Waa wiil dhallinyaro ah isla mar ahaantana
kujira waqtiga ay dhallintu ugu firfircoontahay, waxaa
kamuuqda sharafta iyo haybadda Islaamka, waa nin aad u
bashaash ah [farxaan ah], wuxuu aad ugu qanci ogyahay
qaddarta Ilaah kaddib markii makiinad afkabadan ee ah kuwa
hilibka logu saafo ay si degdega u jartay gacantiisa midig
ilaa meel kudhow xusulka. Walaal waa amar Ilaah ayuu ku
oranayaa marka aad u muujisid inaad kaxuntahay arrintaas
laxiriirta gacantiisa, wuxuuna waano iyo talo usoojeedinayaa
dadka kashaqeeya nooca shaqadii ay dhibku kusoo gaartey. Waa Abdullahi Nuur Salxaan oo deggan magaalada London,
Ontario halkaas oo Somalitalk uu kusiiyey waraysigan soo
socda.
WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY
SOMALITALK
Somalitalk, London, Ontario
August 3, 2000
London, Ontario, Canada: Salaadii jimcada markii latukadey masjidkaLondonmuslims ayaan dabaqa hoose ee masaajidka u degey
si aan halkaas uga gato kabaab kaas oo ay keenaan dumar
muslimiin ah, isla mar ahaantaana lacagta kasoo baxda lagu
taageero masaajidka. Qaxwe [coffee] lacag la'aan ah ayaa
halkaas yaal, oo maxaa kuudiidey inaad koob isku fiirisid [cabtid].
Wanaaga ku qancidda Qaddarta Rabbi
|
"walaal tani waa qaddar rabbi, waxaana aaminsanahay
xukunka Ilaah ee waxba hakawelwelin"
Abdullahi Nuur Salxaan
|
Halkaas markii arrinitii mareysey ayaa dhankaa waxaa kasoo
muuqday Abdullahi Nuur Salxaan oo si niyadsami ah u
dhoola cadaynaya, Asalaamu caleykum kadib gacanta ayaan
kasalaamay, xaqiiqadii aad ayaan uga naxay markii aan
garwaaqsaday in gacantiisa midigta ah aysan ahayn sidii
Ilaah u abuuray asalkii, waa gacan ELECTRORINC ah. Run
ahaantii si niyad ah ayaan uga xumaaday in arrintaasi
kudhacday, Abdullahi oo ah nin aad u iimaan badan ayaa yiri
hadal macnihiisu ahaa ama u dhowaa "walaal tani waa qaddar
rabbi, waxaana aaminsanahay xukunka Ilaah ee waxba
hakawelwelin". Halkaas meel loo dhaafo maleh, waana heer aad
u sarreeya oo iimaankiisa muujinaya.
Sheeko gaaban kaddib waxaan walaalkay kacodsaday in uu
waraysigan mar uun ii ogolaado in aan layeesho si aarintiisa
ay dad badani ugu baraarugaan oo markaas dadka kashaqeeya
qalabkaas aadka u afka badan ee dhibku kasoo gaartay ay uga
taxadaraan si aysan arrintaan oo kale ugu dhicin. Markiiba
wuu aqbalay, waxaan ku ballanay waqti iyo goob cayiman,
waana kan waraysigii:
SomaliTalk: Walaal fadlan wax noogasheeg sidii
arrintani kudhacday?
Abdullahi N. Salxaan: Waxaan kashaqaynjirey
macdaar Hilib Xalaal ah oo lagu magcaabo "50 Food Center
Halal" oo kuyaal magaalada Sandiego, Califoria, USA. Waxaan
markii hore ugu shaqynjirey "Part-Time" [shaqo xadidan].
July 6, 1999 ayaa la'iga dhigay "Full-Time" [shaqaale resmi
ah]. Islam maalintaas ayaa dhibkani dhacay.
Markaas iyada ah dukaanka keligay ayaa joogey, makiinada
ayaan nadiifinayey, waxaan Caano geliyey Filintijeerka
[fridge], markii aan makiinadii dib ugu soo laabtay
xaqiiqadii magaranayo sidey ku daarmatay ee mar uun ayaan
kawar helay gacantii oo makiinadii goysey. Waa degdeg,
manasharrixi karin waqtigaas sida fekerkaygu ahaa. Makiinada
oo aad u afbadan [seef ah], aad u degdegbadan, xawli sarena
ku socota marka ay daarantahay waxa ay taabato waa wax aan
waxba lagasugeyn oo haray ayey ka saafeysaa [jareysaa]
Waxay ahayd makiinad duq ah oo aan casri ahayn, isla mar
ahaantaana aan lahayn wax ka xannibaya in arrintan oo kale
ay dhacdo, yacmi [safety] wanaagsan ma lahayn. Mana lahayn
birta shabaqa ah oo loogu talagalay makiinadaha noocaan ah
in ay qofka ka ilaaliyaan khatartan oo kale.
Waxaa la igeeyey cusbataal, bil kaddib markii aan
daawadii dhammaystay waxaan soo aadey CANADA oo ahayd
meeshii aan deganaa kahor intii aanan booqashada ku tegin
Mareykanka.
SomaliTalk: Caymis (insurance) shirkadda aad u
shaqayneysey ma kujirtey, mase lagusiiyey xuquuq gaar ah?
Abdullahi N. Salxaan: Maadaama ay dukaanka
lahaayeen dad Islaam ah, isla mar ahaantaana ay dhibtani u
dhacday si aan ulakac ahayn, waxaan markaas ku dhammaysanay
sharciga Islaamka habka uu qabo. Waxaana u wada xaajooney
habka Shareecadda Islaamka, waana ku qanacsanahay.
SomaliTalk: Dhanka daawada kawaran?
Abdullahi N. Salxaan: Waxaa la igu soo dallacay
lacag gaareysa ilaa $US 50,000 [konton kun doolar US] taas
oo ah lacag aanan awoodi karin.
Dhanka kale waxaan u dacwoodey dawladda Canada si ay
taageero iiga siiyaan sidii aan ku gashanlahaa gacantan
'ELECTRONIC' ama qalabka casriga ah ku shaqaysa. Waxaa
markaas ay dawladda Canada igabixisay bar kamida lacgtaas oo
dhammayd 10,000 [canadian dollar]. Inkasta oo aysan ii
bedelikarin tii hore [ee rasmiga ahayd] laakiin waa i
caawintaa. Waxaan ku qaadikaraa ilaa hal galaan [qiyaastii 2
kg] oo culays ah.
SomaliTalk: Maxaad kula talinlahayd ama u sheegi
lahayd dadka leh ama kashaqeeya meelaha lamidka ah halkii
dhibku kugusoogaarey [Hilib xalaalka].
Waano Goobaha Hilib Xalaalka |
Makiinadohooda hageliyeen caymis, dib u habayna
hakusameeyeen si joogto ah.
Abdullahi N. Salxaan
|
Abdullahi N. Salxaan: Dadka kashaqeeya goobahaas
waxaan kula talinlahaa in ay markasta taxadaraan kuna
dadaalaan sidii ay naftoodana u badbaado gelinlahaayeen
waxna u qabsan lahaayeen ama u shaqaysan lahaayeen.
Dadka leh goobahaas waxaan kula talinlahaa in ay
makiinadohooda caymiska geliyaan, kana taxadaraan sidii
aysan makiinadohoodu dadka wax u yeelin. Isla mar ahaantaana
ay makiinadaha fiiriyaan si joogto ah isla mar ahaantaana ay
dib u habayn ku sameeyaan lixbilood oo kasta, taas oo
markaas yarayn karta khatarta halkaas ka imankarta.
SomaliTalk: Waa maxay yoolka [ama hadafka] aad
hadda higsaneysid?
Abdullahi N. Salxaan: In aan barto wax lagaqaban
karo hal gacan weeye hadafkaygu hadda. Hadda waxaan dhigtaa
dugsiga [schoolka] lagumagcaabo
Wheable
halkaas oo aan rajeynayo in aan kabarto xirfado kala duduwan
oo mustaqbalka anfac u leh naftayda, ehelkayga iyo
ummadayda.
Dadka ay kudhacday dhibkan oo kalena waxaan kula
talinayaa in ay xag Ilaah u noqdaan. Ilaah talo saartaan,
kunadadaalaan wixii ay awoodi karaan ama ay qabsankaraan.
Ilaah ayaana og waxa Bini-Aadamka maslaxaddu ugu jirto.
SomaliTalk: Walaal aad iyo aad ayaan kaaga
mahadcelineynaa waqtigaaga qaaliga ah. Waxaana Ilaah kaaga
baryeynaa in uu kuu furo ferej khayr qaba.
Abdullahi N. Salxaan: Mahadsanid walaal.
Abdullahi waxa uu usheegay SomaliTalk in uu yimid Canada
sannadkii 1991, iyada oo 5 sano uu kunoolaa magaalada Brant
Frod, 2 sano
Toronto, iyo 3 sano
London oo
dhammaan katirsan gobolka
Ontario ee dalka Canada.
Ugu dambayn bahda SomaliTalk waxay mar labaad mahad u
jeedinayaan Abdullahi waqtigiisa qaaliga ah ee uu noo
ogolaaday in aan warkaan soo tebino.
Cinwaanka internetka ee Abdullahi N. Salxaan waa
salhan2@hotmail.com
Qore: Mohamed Ali | webmaster@SomaliTalk.com
Posted by
Somalitalk.com Team
August 3, 2000
Faafin: SomaliTalk.com
