Col. C/laahi Yuusuf Axmed, waxa uu Punland booqasho ku
joogaa 3 maalmood, sababta uu halkaasi u tagayna waa 3 arrimood,
ajandaha waa halka ugu sareeya kaga jira Sool, waxaa soo raaca
muranka ka taagan tartanka saldanada kursiga Cadde Muuse
(madaxweynenimada), qodobka sedexaad waa Salaadiinta Puntland
iyo Cadde Muuse oo ismaandhaafsan.
Waxaa kaloo jirra labbo
sababood oo ka muhiim yar 3 da kore, oo qeeb ka ah ujeedooyinka
C/laahi Yuusuf uu Garowe u tagay, labbadani arrimood waa
Gaalkacayo iyo arrin ku saabsan abni darro xoogan oo Puntland
laga sheegey. Hadaba odayga waxa uu meesha u tagay in uu xal u
keeno mashaakilada jirra. Hoos waxaa ah falanqeynta socdaalka
Col. Yuusuf, ee ka bogasho wacan.
Kadib markii magaalada Laascaano laga bixiyey gacanta
Puntland oo Somaliland ay u tabar sheegatay maamulka Garoowe,
ayuu C/laahi Yussuf booqasho ku tagay Garowe si uu wax oga qabto
xaaladaha dhinacyada baddan leh ee Puntland soo wajahay tan iyo
intii uu baneeyey xilka, kuna wareejiyey Jeneraal Cadde Muuse
uu midigta ku xushey.
Puntland waxaa kusoo food leh caqabado farrabaddan oo la arki
karayo mustaqbalka dhow, Puntland waxaa kusoo food leh
doorashadii madaxweynaha taas oo eey u tartaramaayan musharixiin
baddan oo kol horaba muujiyey in eeysan ku qanci doonin
natiijada doorashada, haddii ay dareemaan in lagu shubtey ama la
musuqmaasuqay, taasina waxay dhalisey xiisado iyo guux gudaha
ah, waxaa taasi sii dheer in odayaasha dhaqanka iyo Cadde Muuse
ay is maandhaafsanyihiin taasoo xaalka oga sii dartay, lama
yaqaano sababta isku dhaca keentey, laakiin waxaa la
tuhunsanayahay in raga musharixiinta ee lacagaha baddan heysta,
beelahoodana taageera ka heysta ay u gar dhigteen isamada
beelaha si eey Cadde Muuse oga dhaadhiciyaan in uu xilka
wareejiyo haddii si xaq ah looga guuleysto, laakiin markii
hadalkaasi loola tagay Cadde Muuse ayuu meel kale ka bus
kiciyey, waxaa kale oo Puntland mashaakil ka heystaa magaalada
Gaalkacayo oo dhawaan dagaal beeleed uu ka qarxi gaaray kadib
markii dilal qaarijin ah oo isdaba joog ah ay magaalada ka
dhaceen, ragii geeysteyna ay koonfurta magaalada u baxsadeen,
waxaa taasi dheer in amaan darro ba’an ay soo food saartay
maamulka mar ahaan jirrey meelaha ugu abni wanaagsan Soomaaliya,
waxaa kale oo jirta in xoogaga "islaamiyiinta" ah eey kusoo
xoogeysanayaan gudaha Puntland.
Marka caqabadahaasi oo dhan la’isku darro ayaa qasab ka
dhigtey in C/laahi Yuusuf uu dhex galo arrimaha si wax loo kala
fududeeyo, ugu horeyn wuxuu guda galay xalinta qilaafka isimada
iyo Cadde Muuse, maanta (July 28,2008) waxa uu la kulmay Islaan
Ciise Islaam Maxamed oo la sheegey booqashadii uu gurigiisa
Garowe ku tagay in xittaa dadka xaafada ay ka adeegan kari
waayeen illaaladii C/laahhi Yuusuf la socotey oo wadooyinka
xiratay, qadar daqiiqado ah oo labbada nin ay wada hadlayeen
ayuu C/laahi Yussuf dib oga laabtay guriga.
C/laahi waxaa kale oo uu galay xalka Sool iyo Laascaano oo
ciidamada Somaliland ay heystaan, ugu horeyn wuxuu dhagaystay
cabashada beesha laascaano ay ka qabto maamulka Puntland, wuxuu
ka war heley in beeshu ay dareensantahay in aanan xilal
wanaagsan oo mug iyo miisaan leh laga siinin maamulka, oo eey
tirsanayaan in la qadiyey, arrintaasi ayaa waxa uu xalkeeda
noqdey in C/xamiid Garaad Jaamac Garaad Cali loo
magacaabo wasiirka arrimaha gudaha si loo qanciyo beesha Sool ,
kadibna taageero looga helo beeshaasi haddii la damco in talaabo
ciidan laga qaado ciidamada Somaliland ee Laascaano heysta,
Dr. C/rashiid Barqadle ayaa isagana loo magacaabay la
taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Sool ( waa qofkii koowaad oo
xil noocaasi oo kale ah loo magacaabo, horey uma jirrin la
taliyeyaal gobol kaliya madaxweynaha kala taliya).
Ma cadda talaabada xigta ee xagga Sool loo qaadi doona, iyo
goorta la qaadi doono, laakiin wixii talaabo ah waxay noqon
doontaa arrin sir ah oo aanan la ogaan doonin ka hor inta aan
lagu dhaqaaqin. Sool waa jookarka siyaasadeed ee waliba midabka
dahabka ah leh, waa jookarka reer Puntland looga jeedin karro
arrimaha doorashada,ama xil kordhin lagu samaysan karro ama ugu
yaraan doorashada dib loogu dhigo karro, si taasi ay u
hergashana waa in Sool dagaal lagu qaadaa oo Laascaano xabad
lagu soo dhiciyaa, waa arrin sahlan in shacabka Puntland lagu
jiheeyo dagaal Somaliland lala gallo, laakiin wax kasta oo dhaca
ma sahlana in laga jeediyo arrinta doorashada madaxweynaha ku
saabsan, waxayna noqon doontaa arrin xasaasi ah oo eey tahay in
si taxadar leh loo maamulo, waayo Puntland uma dulqaadan karto
in gudaheedu uu kal jab ka dhaco, iyada oo furumo baddan ay ka
dagaalamayaan.
Arrinta ku saabsan muranka doorashooyinka iyo musharixiinta
cabanaya, ma ahan arrin C/laahi Yuusuf dhagahiisa ay u
duleelaan, waayo wuxuu aduunka ugu necebyahay nin xil ku qabsada
nin kale, gaar ahaan marka ay doorasho timaado, dhowr sanno ka
hor ayay aheyd markii uu dagaal xilka kagala wareegey Jaamac
Cali Jaamac oo isaga kaga reerey doorashada xilka
madaxweynenimada Puntland oo uu markaasi isaga haayay,
taariikhdaasina waa mid wali qalinkii lagu dhigey buuga ka
qoyantahay qadda. Hase yeeshee isaga oo isu muujineynaya in uu
yahay oday qaran oo eey tahay in uu dadka oo dhan u dhaxeeyo,
ayuusan marnaba is hilmaamsiin karrin muranka doorashada, waayo
Madax dhaqameed kasta oo uu la kulmo ayaa kusoo hadal qaadaya,
kana codsanaya in uu arrimaha dhexgalo.
Dhanka Gaalkacayo, waa mid degen, waxaana socda wadohadalo
labbada beelood ee magaalada u kala qeybsantahay kala degan,
waxaana yaraaday dilkii iyo arrimihii abni xumada, nin saxafi ah
oo magaalada ka howlgala ayaa ii sheegey in arrinta ay la
wareegeen odayaasha dhaqanka oo eeysan dowlada ku lug lahayn,
tani waxay ka dambeysey kadib dilkii nin nabadoon ah oo caan
ahaa, kaasi oo dilkiisa uu kiciyey mudaaharaadyo rabshado watta
iyo kacdoon shacab iyo xiisado colaad oo hab qabiil ah, Cadde
Muuse ayaa isla maalintii booqasho ku tagay Gaalkacayo, si uu
beelaha degen ugu sheego in eeysan Puntland diyaar u aheyn in
eey dagaal ka gasho koonfurta gaalkacayo, sidaasi darteed hab
nabadeed lagu dhameeyo waxa jirra , xittaa waxa uu xabsiga ka
siidaayay dhalinyaro falalka amaan xumada ah loo xirxirey, si
eeysan xiisado kale oga dhalan xarigooda. C/laahi Yuusuf isugu
lug baddan kuma lahaan doono arrinta Gaalkacayo.
Warbixin dhawaan ay soo saartay UN-ka ayaa lagu sheegey in
xaalada amaanka ee Puntland ay gaartay meel aad u xun ,
hadalkaasi ayaa waxaa si weyn u beeniyey mas’uuliyiinta Puntland
oo sheegey in warkaasi uu yahay mid aanan sal iyo raad lahayn.
Laakiin xaqiiqada jirta ayaa ah in amaanka Puntland uu daciifay
markii, sida la sheegay, tiro baddan oo ciidamadii amaanka sugi
jirrey loo wareejiyey Baydhabo iyo Xamar, waxaana jirta iyo
tirro kale oo dheeraad ah oo ciidamadii Punland ah eey dhawaan
ka mid noqdeen 5 kun oo ciidamada DKMG ah oo dalka Ethiopia lagu
soo tabobaray, 5 kun oo kale oo hadda DKMG qorshaha ugu jirto in
eey tabobar ugu dirto Ethiopia ayaa la sheegey in ciidamo baddan
oo Puntland ay ka mid noqon doonaan, dadka arrimaha Milatariga
ka faalooda, gaar ahaan milatariga Puntland ayaa sheegaya in
sababta Puntland looga qabsaday Laascaano ay tahay in ciidamada
maamulka uu lahaa intooda baddan loo wareejiyey koonfurta dalka
oo C/laahi Yuusuf uu Madaxweyne ka yahay dowlada Kumeelgaarka ah
ee halkaasi joogta, waxay sheegayaan dadkani in haddii Puntland
ay rabto in eey ku guuleysato dagaal ay Somaliland la gasho ay
tahay in eey ciidamadaasi dib usoo celiso.
Puntland fili meeyso in eey wax taageero ciidan ah ka hesho
xagga Ethiopia oo ku aadan dagaalka Somaliland kala dhaxeeya,
waayo Somaliland iyo Ethiopia xariir aad u dhow ayay leeyihiin,
waxaana sii xoojinaya xariirka maraykanka iyo Somaliland ka
dhaxeeya.
Haddii Ethiopia ay damacdo in eey Puntland siiso saanad
ciidan , ciimadana u tabobarto, hal marmarsiimo ayaa loo heli
karaa in sidaasi ey Ethiopia samayso, taasina waa in la yiraahdo
amaanka Puntland ayaa wax laga qabanayaa, "argagixisadana" waa
lagula dagaalamayaa, laakiin marka hubkaasi iyo ciidankaasi loo
isticmaalo dagaal Somaliland lala galo, taasina ay Somaliland
ogaato waxay meel xun oo halis ah gaarsiin doontaa xariirka
Ethiopia iyo Somaliland , halka Amerikaanka laga yaabo in eey
saaxada kusoo biiraan.
Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo lagu laffo gurro arrimaha
Soomaaliye.
C/Naasir Axmed Sh. Bashiir Saxansoxo. Email:
saxansoxo1@hotmail.com
Xuuraan: Sheekha iyo
Shariifka V/S Sheekha iyo Shariifka Akhri...