SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Nin dhalinyarro Soomaaliyeed oo labo habeen ka hor la diley oo shalay lagu aasay Port Elizaberth.  

Aug 9, 2008: Maxamed Xussein Maxamud oo habeen hore kooxo burcad ah ay ku dilleen tuulo k/afrika ku taala, ayaa shalayto lagu aasay magaalada Port elizaberth,  dilalka noocaan oo kala ah ma ahan  kuwa cusub, laakiin waxaa jirra sifooyin laga yaabo in ay gacan ka geysatay dilkani naxdinta leh.  

“nin Soomaali ah ayaa la diley, ama nolosha lagu  gubey, ”, waa waxa waa kasta oo kuu baryaa aad ka filanayso dalkani, waxa kaliya oo ay tahay in aad ogaato ayaa ah qaabka loo dilley, meesha lagu dilley, iyo waxa laga qaatay.  

Maxamed Xussein xiliga la diley waxay aheyd goor habeenimo ah oo qiyaastii 10:00pm (afar saac habeenimo ah), waxaa la sheegay in uu xirnaa jaakad weyn, wuxuuna ku jirey dukaanka dhexdiisa, isagoo markaasi ka faaruqey tukashada salaada Cishaha, ayaa Soomaali kale oo dukaanka kala shaqaynayay waxa uu u baxay in uu soo xirro illinka dukaanka, kaas oo koox burcad  oo darbiga ugu dhuumanaysay ay bastoolado ku dhafoorka ka saareen, kadibna soo ganay tacshiirad noqotey tii ifka ka qarisey Maxamed Xusein oo xabad darteed dalkiisii oga soo cararay, balse ay muuqato in uu xabad usoo doontey  dal aan kiisa ahayn..  

 halkaasi waxaa kaaga soo baxaya labbo ciladood oo waaweyn oo laga yaabo in eey gacan ka geysteen dilkiisa, bal u fiirso marka koowaad xilliga uu furnaa ganacsiga maxamed , waa afar saac habeenimo, ma jirro ganacsi aanan magaalo ku oolin oo xiligaasi furan, xittaa in baddan oo magaalooyinka ku yaala ayaanan xiligaasi furneyn, caadi ahaan ganacsiyada dalkani waxaa la xiraa 5:00pm (koow iyo tobon saac maalinimo), cilada kale ayaa aheyd dharka uu xirnaa  oo u ekeysiinaya nin waardiye haya oo hubeysan, shakigaasi oo tuugada ku kalifi karta in eey marka hore toogtaan ninka ay u maleyaan in uu hubeysanyahay, kadibna ay dhac geystaan.  

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ma ahan kuwo cusub, Soomaali baddan ayaa naftooda ku waayay qaabkan oo kale, inbbadan oo kale ayaa wali qatar ugu jirra in eey naftooda ku waayaan, ma ahan kuwa ka waantooba in ey ganacsiyada furan xiliga habeenkii ah iyagoo waliba og qatarta ugu sugan sidaasi, laakiin in eey habeenkii shaqaystaan sabab cad ayay u heystaan, maadaa ay tuulooyin ka shaqaystaan, dadka tuulada degen waxa ay u shaqo tagaan magaalooyinka, waxa ay soo hoydaan habeenkii iyagoo lacago watta,habeenkii ayay kolkaasi wax gataan, xiliga maalintii ah ma jiro wax ganacsi.taasi ayaa ah sababta ku kalifaysa in Soomaalida ay habeenkii ganacsadaa, balse Su’aal “ma jirtaa sabab qof ku kalifi karta in uu naftiisa qatar galiyo?” jawaabta ninka Soomaaliga ah uu ku siinayo ayaa ah “ninkiisa tiisa gasha ayaa dhimanayee, ragoow wax tabco” 

Sida uu kusoo waramayo wariye Ismaaciil Turki oo shalayto joogey aaskii marxuumka, ahna sawir qaadaha muuqaalada aaska iyo meydka qaaday,kuwaasoo aadan indhaha u duwi karin,  waxaa marxuum Maxamed Lagu aasay qabuulaha islaamka ee Malorbor ee magaalada Port elisaberth.  

Dilka soomaalida waa mid sii socon doono,inta ay dalkani ku noolyihiin, islamarkaasina ay tuulooyinka ka ganacsadaan, laakiin sanooyinkani dambe qaar baddan oo Soomaalida ganacsata ah ayaa magaalooyinka ganacsiyadooda usoo wareejinaya si ey oga badbaadaan dilka joogtada ah . 

Ganacsiga Soomaalida ay dalkani ka heyso oo ah mid macaash baddan laga hello, ayaa magac ahaan waxa loo yaqaanaa “ganacsigii geerida”, sidoo kale Soomaalida oo ah dad dhoofku uu madax maray, ayaa dhoofka ay dalkani ku yimaadaan waxa ay u mayaqaanaan “Dhoofka aan lagu dhicin, laakiin dhimashada ka dambeyso”.  

C/naasir Axmed Sh Bashiir (saxansoxo). Somalitalk.com, Johannesburg.

July 22, 2008: Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley K/afrika iyo xiisad ka taagan dad qaxooti ah oo la tarxiilayo.

Faafin: SomaliTalk.com |  Aug 9, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS