
Maxmed Cabdi Faarax oo dukaankiisa
alaabo ku gadayey |
NIN SOOMAALI AH OO LAGU DILAY MAGAALDA GEORGE EE SOUTH AFRICA
Faafin: Talaada Nov 14, 2006

marxuum Maxamed Cabdi Faarax |
Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee
ku dhaqan Gobalka Western Cape magaladda George ayaa Jimcihii la soo dhafay
u geeryooday Jirdil naxariisdaro ah oo loo geystay mana jirto cid ilaa iyo
haatan loo soo qabtay arintaani.
ugaarsiga iyo gumaadka loo geysto Ganacsatadda ayaa sii kordherysa
falalkaasi oo ay geestaan burcad madow ah oo naxariis daran kuwasoo marka ay
dadka dhacaan madaxa ka toogta ama nolosha ku guba mana jirto cid wax ka
qabaneyso arintaani hadii ay ahaan lahayd dowladda ama ururadda u dooda
Xuquuqda aadanaha intaba.
Mustag Shiikh Daahir and his friend fiyoore .
South Africa
Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Ganacsade
Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika:
Sept 19, 2006: Yusuf Bahar
Abdullahi Sheekow waxaa lagu dhex diley dukaan uu lahaa oo....
Akhri...
Sadex nin oo ganacsato soomaaliyed ah oo
lagu gubay dalka south afrika
October 2006: Sedex Nin oo soomali ah ayaa
lagu gubay Magaalada PORTELEZABIT oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin
soomalida ganacsatada ah ee ku sugan dalka south afrika Sedexdan Nin oo
Sawiradoodu ay ka muuqdaan dhaawac culus ayaa waxa ay hada ku jiraan
Cisbitaalka edexadn nin ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Yare, Maxamed Muumin Iyo
Cali Cadaw
Sedexdan nin ayaa waxa lagu magacaabaa
YUUSUF YARE . MAXAMED MUUMIN iyo CALI CADAW oo waqtigaasi ku jiray
meheradaha ay ka ganacsanayeen isla markaana ay ahayd waqti habeen ah oo ay
jiifeen Goobtooda ganacsiga
Sidoo kale Waxuu warku uu intaas ku
darayaan in laba kamid ah ragaasi ay xaaladooda aad u liidato qaar kamida
soomaalida ku dhaqan gobolkaasi oo aanu la xidhiidhay ayay noo xaqiijiyey
in kooxahaasi budhacad ah ee south afrikaanka ahi ay dhaceen dukaankaasi
dabadeedna ay dabqabadsiiyeen iyagoo ragaasina gudaha dukaanka lagu soo xidh
xidhay
Si kastaba ha ahaate Soomalida ku dhaqan
wadanka south africa ayaysan jirin cid u dooda oo kala hadasha Dowlada
South Africa Iyadoo ay maalamhan danbe ay sii badanayaan ugaadhsiga
ganacsatada soomaalida ahi.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2006
Qofkii
23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa
habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo
ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay
ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38
Jir.
Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo
fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo
Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
GUJI
Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay
gurigiisa oo ku yaala Johannesburg....
GUJI
13/12
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad
aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee.
Warbixinadii
Axmed.Dowlo
|
Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5
Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com