SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Caro kadhalay Dilkii Abdul Maye
 

London, UK | December 10, 2001 

Wararka ka imanaya magaalada London, UK, ayaa tibaxay in Booliska iyo dad mudaharadaadaya ay (Dec 10) iskaga hor yimaadeen banaanka maxkamad kutaal bariga London taas oo lasoo taagayey labada wiil ee loo xiray dilkii Abdul Maye oo 15-jir ahaa oo Jimcadii ladiley.

Waxaa warku intaas ku daray in dadka mudaharaadayay ay ka cabanayeen dilkii wiilkaas oo la oranjirey Abdul Maye oo asalkiisii kayimid Soomaaliya.

Waxaa kale oo warku sheegay in iska hor imaadkii Isniinta lagu xiray lix qof, iyadoo hal Booliska kamidana uu dhaawacmay.

labada will ee 15jika iyo 16jirka waxaa warku sheegay in hadda lagu hayo xabsiga oo markale maxkamada Stratford Youth Court lasoo taagi doono December 20 keeda.
EGLISH.VERSION: Boy's death sparks anger


Laba Wiil oo Loo xiray Dilkii Abdul Maye

London, UK | December 9, 2001 

Sida ay soo werisey BBCda qaybta UK, laba wiil oo da'doodu kala tahay 15 jir iyo 16 jir ayaa lagu xakumay in ay geysteen  dilkii 15 jir Soomaali ah oo deganaa London, UK oo ladiley Jimcadii.

Labadaas wiil oo Boolisku Sabtidii xireen waxaa lagu damiintay in ay maxkamada Stratford Magistrates Court yimaadaan maalinta Isniinta.

Wiilka ladiley oo magaciisa la oranjirey Abdul Maye, oo asalkiisu Soomaali ahaa,  wuxuu kudhintay cisbitaalka Royal London Hospital dhaawacii kasoo gaarey mindi lala dhacay isagoo joogey  Manor Park awgeed.

Abdul waxaa laga helay wadada Little Ilford Lane youth centre oo kutaal Rectory Road.

Weli Boolisku waxay dadweynaha ka codsanayaan cid kasta oo arkeysey sidii wax u dheceen (ama goobtaas joogtey waqtigaas) in ay Booliska lasoo xiriiraan si ay uga caawinaan baaritaanka dilkaas.

ENGLISH.VERSION: Youths charged with boy's murder 


December 8, 2001

WIIL 15-JIR SOOMAALI AH OO LAGUDILEY LONDON, UK


Sida ay Soowerisey BBC UK, waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu tooreeyey (ama mindi lagu diley) wiil 15 jir ah oo asalkiisa ka yimid Soomaaliya.

Sida warku shegay waxaa wiilkaan laga helay meel bannaanka ka ah xarunta dhallinyarada ee the Little Ilford Lane youth centre oo kutaal wadada Rectory Road, Manor Park, waxaana la helay markay Saacaddu ahayd 1230 GMT ee Jimcada.

Waxaa meeshaas ugu yimid oo kudaaweeyey kalkaaliyayaasha caafimaadka, markaasna u qaaday cisbitaal kuyaal Bariga London, halkaas oo lasheegay in uu dhintay.

Dembi baarayaashu waxay meeshii agagaarkeeda ka heleen laba mindiyood, laakiin weli lama caddayn in ay yihiin kuwii dilka lagu geystey.

Booliska London, UK ayaa dadweynaha ka codsaday qof kasta oo agagaarkaas joogey waqtiga dilkaasu dhacay in uu soo qaabilo Booliska si uu uga caawino baaritaanka falkaas dilka.

Boolisku waxay su'aalo weydiinayaan wiil 14-jir ah, wiilkan oo xabsiga lagu hayo iyo nin kale oo lasoo xiray saacadihii hore ee Sabtida (Dec 8). Qof duwar ah oo 40-jir ah ayaa iyadana su'aalo la weydiiyey laakiin waa lasiidaayey.

Qoraalkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose
ENGLISH.VERSION: Boy killed outside youth centre
[Police quiz pair over fatal stabbing]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD