Geeri!!! Kumaa naga badiya, ama naga badsada?, Balaayo!!! Kumaa
naga badiya ama naga badsada?, Dhagxumo!!! Kumaa naga badiya ama
naga badsada?. Sheey haddii aan ku badiso samayntiisa dadka waad
ka badsataa isticmaalkiisa, geeridu waa tusaalaha ugu wanaagsan,
dilka dadka,dadyowga kale waan ka badsanaa, marka layaab ma
lahan in aan dadka ka badsano dadka dhimanaya, laakiin
dhagxumada geedida noo dheer sida ninka dhahay “Soomaalida
xabaalaha ayay naga buuxsheen”, waa warka dhiilada leh ee aan
idiin waddo.
Dhaqan ahaan ninka Soomaaliga ah dhagxumada wuxuu ka xiggaa
dhimasho, laakiin dhagxumo iyo dhimasho in ay isugu darsamaan,
waliba dhul shisheeye, oo uu ka jirro dhaqan aan kiisa aheyn,
waa dhamaadka iyo dhalan roganka dhaqanka kasta oo aynu
heysanay, laakiin marka aad si gaar ah u dhowrtid dad yar ayay
dhibaysaa arrintani ama ay ku dhiirogalinaysaa in ay wax ka
badalaan dhaqankooda iyo noloshooda si ay oga badbaadaan halaaga
ku dhacay walaalahood dhimashada iyo dhag xumada iskugu
darsantay.
Soomaalida oo ah dad uu dhoonfu madax maray, dhulalka ay u
dhoofaan waxaa ka mid ah dalkani aan ku noolahay ee Koonfurta
Afrika, dhoofka halkan lagu yimaado waxaa la yiraahdaa “dhoofka
aan lagu dhici”, balse qof kasta waa uu ogyahay in ay dhimasho
ka dambeyso, inta la ogyahay ee tirakooban ku dhawaad 500 qof
ayaa dalkani lagu diley muddo 10 sanno ah gudahood, taasi
micnaheedu waa sanadkiiba in 50 ay dhimato, bishiina 4 qof,
kaliya labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa la diley ku dhawaad
20 qof oo Soomaaliyeed.
Dhacdadii ugu naxdinta badneyd ee qof kasta oo loo sheego uu ka
argagaxayo waxay dhacday todobaadkii hore, qoys dhan oo ka
kooban 4 qof, hooyo iyo 3 deeda caruur ayaa si kale kuma
fahamtide waa la harag siibey, waxaa laga yaabaa harag siibista
in ay kuula dhawaaqdo fal naxariis leh, laakiin waxaan kuu
sheegayaa harag siibista loogama harin ee xittaa waa la jarjaray
sidii neef digaag ah oo aad ku casuumayso ayeeyadaa oo booqasho
kuugu timid, qoyskani waxaa falkani loogu geystey tuulada Tambo
ee magaalada Queens Town tukaan yar oo ay ku lahaayeen.
Haddii aad tahay qof aanan ka warheynin dhaqanka Soomaalida
dalkani joogta, oo aad sheekadani akhriso, waxaad hoosta ka
xariiqanaysaa in falkani dartiis Soomaalida tuulooyinka
dukaamada ku leh oo dhan ay ka guurayaan, gaar ahaan tuulada uu
falka ka dhacay aysan ugu yaraan su’aal ka taagneyn in ay
Soomaalida iskaga guurto iyo in kale, laakiin sow kaagama
haboona in aad aniga i weeydiiso waxa ay Soomaalida yeeleyso
inta aadan mallo awaalin waxa ay samaynayaan, haddii aad i
weeydiisay, waxaan kuu sheegyaa, iskaba dhaaf in ay Soomaalida
tuulooyinka ka guurtee, ama tuulada uu falka ka dhacaye, waxaa
laga yaabaa in tukaankii qoyska lagu xasuuqay uu iminka gadanayo
(iibsanayo) qoyska kale oo Soomaaliyeed, idinku meel dhow ayaad
wax kasoo qaadaysaan, marka aad xasuusiso falka meesha ka dhacay
qofkaasi Soomaaliga ah, jawaabtiisa wax kasta waa ka
sahlantahay, wuxuu ku dhahayaa “Rabbi ayaa qadarteeyda haya,
geerida meel kasta waa igu haleelee, ee aan kaa shaqaysto”.
Malaha wali sheeko ayaa iigu kaa dhiman?. Waxbo kama qabbo,
waanan kuu wadayaa, qofka sidaasi ku jawaabaya, marka hore waa
runtiis oo kalmad xaq ah ayuu ku hadlay oo geerida meel u go’an
ma jirto oo meeshii ajashaada ku dhamaato ayay naftaada ku
go’eysaa, laakiin hadalkiisa kale ee uu leeyahay “aan kaa
shaqaysto” ayaa ah halka ay sartu ka quruntey.
Tabaca iyo shaqada waa karti iyo howlkarnimo rabbi nagu
manaystey oo aan waliba dadyowga kale wax la dheernahay, laakiin
waa iga su’aale, waa maxay xikmada ka dambeysa shaqada?, inta
aaban la gaarin daryeelka waalidkaa, iyo qaraabadaada sow kama
horeyso in aad naftaada daryeesho oo aan gudato waajibaadka eebe
kaa saaray daryeelka naftaada, cunto fiican, biyo nadiif ah,
dhar nadiif ah, jiif wanaagsan, caafimaadkaaga aad ku dadaasho,
“Tiisa daryeelaa tu kale ku dara”, haddaba shaqada aan halkan ku
heeyno waa ka duwantahay taasi, waxaas aan soo sheegey oo dhan
cagsigeeda (rogeeda) ayaan halkaan ku heeynaa.
Dadka waxaad u malaysaa in dhamaantood ay ka shaqeeyaan warshad
lafaha geela lagu shiido oo hilbaha lagu qallo, qofka tuulada ka
yimaada xittaa mararka qaarkood salaanta ka qaadi meeysid,
wasaqda iyo urdufnimada ka muuqata marka uu ilkaha cadeeyo
umbaad garanaysaa in uu hebel yahay, yaanan ku talax tagine
dadbaa xanaaqayee, waxaan oga jeedaa dadkaasi Soomalaiyeed ee
tuulooyinka ka shaqaysta waxay ku jirraan nolol aad u qaab
daran, qofka ma leh waqti uu nasto, ma jirto dukaanka xilli la
xirro ama maalin fasax ah, qofka ka shaqeeya ma jirto cid
shaqada ka nasisa,ma jirto cid raashiinka u karisa, dharka
dhaqmadiisa warkiisa dhaaf, dukaanka musqul ma leh, qubeys
warkiisa hakaa harro, salaada ninkii illaah u naxariistay ayaa
tukada, malaha i weeydiin meeysid “masaajid miyaa lagu
tukadaa?”, sow is oran meeysid “tollow ma lacag la’aan ku
kalifeysa?” maya ayaan ku leeyahay, lacag fiican ayaa soo gasha.
Qofka ma jirto wax dan guud la yiraahdo oo inaba uu danayn u
haayo,xittaa haddii uu heysto wax ku fillan kana baddan, wali
walaalkii uma quuro fursada in uu wax hello ah, waxaan oga
jeedaa, waxaad arkaysaa hal qof oo leh 5 ama 6 dukaan, isaga
tuulada waxaan booqasho ahayn kuma taggo, maalin kasta dukaan
cusub ayuu baadigoobayaa, wiil cusub oo hadda soo galay ayuu
lugooynayaa oo dukaan halis ah oga dhex baxayaa inta dhaho
waxbaan shuruko ku nahay, waxyaalaha Soomalaida loo dillo waxaa
ka mid ah, waxay dukaamo ka ag furaan ganacsiyada dadka dalka u
dhashay ay leeyihiin oo marka dambe ay suuqii oo dhanba kala
wareegayaan, waxaa laga yaabaa marar baddan in suuq fiican oo
cid kasta ay ka macaashi karto uu meel ka jirro, laakiin ragani
dukaamada raadinaya ayaa boqol dukaan oo dheeraad ah ka furaya
meeshii loogu tallo galay 10 dukaan, sidaasina wuxuu ku
galaafanayaa walaalihii Soomaaliyeed ee horey meesha ku
ganacsanayay, arrintani waxay in baddan keentaa dil, dhac ama
boob.
