Boqorkii wuu sii dayay waxana uu siiyay shay
dahab ah waxa kale oo uu siiyay adoomada magaceeda la
yidhaado Haajira, qisadani waa caan markii Nabi
Ibraahim (CS) soo galay masar qisadanina ku dhacday ee
boqorku ka damaciyay gabadhiisi Saara, qisadununa ay
dhex martay boqorkii iyo Saara.
Gabadha Nabi ibraahim ee Saara waxay
ahayd mid aan wax ubad ah u dhalin, boqorka masarna waxa uu
siiyay dahab iyo gabadh reer masar ah si ay ugu adeegto,
Ibraahimna waxa uu noqday nin da'ay madaxuna cadaaday
wakhtigaa dheerna waxa uu ku jiray dacwada illaahay (SW),
Saari waxa ay ka fikirtay in iyada iyo ibraahim ay
yihiin kali wax ubad ahna ayna lahayn waxayna jeclaaday
gabadha reer masar ee loo soo siiyay in ay u shaqayso uu
guursado, gabadhu waa Haajira, ibraahimna wuu
guursaday waxayna u dhashay ilmihii ugu horeyay waxana loo
bixiyay Ismacil.
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa markii uu
dhalay ismaacil nin da'ah, mana garanayno masaafada uu u
maray dacwada illaahay (SW) waxana uu ahaa inta badan mid ku
jira safar illaahay dartii ah, hadii uu degan yahay maqaamka
gurigiisa iyo hadii uu qaado talaabo kale oo socdaal ahba.
Nabi Ibraahim waxa uu u socdaalay illaahay
dartii waxana uu ogaa aduunyada inta lagu nool yahay in ay
tahay ayaamo ka dibna ay xaqu imanayo suurna al afuufayo
qiyaamuna dhacayo dadka qubuurahana la soo saari doono.
Soo noolaynta dadka dhintay
Nabad iyo Jacayl uu u qabo maalinta Qiyaamaha
ayaa buuxusay qalbiga ibraahim, waxana uu doonay in uu arko
sida uu illaahay (SW) u soo nooleeyo dadka dhintay sida ku
sugan quraanka "Markii uu yidhi ibraahim rabiyow I tus
sida aad u noolayso dadka dhinta waxa lagu yidhi miyaanad I
rumayn waxa uu yidhi haa laakiin si qalbigaygu ugu dego"
Ahaan maayo kalgacalka deganaashaha qalbiga
ee iimaanka wata wax aan ahayn darajo jacalyka illaahay (SW)
"Waxa illaahay ku yidhi soo qobo afar shinbirood qurub
qurubna u goo qayb kastana buur ka tuur ka dibna u yeedh way
ku iman iyagoo ordaya, waxa aad ogaata in illaahay yahay mid
cisi iyo xigmad leh"
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu fuliyay amarkaa
illaahay (SW) waxana uu soo qabtay afar shinbirood qurub
qurubna ayuu u jaray, qurub kastana waxa uu ka tuuray buur
intaa ka bacdina wuu u yeedhay baalashii waxa ay doonteen
garbahoodi, madaxiina waxa uu doontay laabtiisi qurub
kastana halkiisi ayuu doontay ilaa ay shinbirihii nooladeen
una yimadeen.
Nabi Ibraahim oo la socdaalay Haajira iyo
Ismacil waadiga Maka
Ibraahim ayaa toosay maalin waxa uu amray
xaaskiisi haajira in ay soo qaadato inankeena ismacil una
diyaar garowdo safar dheer maalmo ka dib ayuu bilaabmay
safarkii, gabadhiisa haajira oo wadata inankeedi ismaaciil,
inanka yarina uu naaska jaqayay ka dibna naaskii lama
jaqsiin, ibraahim waxa uu marayay dhul beero ah ka dibna
waxa uu soo galay saxare hadana waxa uu galay buuralay ilaa
uu soo galay saxaraha jasiirada carabta waxana uu ku soo
hagaagay waadi aan lahayn beero iyo timir geedho iyo cunto
iyo biyo midna aan lahayn, halkaas oo ahayd meel aan lagu
noolan Karin ibraahim waxa uu soo gaadhay waadigi waxana uu
ka soo tagay daabadiisi waxana uu soo dejiyay gabadhii iyo
inankiisi halkaas ayuuna kaga tagay, waxana uu uga tagay in
yar oo cunta ah iyo in yar oo biyo ah ka dibna wuu ka tagay.
Way ka daba carartay gabadhii ibraahim iyadoo
leh ibraahimow halkee ayaad tagaysaa ma waxa aad nagaga
tagaysaa meeshan aan waxba oolin, ibraahim waxa uu jawaabay
hadhku wuu soconayaa waxay ka ku celisay hadlakii markii
hore mar labaadkii waxay fahantay in aanu go'aankani ahayn
mid naftiisa ah laakiin uu yahay amar illaahay (SW) waxayna
waydisay ibraahim in illaahay (SW) sidaa amray ibraahim waxa
uu yidhi haa, waxay tidhi gabadhaa muuminada ah dayacmi
mayno mar hadii illaahay sidaa ku amray.
Intaa ka dib ibraahim wuu socodkiisi ilaa ay
buuri kala qarisay labadiisi gacmood ee karamaysnaa ayuu
samada u taagay waxana uu baryay illaahay (SW) "Rabiyow
anigu waxa aan ku suganahay iyo duruyadayduba tog aan lahayn
beer beedkaaga muxaramka ah agtiisa"
Wakhtigaa muu jirin beedka illaahay (SW)
waxana la dhisay mar denbe manay jirin kabcadu iyana waa la
dhisay halkan waxa taalay xigmad wayn oo ah tasarufaad xeel
dheer, Ismaaciil waxa uu ahaa wiil kan yare ee hooyadii
lagaga tagay isla goobtan inankaa yari waa ka noqon doona
masuulka waalidkiina la dhisi doona kabcada, xigmada
illaahay (SW) waxa ay fulisay in meesha ay ku sugnaato
deganaasho lagana taago beedka illaahay (SW) ee dhamaanteen
salaada xagiisa aanu ula jeesano.
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu kaga tagay
gabadhiisi iyo wiilkiisi yaraa ee naaska jaqayay saxaraha
waana uu soo noqday gabadhiisi iyadoo wiilkii yaraa naaska
nuujinaysa ayay dareentay haraad cadceeduna waxay ahayd mid
kulul biyihii yaraa ee ay haysatayna laba maalmood ka dib
ayay ka dhamaadeen canihiina ka engageen, haajira waxay
dareentay in wiilkeeda yari ooman yahay iyadoo wakhtiga
cuntadiina ay ka dhamaatay, waxa bilaabmatay xaalad
qalafsan.
Biyaha Samsamka
Ismaacil waxa uu bilaabay in uu haraad la
ooyo hooyadiina way ka tagtay iyadoo biyo u soo deydayaysa
wayna soo noqotay iyadoo deg degsan waxayna soo gaadhay
buurta Safa way ka noqotay iyadoo baadhaysa ceel biyo
ah ama dad socota ah halkaan waxba may jirin si deg deg ah
ayay uga soo degtay safa ilaa ay soo gaadhay waadigi wayna
socotay socod qof aad u dadaalaya waxay ka gudubtay waadigi
waxay gaadhay buurta Marwa wayna istaagtay waxayna
eegtay hareera si ay cid u aragto laakiin cid may arag
waxayna hadana ku soo noqotay inankeedi ismaacil waxayna
hadana aragtay isagoo ooyaya oonkiina ku sii adkaaday
waxayna u carartay dhinaca safa waana ay istaagtay hadana
waxay u carartay dhinaca marwa wayna ay istaagtay wayna
carartay totoba jeer iyadoo marna tagaysa marna soo socotan
una dhexaysa labada buurod ee Safa iyo Marwa totoba goor
ayay marna tagtay marna soo noqotay, sidaas ayayna xujaastu
totoba goor marna u tagaan marna u soo noqdaan inta u
dhaxaysa Safa iyo Marwa si loo nooleeyo xusuusta
hooyadii koowad iyo Nabigii waynaa ee ismaaciil.
Way noqotay haajiri totoba jeer ka dib iyadoo
daalan waxa ay agfadhiisatay wiilkeedi ismaacil oo haraad la
ooyaya hadaba daqiiqadahan quusta ah ayay haleeshay raxmadii
illaahay (SW) ismaacil ayaa ku garaacay lugihiisa dhulka
isagoo ooyaya waxana ka soo booday lugihiisa hoostiisa
ceelka Samsam waxana kor u soo kacay noloshii ismacil iyo
hooyadii, intaa ka dib illaahay (SW) ayay u mahadnaqday
ilmihiina way waraabisay, waxana bilaabmatay nolol lagu
degay goobtaa, waxana rumoobay hadalkeedi markii ay lahayd
dayacmi mayno mar hadii illaahay lanaga tagay.
Waxa bilaabmatay in ay safaradu degaan halkaa
oo ay ka dhaansadaan biyaha, waxa kale oo bilaabmatay in
goobtii la dego deegaankuna balaadho.
Amarkii gowricida Nabi Ismaaciil
Waxay waynaadya ismaaciil waxana ku xidhmay
qalbiga ibraahim ismaacil, waxa uu dhashay mar uu waynaaday
wanaa uu jeclaaday illaahay (SW) waa uu ibtixaamay jacalkaa
dartii waxana uu riyo ibraahim ku arkay isagoo gowracaya
inankiisa kaliya ee ismaacil, ibraahimna waxa uu ogaa riyada
anbiyadu in ay tahay wax yi.
Eeg sida uu u dooranayo Illaahay (SW)
adoomadiisa, rajee nooc kasta oo ka mid ah noocyada
doorashada inagu waxaynu horjoogna nabi qalbigiisu ugu
raxmad badan yahay qalbiyada dhulka ku sugan oo ay ka
balaadhisay qalbigiisa jacaylka illaahay (SW) iyo jacaylka
waxa la abuuray, waxa uu dhalay inankiisa ismaacil isagoo
waynaaday waxana uu damcay isagoo da'ah oo rajo qabin in uu
ubad dhalo, waxana uu riyo ku arkay isagoo qowracaya
inankiisi kaliya ee uu lahaa, nooc kasta oo ka mid ah
hirdanka waxa uu la galay naftiisa, waana uu khaldan yahay
ka u malaynaya hirdanku in aanu korin waligii oo aanu noqon
balaayo wayn.
Hadaba mawqifkan ka madhan hirdanka ee
dexmaray Nabi Ibraahim (CS) iyo naftiisa kagana tagay raadka
iyo caadifada, ibraahim muu is waydiin sababta ka denbaysa
qawricida inankiisa ismaacil, ibraahimna illaahay ma
waydiiyo amarkiisa, ibraahim waxa uu ka fikiray inankiisa
ismaacil muxuu odhan doona marka aad dhulka jiifiso ee
aad gawracayso? Ma waxa ka wanaagsan in aad ku tidhaado
sidan ayaa ka wanaagsan qalbigiisa una fududaynaysa in uu
inta uu soo qabto xoog ku qawraco sidaas ayaana ka
fiicanatay arintiina ay ku dhamaatay.
Nabi Ibraahim (CS) waxa uu u tagay inankiisi
ismaacil waxana uu ku yidhi "Inankaygiyow manaan ayaan ku
arkay aniga oo ku gowracaya" eeg maxaad aragtay waxa uu
eegay aabihii sida uu u gaarsiyay inankiisa wuu ka tagay
amarkii si uu inanku u fahmo cadeecid, amarku waxa uu ahaa
aragtida ibraahim oo ahaa waxyi kaga yimi dhinaca rabi sidee
ayuu hadaba u arkayaa inan wanaagsani arinkaa?
Waxa uu ku jawaabay ismaacil aabo arinkaa
hore u fuli "Abaabo fal waxa lagu amray waxa aad iga heli
doontaa hadii alle yidhaado in aanu noqdo kuwa samra"
waxa uu rajaynayay jawaabta inanka qofka garanaya in la
gowracayo oo u muuqato amar illaahay oo doonistiisa soo hor
dhigaya si uu walidkii u dejiyo waa samir xaalku nooc kasta
ha ahaadee, lagana yaaba in uu jeclaystay inanku isagoo lagu
gowracay amar xaga illaahay ah waxana kala cadanaysa
jacaylka ibraahim ee illaahay iyo inankiisa mana garanayno
dareenka nafta ibraahim markii uu isku dhiibay inankiisi
saabirka ahaa.
Waa ismacil oo dhulka jiifa wajigana dhulka
ku haya si aanu u arag naftiisu in uu gowracayo isla
markaana ibraahim waxa uu dul hayay mididii uu ku
gowricilahaa oo uu gacanta ku hayo isagoo marka illaahay
(SW) fulinaya, quraanku waxa uu ku tilmaamay tacbiirtan
islaanimo dhab ah isla markaa ay mididina ku socotay fulinta
amarka illaahay (SW).
Illaahay (SW) waxa uu u dhawaaqay ibraahim
illaahay baana furtay ismacil, imtixaankina wuu ka dhamaaday
ibraahim, maalintaasi waxay noqotay ciida islaamka ciid lagu
xusayo islaanimada dhabta ah ee ibraahim iyo ismacil,
ibraahim illaahay (SW).
Wayna socota qisadii Nabi ibraahim waxana uu
ka tagay inankiisi ismacil waxana uu soo maray dhul badan
kaligii maalmo ayaana ka soo wareegay ibraahim waxa uu ka
tagay dhulka Al Kaldaaniyiin waxana uu ka gudbay
Urdun waxana uu dagay dhulka Kancaan, ibraahim
wuu ilaabin intii uu dhacwada ku jiray in uu waraysto Nabi
Luud iyo qoomkiisi oo ahaa qofkii ugu horeyay ee rumeeyay,
illaahay (SW) ayaana doortay qoom casiyiin ah oo xun in uu
nabi ka soo saaro.
Markii Loogu Bishaareeyay isaxaaq
Ibraahim oo fadhiya kaligii daqiiqad kaliya
waxa dhulka u soo degay sadex malag Jibriil, Israafil iyo
Mikaa'il iyagoo u eeg dadka aadna u qurux badan, way soo
socdeen iyagoo aamusan waxayna u yimadeen ibraahim waana ay
u bishaareeyeen, ibraahim waxa uu u tagay qoomkii luud
waxana u sameeyay sharci lagu qaado cidii denbi gasha,
malaa'igtii way socdeen mid ka mid ah ayaan ibraahim u
dhiibay shay, ibraahim markii uu wajigoogi eegay wuu garan
wayay iyagoo ku bilaabay salaan isna uu salaamay, ibraahim
wuu soo kacay wuuna soo dhoweeyay waxana uu geeyay gurigiisa
isagoo moodaya in ay yihiin marti qariib ah wayna
fadhiisteen, ibraahim wuu baxay waxa toostay iyana
gabadhiisi Saara oo ahayd gabadh aad u da-wayntaaday oo
madaxeedu cadaaday ibraahim waxa uu ku yidhi gabadhiisi waxa
ina soo booqday sadex nin oo socota ah waxayna waydiisay
sida ay yihiin waxa uu yidhi midna kama garanayo cid kalena
ma garanayso shakina kuma jiro in ay meel fog ka yimaadeen
laakiin dharkooga kama muuqato in ay safar soo galeen ee wax
la cuno maxaad inoo haysay?
Waxay tidhi waxa aan ahaa neef adhi ah
badhkii waxana uu yidhi iska dhaaf oo dibi gowrac una shiil
waa marti waxay rartaana ma haystaan waxana laga yaaba in ay
fagoro ahaayeen.
Ibraahim waxa uu doortay dibi waxana uu amray
in la gowraco waxana uu ku bilaabay magaca illaahay waana uu
gowracay waxana la bilaabay sidii dibiga loo shiili lahaa
waxana la soo diyaariyay cuntadii ibraahim waxa uu u geeyay
martidii ibraahim ayaa inta uu hor dhigay gacanta geliyay
isagoo ku dhiiri gelinaya in ay cunaan, ibraahim waxa uu
ahaa nin aad u karaamo badan waxana uu haystay dibigaa oo
kaliya sadexdan martida ahna waxaba ku filnaa ama ka badnaa
neefkii adhiga ahaa badhkii, ibraahim wuu dhaqaaqay waxana
uu arkay in aanu midkoodna waxba cunayn waxana uu u soo
dhoweeyay cuntadii isagoo leh waar maxaad u cuni waydeen ka
dib hadana wuu eegay waxa uu arkay iyagoo waxba cunayn.
Dhaqanka dadka reer baadiyaha ah wakhtigaa
waxa uu ahaa in aan martidu waxba la cunin qofka guriga leh
iyagoo ka baqaya sharka qofka guriga leh.
Ibraahim iyo naftiisiba waxa la yaab ku
noqotay nimankaan waxba cuni la waxayna ugu soo galeen si
lama filaan ah waxana uu arkay iyagoo madaxiisa taagan manay
wadanin wax gaadiid ah wajigooguna waxa uu ahaa mid la yaab
leh waxayna ahaayeen socoto manay lahayn boodh iyo
calaamadihii safarka ka dibna waxa uu ugu yeedhay cunto si
ay ula cunaan waxana ku korodhay cabsi.
Malaa'igtu waxay akhriyaysay afkaarta ku dhex
wareegaysa nafta ibraahim mid ka mid ah malaa'igta ayaa ku
yidhi ha cabsanin ibraahim waxa uu ugu jawaabay si dhab ah
isagoo leh gartay in aan cabsanayo waxana idin keenay cunto
waana idin soo dhoweeyay laakiin gacantiina maydaan gelin ma
sharbaa iga fisheen? Waxa dhoolo cadeeyay mid ka mid ah
mala'igtii isagoo leh anagu ibraahimow waxba ma cuno anagu
waxanu nahay malaa'ig illaahay (SW) waxana naloo soo diray
qoomka luud waxa kacday gabadhii ibraahim oo goorahaba la
socotay doodan ninkeeda iyo malaa'igta dhex martay wayna
qoshoshay waxayna eegtay mid ka mid ah malaa'igta waxana ugu
bishaareeyay Isaxaaq way aamustay iyadoo la yaaban
waxay tidhi "Waxay tidhi hoogaygee ma waxan dhalayaa
aniga oo gaboobay ninkayguna gaboobay taasi waa arin la yaab
leh" [Suuratul Huud-12]
Waxa soo noqday mid malaa'igta ka mid ah oo
ku yidhi "Waxa ka denbaynaya isaxaaq iyo yacquub"
waxa galay dareen layaab leh qalbiga ibraahim iyo
gabadhiisaba, ibraahim waxa ka bacay cabsidii waxana galay
qalbiga ibraahim farxad iyo layaab isku jira, ibraahim
gabadhiisu waxay ahayd gabadh gaboowday oo tukubaysa laakiin
waxa gelgelishay ruuxdeena bishaaradii malaa'igta waxana ay
is waydiiyeen wadaadan gaboowday iyo odaygan ibraahim sidee
ayay ubad u dhalayaan "Ma waxaad igu bishaaraynaysaan
aniga oo gabow I taabtay" [Suuratul al Xajar-54] ma waxa
uu doonayaa in uu maqlo bishaarada mar labaad? Mise waxa u
doonayaa in uu qalbigiisu ku nagaado bixinta illaahay ku
manaystay? Mise naftiisa waxa ku jiray dareen bila'aadam si
uu ugu helo kalsooni?
Waxa uu la gariiray laba jeer farxad
malaa'igta ayaa ku adkaysay in ay si dhab ah ugu
bishaareeyeen "Waxay yidhaadeen waxanu kugu bishaaraynay
xaq ee haka mid noqon kuwa quusta" [Suuratul al xajar 55]
"Ma jiro qof ka quusta raxmada illaahay kuwa halowsan
mooyane" [Suuratul al xajar 56]
Malaa'igtu may fahansiin dareen bashar isna
wuu diiday in uu noqdo kuwa quusta ah waxana uu fahansiyay
in aanu ahayn mid raxmada illaahay (SW) ka quustay,
bishaarayntaasina kumay ahayn nabi ibraahim (CS) iyo
gabadhiisia shay sahlan manuu ahayn ibraahim mid leh inamo
aan ismacil ahayn, waxana uu kaga yimi ismacil jaziirada
carabta, saara may ahayn mid mudada badan ee wada joogayn
mid u dhashay ubad iyadana u guurisay haajira, haajira waxay
dhashay ismacil laakiin saara ubad may lahayn.
Maalmo badan ayaa ka soo wareegay waxana ay
odhan jirtay waa amar illaahay sidaas ayuuna illaahay la
damcay iyadoo gabowday oo aakhiru cimri ah ayay la kulantay
bishaaradan "Waxaad dhalaysaa inan" intaas oo kaliya
maaha ee waxa u bishaaraysay malaa'ig uguna bishaaraysay in
inankeedu noqon doono mid sida ay u og tahay dhalashadiisa u
ogaan doonto noloshiisa, in badan ayay samirtay ka dibna way
ilowday ka dibna waxa timid abaal marintii illaahay (SW) si
lama filaan ah oo ka masaxday waxaas oo dhan ilbidhicsi
kaliya ilma ayaa ka soo dadatay indhaheeda iyadoo taagan
ibraahimna waxa uu dareemay dareen qiiro leh iyo raxmad,
ibraahim waxa uu dareemay in uu helay nimco aanu garanayn
sida uu u gudan lahaa mahadnaqa illaahay (SW) xaqa ugu
leeyahay, ibraahimna illaahay (SW) ayuu u sujuuday,
amarkaasina sidaas ayuu ku dhamaaday ibraahim oo ku sugan
dad-nimadii ee illaahay (SW) geliyay, ibraahim markii uu ka
soo toosay sujuudi ayay ka tagtay cabsidii waxana dagay
qalbigiisi, waxana xusuustay in malaa'igta loo soo diray
qoomkii luud, luudna waxa dhalay walaalkii Naasix oo deganaa
meel ku dhow.
Ibraahim muu garanayn macnaha loo soo diray
malaa'igta looguna diray qoomka luud iyo cadaabta ku
dhacaysay, dabeecada ibraahim waxay ahayd raxmad iyo
kalgacal kumanay ahayn cidhiidhi halaaga qoom, ibraahim waxa
uu bilaabay in uu la dodo malaa'igta arinka qoomka luud
waxana uu uga waramay sida ay iimanka u qaateen markii
denbena ugu noqdeen xumaantii waxana uu fahansiiyay
malaa'igtii in ay yihiin qoom mujrimin ah muhiimadooduna ay
tahay in dhusha lagaga soo tuuro dhagaxaan iyo dhoobo naar
ah oo xaga rabi laga keenay.
Nabi ibraahim (CS) wuu ka soo noqday isagoo
ku waramaya kuwa muuminiin ahaa ayuu ku yidhi malaa'igtu
waxay yidhaadeen anagu waanu og nahaya cida muumininta ah ee
ku dhex jirta qoomkaa waxayna fahmeen in illaahay (SW)
arintan amar ku bixiyay oo la fulinayo amarkii illaahay oo
ahaa in la halaago qoomkan, ibraahimna u uu malaa'igta la
dooday laakiin amarkii illaahay (SW) ayay malaa'igtu
fulinaysay qoomkii luudna sidaas ayaa loo halaagay doodi
ibraahimna kamay celin cadaabtii qoomkii luud, ibraahim wuu
ka aamusay malaaigtii malaa'igtiina waxay u kaceen dhinicii
qoomkii luud.