CIMRIGA AADANAHA OO LOKORDHIN SANADKA
20010 (Taqi)
Asalamu
calaikum
Shirkigu maahan oo kaliyaa in ilaah
lalacabudi ilaah kale, waxa ugu yare ee qof shirki kugali
karo waa inuu beeniyo wax Ilaah waajibyeelay (nin mu,min iyo
naag mu,minad umo banaana inay iqtiyaar uqataan wax ilaah
soodejiyey) shirkigu wuxuu aad uga maqal fudud yahay
quraansho (dhuuricaso) kudul socoto mutuleel(sibir/marmar)
dushiisa oo biyo kujiraan sidee kumaqli waa waxaan caqliga
galikarin inaad maqasho shanqarta quraanshada meelkastoo
kudul socoto hadaba shirku waa kadhaw yahay arinkaas .
Xiliga hadda lajoogo dadku wuxuu ubatay
waxaan diinba heesan oo diin kusheegii ayaa laga siibaxayaa
iyadoo raali laga noqday technology-da laheesto waxkastaa
waxaa sabab looga dhigaa hormarkeeda ama qasaaraheeda
technology-da ama waa iska dabiici ayaad maqli. Nimcooyinka
Ilaah aadanaha kugaladeestay oo wax badan Qur’aanka lagu
soocelceliyey waxaa lagaguu baraa school-da inay yihiin
dibiici natural resources = land, water deposit, mineral,
gold iwm intaas waxaa loola jeeda in shirki aad uyar
qalbigaaga lagalsho balse Ilaah agtiisa aad ugu weyn oo aad
iska iloowdo awooda Ilaah si,aadan ugu kalsoonaan ilaaha
ku,abuuray oo aadan uqeelshan haday dhib kuqabsadaan.
Daawooyinka looyaqaano
cosmetics ama kareemyada jirka
dadku maxay ka,aaminsan yihiin? waxaa dusha looga sooqoray
oo nala baraa in cream-yada qaar cimrigaaga wax kudarayaan
tusaale ahaan haddii aad waayeel tahay laablaabyada foolka
wajiga inay baabi,inayaan oo aad ruux dhalinyaroo qurxoon
noqoneeso, kaniiniyada qaar hadii aad qaadato aad
ushaqeneeso sidii 20jir qaasatan kuwa galmada; halkasoo
arkeeso odayaal badan oo ku,oran wiilkaygoow maheesaa
kaniinigii 20jirka gabar yaraa doonaayaaye iyo islaamo
ku,oran gabadhaydiiye iisoogad kaniiniga laablaayada foolka
wajiga baabi,in subxaana Laah!!. Gabdha iyo wiilasha
maskaxda iyo itaalka yar ee sookorayo yaa umaqan mar haddii
waayeeladii sidaa aamineen? doqon iyo habeen ayaa madoow yaa
qiil loo sameestay markaasaa aad loo xadgudbay iyadoo
wiilashii aad ugu soobateen dhaymada jirka oo waxaad
arkeesaa rag cream-ka biliij marsanayaan oo qurux doonaa!.
Faqriga iyo jahliga
ladagalankoodu waa in cimriga wax lagu daro waayo mar haddii
cudurada dilaaga iyo abaarha latiritro miyaysan aheen in
cimriga lakordhin oo nolol fiican lagu noolaan oo malaka
moowdka meesha kabaxaayo barwaaqo lagu noolaan oo wax gaajo
iyo cudur udhiman aysan jiri doonin, dhulgariirka,
falkaanada iyo daadadka kahortagooda ayaa aad layskugu
dhibaa.Ujeedada hay,adaha gargaarka waa ujeedadaas oo maal
iyo waqti fara badan ayaa lagu lumin sidii qadarta ilaah
looga hortagi lahaa
Ilaah ayaa kugu dhaarshee
markii abaar, fatahaad, cuduro iwm qoom lagu mashaqeyo
halkee loocararaa? ma,in ilaah laxasuustaa oo danbi dhaaf
laweediisto xadgudubka lasameeyey laga joogsadaa mayee waxaa
looqeelshaa oo gargaar laweediistaa hayadaha deeqda bixiya
subxaana laah!! Shirkiga yaryar waa kadaran yahay midka
waaween, haddii reer Nuux, Huud, Caad, Samuud dhagxaan
gargar weediisen jireen dadkeena hadda dunida joogo yay
ugargaar doontaan ma Ilaaha na,abuurtaa mise deeq bixiyaasha;
Nabi Ibrahim(cs) markuu asnaabtii jejebshay oo mid kasoo
reebay oo dadka hortiisa lakeenay siduu uqirto wuxuu kuyiri
haddii ay wax ogyihii waydiiya cidda jejebishay, marka deeq
bixiyasha aan ugargaar doonaneeyo iyagaa gargar ubaahan;
haddi aan ilaah dibloogu noqon waxbo madhaameeno qoomamkii
hore ee xadgud bayaasha ahaa
Faqriga iyo jahliga waxaa
looga hortagaa in macsida laga dheeraado oo sidii Ilaah
nafaray oo dasturkiisa lagu socdo -haddii aan sidaa layeelin
waxaan filayaa in aan dhedheminay qeeb kamidaa miraheeda,
waataas dalkeena iyo dhamaan dalalka muslimiinta dhibka
heestaa arkeeno ruux walboo ilaaha ku,abuuray intaad awoodo
kacabso waayo kali kali ayaa loola kulmaa maalinta qiyaamo,
qabiil, qaran, qurux ,qarash, toona wax kuutari maayaan
maalinta lays kuxumi xukun caadilaa!!!.
FG: waxaan aad uga
cudur daaran aqristayaasha sharafta leh inay aad ugu
nuglaadaan ciwaanka maqaalka iyo waxa uu xanbaar sanyahay;
ulamo jeedo in cimriga lakordhin karo ee waan kasoo
horjeedaa waxaana kucadeeyey gudaha maqaalka - wuxuu lamid
yahay maqaalkii hore ee cinwaankusu ahaa "aqrinta saaxiixu
Buqari ayaa xalka kujiraa" kuma sheegin in xalka umada
somalida kujiro Buqari, waxaadna kagaran kartaa gudaha
maqalkaas haddii aad caqli usaaxiib tahay. Walaahu waliyul
mutaqiin; wabilahi toowfiiq.