SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXANSOXO

Xuuraan : Hal sawir kun erey ka wax sheeg baddan (Sawirka cajiibka ah iyo cawaaqibka shirka Nairobi waa isku ceyn)

saxansoxo
Qore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com



Bal eeg sawirkani, maxaa kaaga muuqda? Waxaa sawirka ka muuqda laan ka baxday geed aad u yar oo runti aan sinaba loo barbardhigi karin dhererka daarta shirarka ee KICC, waxaad moodaa in laantu ay la sarayso dhismaha 28 dabaq ka kooban, oo waliba ay sidii calaamad su'aashii ay ugu dul samaysantay, marka aad u fiirsatidna waaba xaqiiqada meesha taala, waayo waxa meeshaasi maanta ka socda oo dhan ayaaba wada calaamad su'aal saarantahay.



Waxay yiraahdaan "ha sawir ayaa ka wax sheeg baddan kun erey", dhab ahaantii sawirkani wuxuu ka wax sheeg badanyahay malyuumaad erey, bal u fiirso farqiga xagga dhererka ah ee u dhaxeeya labbada sheey ee sawirka ka muuqda iyo sida la'isugu keeney iyo micnaha uu samaynayo ururka marka la fahmo waxa uu ka turjumayo.

Sawirka waa mid magac siinaya shirka, kaasoo ah "shirka calaamatul su'aasha",waayo xittaa marka laga taggo waxa looga wadahadlayo, xittaa waxaa su'aalo ka taaganyihiin sida la'isugu waafaqayo waxa laga hadlayo, waxay su'aal ka taagnaan doontaa sida kuwa wax saxiixaya ay ku fulin doonaan waxa ay go'aamiyeen, wali waxaa su'aal kale kasii taagantahay sida loo dhaqaajin doono waxa meesha lagu saxiixay oo dalka looga hergalin doono xittaa haddii kuwa gaaray go'aanka ay ka go'antahay in ay fuliyaan, mar kale waxaa su'aal ka taagantahay sida ay qarash ugu bixin doonaan kuwa shirka qabtay fulinta howlaha ay tahay in la qabto ee goobtani lagu saxiixo.

Adigu waa su'aalo midba midda kale kuu dhiibeysa, mid sii kalana kuusii dhiibeysa, waxaad cimrigaaga ku dhamaysanaysaa adigoo wali qaba isla su'aalihii aad isweeydiin jirtey maalintii aad 20 jir ahayd, maalin kastana waxaa sii adkaanaya suurtagalnimada in wax jawaab ahba la helo

Shirka waxa uu furmey casarkii ka dib maalintii talaadada (28/10/08), waxana uu soconayaa labbo maalmood oo kale, marka laga tago goobta lagu qabanayo oo ah meel aad qaali u ah, horeyna aan waligeed lagu qaban shir ay Soomaalida leedahay taas oo aad ka dareemi karto muhiimada laga leeyahay inta ay la'egtahay, ayaa hadane su'aalaha ku hareereysey shirkani ay yihiin kuwa madaxa daalinaya.

Marka la eego ajandaha shirka oo shalay oo kaliya la shaaciyey, iyo ajandayaal kale oo dib kasoo bixi doona, hoowshu waxay u muuqataa "mission impossible""sahan aan suuragal ahayn", howshu in ay aad u baddantahay ka sokow, waa tan ugu culus ee aad ka fikiri kartid, sidaasina waqtiga loogu tallo galay in lagu soo afmeero uu yahay mid suurtagalnimada ka fog.

Marka laga soo tago ajandayaasha qarsoon (aan la shaacin) ee kala ah xil ka qaadista Cabdullaahi Yuusuf iyo labadiisa wadaay (Saaxiib), dhismaha dowlad wadaaga ah, iyo kordhinta baaralamaanka, ajandayaasha kale ee shalay la shaaciyey ayaaba u baahan lix billood in go'aan laga gaaro miisaanka ay leeyihiin darteed, waa haddii hoowlaal uusan meesha ka jirrin.

Sida horey loo faafiney, ajandayaashu waxaa ka mid ah jeexista xuduudo cusub oo lakala dhexmariyo gobolada dalka, taas oo micnaheedu noqon doono dib usoo nooleynta dagaalada qabaa'ilka iyo ku hardankii dhulka iyo magaalooyinka, tusaalaha ugu wanaagsan meel dheer kaba dooni meeysid, kaliya waxaad u baahantahay in aad soo xasuusatid magaalada Gaalkacayo oo aan kaaga sheekeyneynin waxa ka jirra.

Haddii qodobkani lagu ansixiyo shirka, iyada oo xittaa kuwa ansixiyey aysan Nairobi ka duulin ayaa meelaha qaarkood qoryaha la'isu guran doonaa, gumaad aan la qayaasi karrin la sii saadaalin karaa.

Qodobka kale waa wax ka badalista dastuurka oo la filayo in labbo siyaabood dartood loo yeelayo, marka koowaad waa in dastuurka lagu soo daraa qodobo ogaalanaya in xubnaha baarlamaanka la kordhiyo, qodobada xadidayana laga saaro, awooda madaxweynaha la dhimo, iyo dabcan qodob i shirkii Jabuuti ay kaga wada hadleen DF iyo Isbahaysiga oo wax ka sheegaya xagga diinta, gaar ahaan in la badalo qodobada diinta wax u dhimaya ee dastuurka ku jirro.

Wallow shirka ay IGAD casuumtey, hadane waxaa haleeley waji gabax weyn markii uu diidey in uu kasoo qeybgalo madaxweynaha Sudan Cumar Xassan Al-Bashiir, lama yaqaano sababta laakiin waxaa la filayaa in Sudan iyo Eritrea ay isku mowqif ka yihiin arrinta shirka maadaamaa ay xulufo weyn yihiin.

Jawiga ergada ma ahan mid degen, waxaa la sheegey in ay si weyn isugu maandhaafsanyihiin sida ay wax u socdaan,furitaankii shirka waxay isku dagaaleen makaroonfanka waxaana meesha ka dhacday foowdo baahsan oo kaliftay in shirka illaa arbacada dib loo dhigo, waxaa xittaa dhacday in qaarkood ay isugu gacan qaadaan goobihii lagu diiwaangalinayay, iyo meelihii ay ka cunteeynayeen, ugu yaraan midkood ayaa habeenkii labaad xabsiga ku hoyanaya kadib markii ay ciidamada amaanka ku qabteen isagoo sita bastoolad uu kala soo degey garoonka, lama oga ujeedka uu ka lahaa isagoo ka warhaya sida aan dalka looga ogoleyn wax hub sharci darro ah.

Ciidamada badda ee maraykanka iyo kuwa Kenya ee jooga gobolka waqooyi barri ee Kenya ayaa isu diyaarinaya tabobar xoog leh oo muddo gaaban socda oo kumanaan askar loogu tabobaro DF iyo Isbahaysiga garabka Jabuuti.

Shariifka ayaa isagu sheeda ka daawanaya shirka, wuxuuna degey meel bidhaan arag u jirta shirka, hoteelka uu degey waxa uu ku yaalaa farasmagaalaha Nairobi oo ah hoteelada ugu qaalisan ee aad ka fikiri kartid ee Kenya ku yaala, waxaa la sheegey in xittaa sariirtiisa dusheeda uu ka dul arki karro qofka shirka galaya ama kasoo baxaya, wallow aysan micno weyn samaynaynin halka uu qofka ka dego magaalada hadane waxaa micno samaynaya waxa ay indhuhu arkaan waana arin xiiso galisey saxafiyiinta dhagaha fiinka leh, indhaha fiirada u saaxiibka ah, maskaxdoodu foojigantahay.

Shirka furitaankiisa waxaanan ka qeybgalin Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo goobta ka hoydey waxyar ka hor inta uusan furmin, lama oga sababta uusan oga qeybgalin, laakiin sida laga yaabo in dib laga fahmi karay, Cabdullaahi Yuusuf diyaar uma ahayn in uu dhagaysto cambaareynta iyo eedihii kululaa ee uu u jeediyey Sayoum Masfin oo u isticmaalay kalmadihii ugu cuslaa illaa heer uu wax ka sheego anshaxa iyo dhaqan xumadaha madaxda DF.

Shirka labbo maalmood oo kale ayuu sii soconayaa, daqiiqad kasta oo ka mid ah inta uu socdana waxaa la filan karaa fadeexad cusub iyo waxyaalo baddan oo lasoo faago.

Marka laga hadlo waxyaalaha laga fillan karro oo ah dabcan waxa qof kasta maanka kaga taagan, Xuuraan uma aragto in ay arrintaasi muddantahay wax saadaal ah, waxaa qofka ku fillan in uu ogaado sida ay wax u jirraan.

Xuuraan: waa qormo xoogto ah oo laffo gur iyo falanqeyn ah.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email: Saxansoxo1@hotmail.com

Xuuraan: K/Afrika “Soomalida xabaalaha ayay naga buuxiyeen”. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS