Dayuurad u muuqatay in ay samaynaysay duulimaad tijaabo ah (acid
litmus test= tijaabo kiimikeedka warqada litmus-ka loo yaqaano
lagu sameeyo), taas oo war dooneysey in hanjabaada Al-shabaab ee
ahayd in ay duqeyn doonaan dayuuradii garoonka kusoo degeta in
ay tahay hanjabaad biyo-xajinaysa (run ah), ayaa sababtay
dhimashada inka baddan 20 qof oo rayid ah, 40 kalana waa ay ku
dhaawacmeen, dhanka kale Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo saaray
qaanuunka shimbiraha.
Dayuurad ku xardhan tuutaha militariga oo ay leedfahay dowlada
Uganda, ayaa noqotey tii ugu horeysey oo gashay tijaabada
garoonka Adan Cadde, balse waa tijaabo galaafatay nafta darsano
dad ah, kuwa kalana ay si daran ugu waxyeeloobeen, tani waxay
timid markii madaafiic aan loo meeldayin ay is weeydaarsadeen
ciidamada shisheeye, iyo kuwa DKMG ah oo is garabsanaya iyo
xoogaga kacdoonka oo meel kasoo jeeda, ciidamada Amison ayaa la
sheegey in ay madaafiic si aan loom eel dayin ola dhaceen
meelaha dadka rayidka ah ay degenyihiin ee magaalada.
Dhacdadani waxay ka dambeysey markii xarakada Al-shabaab ay
mabnuuceen isticmaalka garoonka Adan Cade ee dayuuradaha, taasoo
kaliftey in garoonkii uu xirmo, sidaasi ku xirmo dhaqaalahii
DKMG kasoo gali jirrey garoonka, balse waxaa mabnuucidaasi
jabisey dayuurad ay leeyihiin ciidamada Uaganda oo saanad ciidan
u siddey Ugandes-ka meesha jooga.
Iyadoo uu xaalka halkaasi marayo, garoonkii uusan shaqaynin
inkastoo DKMG ah iyo xulufadeeda ay gacanta ku hayaan, haddane
aysan sugi karrin amaanka garoonka, ayaa waxaa qaanuun cusub soo
saaray Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Qaanuunkani wuxuu mabnuucayaa
isticmaalka baasaboorkii hore ee Soomaliya ee cagaarka ah,
wuxuuna amrayaa isticmaalka baasaboorka cusub ee E-Passpor.
Hagaag. Bal u fiirso oo ka bogo tuducyada hoose, oo falanqeyn ka
bixinaya arrimahani qalalaasaha garoonka.
Qanuunkani anigu waxaan ugu yeerayaa, Qaanuunkii Shimbiraha iyo
inta baalka leh.
Dadka amarka la siinayo ee qaanuunka laga soo saarayo, halkeey
marayaan, gaadiid noocee ah ayayna tahay in ey isticmaalaan?,
sow taasi micnaheedu ma ahn in dadka laga filanayo in eey
haadaan, sidii iyagoo baalal leh?
Horta goorma ayay dadka baalal yeesheen?,kaba soo qaad in ay
leeyihiin sida uu Cabdullaahi Yuusuf qabbo, halkani waxaa ah
amar dowlo oo aan la diidi karrin, wuxuu yahay “dadku____
(shimbiraha haka reebin baalal ayay leeyihiine)___ marka ay
buubayaan (haadayaan) waa in aysan isticmaalin baasaboorka
cagaaran ee Somalia, ee waa in ay isticmaalaan kan Ethiopia (E
passport)”. Go’aankani wuxuu dhaqan galayaa 30/09/08.
Haddii loo dheg raariciyo quud aan jirin u qoryo gurashada
Cabdullaahi Yuusuf, taasi micnaheedu waxay noqoneysaaa in dadku
baalal leeyihiin sidii haadii (shimbirihii), halkaasi waxaa ka
dhalanaya in xittaa amarkani uu quseeyo haada iyo shimbiraha
xabbada xabashida ka baxsanaya ee wadamada kale u haajiraya,
wallow hadaladani ay u shanqarayaan wax aan aan suurogal ahayn,
laakiin waxaad maanka ku heeysaa “nin hurdaya, wax kasta ku
hami/hawoo”.
Sidaba laga yaabo in uu haleeley Amiin caamir oo dhawaan cartoon
la yaab leh ka sawirey Cabdullaahi Yuusuf oo kursigiisa ku dul
lulmoonaya, Nuur Caddana uu ag fadhiyo, kadibna Cabdulaahi
Yuusuf ku riyoonayo Nuur Cadde oo cumaamadii Al-shabaab xiran,
kadibna hurdada kasoo sasaya, ayaa go’aankani iminka kasoo
baxayna uu u muuqdaa mid uu ku qarwey, kadibna kusoo sasay illaa
uu isu maleeyo in xittaa uu shimbiraha xukumo.
Dowlada Cabdullaahi Yuusuf waxay kaloo soo saartay Qaanuun kale
oo ay ruqsadii shaqada kala noqotey dhamaan shirkadaha
dayuuradaha ee Soomaaliya ka shaqeeya, tani waxay ka dambeysey
markii dayuuradahani ay u hogaansami waayeen amar dowlada ay soo
saartey oo ku ahaa in muddo 24 saac gudahood ah dib u bilbaabaan
howlihii duulimaadka ee ay garoonka ka wadeen kuwaas oo ay
joojiyeen markii Al-shabaab ay digniinta soo saartay, laakiin
Shirkadaha dayuuradaha ayaa kala doortey labbo darran, waxay
doorteen midka sii daran mooyee, kan kale oo ah in ay lumiyaan
shatiga ruqsada shaqada, halkii ay wajihi lahaayeen
hoobiyeyaasha Shabaabka ooh anti iyo ku naf waayo lahaayeen.
Garoonka kaliya ma ahan meelaha xirran , waxaa kaloo xiran
dekeda caalamiga ah oo aysan dhawaahan waxbo kusoo xiran, ma
jirto digniin gaar ah oo loo jeediyey, laakiin dekeda oo masaafo
ahaan aad ugu dhow garoonka ayay muuqataa in go’aanka garoonka
lagu xirrey uu saameeyey.
Arrinta baasaboorada, waa murran taagnaa illaa maalintii
dowladni dabadhoonka ah lasoo dhisey, baasaboorkani
E-passport-ka ah waxaa lasoo saaray maalmo uun ka dib markii
Xusseen Maxamed Faarax Caydiin oo markaasi wasiirka arrimaha
gudaha uu fashiliyey qorshe ay dowladani watay oo ahaa in
baasaboorka Ethiopia la isticmaalo, xuduudahana la’isku furro,
taasoo Soomaaliya ka dhigeysa gobol ka mid ah Ethiopia, Caydiid
ayaa yiri “dowlada Ethiopia walaalo ayaan nahay, xuduudaha ayaan
isku fureynaa, hal baasaboor ayaan qaadanaynaa”, hadalkaasi
maalmo ka dib ayaa lasoo saaray baasaboorkani ay ku qorantahay
E-passport (Ethiopian passport), balse markii dowlada
Cabdullaahi Yuusuf la weeydiiyey waxay ku fasirtay micnaha E, in
ay tahay (Electronic Passport), bal u fiirso xittaa Maraykanka
oo aad ogtahay heerka ay tiknoolijiyad ka gaareen,
baasaboorkoodu E ( electronic) kuma qorna, iskaba dhaaf
aduunyada kale, dowlad kasta waxaa ku qoran magaca dalka,
waxaana tusaale ah Ethiopia oo baasboorkeeda ku dul qorantahay E
passport, oo micnaheedu ay tahay Ethiopian Passport, isla
baasaboorkii umbaa inaga naloo keeney, iminkana la rabaa in aan
ku badalano kii aan inagu lahayn ee hantida qaranka ahaa ee
cagaarka ahaa.
Dhanka kale haddii laga eego, midabka baasaboorka la mabnuucayo
ee gacaarka ah, bal u fiirso midabkaasi muxuu ka turjumayaa?,
sow ka turjumi maayo barwaaqo iyo nabad?, halkani waxaan ku
heeynaa dad xittaa dagaal kula jirra midabada meel uun ka
shabaha nabbada iyo barwaaqada, oo cadowtooyada ay Soomaaliya u
qabaan iyo colaada ay la damacsanyihiin ay gaartay heerkaas.
Iminka arrinta waa ay kasoo tagtey, su’aasha ah dalka ma dowlad
baa ka jirta? Waa ay kasoo tagtey kumaa maamula dalka intiisa
baddan? Weey kasoo tagtay Banaadir yaa maamula? Weey kasoo
tagtey Xamar yaa maamula? Arrintu waxay taagantahay, kumaa
maamula 2 kiilo mitir ee isku wareega ah eek u xeeran garoonka
iyo Soobe? Adigoo maanka ku haya baaxada uu dalka Soomaaliya
leeyahay, misane dowladii dalka sheeganaysay in ay ka taliso,
misane sugi la’ amaanka 2km, waliba heysta awoodii iyo
ciidamadii ugu tirada badnaa ee gudaha Soomaaliya. Waxaa
meeshaasi ka cad in furumihii dagaalka ay koobmeen, guushuna ay
qarka u saarantahay xoogaga kacdoonka eek u howlan xoreynta
dalka.
Mashaqadani heysata garoonka Adan Cadde waxay fursad dahabi ah u
furtey Kismaayo oo iminka la hadal hayo in lagu weecin doono
dhamaan duulimaadyadii Xamar ka dagan jirrey oo dhan, iyo waliba
maraakiibtii dekeda Xamar ku xiran jirtey oo dhan, sidoo kale
waxa ay wajigabax iyo dharbaaxo sujuuda ka haleeshey ku tahay
dowlada tabarta daran ee Cabdullaahi Yuusuf oo markanina
weeyneysa dhaqaalihii yarraa ee garoonka kasoo gali jirrey.
Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo aan ku falanqeyno, kuna laffo
gurno arrimaha dalka ugu muhiimsan.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email:
saxansoxo1@hotmail.com
Xuuraan:
Muraayadaheyga gadaashooda waxaa iiga muuqda, maamulka Kismaayo "Al-Mujaahid"
Akhri...