CAQLIYOW BA’! DALAQ MA ISKA IDHI DULMI
AANAN KA FIIRSAN!
Waar heedhe waalanaa!
Miyaa la falay, mise wuu soo wataa! Muxuu u
sameysanayaa doontan weyn! Xagee buuse ku kaxeyn
illeyn lama degaan bacaad weyn ayaynu deganahay oo
bad iyo biyoba arladu ma lahe! Alla maxaa ku waalli
ah! Tolow yaa la taliya! Eebow maxaa noo keenay
ninkan! Eebow adigu maankiisa iyo miirkiisa usoo
celi! Weger! Maxaase qabsaday Reer Nuux! Bacaadkii
miyaa bad ku noqday? Dabeyshii iyo hirkii bacaadka
iyo dhaan debangaalaha miyaa hir bad oo buura le’g
isu bedelay? Miyey arkeen doontii oo cirkaa
sabeynaysa? Miyuusan Eebahay caadil ahayn oo
dulmanaha isagu ducadiisa ajiibin!
Sidii
hirarkii daadku uu u qaaday qoladii iska qosli
jirtay ee ku jeesjeesi jirey Nebi Nuux(cs) ayaa
waxaa hirarka dhaadheer ee hadalka iyo sawaxanka
xuquuq raadisku ay iyana ay u qaadeen qolo sidaasoo
kale ugu jeesjeesayey abaabulka laga waday Magaalada
London ee looga soo horjeeday caddaalad xumada ka
jirta Maxkamadaha Hargeisa. Waxaan dhejinayey
xayeysiiskii banaanbaxa, waxaanse maqlaa: Waar hooy!
Hooy! ma kula tahay inaad sida ku xoroobaysaan oo
aad dad ku noqonaysaan? Ma idinla tahay inaad la
simni kartaan boqorada iyo suldaamada Qureysheed ee
dunidan ka caan baxay? Ma waxaad ismoodeen waxaydan
ahayn? Bal car waa taasee ku dhaca inaad isku
deydaan inaad banaanbax sameysaan!
Waxaa la yaab leh sida ay Soomaalidu xataa u
damacday in dhul aysan wax awood iyo xukun ku lahayn
ay dadka uga horistaagaan inay hadlaan, banaanbaxaan
oo dareenkooda dunida gaarsiiyaan. Maxaase ka raacay
islaweyntii islaheyd Gabooyuhu wuu iska qaylin, iska
bulaami oo waxbadan ma sameyn karo!.
Saaqa
iyo colkiisa ayaa cararay, cooshad walba oo ku taal
Magaalada London ayay ku nabeen ogeysiis iyo
xayeysiis xambaarsan quudhsi diid. Waxaa afku kala
tegey kuwa xaqa dadka duudsinaya kadib markii
jaamacad walba iyo iskool walba lagu gorfeeyey
dhibaatada iyo caddaalad darada ka jirta Hargeisa
iyo dhamaan Soomaaliya. Waxaa qayla dhaantu ay
gaadhay dhamaan Ha’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.
Waxaa lagu soo daabacay Jaraaidka qaarkood ee ka soo
baxa carrigan Ingriiska. Waxaa ay Isla weyntu aad u
naxeen ka dib markii Xaafadooda u gaarka ah ay ku
qabteen sanadguuradii ka soo wareegtay Gooni
Isutaaga! Waxaa la casumay Oday Ferenji ah oo
Baarlamaanka ku jirey oo aad ugu ololayn jirey
Aqoonsiga Soomali-Land. Wejigiisa oo cas buu soo
galay xafladii! Wax aan looga baran baa ka muuqda!
Farxad iyo raynrayn badan ma leh aan ka ahayn Sorry!
Sorry! Sorry! waxaan akhriyey iyo waxaan arkay iyo
dhibaatada aad ku haysaan dadka aad quursataan ee ku
nool Hargeisa! Sorry! inaad tidhaahdaan
Dimuqraadiyad baanu taageernaa dadkana aad sidaa ula
dhaqantaan!
Waar hayaay! Waar Caabiyow cooshadu kugu duntay!
Waar Gabooyoow gablan! Waar maxaa Ingiis Carrana aad
cuqdada ugu beerteen! Waar maxaad noo sugi weydeen
inta aanu wax hagaajinayno! Waar miyeydan arag sida
aynu Boqorkiinii Lan-Cruiserka u siinay oo aanu
Laascaano ugu dirnay! Sow ma argtaan inuu ka mid
yahay Salaadiinta la sharfay ee ka qaybgaleysa Caana
shubka Garaadka beelaha Sool. Waar waad deg-degteene
dhibka maad isaga dulqaadataan! Kun sanaad
rarneydeene maxaa maanta idin shidaya! Waar
miyeydaan diintaba garaneyn inay tidhi Culeys badan
ka dib fudeyd iyo barwaaqaa la gelayaa!
Waxaase
arrin aad loola yaaba noqotay sida uu cod ahaan ugu
hiiliyey Weriye ku sheega Ahmed Cabdi Nuur Reeraha
uu ka soo jeedo. Waxaa xarig jiid dheer loo galay
bal in wuxuun laga soo daayo wareysigii ay BBC-du ka
qaaday Max’ed Caabi Saaqa. Waxaa uu Ahmed si aad ah
u diiday in hawada uu galo codka Gudoomiyaha
Gabooyaha oo uu u arkayey in Maxkamada Beeshiisa ay
ku tahay weji gabax iyo qoodh iyo xero la’aan isagoo
xasuusan dardaarankii tolkii ee ahaa: Nin walba,
meel uu joogaba, tolkii waa u tirsan yahay ee bal
birta shanqadha yaan nalooga soo dusin!
La ogaa in Sharciga Somali-Land uu cawaran yahay!
Laakiinse maantaba haddii uu Riyaale dulqaadkii ka
dhamaaday oo uu Faqash iyo Fidna wade Cigeba
fuuqsaday sow maaha talaabo horey loo qaaday. Sow
macal cune soo ma bixin ka dib markii ay labaduba
cida carruurtii midba ka kale ku eedeynayo xatooyo
dadweyne. Ogow Riyaalow in ay tahay talaabo horey
loo qaaday ayna haboontahay in aan labadaa nin
hadhkooda oo kale aan meeshaa la keenin. Waxaana
wacan in ay Isla weyntu ogaato in qofka keliya ee
dhexdhexaadka ah ee ay haboon tahay in Maxkamadaha
caddaalada iyo Booliska hawshooda si daacadnima ah
uga soo bixi kara ay tahay oo keliya Beelaha la
Quudhsado. Waayo Beelahani cidna maaha, Aji maaha,
Bini Haashim maaha, Bini Qureesh maaha, idima kala
jecla, markaa sow sharcigii cawarnaa u noqon maayaan
goojo indhaha looga dhibciyo si aragu u hagaago.
Xigmadu yaysan kaa hoos bixin Ina Riyaaloow!

Reer bad loo qubay,Hilba badanow maan badh xaabsado (Q. 2aad) -. Guji...
SOMAALIYEY, MIDGAAN
MAGTIISU WAA MEEQA?
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
May 31, 2006
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...
MADHIBAAN IYO
AJI WAA ISKU ASAL !
Baaq: Dhibta
Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo
aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas
haysata hadana bal aynu..
Guji...
May 23
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|