SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISADII NEBI IBRAAHIM (CS)

 


Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Ibraahim (CS)

qaybtii 4aad

 

Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markaan u sheegnay ibraahim meesha laga dhigayo kabcada iyo in aanu cibaada illaahay cidna aanu u shariik-yeelin una gargaaro xajka kuwa dawaafaya kuwa jooga kuwa rukuucsan iyo kuwa sujuudsan (27) dadka uga yeedh xajka way ku iman rag iyo dumarbee iyagoo ka imanaya meel kastoo fog" Suratul Xaj 26-27]

 

Illaahay (SW) ayaa ku amray Nabi Ibraahim in uu dhiso xajka (beedka illaahay) illaahay baana tusay halka laga dhigayo xajka, waxana la yidhi waxa tusay Malakul Jabriil, ibraahim waxa uu tagay Maka waxa uu helay ismacil oo jooga ceelka samsamka agtiisa waxana uu ku yidhi ismacilow illaahay baa I amray in aan dhiso masjid, ismacil waxa uu ugu jawaabay samee wixii illaahay ku amray ibraahim waxa uu yidhi mar labaad adigana waxa lagugu amray in aad iga caawiso dhisidiisa, ismacil waxa uu yidhi hadaa waan kaa caawin.

 

Ibraahim waxa uu u kacay xagii masjidka laga dhisi lahaa waxana uu bilaabay dhismihii inankisi ismacilna waxa uu u soo gurayay dhagaxa, mar kasta oo uu saf dhameeyana wuxuu bilaabay safka ka sareeya ilaa uu dhamaaday masjidkii, ibrahim waxa uu ku taagnaa dhagax uu u dhigay ismacil su uu kor ugu dheerado.

Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Markii kor ibraahim u qaaday masjidkii waxa uu yidhi illaahayow naga aqbal adiga ayaa na maqlay oo na ogee (127) rabiyow naga yeel muslimiintada tafiirtaydana ka dhig umad islaam ah natusna halka aad na dejinayso toobadana naga caqbal adiga ayaa toobada caqbala oo naxariis badan (128) Rabiyow ka soo dhex saar rasuul ka mid ah iyaga oo u akhriya ayaadkaaga oo bara kitaabka iyo xigmada daahiriyana adigu waxa aad tagay mid cisi leh oo xigmad badan(129)" [Suratul Baqra]

 

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay masjidkii ugu sharafta badnaa isagoo ka dhisay goobtii ugu sharafta badnayd tog aan lahayn goodo ehelkiisa waxa uu illaahay (SW) u baryay in uu illaahay ku arsaaqo midho iyagoo jooga meel biyuhu ku yar yihiin dhirna aan lahayn iyo in uu illaahay ka dhigo xaram aamin ah, waxa kale oo ibraahim illaahay ka baryay in umada ka denbaysa ka soo saaro rasuul ka mid ah iyaga oo jidsiyadooda ah luqadoodana ku hadlaya barana kitaabka iyo xigmada illaahay (SW) wuu ka caqbalay waxana uu ka soo saaray carab dhexdeeda qabiilkii ugu sharafta badnaa Nabi Maxamed (CSW).

 

Ibraahim markii uu dhameeyay dhismihii kabcada waxa uu ku yidhi inankiisi ismacil ii keen dhagax aan dhigo koonaha si ay dadku u gartaan waxana u keenay jibriil Xajar aswadka wuuna qabtay waxana uu dhigay halkiisi.

 

Baraarujin:

 

Si loo ogaado xajaru aswadka in uu ahaa yaaquud cad lagana keenay jannada laakiin markii ay taabteen mushrikiintu ayuu madoobaday, kacbadu waxay ku beegan tahay Macmuur dusheedana waxa ah masjidka ay ku tukadaan Malaa'igtu maalin kastana waxa soo booqda totobaantan kun oo malag marka ay ka baxaana aan dib ugu soo noqon. 

 

Dimashadii Nabi Ibraahim (CS)

 

Waxa uu Nabi Ibraahim (CS) dhintay isagoo dadiisu tahay 200 sanno sida laga fahmayo xadiiska  Ibnu Xabaan: waxa kale oo la yidh ibraahim waxa uu noola 175 sanno, Ibraahim markii uu ka so haajiray Iraq waxa uu degay falastiin waxana uu ku noq-noqon jiray maka si uu u soo ogaado xaalka ay ku nool yihiin inankiisi ismacil iyo hooyadii Haajira.

 

Waxana aasay labadiisi inan ee ismacil iyo isaxaaq waxayna ku aaseen qubuurihii lagu aasay Gabadhiisi Saara  tuulada la yidhaado Xamruun oo maanta loo yaqaano Khaliil oo ku taala falastiin.

 

Illaahay (SW) iyo Rasuulkii Maxamed (CSW) sida ay u amaaneyn Nabi Ibrahim (CS)

 

 

Illaahay (SW) isaga oo amaanaya Nabigiisi Ibraahim waxa uu yidhi "Ibraahimkii oofiyay" ibraahim waxa uu oofiyay wax kasta oo illaahay amray oo ah qaybta iimaanka kamanay mashquulinay fulinta amarada illaahay wax kale.

 

Waxa kale oo illaahay (SW) yidhi "Markii illaahay ku ibtixamay kalmado wuu dhamays tiray illaahay waxa uu ku yidhi dadka ayaan kaga dhigayaa imaam waxa uu yidhi tafiirtaydana waxa uu ku yidhi illaahay balan kayga kuma jireen kuwa dalimiinta ah" ibraahim markii uu dhamaystiray wixi illaahay amray ee ah waajibaadka waawayn dadka ayaa looga dhigay imaam si ay ugu deydaan, ibraahim waxa uu waydiisatay illaahay (SW) in imaam-nimadan ay ku xidhiidhsanato tafiirtiisa, illaahay (SW) waxa uu ugu jawaabay inaanay wanaaga lahayn dalimiintu ee khas ay ku tahay inta tafiirtiisa ah ee muuminiita ah iyo kuwa wanaag farayaasha ah.

 

"Waxanu siinay isaxaaq iyo yacquub dhamaantoodna waanu hadaynay nuuxna tafiirtiisa hore ayaan u hanuuninay, da'uud, saleeban, ayuub, yuusuf, muuse iyo haarun, sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa wanaag falayaasha ah (84) Sakeriye, Yaxye, Ciise iyo Ilyaas waxay ka mid ahaayen kuwa wanaagsan (85) Ismacil, Yasac, Yuunis iyo Luud dhamaantood waxanu ka fadilnay caalimiinta (86) aabayaashoodi iyo duriyadoodi iyo walaalahood waxanu ku hanuuninay dariiqa toosan (87)" Suratul Ancaam]

 

Nabi Maxamed (CSW) isagoo amaanaya Nabi Ibraahim waxa uu yidhi "Waxan istaagi doona goob ay khalqiga oo dhami ay rajeeyan ibraahim" tafiirta Nabi ismacil kuma jiro Nabi aan ahayn Nabi Maxamed (CSW).

 

Halkaas ayaana ku soo dhamastirnay qisadii nabi ibraahim (CS) inagoo website badan ka soo aruurinay oo carabi ah, Waana website hoos ku qoran.

 

 

 

http://www.alqasas.com/

http://www.khayma.com/qsesalanbia/pages/Ibrhem/Ibrhem.htm

http://www.alnoor-world.com/Prophets/heja.asp

 

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyay

 

C/fataax Xasan aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)

Email: Cabditaax_96@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

July 14, 2003

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
June 5, 125
 

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD