Gaari nooca gargaarka degdega ah, ee loo yaqaano “dhuudhaa ama
kabeerta” ayaa ku soconaya xawaara aad u sareeya, isagoo
fareejooyinka bikaacinaya, dhawaaqa iyo qeylada ka baxaysa
bikaaciyeyaasha ay dhagaha kula dhawaaqayaan
(dhuu,dhaa,dhuu,dhaa”, wuxuu gaariga ku cararayaa waddo aad
saxmadeedu u baddantahay,mana u joogsanayo samaafarayaasha
(dhaqaaq-joojiye=nalalka taraafikada ee baabuurta kala haga),
dhamaan garaawida waddada haysa waa ay kala leexanayaan, waxay
wadayaasha baabuurta dariiqaasi heysa ha war hayaan in gaariga
dhawaaqaya uu waddo bukaan xanuunsan oo si degdeg ah ugu baahan
in naftiisa la badbaadsho.
Parrot/ shimbir sheegto
Meeshu waa
Pretoria oo ah xarunta South Afrika, isbitaalka ku yaala waxaa
diyaar ku ah oo heegan sarre ku jira Dr Werner Odendaal iyo
kooxdiisa caafimaadka,,waxay sugayaan bukkaanka ambalaasta
(kabeer-ta) soo saaran,waxaa u diyaarsan dhamaan qalabkii iyo
dawooyinkii ay kula tacaali lahaayeen bukaanka soo socda, marka
ambalaastii ay xeendaabka isbitaalka soo gashay shaqaalihii iyo
kalkaaliyeyaashii ayaa ku kala cararay dhanka gaariga iyagoo
riixaya sariirta bukaanka lagu qaado. Tollow waa ayo bukaanka?
Marka aad tahay qofka aaga ka dhow oo arkaya waxa dhacaya, sow
is oran meeysid, malaha bukaankani waa nin madax ah, ugu yaraan
waa nin wasiir ah oo shil galay, ama waa qof la mid ah?. Laakiin
layaabka dhacay bukaanka xittaa maba ahan qof bini’aadam ah, waa
xayawaan, kaaga daran isbitaalka la geynayo waa kii xayawaanka,
dhaqaatiirta joogtana waa kuwii xayawaanka daweynayay, waxaase
kaaga sii yaab badnaanaya marka aan kuu sheego waxa uu yahay
yahay xayawaanka daryeelkaasi iyo dadaalkaasi oo dhan la
siinayo, haddii aad tahay qof ogsoon in isbitaalka uu yahay kii
xayawaanka, ambalaastana tahay tan xayawaanka, sow ka fakari
meeysid “tollow ma neef geel ahbaa, mise waa sac, mise waa ri’
ama lax, ?” . ka waran haduusan ahayn waxaas aad soo tirisey oo
dhan?. Waa shimbir, gaar ahaan waa shimbirka loo yaqaano Parot
(shimbir sheegto= shimbirta dadka ka daba hadasha), waxay
arrintani dhacday 16 August 2008, Pretoria ayayna ka dhacday,
shimbirtu waxay ahayd mid xanuunsan oo rabaayo ah, waxaana lagu
guuleystey in nafteeda la badbaadsho oo la daweeyo.
Haddii uu shimbir helli karro daryeelkaasi caafimaad ee naftiisa
lagu badbaadshey, maskaxda caafimaadka qabta ee bini’aadamka
waxay sawiran kartaa daryeelka caafimaad ee qof bini’aadam ah oo
dhiig baxay dhaawacna ku yaala in uu yahay daryeel ka sareeya oo
wanaagsan, laakiin kaasi ma ahan jawiga ka jirra Xamar iyo meelo
kale oo Soomaaliya ka mid ah. Su’aashuna ma ahan heerka
daryeelka iyo dawooyin, ee waa nooca gaadiidka ay tahay in lagu
geeyo goobtii lagu daweyn lahaa, waaba hadii ay dawo jirtee.
22/09/08, waa maalintii isniinta 60 qof oo rayid ah ayaa ku
dhintey,. Inka baddan 100 qofna waa ay ku dhaawacmeen, markii
madaafiic sidii roobkii ay ugu hoobatay Xamar oo ay soo ridayeen
ciidamada shisheeye ee dalka jooga, wixii dhintey waaba la
aasayaaye, wixii dhaawacmay sow dhabiib uma baahna?. Daweynta
waxaa ka horeeysa in dhaawaca la geeyo meeshii lagu daweyn
lahaa, sidaasina waxaa loo baahanyahay gaadiidkii lagu qaadi
lahaa oo aan kasoo sheekeeyey noociisa: qormadani waxaan oga
hadlayaa nasiib darada jirta iyo nooca gaadiidka dadka
isbitaalada geeya.
Aw-gaarigacan 3 lugood.
Gaadiidka rayidka dhaawacyada qaba ee Xamar lagu qaado waa mid 3
lugood ah, waa sancada ugu saraysa ee qof Soomaali ah gacmihiisa
ku samayn karro, waxa aduun dayaxa iyo xidigaha gaaray,
Gaarigacanka waa sheeyga kaliya ee sanco ahaan ay Soomaalida
samayn karto 40 sanno kadib oo aan xornimo qaadanay, sidaasi
darteed waa gaadiidka ugu qaalisan ee aan farsamayno, waxaanan
ku qaadkaa waxa noogu qiimaha baddan, waana nafteena oo dhiig ka
da’ayo, gaarigacanku waa gaadiida gargaarka sidii diinka u
degdega.
Muqdisho: meyd la saaray gari gacan
Bal u fiirso sawirka iyo fasiraad aan ka bixin doono, ninka
gaari gacanka riixaya ee dhaawaca ku wadda ma ahan wax
indhahaada iyo dhagahaaga ku cusub, ninka gaarigacanka riixaya
uma baahna in uu ka fakaro qiimaha shidaalka ee aduunka sare
usii kacaya, walwalna kuma heyso, waxaan walwal ku heyn in
gaadiidka uu waddo uusan lahayn fareejooyinka nalalka bikaaciya
ee qeeylada dheer bixiya si dariiqa loogu baneeyo, waxaasi ma
ahan wax qaamuuskiisa uu qoro, taasi badalkeeda 3 sheey oo kale
oo isaga kuwaasi kore ola micno ah ayuu ka walwalaayaa,waxaa
walwal ku haya shidaalka calooshiisa ay u baahantahay iyo sare u
kaca qiimaha badeecatul daruuriga, waayo tamarta iyo enerjiga uu
gaarigacan qof saaranyahay daqiiqado kooban uu ku geynayo
masaafo kilo mitiro jirta waad garan kartaa calooshaasi
shidaalka ay u baahantahay, marka laga hadlayo fareejooyinka iyo
dhawaaqa ambalaastiisa 3-da adin leh, halka shaagna ku oroda,
isaga waxaa u ah xabadda iyo madaafiicda ka dhacaysa jihada
isbitaalka uu ka jirro in la joojiyo, taasi ayaa dariiq baneyn u
ah, waxaa kale oo walwal ku haya dariiqa bacaadka iyo gododka
miiran ah ee uu gaarigacanka ku dul cadaadinayo.
gaarigacamada oo maanta ambalaas ka noqday muqdisho
Adigoo maanka ku haya gaadiidkani uu xawaarihiisu yahay kan
diinka oo kale, iyo masaafada ay tahay in uu geeyo dhaawaca si
loo daweeyo qof dhiigbaxaya, fursad intee la’eg ayuu qofkaasi
garaigacanka saaran badbaadi karraa? Xasuuso hal isbitaal oo
kaliya ayaa Xamar ka shaqeeya, waana isbitaal Madiina, dadku waa
karaar dhaafeen oo xittaa geedaha hoostooda iyo banaanka kore
ayay daadsanyihiin, qofkani dhiigbaxay dhiig in lagu shubo ayuu
u baahanyahay, qofka ugu dhow ee ay tahay in uu dhiig u miirana
waa ninka gaarigacanka ku riixaya oo aad qayaasi karto inta
goojo ee dhiig ah ee laga heli karro, isbitaalku dhaqaatiir ku
filan ma joogto, dawo warkeeda iska xir, xittaa ma lahan meel la
seexiyo, waxaa kasii daran madaafiicda hoobanaysa ee ay markasta
suurogalka tahay in ay isbitaalka ugu soo gasho.
Wallow gaarigacanka aan ku sheegey in uu yahay sancada ugu
saraysa ee Soomaalida ay samayso, hadane waa sheeyga loogu
isticmaalka yaryahay marka laga hadlayo gaadiidka ay Soomaalida
isticmaasho, waxaase kasii daran qofka Gaarigacanka isticmaala
waxaa loo arkaa qof ka liita bulshada inteeda kale xittaa haddii
uu ka hanti baddanyahay qofkaasi kan aanan isticmaalin
gaarigacanka, in aad isticmaasho ayaaba ah astaan muujineysa
daciifnimo, faqrinimo iyo liidasho, waxaana laga yaabaa in
xittaa laguugu diido gabar aad guursan lahayd haddii aad
gaarigacanle tahay kuna xamaalatid, laakiin iminka fikirkaasi
maxaa iska badalay? Waxaan filayaa su’aashaasi in ay ku
haboontahay in la weeydiiyo aabaha dhalay qoyska degen Galgalato
ama Cellasha Biyaha ama Carbiska.
Dhibaatada iyo dheefta Soomaalida 3 sedexaad ma dhaafto.
Dhan kale ka eeg sheekada , waxaad moodaa in noloshii dadka oo
dhanba eey saameyn ku yeesheen walxo dhamaantood 3 lugood leh,
ama 3 qeybood ah ah , u fiirso gaarigacanku waa 3 lugoodle,
shacabkii dalka kala bar waa 3 lugoodle oo dadku ul ayay ku wada
tukubayaan oo qof kasta waa dhaawac jiis ah, dalka waxaa madax
ka ah nin 3 lugoodle ah ( da;dii 3-da lugood jooga), Cabdullaahi
Yuusuf waa 70 jir, wuxuu joogaa da’dii labbada lugood iyo usha
lagu socon jirrey ee la kutubi jirrey, waxay u muuqataa in uu
rabbo in uusan kaligiis 3lugoodle noqon oo dadka dhan ay la wada
noqdaan, dadkii ugu badnaa ee dhinta kuwii ugu dambeeyey waxay
gaarayeen 60 sida aan soo sheegney, miyaad garanaysa sababta ay
u dhinteen? Sheey 3 lugood leh dartiis ayay u dhinteen, taana
waa dayuurad kasoo degetay garoonka oo laga mabnuucay,
Dalka ciidamo cadow shisheeye ayaa heysta, 3 dal ayay ka kala
socdaan, Ethiopia, Uganda iyo Burundi, dalka Dowlad KMG ah oo
dhibaato xoog leh abuurtay ayaa joogta, 3 nin ayaa ugu sareeya,
(Cabdullaahi Yuusuf, Adan Madoobe, iyo Nuur Cadde), isla
dowladani waxay dadka ku gumaadaa daqliga kasoo gala 3 il oo
dhaqaale, waa garoonka, dekeda iyo isbaarada, dadka dalka 3
dhibaato ayaa heysa, waa colaad, gaajo iyo cuduro, si la mid ah
dadkii dalka ku dhaqnaa waa dhamaadeen, 3 sheey ayaana loo
adeegsaday leyntooda, waa Buntuq (qori) bir (toorey) iyo geed
(ul) bal soo sheeg sheey aanan 3 daasi ahayn oo dadka lagu
dhameeyo, wali sunta maanan gaarin. Cadowgeena 3 jiho ayuu nooga
yimaadaa, waana cirka, dhulka iyo badda.
Sheekadu waa sedexda sedexan, samaantana waa ka midyihiin,
xisaabta ku dar, dalka waxaa wanaagiisa ka taliya 3 qolo,
culumada diinta, odayaasha dhaqanka iyo shacabka, dadka
tabaaleysan sedex sedexad ayaa wax tara, waa 3 lugoodle
gaarigacan, waa jaaliyadaha dibada oo 3 qaaradood ku kala noo
(Amrika, Europe iyo Australia), iyo saxaafada oo 3 qaab aduunka
ugu faafisa dhibaatada shacabka heysata (Radio, Website iyo TV),
shacabku waa ay qaxayaan, waxay miciin bidaan 3 magaalo oo
waaweyn oo aan xoreyney, waa Kismaayo, Baladweyn, iyo Jowhar.
Xuuraan: Waa qormo joogta ah oo aan ku falanqeeyno, kuna laffo
gurno arrimaha ugu muhiimsan ee dalka ka taagan.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email:
saxansoxo1@hotmail.com, tell: +27767059384. Somalitalk.com
FG: linkiga hoose waa sheekada Parrot-ka oo English ah cidii
rabta in ay aqrisato.
http://www.iol.co.za/index.php
Xuuraan:
Qaanuunka shimbiraha ee madaxweynaha iyo Qalalaasaha garoonka