SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXANSOXO

Xuuraan: Maankaaga maxaa ka guuxaya?.

saxansoxo
Qore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com


Ka waran haddii uu qof ku jawaabo “dhagayso”, waa jawaab macquul ah laakiin sidaasi ola jeedo, waxaan ka hadlayaa “waa maxay waxa ugu weyn ee aad ka fikireysid in aad gaarto?”, waa su’aal qofba si gaar ah oga jawaabi doono, laakiin marka aan sharaxo waxa aan ka fikarayay marka aan su’aashani soo dhufanayay, ayaad ila garwaaqsan doontaan jiritaanka jawaab aadan waligaa waqti u hurin in aad ka jawaabto.

Darajada ugu saraysa ee uu ka fikiro in uu qof Soomaali ah gaaro ama waxa ugu weyn ee uu qabsado, waa hadba waxa uu qof kale oo Soomaali ah uu gaaray ama qabtay, haddii qof Soomaali ah la sheego in uu dayaxa tagay, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikirayaa in uu dayaxa taggo, isagoo ujeedkiisa ugu weyn ay yahay “hebelba wuu tagaye adigana tag” oo kaliya , kuma fikirayo waxa meesha kaga horeeya, xittaa haddii loo sheego in masas dadka cunna ay ku noolyihiin, isagu wuxuu taaganyahay “maxaa hebel miyaan ka raganimo xumahay, waxaa laga yaabaa in uu geed ka fuuley anigana waan samaynayaa”.

Tusaalaha ugu wanaagsan ee dabeecadaasi Soomaalidu, halkani K/Afrika ayaan ku heeynaa, sababta aan dhamaanteen tuulooyinka u wada galnay, dad baddan oo ganacsiga ku jirana waa ay ka war hayaan, tusaale wanaagsan ayaan soo qaadanayaa, kaba soo qaad xaafada ay Soomaalidu degto ee Bellville waxaan ognahay in ay ka jirto suuli (musqul) yaraan, dadka tuulooyinka ka yimaada ee tirada baddan waxay ku rafaadaan helista suuli, mulkiilayaasha hoteeladana waa ay diidaan in musqulaha ay isticmaalaan dadka aan degeneyn hoteelka, kaba soo qaad qof Soomaali ah ayaa bilaabay ganacsi musqulo ah oo dhowr musqulood furtey lacagna ka qaada si uu dadka ugu qidmeeyo ___ waa ganacsi ka jirra suuqa bakaaraha ee Xamar___, maalinta xigta waxaad arkaysaa in suuqii oo dhan uu musqulo wada noqdey, dadkii oo dhana ay galeen ganacsiga musqulaha, la yaabi meeysid in aad maqasho Soomaali qof qaraabadiisa ah oo Soomaaliya jooga taleefoon kula hadlaya oo leh “war niyoow meeshani waa laga shaqaystaa, dhow kun ayaa 10 musqulood ku furanaysaa, bishii intaas ayaa kaa soo galaysa, maalinka dambane inta xoogaa kuu aruuraan ayaad buufis galaysaa, soo dhaqaaq maanta niyoow, hebel ayaa ka macaashay oo tahriibey”, qofka ku fikiri maayo marka macaamiisha hebel 100 meelood loo kala qeeybiyo, halkee ka imanayaa macaashka uu ku xisaabtamayo?

Maba xumma qofka in isagoo hormar raadinaya uu cid ku daydo, waana arrin aan soo tijaabiney inbaddan oo marar baddan keentey hormar, wallow dib u dhaceedu uu baddanyahay.

Laakiin nasiib darada ugu weyn ee na heeysata waxay tahay, qofka labbaad ee bilaabaya ganacsiga musqulaha, miyaad garanaysaa qaabka uu macaamiishiisa kusoo jiidanayo ama ujeedka uu isku dhiiro galinayo?, wuxuu dadka u sheegayaa, “ma aragtaa musquluhaasi, reer hebel oo kaliya ayaa ku saxarooda, adeer saxaradeydu reer hebel ka macaashi maayaan, umana kireysni iyaga, inaga ayay waxaasi noo keenayaan, hebel ayaa maalgaliyay”, waxaan filayaa in aad si weyn ugu qososhey runtaasi.

Iska dhaaf wax kalee, haddii masaajidka xaramka ku yaala uu imaam ka ahaan lahaa nin Soomaali ah oo reer hebel ah (barkee qof kasta reer hebel ayuu noqonayaaye), dadka qaarkood ayaa kacbo kale ka dhisan lahaa meelo kale, kadibna dhankeeda u tukan lahaa iyagoo leh “ma reer hebel meel ay heystaan ayaan u sujuudeeynaa”, sidaasi darteed halla yaabin in uu qof kugu yiraahdo “anigu masaajidkani kuma tukado, waa meel reer hebel u xiran”.

Tani waa runta biyo kama dhibcaanka ah ee la wada ogyahay, laakiin aanan waligeed loo sheegin sidani xikmada ku jirto oo kale.

Mid ka mid ah madaxweynayaashii Amerika soo maray ayaa laga soo xigtey in uu yiri “you can do everything, as long as you don’t care you takes the credit”, oo micnaheedu ay tahay “wax kasta waad qaban kartaa, mar haddii aadan dan ka lahayn cidda magaca ku qaadanaynaysa”, hadalkaasi oo micnihiisu yahay, sheey kasta oo aad qabanaysid u qabbo ikhlaas ama daacadnimo, haddii intaasi la helana wax kasta waakuu sahlanaanayaan.

Gabogabadii, Xuuraan waxay idin leedahay, “noqo waxa ay naftaadu rabto in ay noqoto, ee ha noqon waxa uu qofka kale noqdey”, haddii aad lafahaada wax ugu qabsato ama dadka wax ugu qabato kartidaada iyo ikhlaaskaaga kuu gaarka ah, fadlan ha’u joojin dadaalkaaga waxa ay ku hadaaqayaan kuwa qabiilka madax maray ee laga yaabo in ay dadaalkaaga iyo wax qabadkaaga la xariiriyaan “reer hebel”. Naftaada ayaa kuu baahan, bulshadaada ayaa kuu baahan, dalkaaga ayaa kuu baahan, ma ahan in aad ku niyad jibiyanaa erayaa ay dadku dhahayaan.

Xuuraan: waa qormo joogto noqon doonta oo aan oga faaloon doono arrimaha Soomaalida iyo kuwa quseeya.


Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email: Saxansoxo1@hotmail.com

Xuuraan : Hal sawir kun erey ka wax sheeg baddan (Sawirka cajiibka ah iyo cawaaqibka shirka Nairobi waa isku ceyn)

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 1, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS