SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXANSOXO

Xuuraan: Guriga Cabdiqaasim maxaa laga baarayaa?. Hubka nuclear-ka?.

saxansoxo
Qore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com


Maxaa qarsoon, qariban, qaab daran, qaldan, oo  Guriga C/Qaasim Salaad Xassan qolqol loogu baarayaa?, waa markii sexedaad oo loo dhaco guriga, ugu yaraan markani waxay aheyd mar uu C/Qaasim ka maqanyahay gurigiisa qasriga ah ee ku yaala KM4, sidoo kale markani meeysan jirin wax laga qaatay guriga, laakiin waa maxay sababta markasta loogu dhacayaa guriga? Maxaa laga baarayaa?.  

Waa guri sidii qasriga oo kale u dhisan, dhabtiina mar magaciisa loogu yeeri jirey qasriga madaxtooyada, waa guri cad oo labbo dabaq ka kooban, dhismo ahaan waa mid casri ah oo darbi dheer oo adag iyo muuqaal soo jiidasho leh, darjiino ayaa ku dhextaala, marka aad gudaha guriga gasho, waabad hilmaameysaa in aad joogto meel Xamar ka tirsan, waa guri leh wax kasta oo aad ka filan kartay guri madaxweyne deganyahay. Laakiin ma ahan sifadaasi tan usoo jiideysa in markasta darbiyada ciidamo oga daataan.  

Guriga waa astaanta kaliya ee maanta Xamar taala ee loo aqoonsanyahay astaan qaran, waxaa ku nool shaqsi muhiim ah, shaqsi nabbada jecel, shaqsi Soomaali ah, shaqsi ay shacabka jecelyihiin, guriga waxa uu heeystaa xariirka dublamaasiyadeed ee aduunka , marka uu C/Qaasim joogo, guriga waxaa kusoo dhaca taleefoono aad u farrabaddan, ma ahan taleefoono caadi ah, qaarkood saacado ayaa lagu hadlaa halkii soo wicitaan, ma ahan dad caadi kuwa soo waca, guriga waxaa laga soo wacayaa qasriyada madaxtooyada ee wadamada aduunka qaarkood, madaxweynayaal, wasiiro, dublamaasiyiin iyo saxafiyiin ayaa soo waca. gurigani waa isha laga qaato warka dhexdhexaadka ah ee Soomaaliya ka jirra, waa halka uu aduunka ka ogaado rabitaanka dhabta ah ee Soomaalida, guriga waa mid soo jiita dareenka madaxda ajaaniibta ah ee marar qaar magaalada booqda, gurigani waa kan marka ninka ku jirra uu saxaafada la hadlo, waxa uu

Sheego eey ciwaano waaweyn u sameeyaan qalabka warbaahinta aduunka iyo tan gudaha, guriga waxaa dhexfadhiya astaan Amxaaro diid ah, nin aanan xabashida u ogoleyn in eey dhulka Soomaaliyeed joogto, waa nin aaminsan in Dhulka ismaamulka Ethiopia, kan waqooyi Barri Kenya ey yihiindhulal Soomaaliya laga heysto oo eey tahay in madax banaani la siiyo, waa nin aaminsan in Soomaaliya lagu dhaqo diinta islaamka, waa nin xariirkiisa dublamaasiyadeed uu ku jiheysanyahay wadamada islaamka iyo carabta, islamarkaasina aanan ogoleyn saameynta reer galbeedka ee geeska Afrika.  

Marka sifooyinkaasi iyo astaamahaasi oo dhan la’isu geeyo, ayaa waxa meesha kaaga soo baxaysa, mugga iyo miisaanka uu gurigana leeyahay, iyo qatarka uu ku hayo Nidaamka Baydhabo iyo Adisababa. Sifooyinkani iyo astaamahani waxay u dhigmaan hubka  baabi’iya (Weapon mass destruction (WMD) ee Sadaam Xusein lagu ridey xukuumadiisii, sidaasi darted guriga hubka noocaasi ah uu yaalo, waxaan filayaa in eeysan jirrin sabbab ka macquulsan oo taasi ka duwan oo eey tahay in weerarida gurigani loogu marmarsoodo.  

Maanta markii ciidamada DKMG ay galeen guriga, waliba si xoog ah, waxay dhulka wada jiifiyeen illaaladii guriga, hub kadhigis ayay ku sameeyeen, kadib qolalka ayay midmid u baareen, markii eey waxbo heli waayeen, ayay saf galiyeen ilaaladii, waa eey tirakoobeen, tiradooda ayay qorteen, waxayna ku hanjabeen in haddii uu qof dheeri ah kusoo biiro ay madax ka toogan doonaan, dhibaato xoog lehna ey ka dhici doonto guriga, lama sheegin wax ay guriga ka qaateen, tani waxay ka duwan tahay dhacdadii tan ka horeeysey, goortaas oo alaabo baddan laga gurtey guriga, waxaa ka mid ahaa kumputaraad laga baarayay bal in eey xoggo ku keedsanyihiin.  

C/Qaasim Salaad Salaad Xassan, oo ah madaxweynihii hore ee dalka, ayaa dalka dibada oga maqan, wuxuu joogaa dalka Massar halkaas oo qaar ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ay ku noolyihiin, marna uu isaga degenaan jirrey, dabcan in isaga oo dalka ka maqan guriiisa lasoo weeraro, waxay direysaa fariin uu fahamsanyahay, wallow uusan wali hadal kasoo saarin dhacdada, haddane caawo waa uu ka warhayaa fariinta waxa ay tahay, suurogal ma tahay in fariintu ay tahay “dalka dib ha’ugu soo laaban?”. Lama oran karro, waayo taasi waa fariin aad u culus oo eey aheyd in madaxda dowlada eey shirjaraa’id ka sheegaan, laakiin maxay tahay fariinta ka dhiilo baddan in fal gacan qaad ah laga geysto guriga nin Aabo qaran ah uu degenyahay?. Dhabtii waa fariin dhiilo leh.  

C/Qaasim Salaad Xassan muusan ka qeybgalin shirkii Jabuuti ee dhawaanta lagu heshiiyey, lamana filayo in uu ka qeybgalo kan Riyaad ka dhici doona, laakiin taasi micnaheedu ma ahan in uu diidanyahay, loomana fasiran karro in aanan lagu casuumin, waayo shirka waxa uu u dhaxeeyaa labbo dhinac o dalka ku leh awood muuqata.  

Sifooyinka wanaagsan ee raga ay siyaasada isku hayaan uu kaga horeeyo waxaa ka mid ah, in uu madaxweyne iyo dowladnimo u aqoonsaday mid ka mid ah dadka eey sida weyn isaga soo horjeedeen, ee markii uu isaga madaxweynaha iyo dowlad ahaana aqoonsanwaayay, waa C/Laahi Yusuf iyo Dowlada Kumeel gaarka ah, wallow ay dadka qaarkood ku doodeen in C/qaasim uu sidaasi u yeeley maadaamaa eysan jirrin meel uu ka taliyo, si la mid ah C/laahi Yussuf oo marka uu diidayay Puntland madax ka ahaa. Hase yeeshee in uu illaa xiligan Xamar kusii noolaado ayaa ah wax aanan sinaba oga suuroobin siyaasiga aan naqaano ee caadiga ah ee Soomaaliyeed, markale waxay astaan u tahay kalsoonida shaqsiyadeed ee C/qaasim ku jirta ee ah in eeysan jirrin cid uu qalad ka galay oo raadsanaysa, kaaga daran cidda aan u baahneyn in qalad laga galo, ee iyadu jinsiga Soomaaliyeed raadsanaysa (xabashida) ayuusan ka cararin meesha ay joogaan, taasoo markale muujneysa sida uu diyaarka ugu yahay in uu ummada Soomaaliyeed la qeybsado xilliyada dhibaatada.  

Si kastaba madaxda DKMG ayaa looga fadhiyaa in eey jawaab ka bixiyaan sababta keentey in la weeraro, iyadoo markii ugu dambeeysey eey C/laahi Yusuf iyo Cali Geedi raaligalin ka bixiyeen dhacdadii tan ka horeeysey, laakiin waxay ku xirantahay hadba sidda uu falkani u qaato C/qaasim laftiisa, haddii wax jawaab ah ey kasoo bixi weeyso, dhabtii waa astaan tooshka ku qabayna in “qolka jiifta maroodi ku jirro”.  

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email. Saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 15,2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS