SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- BOGGA EELAY
July 15, 125

YAA KU KALA JECEL; JIICOOW JAB AMA JOOG!

Eeboow magantaa! Eebow na mooti! Maxaa dadku waashay! Maxaa loo yidhi dunidu wey wareegsan tahay saa dad badan baa weli qaba inay fidsan tahaye? Maxaa loo yidhi dadku maskax buu leeyahay saa qaar badan baaba dugaagana ka liitee? Waar dadow waxaan isleeyahay Soomaalidu waaba sebi-saqiir ahoo denbiba ma leh! Maxaaba wax loo raacaa haddiiba Soomaalidu ay cafis ka tahay salaad, soon iyo faradh oo dhanba! Sow wax aad loola yaaba maaha qof la xisaabtamaya dad iyagiiba u baahan dhakhtareyn, dawo iyo dabiib. Sow Eebahayba kamuusan dul qaadin wixii waajibaadka ahaa! 

Waxaa sugnaatay in wajhada (xagga hore ee wejiga) ay ku jirto qaybta maskaxda qaabilsan kala garashada xumaanta iyo samaanta. Soomaalidu siday u dhan tahay waxaad isleedahay qaybtaas ayaaba ka maqan. Sow maaha qof naafa ah oo u baahan in la hago qofka aanba ogayn waxa u wacan iyo waxa u xun. Maxaa naga si ah? Akhristoow maxaa Soomaalida qaybtaas kaga dhacay? Ma garan?. Haddiiba aan is idhaahdo wuxuun ma la awaal waxaan is odhan lahaa hilib adhiga aanu cuno ayaaba dhibta keenay. Sow maydan arag in adhigeenu ka waalan yahay xoolaha kale ee dunida. Weli ma aragtay xoolaha ummadu dhaqdaan oo marba meel isku qaadaya? Iyagoo kuwa kale ku boodaya oo doonaya inay la dagaalamaan? Iyagoo sida kuwayaga la aamusin kari la’yahay? Waxaa la yaab leh xataa haddii hal neef oo Soomaali laga keenay meel keligii lagu xereeyo dhibaatadiisa ayaanba loo adkeysan karin! Wuxuu herdiyo haddiiba uu waayo isagaa is herdinaya! 

Ta labaad waxaan isleeyahay waalidan faraha badan ee aan la maskaxayn waxaa sababay wax la cunay ama la cabay oo naga masaxay garashadii. Sow maydaan arag qof iska shaamshaam ah oo ay carruur yaryari ku ciyaarayso oo aan xataa diiday odhaneyn wixii loo diro iyo wixii lagu amro. Qofkaas ayaa waxaa lagu duray cirbad ka disha garashada kadib markii uu denbiyo sameeyey, waxaana arrintan caan ku ah waddanka Holland. Micnuhu waa intii lagu xidhi lahaa ayaa laguugu bedelayaa cirbad ku maan bedesha oo aadan garasho iyo xusuus midna lahayn. Markaa waxaan isleeyahay caana booraha iyo saliid cadeyda nalgu daldalo ayaaba cirbadeysan kadibna waanagaa cawska daaqana! Waar ha iloobin in ay Soomaalidu daaqdo caws loo yaqaan Qaadka! Tolow maxaa lagu buufiyey oo dadkii buufiska ku ridey! 

Tan saddexaad een isleeyahay waalidan faraha badan way dhalisay waa uun in ay Soomaalidu markey dhalanayeen madaxa la soo jiiday ama markuu yaraa ilmuhu uu in badan dhulka weji-weji ugu dhici jirey amaba budh, dharbaaxo, ul iyo dhagax wejiga lagaga garaacay! Mise tolow gaajada iyo haraadka ayaa shiiqisay qaybta fikirka maskaxda oo waaba ongolofaato!. Waxaa kaloo laga yaabaa, inkastoo ay wacnayd heestii nuunaha ee Sidii Billanow Bil Dhalatay….. , laakiin in ruxruxidii iyo hawada u tuurkii ay ilmaha maskaxdiisa isku yaacisay. Waxaaba ka sii daran nuunaha dhabarka lagu sido ee sida Laama looshaha hadba luquntiisa iyo madixiisu laafyaha hooyadii marba dhinac u raacayaan. Ogow in barruurtii madaxa ku jirtay ay dhalaashay welina ay Soomaalidu raadinayso sidii ay u kala miiri lahayd gufurka iyo subaga iyo weliba qalabkii la isticmaali lahaa si loo kala miiro!. Haddaba dhibaatada loo geystay wajhada ayaa dhaawac ku reebtay maskaxdii qaabilsaneyd garashada markaasaa waxaa nalaga waayey qof garta samaha, qof naxariis leh, qof damqada iyo qof baraarugsan! Dadkuba yar iyo weyn, waxgarad iyo caamo, shicib iyo dagaalooge waa wada shaamshaam! Dagaal Ooge dilka aabihii iyo hooyadii garan maayo! Shicibkuna dantooda iyo carruurtooda garan maayaan! Kaaba Qabyaaladuna qolo uu metelaba garan mayo! Ma’suulkuna inuu qaangaar yahay oo waajib saaran yahayba garan maayo! Askariguna wuxuu sida Lixlaha u tuuraa rasaasta isagoo moodaya inuu turub cayaarayo! Qaalligu isagoo sheeka xariir sheegaya ayuu ismoodayaa inuu wax xukmiyey! Maxkamaduhu sidii cawaankii Roomaanka ayayba keeneen inay ku raaxeystaan jarjarida jidhka bini’aadamka!. Sow Soomaalidu uma baahna Visito iyo in la hubiyo inay dhan yihiin. Haddiiba wax kale laga waayo ma kolbaa isfiilatana laga waayayaa?!.  

Habar Mareykan ah ayaa noo fiirsatay anagoo badan oo dooneyna inaanu iskool is qono markaasey inta yaabtay tidhi su’aal ma idin weydiiyaa. Markaanu nidhi haana, waxay tidhi: “ Why Somalis are alert”? Maxay Soomaalidu la fiigsan tahay oo la didsan tahay? Show isma ogine kii islaanta usoo galaaba wuu dhaafsan yahay oo meel iyada ka shisheysa ayuuba eegayaa! Yaahuu! Indha fiiq-fiiqanaa! 

Tan afraadi waxay tahay armeynu ummad kale nahay oo Garaadka iyo maskaxdan aynu baadi goobanaaba ay xagga danbe nagaga jirtaa? Bal ila akhri Ferenjigii Ingriiska ahaa sida uu u fahmay in fikirkayaga iyo garashadayadu iyadoon la rogrogin ay sida kubadda ka soo boodo meel soke. Bal ila eeg sida uu u timaamay maskaxda dunida ugu qaalisan ee ninkaas ka yaabisay- Halkan ka akhri 

Akhristoow bal adigu noqo xaakimkii oo ila eeg in la fiyow yahay iyo in Garaadka iyo Caqligu na daba luudayo. Weligaa ma maqashay waan ku dilayaaye ashahaado?  

Moryaan-Aji: Waar ashahaado! Ashahaado! Ku dhimo towbada! Asiib towfiiqda! Eebahaa u noqo! Adeec Suubanaha! Ogow inaan bir wax disha iyo baasuuko haysto! Intaasaa Mooryaanka afkiisa calyada leh ka soo butaacaysa! Miskiinka uu qoriga ku hayo ayaa ashahaadu ka dhamaatay. Kan uu deldelayo ayay naftu ka bixi la’dahay. Kan uu jir dilayo ayaa taahiisa iyo hiin raagiisu dhamaan la’ yahay.  

Miskiin-Alle: Alla hay dilin! Alla hay jugeyn! Alla hay deldelin! Alla aan tukado! Alla aan ashahaato! Alla aan suneysto! 

Moryaan-Aji: Tuko! Suneyso! Ku dhakhso koley baas ifiso ah baa kaa danbeeyee! Kolley deldelaad baa ku sugaysee maxaad ka suneysan! hana lumin wakhtigee dedeji! 

Moryaan-Aji: Beryahaa waan gariiraa! wixii aan shiishaba waan gefaa! dameerkana kuma shiish baran karoo dad buu leeyahay! Geedahana qabiiley ka tirsan yihiin! Hawadana Reeraa isbaareystay! Baddana warkeedaba daa! Kuwii xumxumaa ee Midgaha ahaa aan baadi goobo! Haddaan dibadda ka waayana aan jeelashaan u sameysanay soo eego! Haddaan iyaga waayana maan Jarreer doonto! Haddaan horey usoo qaban waayana garam-garamta Baydhaba ka timid sow meel walba sida mooska uma buuxaan! Haddaan si walba ku waayo maan Maxkamadeyda adeegsado! Hadday iyadu merjiso, jir disho, deldesho ama xukunto miyaan ciil u qabaa? Waxaase gabalkey dhacay Markey dhamaadaan, gadoodaan ama haajiraan! Tollow maxaan sameyn doonaa? Tollow isnadaamiska iyo cuncunka gacmaha iga haya maxaan ku daweyn doonaa? Haddaan tolkey ku gurya noqdana Reeruhu isgefi maayaan oo xataa anigu bedbaadi mayo ee Allow adigaa Qaadir ahe Midgaan hanoo waayin oo Jarreer hanoo waayin oo tol yare ha noo waayin! 

Miskiin-Alle: Eebow Magantaa! Maskax yaraan iyo miir beel ma jiree, ilees kibir iyo isla weyni uunbaa indha tiraye Eebow na mooti! Eebow adiga uunbaa sifooyinkaas leh oo way isku kaa lamaaniyeene Eebow magantaa!

Ragoow Kibirka Waa Lagu Kufaa!

CAQLIYOW BA’! DALAQ MA ISKA IDHI DULMI AANAN KA FIIRSAN! -. Guji...

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Jun 3, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL! Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...

Reer bad loo qubay,Hilba badanow maan badh xaabsado (Q. 2aad) -. Guji...

SOMAALIYEY, MIDGAAN MAGTIISU WAA MEEQA?

 

MADHIBAAN IYO AJI WAA ISKU ASAL !


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD