Waa rasmi (it is official), Isbahaysiga waa labbo garab, min
labbo gudoomiye kala leh, labbo gooboodna ku kala sugan, balse
wali geela ayaa isugu darsan oo magacyada kala gooni ah lama
kala bixin, labbada garabo waa “Isbahaysiga”, waxaad moodaa in
wax kasta la’isla eegtey, Shariif iyo Sheekh ayaa xilka Casmara
looga qaaday, Shariif iyo Sheekh kale ayaa xilkii loo dhiibey,
ugu yaraan waxa dhacay waxay ahaayeen wax muddo billo ah laga
warsugayay, oo aan fakaj ku iman.
Xuuraan ayaa indhaha ku
heeysey saacadihii ugu dambeeyey ayaa qoraalka hoose ku
falanqeyneysa sida ay wax u jirraan, ee ka bogosha wacan.
Marka la maqlay xil ka qaadista Shariifka iyo Sheekha
(Shariif iyo SH. Shariif), iyo xil u magacaabista Shariifka iyo
Sheekha kale (Shariif saalax iyo Sheikh Xassan) waxaa markiiba
la’is weeydiiyey “sow tii maalin dhow Sanca lagu heshiiyey,
maxaa qaldamay?”. Xuuraan waxay leedahay, waa la heshiiyey,
wixii lagu heshiiyey waa waxa aad hadda aad aragtaan iyo sida ay
wax u dhaceenba.
Waxa Sanco ku kulmay waxay ahaayeen maxaakiimta, waxa kala
jabayna waa isbahaysiga , bal u fiirso Sheikh Shariif xilka laga
qaaday ma ahan kii maxaakiimta, kan Sheekh Xassan Daahir Aweys
loo magacaabayna ma ahan kii maxaakiimta, ee waa kii
isbahaysiga, halkaasi waxaa kaaga soo baxaaya in maamulkii
maxaakiimta uu wali taaganyahay, oo eeysan waxbo iska badalin,
bal u fiirso halkaasi waa meesha usha laga jaro..
Waxaan heeynaa isbahaysi kala jabay, iyo maxaakiimta oo
mideysan, waxaan heeynaa Isbahaysi dibad joog ah oo dalka wax
saameyn iyo awood aan ku lahayn , hadane kala jaban, iyo
maxaakiimta oo saameyn iyo awood ciidanba ku leh dalka, isla
markaasina mideysan, waxaan kaloo heeynaa dowlad heshiis la
galaysa cid aananba fulin Karin waxa ay saxiixdo, waxaa kasii
daran, waxaan halkaan ku heeynaa beesha caalamka oo malaayiin ku
bixineysa heshiiska noocaasi.
Xuuraan waxa uu arkaa in waxkasta ay u dhaceen sidii loogu
tallogalay,eeysana jirin wax qaldan. Sabab?
Maalintii ugu horeeysey ee aan maqlay “urur isbahaysiga lagu
magacaabo ayaa casmara lagu dhisey, ee haddane ay ii raacday
Xussein Caydiid iyo rag kale oo calmaaniyiin ah ayaa xubno ka
ah, Sheekh shariifna madax looga dhigey,” ayaan aad u qosley,
waxaanan bilaabay in aan tirakoobo tirada maalmaha uusii jirayo,
waxaan arkayay dabka iyo baasiinka la’isla doonanayo, dhabtiina
shalayto ayuu ku ekaa jiritaanka Isbahaysiga, isaga oo aanan hal
talaabo horey ugu qaadin ujeedkii loo dhisey.
Maxaakiimta wali waa eey mideysanyihiin, dalka intiisa
baddana iyaga ayaa gacanta ku haya, iyaga ayay ahaayeen kuwii
dalka nabadgalyo lama filaan ah oo lix bilood ah gaarsiiyey,
iyaga ayay ahaayeen kuwii ku dhaqanka diinta islaamka ka
hergaliyey Soomaaliya markii ugu horeysey, iyaga ayay ahaayeen
kuwii isu taagay danaha shacabka iyo tan qaranka, waa iyaga kuwa
maanta heysta taageerada shacabka 90% meel kasta oo eey joogaan
iyo beel kasta oo eey ku abtirsadaan, waa iyaga kuwa maanta
dalka ka taliya, waa iyaga kuwa xabashida har iyo hergalba u
diidey, waa iyaga kaliya kuwa ay ka go’antahay in dalka lagu soo
celiyo maamul iyo kala dambeyn.
Maxaakiimta dalka ayay xoreeyeen iyada oo eeysan xabashida
heysan, qabqablayaal ayay ka xoreeyeen, kuwa Jabuuti lagula
shirayo waa isla kuwii shalayto dalka laga xoreeyey, waxa la’is
weeydiinayo waxa ay tahay “ yaa damaanad qaadaya in eeysan dib
usoo celin doonin nidaamkii qabqable iyo dhiigmiiradnimadii
waligood eeysan ka qaangaarin?”. Taasi waa su’aasha Sheekh
Xassan Daahir Aweys iyo asxaabtiisa ay isweeydiinayaan, waxaa
kale oo eey isweeydiinayaan “haddiiba la heshiiyo, oo eey
Soomaali heshiiso, xabashida dalka ka baxdo, maxaa looga
baahanyahay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la ogeyn
waxa ay dalka la iman doonaan? Maxaa diidaya in maxaakiimta ay
amaanka sugaan, sidii kol hore, wixii maamul ah ee lagu
heshiiyeyna kuraastooda ay buuxiyaan kuwa xilalka u ooman?”.
Halkaasi waa meesha muranka xooga leh ka taaganyahay, kala
jabkana keeney. Balse maxaa keeney In Shariifka uu fikirkaasi ku
raaci waayo asxaabtiisa, oo kaliya indhaha ku haayo bixitaanka
xabashida, miyuusan arkaynin dhibka daba yaala bixitaanka
xabashida?.
Haa wuu arkaa, waana ogyahay, laakiin talaabada uu qaaday
ayaaba ah go’aanka saaxiibadiis maxaakiimta kala tirsan, waayo
maxaakiimtu ma rabaan in eey sameeyaan qaladkii markii hore ay
galeen, waxay rabaan in haddii awooda dalka gacanta u gasho mar
labaad, in la helo shaqsi reergalbeedka kalsooni ka heysta kaas
oo is hortaaga wixii talaabo ah ee maamulkaasi maxaakiimta laga
qaadi lahaa.
Halkaasi waxaa kasoo baxaya in maxaakiimtu hal dhagax labbo
shirbirood ku wada dilayaan, marka hore ma rabaan in wax heshiis
ah lala galo DKMG, waayo waaba qiyaamo qaran in maamul
dastuurkiisa diinta ka hor imanaya wax lala wadaago, nabbada la
sheegayo in la doonayo, waxaa ka horeysa in la’is weeydiiyo,
“asalkiiba xagay ka timid nabbad darada?, sow nabbad darada kama
iman in diintii laga tagay ku dhaqankeeda, waayo haddii diin
lagu dhaqmayo, maba eeysan jiri lahayn qof qof dilo, mid wax
dhaca, iyo mid wax kufsada”, haddii nabadii lagu sheegey in eey
ku imanayso in lala heshiiyo maamul calmaani ah, oo dastuurkiisa
diinta si toos ah oga horimanayo, ma nabadbaa la doonayaa, misse
colaad?. Sidoo kale maxaakiimtu ma doonayaan in qolada DKMG ah
eey kaligood wax qastaan, oo eey marmarsiimo u helaan in wax
kasta ay ka yeelaan sideey doonaan, garab iyo gargaarna ku
helaan, sidaasi darteed ayay maxaakiimta ugu biireen isbahaysiga
oo calmaaniyiin danahooda gaarka ah DKMG ka waayay ay u
baddanyihiin, waana isla ujeedkaasi kan Sheekh Shariif loogu
ogolaaday in uu hogaamiye garabka saxiixaya heshiiska lugooyada
ah, ee xittaa xabad joojinta la saxiixay aanan lagu fulin Karin,
iskaba daa wax kale in la fulin karro.
Xuuraan: waa qormo joogto ah, oo lafogur, iyo falanqeyn ah
(taxliil), waxaana xooga lugu saaraa arrimaha Soomaaliya kazoo
kordha. C/naasir Saxansoxo. Email:
saxansoxo1@hotmail.com.