Magaalada xeebta ku taalo ee East London dhawaan waxaa lagu
diley Soomaalidii ugu tirada badneyd ee xilli isu dhow la dillo,
dalkani aasida ama xabaalista dadka dhintey waa ganacsi macaash
baddan laga hello oo malyuumaad ku kaca, gaal iyo islaamba, nin
ka mid ah dadka marxuumiinta aasa oo ka mid ah musliimiinta
dalka u dhashay ayaa aad ola yaabay dilka Soomaalida ee sii
kordhaya iyo maalin kasta qofka la xabaalayo, wiil aan saaxiibo
nahay oo goob joog ahaa mar la aasayay Soomaaligii ugu dambeeyey
ee magaaladaasi lagu dillo ayaa ninkani iiga sheegey hadal la
yaab leh oo ah kan igu kalifey in aan Xuuraan ka qoro arrintani,
wuxuu yiri wiilka, markii aaskii la bogey, oo ducadii la
akhriyey, oo la kala dareeri rabbo ayuu istaagay ninkii, wuxuu
yiri dadyahow i dhagaysta, fariin ayaan idiin wadaa, waxay tahay
“xabaalihii ayaad naga buuxiseen, inagu heli meeynu meel aan
dadkeena bas alle u dhintey aan ku xabaalano, raadsada meel aad
dadka ku aasataan, ama dowlada dhul weeydiista”.
Waa maxay habaarka ka weyn “meel aad ku noolaatana waa, meel
lagugu duugana waa”, wallow qofka dhintey uusan dan ka lahayn
haddii la duugo iyo haddii kale, dadka kasoo haray diyaar ma u
yihiin in guryaha ay ku keydsadan meydka qurmaya ee ehelkooda?.
Waxaan oga jeedaa, ma noo heeysaan xal aan dhimasho ahayn?, meel
aan nalagu dilleyn?, dalkeena ma xoreysan naqaanaa? Dadkeena ma
badbaadin naqaanaa? Inta aad dal dad leeyahay kusoo xoomeyno
inaga oo tirro ah, misane aan sharaf ugu noolaanin sow nooma
dhaanto in aan dalkeenii ku noqono, oo aan ka shaqayno nabbada
iyo xoreyta dalkeena?. Mise inagoo saamaha safan iyo jillif ku
leh baa meydkeena is daba qulqul yahay, oo aan saxaafadaha
maalinba ingiriis jajab ah ku dhahnaa “waa nala dilley,
dalkeenii dil ayaan oga soo cararnay, halkaan waa nalagu dillaa,
dowlada waxbo nooma qabato”.
Ma waxay kula tahay in ay jirto cid kuugu garaabaysa dhibaatada
lagugu hayo, haddii adigaba dhibaatada aad isku dhigtey ay tahay
tan dalkaagii kaasoo waday markii horaba iminkana wali kasii
jirta .
Waxyaalaha la yaabka leh waxaa ka mid ah, Soomaalida dalka ku
noolwaxaa lagu qayaasaa 30 kun oo qof, oo waliba ah inta diiwaan
gashan, waxaana jirra dad aan diiwana gashanayn, iyadoo aan
tiradaasi dalka ku joogno ardayda jaamacadaha dhigata 50 ma
gaarayaan, dadkana 90% waa dhalinyarro. Dadka noocaasi ah bal
saadaali mustaqbalkooda iyo suurtagalnimada in ey dhibaatada
heysata ka baxaan?.
Xuuraan: Waa qormo Joogto ah oo aan ku laffo gurno, kuna
falanqeyno arrimaha ugu muhiimsan ee jirra.
Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo). Email:
Saxansoxo1@hotmail.com, Tell: +27767059384.
Xuuraan:
Gawaarida gargaarka degdega ah ee
daadgureeya dadka Xamar 'Aw-gaarigacan'