama binu Seyd wuxuu yiri "Waxa uu warku noo
yimid annaga oo markaa ciidda ku rognay gabadhii Rasuulka
SCW Ruqiya binu Maxammad SCW, oo uu qabay Cusmaan ibnu
Cafaan. Xanuunkaas gabadha awgeed ayuu Rasuulku SCW Cusmaan
uga soo reebay ciidanka, qaybtiisii dagaalka badarna waa uu
u dhigay.
Rasuulku SCW waxa uu sii degganaa
goobtii Badar saddex maalmood, laga soo bilaabo markii uu
dagaalku dhammaaday. Intii meeshii la joogay muslimiinta
qayb ka mid ahi waxa ay ceyrsadeen gaaladii, qayb kalena
waxa ay ururinayeen qaniimadii meesha laga helay, qayb
saddexaadna Rasuulka SCW ayey waardiyeynaysay. Khilaaf yar
ayey markaas asxaabtu isku khilaafeen xoolihii qaniimada
ahaa ee gaalada laga furtay. Markaas ayaa Rasuulu SCW amray
in xoolihii oo dhan la soo ururiyo oo isaga loo keeno. Waxaa
markaas soo dagtay aayaddan:
((WAXAY KU WAYDIINAYAAN (XUKUNKA)
QANIIMADA, WAXAAD DHAHDAA QANIIMADA WAXAA ISKA LEH ALLE IYO
RASUULKA SCW, EE KA BAQA ALLE OO WANAAJIYA DHEXDIINA,
WAXAADNA ADEECDAAN ALLE IYO RASUULKA SCW HADDII AAD TIHIIN
MU'MINIIN)), (Suuratul-Anfaal).
Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii
Madiina ayey aadeen iyagoo wata 70 nin oo qafal ah.
Maxaabistaas waxaa waday Cabdullaahi ibnu Kacab. Rasuulku
SCW wuxuu markaas degay meel dhexe oo uu ciidankiiiugu
qaybiyey xoolihii gaalada laga soo furtay, ka dib markuu ka
saaray khumuskii.
Intaa ka dib Rasuulku SCW jidka ayuu
sii qaaday, markuu marayo meesha la yiraahdo Safraa ayuu
amray in la dilo Nadar binu Xaarith oo ahaa ninkii waday
calanka gaalada, kana mid ahaa kuwii ugu waaweynaa
dambiilayaasha qureysh, islaamkana aad u necbaa. Waxaa
ninkaas qoorta u dheereeyey Cali binu Abii-dhaalib. Waddadii
ayay ku sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisii marki ay
marayaan meesha la yiraahdo Cirqu Dubaya ayuu Rasuulku SCW
amray in la dilo Cuqba ibnu abii Muceydh oo ka mid ahaa
70kii nin ee maxabiista ahaa. Ninkaas oo dhibaatooyinkiisa
qaar ka mid ah aynu kitaabkan bilowgiisa kaga soo hadalnay
wuxuu ahaa ninkii mandheerta saaray Rasuulka SCW markuu
kacbada ku tukanayey, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii marada ku
ceejiyey Rasuulka SCW oo ku sigey inuu dilo. Haddaba ninkaa
oo ka mid ahaa dadkii aadka u dhibay Rasuula SCW iyo diinta
islaamka markii uu Rasuulku SCW amray in la dilo ayuu yiri "yaa
maatada u jooga Maxammadow?" Rasuulkuna SCW wuxuu ugu
jawaabay "naar". Waxaa ninkaa isagana dilay Caasim binu
Thaabit Al-ansaari, waxaa kale oo la dhahaa waxaa dilay Cali
binu Abii-dhaalib. Rasuulku SCW qof kale kama dilin dadkii
maxaabiista ahaa, laakiin labadaan si degdeg ah ayuu u amray
dilkooda shartooda oo badnayd awgeed.
Rasuulku SCW markuu marayo meesha la
yirahdo Rawxaa ayaa waxa ka hor tegay qaar ka mid ahaa
muslimiintii Madiina ku haray, iyagoo u tahniyadeynaya oo
soo dhowaynaya Rasuulka SCW iyo ciidanka, waxaa markaas
hadlay Salama ibnu Salaama oo ka mid aha ciidanka oo yiri "maxaad
noogu tahniyadeyneysaaan Ilaah baan ku dhaartaye waxaan la
kulannay habro fadhfadhiya sidii geelii", markaas ayaa
Rasuulku SCW dhoolla caddeeyey oo ku yiri "walaalkay
wiilkiisiiyow kuwaasi waa madaxyoweyn". Waxaa isna Rasuulka
SCW la hadlay Useyd ibnu Xudeyr (oo ka mid ahaa dadkii
madiina ku haray) wuxuu yiri "Rasuulkii Allow Ilaah ayaa
mahad iska leh, Allihii ishaada qaboojiyey, Ilaah baan ku
dhaartaye rasuulkii Allow ma ahayn dib uga dhiciddeyda Badar
in aan malaynayey in aad cadow la kulmaysaan, laakiin waxa
aan malaynayeey safarkii (in aad lakulmaysaan), haddii aan
malayn lahaa cadowgana ma hareen", Rasuulku SCW wuxuu yiri
"run baad sheegtay".
Rasuulka SCW wuxuu intaas ka dib soo
galay magaalada Madiina isaga oo soo guuleystey oo Ilaahay
soo ciseeyey. Maxaabiistiina waxaa Madiina la keenay
maalinkii ku xigey, wuxuuna u kala dhiibay asxaabtiisa,
wuxuuna u dardaarmay in la wanaajiyo. Asxaabtu aad ayey u
wanaajiyeen maxaabiistaas oo waxay siinayeen cuntooyinkooda
kuwii ugu wanaagsanaa. Rasuulku SCW waxa uu kala tashaday
asxaabtiisa sidii uu u geli lahaa maxaabiista. Waxaa hadlay
oo fikrad soo jeediyey Abuubakar oo yiri "Rasuulkii Allow,
wuxu waa walaalaheen, ilma adeerradeen iyo qaraabadeen, waxa
aan anigu u arkaa in aad maal ka qaadatid si wixii aan ka
qaadano aan gaalada ugu xoogeysana, iyagana waxaa la arkaa
in Ilaahay soo hanuuniyo oo ay garab inoo noqdaan".
Wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri "maxaa
aragtaa ina Khadhaabow", Cumar wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye ma arko ra'yiga Abuubakar ee waxaan arkaa in aad
aniga ii dhiibtid hebel qoorta aan ka gooyee, Calina aad u
dhiibtid walaalkiis Caqiil binu Abii-dhaalib qoorta ha ka
gooyee, Xamsana aad u dhiibtid walaalkiis Cabbas qoorta ha
ka gooyee si Ilaahay u ogaado in aannaan wax jacayl ah
qalbiga ugu heyn mushrikiinta, kuwanuna waa madaxdoodii iyo
hoggaamiyayaashoodii". Rasuulku SCW wuxuu markaa qaatay
ra'yigii Abuubakar, wuxuuna ku xukumay in ay xoolo isku
furtaan.
Cumar wuxuu yiri "maalinkii dambe
ayaan u imid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ooyaya, markaas
ayaa ku iri "Rasuulkii Allow ii sheeg waxa kaa oohiyey adiga
iyo saaxiibkaa? haddii aan oohin iska helo waan ooyayaa,
haddii kalena waan iska raadinayaa arrintiinna darteed".
Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "arrintii ay ii soo
bandhigeen saaxiibbadaa, oo ahayd in xoolo laga qaato (maxaabiista),
sababteed waxa uu cadaabkeedu iga soo dhowaaday geedkan".
Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku
yiri:
((UMA HABOONA NABI IN AY U AHAATO
KUWA LA QAFAASHAY (MAXAABIIS) ILAA UU KAGA JILCIYO (GAALADA)
DHULKA, (OO AY TABAR DHIGAAN) WAXAAD DOONAYSAA MUUQA
ADUUNYADA (XOOLO), ALLENA WAXA UU DOONAYAA AAKHIRO (IN AAD
GAALO BAABI'ISAAN), ALLE WUXUU AHAADAY (ALLE) QAALIB AH OO
XAKIIM AH)), (Suuratu-Anfaal 67).
Allaah SW wuxuu aayaddaan ku
canaantay Rasuulka SCW oo qafaashay gaaladii kana aqbalay in
ay is furtaan, nimankan oo aan weliba ahayn askar keliya ee
ahaa hoggaamiyayaashii ugu khatarsanaa gaalada. Sidaa
darteed Allaah wuxuu ku ayiday fikradii Cumar ee ahayd in
madaxa laga guro maxaa yeelay Allaah diintiisii ayey la
dagaallameen, xoog baan lagu soo qabtay, in la dilona waxaa
ku jirey xikmado badan oo Allaah keliya uu koobi karo,
waxaana ka mid ah:
1. In aysan mar kale cadowga u soo
dagaallamin, Ilaahay diintiisana uga hor imaan sida dhacday
in markii la sii daayey ay qaar badan oo ka mid ahi ka soo
qayb galeen duuullaamadii dambe ee islaamka lagu soo qaadday.
2. In la tuso in Rasuulka SCW iyo
muslimiintu aysan wax naxariis ah u hayn ciddii Ilaahay
diintiisa ka hor timaadda.
3. In kuwo badan oo ku dhiirran
lahaa dagaalka muslimiinta ay ku quus qaatan oo aysan ku soo
degdegin duullaan dambe.
Waxaa lagu xukumay maxabiistii xoolo
qiimohoodu u dhexeeyo kun Dirham ilaa Afar kun oo Dirham,
qofkii aan waxba haysanna waxaa la amray in uu qoraalka baro
toban wiil oo muslimiinta reer Madiina ka mid ah, maxaa
yeelay reer Madiina sidaa wax uma qori jirin oo reer Makka
ayaa uga horeeyey. Rasuulku SCW wuxuu iska cafiyey oo uusan
waxba ka qaadin dhawr nin oo qaarkood u dan sheegtay ayna ka
mid ahaayeen; Mudhlab binu Xandal, Seyfi ibnu Abii Rufaaca
iyo Abuu Ciisa Al-jumuxi. Abuu Ciise, oo nabiga SCW aad ugu
dan sheegtay, kana ballan qaaday in uusan duullaan dambe soo
raaci doonin, wuxuuu soo racay duullaankii ku xigey ee Uxud
markaas ayaa mar labaad la qabtay oo qoorta loo dheereeyey.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa maxaabiista la cafiyey
Abil-Caas oo qabay gabdhii Rasuulka SCW ee Seynab oo
wakhtigaas Makka joogtay. Si ay ninkeeda u furato waxay
Makka ka soo dhiibtay qoor xirkeedii, oo ay arooskeedii
hooyadeed Khadiija siisay. Rasuulku SCW markii loo keenay
qoor xirkaas wuxuu asxaabtii ka codsaday in ay u sii daayaan
Abil-Caas, iyaguna way ka yeeleen, dabadeedna wuxuu Rasuulku
SCW Abil-Caas u shardiyey in uu Seynab soo diro, isaguna waa
aqbalay oo markuu Makka tegey ayuu soo diray, ka dibna wuxuu
Rasuulku SCW u direy Seyd binu Xaarith iyo labo nin oo
Ansaar ah in ay Seynab dhex ka soo wadaan. Waxaa kale oo ka
mid ahaa maxaabiista nin la oran jirey Suheyl binu Camar oo
u hadli jirey gaalada. Cumar binu Khadhaab ayaa markaas
Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow Suheyl foolasha ka
siib, carrabkana jeex si uusan mar kale mowqif dambe ugaga
soo hadlin", hase yeeshee Rasuulku SCW wuu ka diiday Cumar
fikraddaa uu soo jeediyey maxaa yeelay waa tamthii (dhalan
rogid iyo jir xumayn) Islaamkuna ma ogala.
Intaa aan maxabiistii la sii deyn
ayaa waxaa Makka aaday nin mulimiinta ka mid ah oo la oran
jirey Sacad binu Nucmaan si uu u soo cumraysto. Markii uu
Makka tegay ayaa Abuu Sufyaan xabbisay, dadka maxaabiista
ahna waxaa ku jirey wiil uu dhalay Abuu Sufyaan oo la oran
jirey Camar. Dabadeedna waxaa loo sii daayey wiilkiisii isna
wuxuu sii daayey Sacad.
Maxaabiista oo isugu jirey dad la
cafiyey iyo dad xoolo isku furtay, sidaa ayaa loo sii daayey.
Arrintoodiina waxa ay noqotay siduu Abuubakar soo jeediyey
Rasuulkuna SCW ku raacay oo xoolona waa laga helay,
badankoodiina aakhirkii waa islaameen. Dagalkii Badarna
sidaa ayuu ku dhammaday, waxaana ku soo degtay oo si fiican
u qaadaadhgtay suuradda la yiraahdo Anfaal. Dagaalkaas, oo
ahaa dagaal qureysh dulleeyey, una keenay khasaare iyo hoog,
ummada badan oo awal musliminta u soo miciyo lisanayeyna
candhuuftii ayey dib u leqeen ka dib markii ay arkeen waxa
ku dhacay qureysh oo ahayd libaaxii carbeed. Waxaana
islaamkii qaatay baqdin ay u baqayaan maalkooda iyo naftooda
kooxdii awal ka hadhay labadii qabiil ee Ansaar. Waxaana
kooxdaas madax u ahaa Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Saloo, oo
ahaa ninkii ay reer Madiina rabeen in ay madax ka dhigtaan
intii aysan islaamin ka hor. Dadki muslimiinta ahaa Ilaahay
wuxuu siiyey ciso iyo guul, wuxuuna ka saaray cabsidii iyo
tabar yaridii haysey.