C/siis A. Adam oo kuguulaystay kaalinta
Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay
250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
GUUSHA C/SIIS WAA MID DHAXAL GAL AH
siciid aadan shirwac
Dubai, U.A.E
December 19, 2000
Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay sanad walba bisha
ramadaan lagu qabtaa magaalada dubai ee wadanka imaaraadka
carabta tartan quranka karimka ah kaas oo ay ka soo qayb
galaan dhalin yaro da'doodu aad u yartahay oo ka kala
yimaadaa dunida oo dhan, waxaana lagu bixiyaa abaalgud maadi
ah iyo mid macnawi ah labadaba, kaas oo uu bixiyo wasiirka
gaashdhiga ee wadankan imaaradka carabta GEN. Maxamed
Raashid taas oo runtii lagu amaani karo.
Hadaba afartaas sano sanad walba soomaaliya waxaa
magaceeda ku tartamay dhalin yaro xaafidiin ah oo runtii la
orankaro guul ayey ka soo hoyeen, marka laga rebo sanad
sidii wax lagu soo xulay ay khalad gashay.
Sannadkii u horeyey waxa magaca soomaalida ku tartamay
Farax Siciid oo runtii dadaal muujiyey xifdigiisu ma
fiicnayn mar hadii uusan uusan safka hore iman hadana ku
amaanan dadaalkisa, waxaa sanadkaas kaalinta kowad galay 11
jir libiya u dhashay, hase yeeshee sanadkii labaad ayaa si
wax u qaldameen meeshiina waxaa tartankii yimi wiil
soomaalida ceeb usoo hoyiyey, habeenkaas oo aan anigu
fadhiyey goobta tartanka waxaan is arkay anigoo dadku isoo
wada fiirinayaan sidii qof ceebeysan, dadki goobta fadhiyey
oo soomaali u badnaa markii la arkay mustawaha wiilka
soomaaliya u tartamaya ayey goobtii badankoodii ka yaaceen
ceeb awgeed taas oo muujinaysa qiirada soomaalida.
Waxaa sannadkaas mar kale guushii la hoyday wadanka
liibiya markii 9 jirkii u tartamayey ku soo baxay kaalinta
kowad, waxaa ceebtaas naga dhaqay sanadkii sadexaad Axmed
Xuseen Cali oo sanadki sadexad ku tartamay magaca soomalida,
axmed daadalkiisa ka sokow wuxu ka yaabiyey dadkii goobtaa
soo xaadiray markuu ku hakan waayey aayadkasta oo loo soo
meersho, wuxuuna galay kaalinta afraad wuxuuna abaal gud u
qaatay aduun dhan 50,000 Dhs oo u dhiganta 13,600$ oo dolar,
taasi waxay neef cuqdadeysan ka soo celisay soomalidii
sanadki hore ceebta la huleeshay, sanadkaas waxaa kaalinta
kowad galay 13 jir masar u dhashay.
C/siis C/lahi Adam oo kuguulaystay Kaalinta Koowaad
ee Tartanka Qur'aanka.
Dubai, UAE |
Waxaa sanadka magaca soomaalida ku saftay c/siis A. adam oo
beeniyey somalidu quraan mataqaan kadib markuu dhowr iyo
kontonkii tartame ka galay kaalinta kowaad, isagoo si dhan
isugu daray xifdi,tajwiij iyo luuq macaan tan oo soo
jiidatay cidwalba oo goobta fadhidey iyo gudigii Cadaalada
ee madasha.
C/casiis wuxuu ku dhashay sida la ii sheegay degmada
caabudwaaq wuxuuna quraanka ku bartay muqdisho, waa nin da'
yar oo hada ku nool wadanka imaaraadka wuxuu abaal gud u
helay aduun dhan 250,000Dhs oo u dhiganta 68,000$ oo
doolarka maraykanka ah, hadaba waxaan leenahay alaha kuu
barakeeyo dadaalkaaga, runtiina guusha c/siis waa mid dhaxal
gal ah. waxaa kaalinta labaad galay bashiir cumar oo chad ka
socday wuxuuna helay aduun dhan 150,000Dhs oo dhiganta
41000$ doolarka Maraykanka ah, waxaa isna kalinta sadexad
galay saraqah sabee oo nageria ka yimi kuna guuleystay aduun
dhan 100,000Dhs oo u dhiganta doolar oo kan maraykanka ah
27000$.
Gabagabadii waxaan soomalida u soo jeedinaya inay C/casiis
iyo dhalinyarada kale ee xafidiinta ahba u soo duceeyaan
soona dhiiri galiyaan .
siciid aadan shirwac
Dubay Imaarada Carabta.
Qoraaga kala xiriir:
editor@somalitalk.com
TARTANKA QUR'AAN AKHRISKA EE CAALAMKA
A.M.Yusuf
assalaamu caleykum warahmatulah
Ma Ogtahay akhristow in xaflad lagu maamuusayey tartanka
QUR'AAN akhriska ee caalamka oo ka dhacdey magaalada DUBAI
xalay oo ay taariikhda islaamku ahayd 20ka Ramadan oo ku
aadanayd 16dec, 2000,oo ay ka soo qayb galeen 59 dowladood
oo aduunka ka kala socdey uuna ku guuleysay walaal
soomaaliyeed oo la yiraahdo CABDICASIS A. AADAN (abdiasis
shiino), halkaasna uu ku hantiyey abaalmarintii ugu sareysay
oo noqotey 250.000 oo Dirham oo u dhiganta $80.000.00 oo
Dollar, halka 4sano ka horna ay soomaalidu ku guuleysteen
kaalinta 4aad, waxaa kale oo xusid mudan tartamayaashii ka
socdey wadamada NEWZEALAND, U.K, ETHOIPIA, iyo qaar wadamada
yurub ka mid ah ay dhamaantood ahaayeen dhalin yaro
soomaaliyeed.
Mase ogtahay akhristow in magaalada MINNEAPOLIS ee
wadanka mareykanka uu ka dhici doono tartankii dugsiyada
magaaladaas maalinta axadda ee nagu soo aadan ee Ramadaanku
yahay 28ka, kaas oo ay ka soo qeybgalayaan tartamayaal ka
kala socda dugsiyada kala duwan ee magaalada, tartankan oo
sanadle ah waxaa la rajeynayaa inuu noqondoono sanadka soo
socda TARTAN GOBOLADA MAREYKANKU ay isugu yimaadaan inshaa
Allah.
walaalkiin A.M.Yusuf
wassalaamu calaykum warahmatulah
Qoraaga kala xiiir:
abdiweli@yahoo.com
December 19, 2000
Faafin: SomaliTalk.com
