SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

ILKA ABEESO HOOS AYEY KA XIRIIRAAN!

Xisbiyada kala duwan ee la yidhi ha u tartameen doorashada Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ayaa isku cod kaga dhawaaqay codbaahiyaasha iyo idaacadaha ay isku soo sharxaan: Gabooyow gabalkaa dhac! Midgaanow malag Alle kuu keen! Tumaalow tacab laawe! Yibirow yaahuu! 

Waxaanu ka qaadnay meeshii keliya ee ay Hargeysa ka deganaayeen! Dumbuluq Midgaan laguma arko, eeg khadka iyo fikradaha aanu ka korosanay Ferenjiga marka uu barakicinayo Beelaha uusan rabin: Dowladu horey u socotaa oo horumar la taaban karo ayay sameyneysaa, waa in jidad la bixiyaa, beero lagu nasto la sameeyaa, fagaarooyin lagu kulmana la dhisaa! Haddaba waxaanu u sheegeynaa muwaadiniinta inay samraan oo u dulqaataan barnaamijyada ay dowladu hirgelineyso. Qoyskii uu gurigoodu jir maro dib u dejin iyo magdhow ayaa la siin doonaa, markaa halala shaqeeyo dowlada! 

Makiinado waaweyn iyo cagaf-cagaf ayaa Xaafadii Dunbuluq dul maray. Wuu qaxay oo daafaha magaalada buu is tubay. Wuxuu dhowrayey dib u dejin iyo magdhow uu ilaa maanta weli sugayo in bal diin-diinkii soo qaaday lacagta uu soo gaaro buulashooda. Dunbuluq oo ahayd badhtanka magaalada Hargeusa ayaa weji cusub yeelatay, dad cusubna ka buuxdhaafeen. Waxaadan maanta ku arkeyn dadkii deganaan jirey. Waxaa dhamaaday sheegashadii Xaafad baaxad weyn oo beri la odhan jirey waa Xaafad qudhun ah oo lama galaan ah! MAxayse Xaafadi sheegi dalweyne dhan baa laga xayuubiyey. Gabooyow gabalkaa dhac! Midgaanow malag Alle kuu keen! Tumaalow tacab laawe! Yibirow yaahuu! 

Xisbiyadan kala duwan ayaa waxaa ay leeyiin sharciyo dadka Hartiga ah ee degan Goboladaas in loo sii dhigo kuraas aan lagula tartami karin oo ay si sahal u helayaan cidii ay soo doortaan. Kuraastan la sii diyaariyey oo Qowmiyada Hartiga u ah geed ka go’an ayaa waxay u muuqaneysaa in Ajigu qabiilkii uu doonaba ha ahaadee uu dagaal aan geed ku gabasho lahayn uu kula jiro Midgaha, Yibraha, Tumaalada iwm. Waxaa xaqiiqa ah in Beelaha Hartiga ay ka danbeeyaan Harti weyne dega degaama kale oo xoog iyo cudud ku leh kuwaasoo ku muquunin kara taliska Hargeisa in ay Beelohooda ixtiraamaan una yeelaan sidii ay rabaam. Ogow Midgaanka uun baa meel uu joogaba layska ilaaliyaa oo aan loo oglayn inuu madaxa sare u soo qaado. Markii uu u adkeysan waayo dhibka lagu hayana ifiso la dhicid iyo baroomeyn baa ku bilaabata. Kuraas loo dhigo iska daaye waxaa Beelaha Gabooyaha ee Waqooyi Galbeed laga mamnuucay inay sameystaan xisbiyo iyo ururo xambaarsan magacooda. Waxaa dhowr goor lasoo guhaadiyey oo karbaash lala soo dhacay dhallintii sameyn lahayd urur uu ka muuqday magaca ah Beelaha laga tiro badan yahay ama Beelaha Gabooyaha iwm. Gabooyow gabalkaa dhac! Midgaanow malag Alle kuu keen! Tumaalow tacab laawe! Yibirow yaahuu! 

Markii uu Ajigu yeesho wuxuu u yaqaan cadow guud oo ka hor iman kara dantooda guud iyo ta gaar ahaaneed eeku aadan tirtirida takoorka iyo quudhsiga wuxuu noqonayaa ul iyo diirkeed. Waxay Kaaba Qabyaalada Ajigu markiiba halow-halow iyo taar isku weydaarsanayaan in ay belaayada wada xijaabaan oo ay iska moosaan daad aan qaadeyn Beel keliya ee dhamaan Beelaha Laandheeraha ahi ay ku hafan doonaan. Waxay isku guubaabiyaan in aysan ku axdi furin Weliyadii ay ka soo farcameen oo ay cadaab ku muteysan karaan haddii ay khilaafaan warkooda ama ay ugu yaraan noqonayaan caasi iyo cuquuqul waalideen! 

 Akhristow marka Ferenjiga Irish-ka ah ee mudnaanta koobaad la siiyo marka ay jago sare ka soo baxdo Dalweynaha Mareykanka uu doonayo inuu inaadeerkii geeyo meel sare ama dalacsiiyo ama shaqo qoro ayaa wuxuu isticmaalaa hadal sarbeeb ah oo ay dadyowga la joogaa si kale u fasiran karaan. Hadalku hadba meesha la tilmaamayo iyo shaqada la tilmaamayo ayuu ku socdaa laakiin Qabiilkaasi iyagaa isla og oo hoostaa iskala socda. Ninka madaxda ah ayaa u yimaada ninkii imtixaanayey shaqaalaha cusub markaasuu weydiiyaa inuu ku baasay calaamadii iyo in kale. U jeedadu waa ninkani calaamadeenii iyo muuqaalkeenii ma leeyahay? Markaasey inta ay dhoor goor good, good, good is weydaarsadaan ayay kala dhaqaajiyaan! 

Taasi waxay la mid tahay maahmaahda uu Ajigu u sameystay Midgaha ee uu isaga ilaaliyo inuusan soo dhex gelin. Waa maahmaah ku tusinaysa in uu Ajigu meel uu joogaba uu hoostaa sida ilkaha Abeesada ka wada xiriiro. Waxaa ay dhamaantood ay dhaxal ahaan u heleen maahmaahdaa una isticmaalaan si marba ku haboon xaalada la joogo, laakiin dadka kale uun baa loo beenguurayaa ee Ajigu wuu is ogyahay wuuna garanayaa meesha uu hadalku ku socdo. Maahmaahdu waxay ka hadlaysaa inaan marna cuna qabateynta laga qaadin Midgaha oo lagusii adkeeyo, waana hadal uu Ajigu isku guubaabiyo marka la arko qaar iyaga ka mid ah oo is jilcinaya. Kuwa is jilcinaya ayaa loo digayaa oo la leeyahay isjir oo ogow inaad idinkuna noqon kartaan kuwa xayawaanka aan xalaasha ahayn quuta sida goronyada, bakeylaha, sagaarada iwm. Maahmaahdu waa:  Barbarkey ka baxdaa waa bakeyla qaleen. 

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 6, 2005


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD