SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Dhibanayaasha Socodka Kujira
March 13 | SomaliTalk Team


Kayser Osman waxa uu ahaa 15-jir Soomaaliyeed oo March 2002 lagu diley magaalada London, UK...

Qoraal ay maanta (mach 13) shaacisay shabakadda ThisIsLondon ayaa shaaca ka qaaday in jaaliyadda Soomaalidu ay tahay jaaliyada uu dhibka ugu badan Soowajaho marka la barbardhigo dhammaan jaaliyadaha kudhaqan dalka Ingiriiska. Shabakaddu waxaa ay toos u soo xiganeysay cilmbi baarin ay dhowan shaaca ka qaaday NSPCC (National Society for the Prevention of Cruelty to Children), oo mujineysa arintaas.

Waxa ay jariidadaasi xustay dilkii shalay loo geystey Kayser Osman (15-jir), iyo dilkii Abdul Kadir Maye (15 jir ahaa) oo December 8, 2001 lagudiley London, UK.

Waxa kale oo wargeysku tibaaxay in shalay xabsi weligiis ah lagu xakumay wiilka dhawr iyo tobanjirka ah ee tooreeyeey Abdul Hamza oo 12jir ahaa oo deganaa Holloway kadib markii isaga iyo qoyskiisu ka soo carareen dagaalkii Somaaliya.

QUOTE: " Somalis have become the most victimised community in Britain, according to research by the NSPCC." ThisIsLondon


BOOLIISKA LONDON, UK OO AAD ISUGU DEYEY DEYEY IN AY BADBAADIYAAN KAYSER CUSMAAN

Sida ay maanta (March 13) ku warantay Jariidada guardian, mid kamida dadka deggan halka lagudiley marxuum Kayser oo lagu magcaabo Michael Comer, 33jir, ayaa tilmaamay sida ay boolisku isugu dayeen in ay badbaadiyaan wiilkaas, waxana uu ninkaasi yiri: "Waxay ahayd lixdii makhribnimo oo aan guriga kusoo laabtay, markaas ayaan maqlay sawaxanka gawaarida booliska,markaas ayaan bannaanka u soo baxay, booliska ayaa isku deyayey in ay dhiiga ku celiyaan, oo xataa mid ayaa dharkiisii sidaas ugu bixiyey, wuxuuna mid ka bambaynayey laabta (si uu hawada u qaato), waxay rabeen in uu noolaado. Kadib ayaa kalkaaliyayaasha caafimaadku yimaadeen, markaas ayaa booliskii oo dhami ku ifiyeen tooshashkooda dhankii wiilka si nal ahaan ah, malaha kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa daweynayey markaas".

Jariidadu waxa ay intaas ku dartay in aan weli lahayn cida iyo sababta dilkaas. Warkii Jariidada oo dhan -Guji


Maxaa Kusoo Kordhay Wararkii Dilkii Abu Qaasim - GUJI

15-Jir Soomaali ah oo Lagu Diley London, UK
SomaliTalk Team | March 13

UK - Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa tibaaxay in wiil soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Kayser Osman Taladadii lagu diley magaalada London.

Waxaa wararku sheegeen in wiilkaas lagu diley mindi, welina macadda cidda dilkaas geysatey, cidna weli arintaas looma xirin.

Boolisska Ingiriiska oo raadinaya cidii dishey Kayser Osman
PHOT BBC UK
Waxaa warku intaas ku daray in wiilkaasi lagu diley meel gurigooda u jirta 300 yaardi, wuxuuna ku dhintay dariiqa lagu magcaabo Taylors Lane, Willesden, oo ah galbeedka London, qiyaastii markay saacada London ahayd 1800 GMT (lixii makhribnimo ) ee Talaado. Waxaana lasheegay in wiilkaas lasoo weeraray, dhacdadaan oo BBCda qaybta UK ay ku warbixisay in ay ka qayb qaateen sagaal dhallinyaro ah.

Waxaa wararku intaas ku darayaan in tan ay ku xiriirsantahay dagaal xagga kubada cagta ah, welise ma cadda cida iyo sababta dilkaas.

Marxuumku waxa uu dalka Ingiriiska yimid sannadkii 1989 isagoo kasoo cararay dagaalkii ahliga ahaa ee Soomaaliya.

Dhanka kale sida ay kuwarantay shabakadda icnetwor booliska ayaa raadinaya ama ku daba jira cidii dilkaas geysatey.

 

Street row led to fatal stabbing
Police hunt killer of 15-year-old Somali boy

March 13, 2002

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD