SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


JAWAAB CELIN KUSOCOTA QORAAGA WARBIXINTII XERADA QAXOOTIGA IFO
Abu Maxamed-Amiin
hmoawiye@qwest.net

March 17, 2001

JAWAAB CELIN
Qoraalka jawaabtani kusocoto
ka akhri halkan
Waxaan rabaa in aan kaala hadlo arimo badan oodan war u haynin ood ku soo qortay web siteka Somalitalk.com. Marka hore waxaan kuu sheegayaa in aad ogaato in aysan dhadhaab ahayn xero qaxooti, ee ay tahay Magaalo yar. Xeryaha qaxootig hadii aan kuu sheego waxaa la kala yiraahdaa Ifo, Xagardheere iyo Dhagaxleey.

Midakale waxaad qaybta hore ee warbixintaada ku sheegtay in ay dadku adaan Garissa ooy taleefan (Communication) u adaan si ay eladooda diba jira ula xariiraan, ayagoo mara Posta!!!!, Waxaad qayba dambe ama dhamaadka warbixintaada aad ku sheegtay in ay xerada ifoo ka jiraan Taleefano iyo Xawaalado ay kamid yihiin Dahabshiil, Barakaat iyo Amal. Taleefanka daqiiqadii waxaad ku sheegtay in uu yahay (150-200). Marka bal dib oogu laabo taasna, ilaanay war bixintaadii ayaa isburinaysa e!!!!.

SOMALI REFUGEES
RAPE AND VIOLENCE
The 1992-93 orgy of sexual violence against refugee women affected the predominantly Somali camps of Dadaab. A human rights group that visited camps in northern Kenya in April to May 1993 reported that "beatings of refugees, as well as sexual assault and rape, were daily and nightly occurrences".
Click www.uhncr.ch
Human Rights Watch
incidents of rape among Somali refugee women in Kenya
Click here
Terror reigns in Somali refugee camps
TWICE in her 20 years, Halima has been raped. The first time was in the chaos of Somalia, by two men who beat her father to death and then attacked her. She was 10 years old.
Check Daily Mail & Guadian
South Africa. June 14, 1999
Rape by Shiftas
Story of Maryam Read here
Somali refugees struck by insecurity
NAIROBI, 24 November (IRIN) - Insecurity in the Kenyan Daadab refugee camps has left Somali refugees vulnerable to rape and armed attacks, but the Kenyan police lack resources to cope with the situation
Check IRIN
ABUSES AGAINST SOMALI REFUGEES IN KENYA
Check www.unrisd.org
SEEKING REFUGE, FINDING TERROR
Book at www.hrw.orgk
Mida kale een kuu sheegayo waxay tahay in aysan dadka somalida ah eed ka shaqeeya aysan wadiisanin dadka kiisaska hela in ay guursadaan ama ay dad ku daraan. Warkaasna waa aflagaado marka waxaa kugu haboon in aad raali galin ka bixisid (apologise) arintaas iyo warbixinta beenta ah eed ka bixisay xeryaha qaxootiga ee Soona dhadhaab.

Aad iyo aad ayaan ooga xumahay warxinta aan sal iyo raadka lahayn ee aad u gudbisay Somalitalk. Marka Maxamed Cabdiyoow, had iyo jeer runta raadi iyo wararka sugan hana noqonin mid dacaayadiista ah oo aan hadafkiisa aqoonin (Sorry if I offended you) Lakiin waa run in aadan hawl aan laguu dirsanin aad faraha la gashid oo dacaayad iyo aflagaado aad Shabakada internetka aad soo galisid.!!!!!!!!

Waxaan akhayaarta Somalitalk ka codsanayaa in ay hubiyaan warbixin walba oo loo soo gudbiyo maxaa yeelay, hadii aysan hubinin waxa loo soo gudbiyo waxaa dhacaysa in warar aan been ah ama dacaayad ah lagu daabaco web siteka. kadibna waxaa dhacaysa in aan la aaminin wararka aad ku soo gurbisaan Somalitalk.

Waad mahadsantihiin
Abu Maxamed-Amiin
hmoawiye@qwest.net


Jawaabtii Qoraagu kabixiyey Qoraalkan ka Akhri halkan
JAWAABTII BAHDA SOMALITALK

Bismillah; Asalaamu calyekum, bacda salaan.

Walaal Abu Maxamed-Amiin, marka hore aad ayaad ugu mahadsantahay emailka aad noosootebisey, waxaana qiyaasayaa in aad nuqul u dirtay qoraagii barnaamijka qaxootiga, sida ku cadayd emailkaaga. dabcan jawaabta uu aritaas ka bixindoono qoraaga ayey u taalaa, balse tan aad xustay Somalitalk ayaan kaaga jawaabeynaa, insha Allah

Ugu horrayn, Walaal sax ma imaanayo hadii aan wax la isusheegin, hadii aan talada la qaadana wixii lasaxayey waxba iska bedlimaayaan. Halkaas anaga oo ka ambaqaadeyna, isla mar ahaantaana tixraaceyna qoraalkaa, ayaan kuu cadayneynaa in aan siweyn uga taxadaro qoraalada aan soo tebino, in aan waqti dheeraad ah siino wararka aan shacabka u soo tebineyno hubintooda iyo ilaha ay ka imanayaan.

Taas marka aan cadeynay, waxaa kale oo jira qoraalo badan oo aan soo daabacno in ay yihiin fikrada shakhsiga ah ee akhristayaasha, taas oo aan sicad usheegno qoraayaasha iyo meelaha lagala xiriiri karo. Waxaadna ogtahay in mararka qaarkood ay xad gudub noqoneyso hadii qoraagi hadalkiisa la bedelo ilaa lagaba yaabo in macnihii uu u jeedey uu bedelmo. Tusaale kasoo qaad hadii jawaabta aad noosoo dirtay aanaan sheegi lahayn, sow arintaas kama xumaan lahayn. Si aan taas uga hortagno ama uga taxadaro waxaan badanaa dib u weydiinaa qoraaga in kelmedaas ama qoraalkaas lagayaabo aysan ku haboonayn sidaas (aragtidanada), markaas hadii qoraagii ogolaado in labedelo ayaan sidaas ku bedelaa. dabcan waa hadii qoraalkaasi uusan ka hor imaanayn caqiidada toosan. Ogowna bini Aadamku isku meel wax kama eegaan. Waxaana jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa: Hadal qofna si u yiri, qofna si u qaadey. Waxaadse ogaataa in mararka qaarkood aragtiyaha kala duwan ay wax dhisaan (waa hadii dabcay sidaas loola jeedo), oo fikrad adiga kaa maqnayd ayaa dhici karta in aad ka heshid qofka aragtidiisu ay kaa soo horjeedo.

Waxaad kale oo la socotaa marka loo adeegayo bulsho weyn, in aad heleysid fikrado soo kala horjeeda, waxaana marwalba waajib nagu ah inaan si siman ama dhexdhexaad ah anago aan cidna u xaglin aan afkaaraha akhristayaasha soo bandhigno (dabcan waa hadii aysan xadgudub ku ahayn shakhsi bini Aadam ah). Taas oo aan uga gol-leenahay in la helo bulsho is aaminsan oo si saraaxa ah uga doodikara ama uga wada hadlikara umuuraha khuseeya bulshada oo dhan. Taas oo ah meesha aan higsaneyna.
READERS POINT OF VIEW
Dear Brothers and sisters at Somalitalk,

It is my greatest pleasure to forward you our appreciation for your professionalism, promptness and journalistic spirit. I hope you will continue the hard work as your people will indeed benefit from your dedication in upholding the principal of freedom of the press and opinion. In order for Somalis, and indeed all African to reap the benefit of justice and freedom, functional media outlet is a necessity. Through this process, we can grow informed and strong. Peace and hapiness to all of you at Somalitalk.

your sister, Dega

Waxaan utaalasaaranaa Ilaah in uu nagu hago wadada toosan, taas ayaana liibaanta ah, waxaana ku dadaalaa in aan bulshadeena ugu adeegno si siman. Waxaan ku dadaalaa in aan u soo tebino waxyaabaha anfacaya danta guud, waxaan tixgelin siinaa aqoon kororsiga, waxaan uruninaa macluumaadka anfacaya ummada oo dhan. Waxaan qadarin iyo tixgelin sineynaa talooyinka akhristayaasha. Taas waxay asaas unoqonkartaa aan helo mujtamac  horumar kagaara dhinacwalba, hanoqo xaga aqoonta iyo cilmiga, iyo fikirka. Si aan taas u kasbano waxaan si siman ugu adeegnaa dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabkeena, waxaana u ogolaanaa in ay cabiraan aragtidooda ku wajahan umuuraha saamanyta kuyeelankara danta guud ee shacabka Soomaaliyeed. Marka umuurahaas laga eego dhinacyo kala duwan waxa dhici karta in la helo mowqif dhexdhexaad ah oo dadka ku haga wanaaga.

Intaas haddaan hodhac kadhigo, oo aan u soo noqono su'aashadii, waxaan kuu cadayneynaa sida aan diyaarka ugu nahay in aan marwalba soo tebino si hagar la'aan ah waxkasta oo anfacaya ama faa'iidada u leh mujtamaceena, waxaana kuu cadaynayaa in SomaliTalk  qayb kayahay bulsha weynta Soomaaliyed, waxaana ka tarjumeynaa wixii guud ahaan dan u ah horumarinta mujtamaceena. Waxaan diyaar u nahay sixid wixii sixid u baahan siwada jir ah, waxaan diyaar u nahay horumarinta wixii horumarin u baahan, waxaan diyaar u nahay kaqaybgelinta talada bulsha weynta Soomaaliyeed.
IFO CAMP
> Warbixintii Maxamed cabdi- shiike
> Jawaab celintii Abu Maxamed-Amiin
> Jawaabtii bahda SomaliTalk.com
> Jawaabtii Maxamed cabdi- shiike

Ugu dambayn, anigoo kuhadlaya magaca bahda SomaliTalk waxaan mahadnaq kaaga soo jeedinyaa emailkaaga iyo xiriirka aad lasoo yeelatay SomaliTalk.com. Waxaana kugu casumeynaa ka qabgalka horumarinta mujtamaceena intii awoodaada ah, anaguna waxaan Ilaah u tala saaranaynaa in uu naga dhigo kuwo cadaalad fala.

Qore: Mohamed Ali
London, Canada
SomaliTalk.com Team
Email: html@somalitalk.com

March 18, 2001 Jawaabtii Shiike kabixiyey Qoraalkan ka Akhri halkan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD