Waa rasmi: maamulkii
Kismaayo waa lagu dhawaaqay, wuxuu ka koobanyahay 7 xubnood, wa
amid kumeel gaar ah, Kismaayo oo kaliya ayuu ku koobanyahay,
muddo 5 billood ah kadib waxaa lasoo dhisayaa maamul sal
balaaran oo gobolka oo dhan uu yeesho ama gobolada ay yeeshaan,
iyadoo xaalka uu halkaasi marayo, ayaa laakiin wali aysan xubno
aqbalin magacaabistooda qanacsanaan la’aan darteed, hase yeeshee
maamulkani ayaa waxa uu astaan rasmi ah u yahay kala
duwanaanshaha kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya.
MAAMULKA KISMAAYO
Aan ku bilaabo hadal uu jeediyey Sheekh Xassan Yacquub oo loo
magacaabay xoghayaha saxaafada ee maamulkani cusub, wuxuu yiri
“maamulka islaambaa lagu saleeyey, qof kasta oo muslim ah oo
bulshada wax tari kara ayaa maamulka lagu darayay, kuma salaysna
beelo,kuma salayna wixii duliga ahaayee ummadaani lagu
ihaaneystey, qolana foor (4) qolana faaf (5) la yiri, waa wax
aan islaamku qabin waxaasi , islaamnimadu waxay qabtaa qof
kastoo mumin ah mas’uuliyada ummada waa loo dhiibayaa, illaahoow
hadduu yahay kan ugu qabiilka yar, ninkasta oo camalka wadi
karro ayaa loo dhiibayaa, kartina u leh awoodna u leh, amaa
qabyaalad iyo yaa meesha leh, yaa reer fullaan ah iyo laguma
saleynin” ayuu yiri.
Waxaan filayaa in hadalkaasi kaaga filanyahay wax kasta oo
maankaaga ku jirrey, waa haddii aad taageersanayd in islaamka
wax lagu xukumo.
BILOOWGII MAXAAKIIMTA
Kolkii maamulka lagu dhawaaqay waxaa hawada si weyn loogu
faafiyey in kooxo gaar ah ay maroorsadeen maamulkii, meeshana
keeneen ciddii ay iyagu wateen, magacyada aadka loosoo dhuftey
waxaa ka mid ah Al-shabaab iyo maxaakiimta, waana labadaasi
magac meesha ay dooda dhacayso. Bal u fiirso tuducyada hoose.
Tusaale Maxaakiimtu ma ahayn magac Jubbooyinka laga yaqiiney,
asal ahaan magacani wuxuu ku dhashay maxkamado diinta dadka ku
kala xukuma oo ay dhisteen beelaha Xamar dega, maxaakiimtani
waxay awoodooda ku koobneyd in ay kala xukmiyaan dadka iyaga
iskood usoo doonta in diinta lagu kala saaro, waxaa kale oo ay
anshax marin u samayn jireen waalidiinta caruurta u caal waaya,
oo ay u tarbiyeyn jirreen, heerar baddan ayay soo mareen, waxay
gaareen heer ay baacsadaan tuugada dhaca geysta oo ey soo
qabtaan, waxay ka howlgali jirreen deegaano ay ka taliyaan
hogaamiyo kooxeedyo aad u hubeysan, kuwaas oo ku kicci jirrey
wax kasta oo xumaan ah diintana kasoo horjeeda, basle
maxaakiimtani awood uma lahayn in ay wax talaabo ah ka qaadaan,
hogaamiye kooxeedyada meeysan jecleyn fikradani ah maxaakiimta,
laakiin iyagu laftooda meeysan faro galin jirrin maadaa beelaha
iyaga taageera ay dhisteen maxaakiimtani, isla markaasina ay
qabanayeen howl muhiim ah oo aysan iyagu u tabar heynin.
Maxaakiimtani waxay xoogeysteen sanadii 2004 tii kolkaas oo ay
samaysteen middow, muddo yar ka dib waxay billaabeen in ey
deegaano cusub la wareegaan, isla markaasina ay qaadaan
isbaarooyin ay leeyihiin hogaamiye kooxeedyo ama mooryaan is
bahaysatay
KUSOO BIIRISTII INDHA CADDE
Sheekada yaanan kugu daaline waa tii maxaakiimta ay xoogeysteen,
kadibna dagaal la galeen hogaamiye kooxeedyadii Xamar ee
qandaraaska kusoo qaaday in ey hilfaha u laabaan, dagaalkaas iyo
guushii kasoo hoyatay ayay aheyd meeshii ay iska badashay qaab
dhismeedkii maxaakiimta, waxaa kusoo biirey kooxo danno baddan
leh, oo kala duwan, waxaa dad baddan ka yaabisey in uu Yuusuf
Siyaad Indhacade kusoo biirey dagaalka, guushii la gaarayna wax
ka sheegtey, waxaase dadka kaga sii yaabka badneyd markii Yuusuf
Siyaad Indhacade laga dhigey gudoomiye ku xigeenka fulinta ee
Maxaakiimta, balse jagadaasi laga badalay isla markiiba markii
qeylada ay cirka isku shareertey, oo booskiisa la galiyey
Janaqoow, isagiina laga dhigey xoghayaha difaaca, waa kii
maxaakiimta ay bilaabeen in eey faafaan, meelihii ay durbadiiba
gaareen waxaa ka mid ahaa Jubbooyinka, iyagoo ka taloowsaday
Shabeelaha Hoose oo uu ka jirrey maamulkii Indhacadde ee
canshuurta beeralayda ku salaysnaa, taasi murran weyn ayay
dhalisey, laakiin dhag looma dhigin, muddo ka dib ayaa maamulkii
Shabeelada hoose loo badalay mid maxaakiimta hoos yimaada.
Xasuuso Indhacade wuxuu ka mid ahaa maamulkii dooxada Jubba oo
uu isagu matalayay Goobaale, waa kii markii dambe ee uu dhacay
dagaalkii jeneraal Moorgan 24ta saac uu Kismaayo heystey 2004
tii ciidamada Indhacade ay ka qeyb galeen dagaalkaasi, dabna
galiyeen magaalada Dhoobleey sida uu ku doodey Suldaanka beelaha
Jubbooyinka dega Suldaan Cabdi Cali Sokor oo hadlay, xiliga ay
maxaakiimtu Kismaayo imanayaan waa qudha labbo sanno kadib
xiligaasi.
AMIIR XASSAN TURKI
Sida aan sheegey, Jubbooyinka lagama aqoonin maxaakiim, ee
laakiin waligeedba waxay saldhig u aheyd ciidamo uu Sheekh
Xassan Turki watay oo waligood u taagnaa jihaadka, waxay
ahaayeen kuwa kaliya ee ka haray ururkii hubeysnaa ee Al-Itixaad
ee Ethiopia dagaalka la galay, isla ciidamadaasi ayay ahaayeen
kuwii kaalinta lixaadka leh ka qaatey dagaalkii Xamar lagu
qabsaday iyo meelo kalana, Xassan Turkina wuxuu ahaa shaqsiga
kaliya ee sida gaar ah ay u magacaabeen hogaamiye kooxeedyadii
Xamar lagula dagaalamayay oo sheegey in Xassan Turki uu yahay
ninka ay la dagaalamayaan, arrintaasi waxaa sheegey Bashiir
Raage oo dagaalka qeyb ka ahaa, Sheekh Xassan Turki wuxuu ahaa
abaanduulaha dagaaladaasi, isaga ayayna ciidamada si toos ah oga
amar qaadanayeen, waxaa la sheegaa in qidadii uu dajiyey ay
aheyd tii maxaakiimta guusha usoo hoyisey.
Sheekh Turki isagoo aanan maxaakiim ahayn ayuu Xamar tagay, si
la mid ah dadkii kale ee dagaalka ku biireyba, isagoo maxaakiim
ah ayuu Jubbooyinka kusoo laabtay, kana hergaliyay maamul
islaami ah. Haddaba maxaa isbadalay?.
Inta baddan ciidamada maxaakiimtu waxay ahaayeen kuwii uu
Sheekha Raankaanbooni ku tabbo baray,wallow markii dambe ay
harqiyeen ciidamo baddan oo mutadhawiciin ah oo jihaad doon ah
meelo baddana ka yimid, waxaana shaki weyn la galiyay qaabkii
dadkaasi loogu ogolaaday in ay jihaadka ku biiraan iyadoo la
ogaa qorshayaasha cadowga ee ahaa in basaasiin lagu soo dhex
qariyo dadka.
JABKII MAXAAKIIMTA
Wax yar ka hor intii
aysan maxaakiimtu burburin, waa tii maxaakiimtu ay dagaal
iclaamiyeen, iclaamka waxaa ku dhawaqay Yuusuf Siyaad Indhacade
oo inta xilli fiid ah galay idaacada HornAfrika sheegey in 7
barri ay xabashida dalka oga baxdo, laakiin inta aysan 7 barri
dhamaanin isagii ayaa dalka ka baxay, sidaasna wuxuu ku noqdey
wasiirka gaashaandhiga ee ugu horeeyey ee dagaal iclaamiyey ee
dibbada safar sunno ah (Cimro ayuu sacuudigu ugu aaday) dalka
oga dhoofey, arrintaasi shaki weyn ayay abuurtey, dadbaddan
ayaana iska tufey magacii maxaakiimta.
KALA HUFANKII MAXAAKIIMTA IYO AL-SHABAAB
Haddaba, markii ay maxaakiimta dhaceen, oo madaxdii ugu saraysay
ay isugu yimaadeen Jubbada Hoose, halkaas oo duqeyn culusi ku
qabsatay, waxay meeshaasi noqotey meesha kooxuhu ku kala
hufmeen, xiligaasi ayay aheyd markii ay is mirteen intii
jihaadka uu dhabta ka ahaa, waxaa halkaasi lagu dhisey
Al-Shabaab, laakiin meesha lagama saarin Maxaakiimta, waxaana
sii jirrey ciidamo magaca maxaakiimta ku dagaalama . ururka
Alshabaab waxay maxaakiimta kasii fogaadeen markii la dhisey
isbahaysigii Dib u xoreyta, oo Xusseen Caydiid iyo rag kale oo
aaban qeyr lagu aqaanin ay garab fariisteen Sheekh Shariif iyo
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo la yiri dal ayay xoreynayaan,
waxaase ay kasii fogaadeen markii isbahaysiga uu labbo garab
usii kala jabay ee qaarkood ay heshiis la galeen Xabashida iyo
Dabadhoonka, waxyaalaha heshiiska kasoo baxay waxaa ka mid ah oo
laga fahmay in Jihaadkii uu meesha ka baxay, oo wax kasta ay ka
muhiimsanaatay in Ethiopia ay baxdo oo kaliya, lana dhiso dowlad
uu Cabdullaahi Yuusuf madaxweyne ka yahay, Sheekh Shariifna
Ra’isulwasaare ka yahay, Shariif Xassan uu gudoomiye baarlamaan
ka yahay, Xusseen Caydiidna Wasiirka arrimaha gudaha ka yahay,
Qanyare iyo Muusi Suudina ay wasiiro ka yihiin,oo hadane
sheegata in diinta islaamka lagu dhaqo dalka, waxaa kaloo meesha
kasoo baxday suurtogalnimada in heshiisyo lala galo wadamada
reer galbeedka taasoo micnaheedu yahay in dalka Soomaaliya laga
ciribtiro dadka Jihaad doonka ah.waa arrintaasu tan marnaba u
cuntami weeysey Maxaakiimta kuwooda aan isbahaysiga
taageersanayn iyo Al-Shabaab.
ISBAHAYSIGA MUJAAHIDIINTA
Kala fogaanshaha Al-Shabaab iyo Maxkamadaha wuxuu u jirraa oo
kaliya labbo siyood, midda koowaad wuxuu ka jirraa maskaxda
dadka oo dacaayad baddan lagu furey, midda kale wuxuu u jirraa
haddii ay soo baxaan dad maxaakiimta sheeganaya oo taageersan
garabyada Isbahaysiga, wixii intaasi kasoo hara Shabaabku waa
maxaakiim, maxaakiimtuna waa Shabaab, sidaasi darteed ayuu
Sheekh Xassan Turki u yiri mar la weeydiiyey in uu Shabaab yahay
iyo in kale “dadku waa Shabaab iyo Shuyuuq”, mar kale ayuu si
dhab ah u cadeeyey in uusan marnaba taageersanayn garabyada
Isbahaysiga midkoodna.
Warka oo kooban, wuxuu yahay, maamulka Kismaayo sifadiisa waxaya
tahay: waa mid jihaadka u taagan, diinta islaamka iyo kutubka
Qur’aanka ayaa dadka lagu dhaqayaa, Xabash iyo Xabash kalkaal
wax heshiis ah oo kala dhaxeeya ama lala galayo ma jirraan,
dalka waa in xoog xabashida looga saaraa, waa in dalka laga
dhisaa jamhuuriyad islaam ah oo quwad leh, ma jirrto meel kale
oo dalka ka baxsan oo duulimaad loo yahay, wixii maamul dhisid
ah dadka deegaanka dagan ayaa laga tallo galinayaa, laakiin waa
in waxa la dhisayo ay diinta ku salaysnaadaan wixii siyaado ah
waa la qubayaa, ma jirraan wax la yiraahdo xeer mastuur iyo
gaalo heshiis lala gallo, gaalada hadday heshiis rabto marka
hore waa in ay na badbaadisaa dalkeena danihiisa ka talintiisana
waa in ay noo madax banaysaa, la yeeli maayo heshiis dulli ah oo
diinta lagu badalanayo.
Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo lagu lafo gurro aragtiyada ku
saabsan arrimaha dalka ugu muhiimsan.
Cabdinaasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com
Xuuraan:
Waa maxay sababta rasmiga ah ee socdaalka C/laahi Yusuf ee Puntland ?
Akhri..