KN: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
ayaa noogu yimid sanadii 2004 iskuul lagu magacaabo Al-Mathal, oo ku yaala
Xamar, kasoo horjeedka dugsigii sare Finti Une oktobar (21 Oktoobar). .
Abwaan
Hadraawi wuxuu ka mid ahaa koox abwaano iyo hobbolo ah oo dalka xiligaasi ku
marayay socdaal ay ku dhiirigalinayeen nabbada, anigu waxaan ka mid ahaa
kumanaan arday oo subaxaasi iskuulka Al-Mathal kasoo xaadirtey si aan u
dhagaysano qudbada Hadraawi.
Waxaan waligeey iga harin xasuusta
hadal uu Hadraawi noo sheegey, isagoo cabiraya dareenkiisa ku aadan in
uu dalka kusoo noqdey iyo dhibaatadii qurbaha kasoo gaartey, wuxuu yiri
“markii aan Soomaaliya imid ayaan is gartay qofka aan ahay”, wuxuu intaasi
ku daray “bal maleeya aniga oo ah Hadraawi, ood i garanaysaan oo taagan
dariiq laami ah oo baabuurta xufta igu dhaafeyso qaarada Yurub meel ka tirsan,
waxaan sugayaa gaari i qaada, iska dhaaf in kumanaanka gaadiid ee dariiqa
maraya ey lifti i siiyaane, waxaa la’ii arkaa nin madoow oo Afrikaan ah, oo
misane suuro muslim leh, waxaana laga baqayaa in aan ku qarxo”.
Hadalkaasi wuxuu ahaa kii ugu
xigmada badnaa ee lagu cabiri karro dareenka qof meesha uu ku noolyahay looga
yaqaano “looma ooyaan”.
Xiliga uu hadalkaasi noo sheegayay
aniga iyo isagaba kama aanan warheynin in dalka Kenya shirkii dib u
heshiisiinta ee ka socday lagu gorfeeynayo, laguna go’aamin doono sharci
dhigaya in halka aan taaganahay ka noqono “looma ooyaan”, waxaan oga
jeedaa in Abwaan Hadraawi oo gobolada waqooyi ka yimid iyo aniga oo Jubooyinka
ka imid, joognana Xamar naloogaga baahnaan doono in aan fiiso ku joogno Xamar
oo qorshuhu yahay in maamul goboleed gaar ah loo sameeyo, isla markaasina
aanan la xaq ahaanin dadka magaalada ku dhashay.
Tusaalaha Xamar ayuunbuu illa galaye,
meel kasta oo kale iyo qof kasta oo kale oo jooga meel aanan ahayn halkii uu u
abtir sheeganayay ayuu ku haboonyahay, dhab ahaantii nidaamkii federaalka ee
lagu soo meelmariyey shirkii Kenya ee ay ka dhalatay DKMG ah ayaa ah mid looga
gol lahaa sida in baddan la sheegey in Soomaaliya loo kala qeeybiyo gabal
gabal, gabal kastana loo sameeyo maamul gaar u madax banaan, oo haddii mid
kale lagu soo duulo uusan soo gurmar, ama dadka gobolkaasi ku dhaqan afti laga
qaado in ismaamulkaasi kale loo gurman karro iyo in kale.
Haddaba natiijada arag, maamul
goboleedka Puntland wasiirka u qaabilsan arrimaha gudaha Cabdulaahi Siciid
Samatar ayaa maanta hadlay, wuxuu yiri “dadka koonfurta ka yimid ayaa
Puntland qasaya, ma ahan in aan dadka ku kicineyno ee dulqaadkii ayaa naga
dhamaaday, wixii hadda ka dambeeyanaya si adag ayaan ola dhaqmi doonaa,
go’aana waan ka gaarnay”, ma filayo hadalkaasi in mid ka dhiilo baddan uu
jirro marka aad tahay qofka Baydhabo ku dhashay ee Bosaso ku nool.
Uma baahnid in aad mala awaasho waxa
ay yihiin go’aanada wasiirku sheegayo , kolleey aniga lama yaabi doono
haddii muddooyinka soo socda Puntland ay soo rogto waraaqo dal ku joog ah oo
lagu waajibiyo dadka koonfurta ka yimid.
Bal u fiirso maangaabnimada wasiirka
iyo qeeyru mas’uulnimadiisa, isaga oo wasiir Soomaaliyeed ah, ka taliya
gobol Soomaaliya ka mid ah oo xor ah ayuu dadkii uu u talinayay kala soocayaa,
iyadoo wax kalaba ha joogtee ku eedeynaya in ay amaanka qalqal galinayaan,
waxaa is weeydiin leh “maxay ku kala soocan yihiin qofka Bosaso ku dhashay
iyo kan Baydhabo ku dhashay? Mar hadii qofka uu dambi gallo sow ma haboona in
dambiga uu galay oo kaliya looga shidaal qaato ciqaabtiisa iyada oo aanan
dambi looga dhigeynin halka uu ka yimid?’.
Runta wasiirka uusan qiranaynin ayaa
ah in dadka koonfurta u dhashay aysan Puntland hub ku heeysanin, kuna heysan
karrin, haddii cid amaanka Puntland ay qalqal galineyso sow ma ahan in laga
fikiro dadka hubeysan ee ah kuwa uu isaga u yaqaano in ay yihiin
muwaadhiniinta Puntland?, waxaan idiin sheegayaa in sheekadu ay taasi ka
weyntahay, ayna tahay mid ku qotanta mashruuca “looma ooyaan”.
Puntland oo kaliya ma ahan dadka u
qumey fulinta mashruucani, markii ay qaraxyada ka dhaceen Hargeysa iyo mar
kasii horeysayba, maamul goboleedka Somaliland waxaa ka jirrey mashruucani “Looma
ooyaan” oo si layaab leh u tabar galay, muddo sanooyin ah Somaliland
inta laga gudbey takoorta dadka gobolada kale ka yimid ayaa la gaarsiiyey heer
wadamo shisheeye laga iibsado iyada oo dadkaasi loo tiranayo in ay wadamadaasi
u dhasheen, markii ay qaraxyada Hargeysa ka dhaceen, maamulka Hargeysa kama
uusan gaban in uu markiiba eeda qaraxyada dusha ka saaro dadka koonfurta ka
yimid.
Laakiin waxaa kiilo mitirro dheeraad
ah socday Feysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID oo sheegey in haddii uu
ku guuleysto doorashooyinka Somaliland uu dadka gololadaasi xittaa ka tirtiri
doona magaca Soomaalinimada, wuxuu yiri “magacani Soomaaliga ah wuxuu nagu
noqdey cambaar, marka aad Soomaali sheegataba waa lagaa didayaa” ayuu yiri
Feysal.
Ma garanayo wax nasiib darro ka xeel
dheer ninka doonaya in uu iska meeyro magaca Soomaalinimada, arrintsiisa waa
mid ka taloowsan gooni isu taag iyo Soomaaliya, ee waa nin la dagaalsan
jinsiyada uu isagu yahay, haddii ay Soomaalinimadu tahay cad hilib ah jirkiisa
kasoo baxday Feeysal Cali Waraabe waxaa hubaal ah in uu iska jarri lahaa
Siyaasada Somaliland waxay guuldaro kasoo gaartaa hadba ninka ku jiidaya
dhanka Soomaaliya, dhawaan markii madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin
uu sheegey in dowlada Shariifka lala macaamilo karro, Hargeysa waxay u ahayd
sidii Axmed in uu qaatay jinsiyada yuhuuda oo kale, nin kasta oo afkiisu wax
ka sheegi karray ayaa wax kasta oo cambaareyn ah dusha ka saaray Axmed, illaa
heer lagu qasbay in uu raali galin ka bixiyo hadalkiisa. Mar kale garan maayo
nasiib darro arrintaasi ka weyn.
Aabayaalkii xoriyada Soomaaliya, waxaa ugu hormuudsanaa rag kazoo jeeda
gobolada waqooyi ee hadda la baxay Somaliland, markii Ingiriiska ay xoriyada
kala gorgortamayeen, midkood ayaa yiri hadal taariikhda galay oo ahaa “my
country and my people is less than to be divided”, taasoo micnaheedu yahay
“dalkeeyga iyo dadkeeyga waa ka yaryihiin wax la kala qeeybiyo”.
U malayn mayo in ninkaasi sidaa yiri iyo kuwa hadda jooga ay naas wada nuugeen.
kasoo taloow oo immo koonfurta, raga siyaasada koonfurta horboodaya waxaad
moodaa in hal meeris loo wada marshay iyaga iyo kuwa aan kasoo sheekeeyey, dad
kalabba ha joogeene, kuwii aan is lahaa iyaga ayaaba ah fardaha igula baqo, ma
ahan kuwa meel dhow wax ka hingaadinaya.
Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow, waa wasiirka cadaalada iyo garsoorka ee DKMG ah,
ka hor intii aanan jagadaasi loo magacaabin oo aanan dowlada la dhisin,
xiligaasi oo uu ahaa madaxda isbahaysiga garabkii Jabuuti, ayuu yimid Xamar,
meel fagaaro ah ayuu muxaadaro ka jeediyey, sidii loo lahaa toloow muxuu
sheegi doonaa, ayuu soo daacay hadal taariikhda u galay, kana hari doonin
illaa uu raaligalin ka bixiyo, wuxuu yiri “muqaawamada kuwa aan Xamar u
dhalanin, goboladoodii ayaa laga ceershey, halkan ayaan kusoo dhaweyney, waa
in ay iska tagaan oo ay aadaan goboladooda” hadalkaasi oo micnihiisu ahaa in
dadka aan xamar u dhalannin ay isaga tagaan.
Kolkii dhawaan ay Xamar kusoo laabatay DKMG, waxaa magaalada ka biloowdey
olole tooshka loogu ifinayo mujaahidiintii magaalada xabashida ka xoreeyey ee
gobolada kale ka yimid kuwaasoo ka mid muqaawamada dowlada kasoo horjeeda.
Anigu waxaan ku noolahay qurbo, waa arrin aan aad uga damqado marka aan la
kulmo waxyaalo aanan ii qalmin oo la’igula dhaqmo, waxaan mararka qaarkood
go’aansadaa in aan xittaa Soomaaliya lug kusoo aado, haddane marka aan soo
xasuusto in meelo baddan oo Soomaaliya ka mid ah aan ajnabi ku noqon doono,
ayaan 10 jeer dib u fikiraa.
Gabogabadii, soow idinla ma ahan in aan nahay qoowmiyad meel kasta oo ay
aduunka ka mid ah looga yaqaano “Looma ooyyaan”, xittaa halkii ay
kasoo jeedeen?.
Xuuraan: waa qormo joogto ah oo aan ku laffo gurmo arrimaha muhiimka ah ee
Soomaaliya ka taagan