Intaa ka dib waxaa bilaabmay
dagaalkii wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran jirey Aswad
binu Cabdil-asad Al-makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka
gaalada, ahaana sidiisaba nin akhlaaq xun, ayaa ka soo dhex
baxay ciidankii gaalada isagoo leh "Ilaahay waxaan kula
ballamay in aan darkooda ka soo cabbo ama aan soo dumiyo ama
ka soke la igu dilo". Markii uu soo baxay ayaa waxaa u soo
baxay Xamsa binu Cabdimudhali oo seef ka hor geeyey waxayna
seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar dhabar ayuuna u soo
dhacay markaasuu xammaartay isagoo doonaya inuu dhaartiisii
fuliyo oo darka gaaro hase yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay
oo seef kale ku dhuftay isagoo darkii ku jira halkaas ayuuna
ku naf waayey. Ninkaas ayaan aahaa ninkii ugu horreerey ee
goobtaas Badar ku dhinta.
Waxaa markaas ciidankii qureysh ka
soo banbaxay saddex nin oo isku hal qoys ah lana kala oran
jirey Cutba ibnu Rabbiica, Walaalkiis Shayba ibnu Rabbiica
iyo wiilkiisii Waliid ibnu Cutba. Nimankaas oo ahaa
halyeeyadii qureysh waxay dalbadeen in saddex nin dhinaca
kale soo banbaxaan. Waxaa markaa Rasuulku SCW u saaray
saddex nin oo Ansaar ah oo kala ahaa Cawf binu Xaarith,
walaalkiis Mucaad binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa.
Nimankii qureysh waxay yiraahdeen iyagoo doonaya inay
ogaadaan nimanka loo soo xulay "waa kuwama", markaasaa loogu
jawaabay "waa koox ansaar ah", dabadeed waxay yiraahdeen "kuf
wanaagsan baad tihiin danse idinkama lihin ee waxan
doonaynaa ilma adeerradayo", weliba nin ciidanka gaalada ka
mid aha ayaa intuu qayliyey yiri "Maxammadow noo soo saar
rag noo qalma oo ciddayada ah". Markaas ayaa Rasuulku SCW
wuxuu u soo saaray saddexdii nin ee ciidanka ugu xigey oo
kala ahaa Xamsa binu Cabdimudhalib oo adeerkiis ahaa, Cali
binu Abii-dhaalib oo ina adeerkiis ahaa iyo Cubeyda binu
Xaarith oo ina adeerkiis ahaa. Markay saddexdaa nin soo
banbexeen ayey haddana nimankii qureysh yiraahdeen "waa
kuwama", markii ay isu sheegeen ayey yiraahdeen "waxaad
tihiin kuf wanaagsan". Ka dib ninba nin ayuu ku hagaagay;
sida uu Ibnu Isxaaq weriyey Cubeyda, oo saddexda muslimiinta
aha u da'yaaraa, wuxuu u baxay Cutba, Xamsana wuxuu u baxay
Sheyba, Calina wuxuu u baxay Waliid. Hase yeeshee Axmed binu
Xanbal iyo Abii Daa'uud waxay weriyeen in Cubeyda u baxay
Waliiid; Calina u baxay Shayba; Xamsana u baxay Cutba.
Isu banbaxaas ayaa bilaabmay, Xamsa
iyo Cali si dhadhso ahba waxay uga takhaluseen labadii nin
ee ku kala aaddanaa, hase yeeshee Cubeyda iyo ninkii ku
beegnaa waxay is dhaafsadeen laba seefood oo laba nabar oo
halis ayey isku dhufteen. Xamsa iyo Cali ayaa markaa u yimid
oo ninkii kale is raaciyey, Cubeydana soo xambaaray hase
ahatee dhaawacaas ayuu u dhintay Cubeyda afar ama shan beri
dagaalka ka dib iyadoo ay muslimiintu jidka ku sii jiraan.
Cali binu Abii-dhaalib wuxuu ku dhaaran jirey in ay
arrinkaas ku soo degtay aayadan. (LABADAANI WAA DOODAYAAL KU
DOODAY RABBIGOOD). (Suuratul-Xaj 19).
Nimankii mushrikiinta ahaa markay
arkeen sida ay mubaarasadii (isu soo ban bixiddii) ku
dhamaatay, jab iyo guul darro degdeg ahna ay u soo hoyatey,
ayna waayeen saddex oo odeyaashoodii ahaa, kana mid ahaa
fardooleydoodii, dagaalkana wax ka hoggaaminayey, ayey hal
mar soo qaadeen weerar ballaaran iyagoo ay ka muuqato caro
daran.
Muslimiintii markay arkeen nasriga
iyo guusha degdegga ah ee Ilaaha u soo hooyey iyo dhinaca
gaalada jabka ku dhacay iyo weliba weerarka ay hadda soo
qaadeen ayey galeen difaac iyagoo fulinaya amarkii Rasuulka
SCW ee ahaa "dagaal ha qaadina ilaa aan amar idin siiyo,
markay idiin dhawaadaan fallaaraha ku gana, hana la bixina
seefaha ilaa ay idin dul yimaadaan, taasoo ay xikmadda ku
jirtaa tahay in xamaasaddoodu ay jabto weerarkana ay ku
hoobtaan sidaad darteed ayaa waxaa ku dhacay gaaladii
khasaare sun.
Rasuulku SCW wuxuu baryayey
Rabbigiis, ducadiina wuu ku ilxaaxyey (ku cel celiyey)
isagoo leh "Allahayow i sii wixii aad ii yaboohday,
Allahayow waxaan kugu baryayaa ballaantii iyo yaboohii aad
iga qaaday, Allahayow haddaad kooxdan (muslimiinta) maanta
halaagtid dib dhulka lagugu caabudi maayo, Allahayow haddaad
doonto lagu caabudu maayo maanta ka dib weligeed. Aad ayuu
Rasuulku SCW ugu xeeldheeraaday (ducada) isagoo Rabbigiis
gargaar weydiisanaya oo isu dulleynaya ilaa uu go'iisii kor
ka dhacay. Abuubakar ayaa u soo qaaday go'ii oo Rasuulka SCW
ku yiri "Rasuulkii Allow kugu filan, Rabbigaana waad ku
ilxaaxisay". Sidaa oo kale ayaa looga baahan yahay qofka
mu'minka ah ee mujaahidkaa markuu dadal nooc walba ah la
yimaaddo inuu Ilaahay baryo oo uu gargaarkiisa weydiisto
uguna tadarruco (isu bihin bihiyo), una arko ciidan iyo
awood wax walba oo uu isu keeno ineysan wax tarayn hadduusan
Rabbi u gargaarin.
Intaa ka dib Allaah ayaa u waxyooday
Rasuulkiisa SCW oo ku soo dejiyey aayaddan:
((XUSUUSTA MARKAAD GAG GAAR
WAYDIISANAYSEEN RABBIGIIN OO IDINKU AJIIBAY WAXAAN IDINKU
SIYAADIN KUN MALAA'IGTA KA MID AH OO IS RAAC RAACSAN, ALLENA
(ARRINKAAS) WAX KALE UMA YEELIN ILAAA BISHAARO IYO IN AY
QULUUBTIINU KU XASISHO MAAHANE, NASRIGUNA MEEL KALE MA AHAA,
ALLE AGTIISA MA'AHAANE, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE QAALIB
AH OO XAKIIM AH)), (Suuratul-Anfaal 9-10).
Wuxuu Allaah sidoo kale u waxyooday
malaa'igtii oo ku yiri aayaddan:
((MARKUU RABBIGAA U WAXYOODAY
MALAA'IGTA (OO UU YIRI) ANAA IDINLA JIREE SUGA (XOOJIYA)
KUWA MU'MINIITA AH, WAXAAN KU RIDAYAA KUWA GAALOOBAY
QULUUBTOODA ARGAGAX EE KA GARAACA LUQUNTA KORKEEDA, KANA
GARAACA XUBIN WALBA)), (Suuratul-Anfaal 12).
Rasuulku SCW wax yar ayuu markaas
lulmooday ka dibna madaxa ayuu kor u qaaday oo samada eegay
wuxuuna yiri "bishaareyso Abuubakarow waxaa kuu yimid
nasrigii Ilaahay, kani waa Jibriil oo faraskiisii wata,
wejiga faraskiisuna uu boor leeyahay". Riwaayad kale oo
Bukhaari weriyey waxay ahayd "bishaarayso Abuubakarow waxaa
kuu yimid narsigii Alle kani waa Jibriil oo ku dheggen
faraskiisa madixiisa oo qalabkisii dagaalka wata". Rasuuku
SCW wuxuu ka soo baxay waabkiisa isagoo qaba cambuur
bireedkiisi, wuxuuna akhrinayay aayaddan:
((WAA LA JABIN JAMACA (CIIDANKA
GAALADA) DABADAYNA JEEDIN)), (Suuratul -qamar 45).
Ka dib wuxuu qaatay cantoobo ciid ah
oo ku seyriyey ciidanki gaalada. Ciiddii ayaa markaa Allaah
gaarsiieyey kulligood oo ka gashay indhaha, sanka iyo afka.
Allaahna wuxuu soo dejiyey aayaddan:
((MA IDINNAAN LAYN IYAG (GALADA) EE
ALLAAH LAAYEY, MANA AADAN GANIN MARKAAD GANAYSAY EE ALLAA
GANY (OO INDHAHA KAWADA GALIYEY), SI UU MU'MINIINTA UGU
NIMCEEYO NIMCO WANAAGSAN, WUXUUNA ALLE YAHAY (ALLE) WAX
MAQLA OO KU CILMI LEH)), (Suuratul-Anfaal 17).
Rasuulku SCW wuxuu markaa bixiyey
amarkii kama dambaysta ahaa wuxuuna amray in ay weerar
qaadaan wuxuuna ku booriyey dagaalka isagoo leh "Allihii
Maxamed naftiisu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye, nin
maanta ma dagaallamo oo lama dilo isagoo sabraya ajarna
urursanaya soona jeeda oo aan daba jeedin illaa Ilaahay
Janno ayuu gelinayaa". Wuxu kaloo yiri "u istaaga Janno
ballaarkeedu le'eg yahay smawaatka iyo dhulka". Cummayr ibnu
Xammaam ayaa markuu hadalkaa maqlay yiri "bakhin bakhin" (oo
uu ula jeedo liibaan liibaan), Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "maxaa
kugu xambaaray hadalkan?", Cummayr ayaa yiri "Rasuulkii
Allow wax kale iguma xambaarin illaa inaan damcayo inaan
ehelkeeda (jannada) ka mid noqdo maahane". Rasuulku SCW
wuxuu yiri "ehelkeeda ayaad ka mid tahay", Cummayr timir uu
cunayey ayuu tuuray oo yiri "haddaan noolaado intaan
timirtan ka cunayo waa nolol dheer" wuuna dagaallamay ilaa
uu ka shahiiday. Sidoo kale Cawf binu Xaarith ayaa yiri "Rasuulkii
Allow maxaa addoonku Rabbigiis ku farax geliyaa?". Rasuulku
SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay waxaa farax geliya inuu arko
addoonkiisa oo gacantiisa dhex geliya cadowga isagoon waxba
wadan" (oo uu ula jeedo dagaalama isagoon wax uu isku
difaaco (canbuur bireed) wadan). Markaas ayuu Cawf orday oo
dagaallamay ilaa laga dilay.
Rasuulku SCW khiddadii uu
isticmaalay, oo ahayd in gaalada la weeraro markay
xamaasaddoodu jabto, waxay ahayd xeelad aad u cajiib badan
oo ay mulimiintu aad ugu faa'iideysteen, gaaladiina ku
ridday niyad jab iyo fashil iyo in safafkoodii kala jabaan.
Waxaa kale oo muslimiinta intaa u
sii dheerayd dhiirrigelintii Rasuulka SCW iyo wacdarihii uu
ka muujiyay goobaha dagaalka, iyo sidoo kale malaa'igtii
Ilaahay oo dagaalka ku jirtey oo iyaduna gaalada ka
goyneysey luqumaha dushooda iyo xubin walbaba. Riwaayd laga
weriyey Cikrama binu Subaji wuxuu ku yiri 'maalinkaas waxaa
la arkayey madax go'aya iyo gacan finiineysa oo aan la ogeyn
cidda ku dhufatay".
Abuu Daa'uudal-maasini wuxuu yiri "waxaan
ceyrsaday nin mushrikiintii ka mid ah si aan u dilo,
markaasaa madaxiisii soo dhacay seeftaydii oo aan gaarin,
markaasaan ogaaday in cid kale dishay". Sidoo kale in
Ansaartii Rasuulka SCW ka mid ah ayaa soo qafaashay Nabiga
SCW adeerkii Cabbaas binu Cabdimudhalib markaasuu u keenay
Rasuulka SCW, markaasaa Cabbaas yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye inuusan kani i soo qafaalin ee waxaa i soo
qafaalay nin ka mid ah kuwa ugu weji qurxoon dadka oo saaran
faras, haddan aanan ku dhex arag ciidanka". Ninkii saxaabiga
ahaa ayaa markaa yiri "anigaa soo qafaalay Rasuulkii Allow",
markaasaa Rasuulku SCW yiri "aamus Ilaahay baa kugu xoojiyey
malak wanaagsane". Arrimahaas oo dhan waxay ku tusayaan sida
ay malaa'igtii Rabbi uga qayb qaadatay dagaalkaas, nasrigii
Allaahna ugu dhaboobay goobtaas.
Cid walba oo u istaagta manhajka
Alle iyo in ay kalimaddiisu kor noqoto Allaah waa u
gargaarayaa, ciddii ka hor timaadda manhajkiisa oo diaacda
jidka sheydaankana Allaah garabkooda ayuu ka baxayaa. Sidaa
darteed nimankii qureysh ahaa garabkooda ayuu Allaah ka
baxay, safafkoodiina way kala jajabeen, waxayna bilaaben
carar iyo insixaab (dib u gurasho).
Ninkii la oran jirey sheydaan oo
awal isku soo ekeysiiyey Suraaqa ibnu Maalik sidaan soo
sheegnayba oo laga soo bilaabo ilaa Makka la soo socday,
markuu arkay malaa'igtii Allaah oo soo degayso ayuu cararay.
Xaarith ibnu Hishaam, oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh,
ayaa sheydaankii tafta ku dhegay isagoo u malaynaya Suraaqa
ibnu Maalik, markaasaa sheydaankii xabadka ku dhuftay oo ku
cararay. Ciidankii gaalada qaar ka mid ah ayaa markaa ku
qayliyey oo yiri "xaggee u socotaa Suraaqo?", miyaadan
dhihin waan idinla joogayaa oo idin faaruqi maayo?",
markaasuu yiri "waxaan arkaa wax aydin arag , aniga Allaah
ayaan ka baqayaa". Allaahna isagoo arrintaan tilmaamaya
wuxuu yiri:
((MARKUU SHAYDAANKU U QURXIYAY
CAMALKOODA OO KU YIRI WAX IDINKA QAALIB NOQON KARA OO AAD
DAD AH MAJIRO ANNA WAAN IDIN LA JIRAA, MARKAY IS ARKEEN
LABADII CIIDANNA GADAAL BUU U GURTAY, WUXUUNA YIRI "ANIGA
BARIBAAN IDINKA AHAY WAXAANA ARKAA WAXAYDAAN ARAG, WAXAANA
KA BAQAYAA ALLE, OO WUXUU ALLE AHAADAY MID CIQAABKIISU DARAN
YAHAY)), (Suuratul-Anfaal 48).
Mujrimkii weynaa ee Abii Jahal
markuu arkay waxa ciidankiisii ku dhacay iyo waxa uu Suraaqa
ninkii uu u heystay sameeyay, ayuu ciidankiisii la hadlay oo
ku yiri "yeysan idin niyad jebinin khiyaanada Suraaqa, maxaa
yeelay Maxammad ayuu ballan la lahaa, yeysanna idin murug
gelinnin dilitaanka Cutba, Shayba iyo Waliid maxaa yeelay
way degdegeen, Laata iyo Cusaan ku dhaartaye noqon mayno
ilaa aan Maxammad iyo dadkiisa xargo ku xirxirno, hama
dilina ee soo qabqabta si aan u ogeysiino xumaatadadii ay
sameeyeen". Hase yeeshee hantaatacaas Abii Jahal waxba
ciidankii uma siyaadin maxaa yeelay xaqiiqdii ayey
indhohooda ku arkeen, meeshoodii ayeyna baqdintii iyo
cararkii ka sii wadeen, qoortana looga guray.
Cabdiraxmaan ibnu Cawf wuxuu yiri "maalinkii
Badar anigoo safka ku jira ayaa dhinacayga midig fiiriyey
mise waxaa jooga wiil da'yar, dhinacayga bidix ayaan haddana
fiirshey isna waxaa joogey wiil da'yar oo kii hore le'eg ,
markaasaan is iri "waaba anigoo aan aammin ku ahayn booska
ay iga joogaan. Ka dib labadii wiiil midkood ayaa isagoo kii
kale ka qarsanaya igu yiri "adeer Abii Jahal i tus"
markaasaan ku iri "adeer maxaad ku samaynaysaa", wuxuu yiri
"waxaaa la ii sheegay inuu caayi jirey Rasuulka Allaah SCW,
Ilaahay ay nafsaddaydu gacantiisu ku jirtey baan ku
dhaartaye haddaan arko inaanan is gefaynin ila midkayagii
horreeyaa dhinto", markaasaan la yaabay. Kii kale ayaa isna
i qanjaruuftay oo sidii oo kale igu yiri. Muddo yar ka dib
waxaan arkay Abii Jahal oo ciidankii dhex boodaya,
markaasaan labadii wiil ku iri "miyeydiinaan u jeedin, wa
kaas saaxiibkiinnii aad i weydineyseen", markaas ayey hal
mark isa sii daayeen oo seefihii ku boobeen ilaa ay dhulka
dhigeen". Ka dib labdii wiil Rasuulka SCW ayey u yimaadeen,
wuxuu ku yiri "kiinnee diley?", mid kasta wuxuu yiri "aniga
ayaa diley", Rasuulku SCW wuxuu yiri "ma masaxdeen
seefihiinna?", waxay dheheen "maya", markaas ayaa Rasuulu
SCW seefahodii eegay oo ku yiri "labadiinnuba waa disheen".
Dagaalku markii uu dhammadayna hubkii Abii Jahal wuxuu
siiyey mid ka mid ah labadoodii oo la oran jirey ibnu Camar
ibnu Jumuux maxaa yeelay kii kale oo la oran jirey Mucaad
binu Cafraa' goobtii ayuu ku shahiidey.