PalTalk: Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya - Q.2aad
(SHEEKO GAABAN )
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Qaybta: 1aad | 2aad
Qolqol, qol-yare, ayay baroordiiq maamulehii u dhigtay, iyadoo
sabuuraddii na ugu soo qortay, ‘Gaaldiid: luuqa fiiri’! Xil weyn ayuu
@Gaaldiid1993 iska saaray in uu isla haddiiba dadkii u soo bandhigo. Waxa uu
xubnihii qolka uga hadlay, Xaawo-Taako1948, gabadh weligeed ba Mujaahidad
soo ahaan jirtay, in wiil walaakeed ahaa lagu dilay Waddada Koowaad ee Suuqa
Weyn ee Bakaaraha, agagaarka Daarta Cawaale; iyo in wiilku, xagga da'da uu
25 jir ahaa: wiil waxbarashadiisa loo soo huray maal aad u badnaa. Si
koobanayd ayuu uga sii fallooday: beryo yar gudahood in la filayay, Visa RW
Cali Maxamed Geeddi laga siiyay $12000 (laba iyo toban kun Doollaar) in uu
kaga soo dhoofi lahaa Nayroobi. Waxa kale uu ayaandarri ku tilmaamay, maalmo
kahortood na: gurigoodii ku yiil Xaafadda Shiirkole, guriga keliya ee uu
reerkoodu ba Xamar ku lahaan jiray na, Neftenya-du (askarta Woyane-hu),
madfaca loo yaqaan fooriyowoga, in ay ku dunsheen; iyo isla maalintaas
dhambaal Xaawo-Taako1948 ay ka heshay Soomaaliya in loogu soo sheegay
weligeed Baaslaawe, walaalkeedii rumaad, in ayan dib dambe u arki doonin.
Marmarka qaarkood, qof aad hadalladeeda si uun u shuuftay ayaa dareenno
murugo leh sabuuradda ku soo bandhigayso; si xun ayaad isla haddiiba na u
qaadnaysaa. Waa arrin dhibkeeda iska leh. Haddii aan uu @Galdiid1993 inoo
sheegi lahayn sida dhab ahaan ay wax u jireen, kolley anigu, qolka waa aan
iskaga bixi lahaa. Gadaalohii dambe se, daah yar igama saarnayn, caydii
Xaawo-Taako1948 ee dambe, in aan ayan shaqo ba ku lahayn caytankeedii hore.
In warka laguugu soo celceliyo na, marar qaarkood, wax ayaa ba kaaga soo
dhuroobo. Sidaas awgeed weeye, waxa Carabtu ba ay u tidhaahdo, ‘Ku
celceliska, dameerka ayaa wax ku barto.’ Dameer aniga oo kale ah ayaa na
PalTalka-ga ku badan. Weydiintu se waxa ay tahay, meesha dhaawacu kaaga
yaallo, ma cay ayaa daawo u noqon karayso? Anigu ma ma ogi; ma aqaanno in
aad jeclaan lahayd reer kula deriska ah in tannaagoodkaaga uu gaadho, iyo in
kale? “Dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa, dhawaaq na meel dheer” (Maahmaah
Soomaali). PalTalk waa gudbiye codkaaga gaadhsiin kara meelo fogfog, iyo dad
codkaaga cod-aqoonsan karo ama kugu bar-aqoonsan karayo ba. Waxa igu sii
hakiyay qolkan dhexdiisa, ayaa ba ahaa, islaan weliba na aniga igu hooyo iyo
igu na aabbe ahayd ee uu codkii i soo gaadhay -- aan idhaahdo, deexashadii
walaashay, daldalankeedii, murankeeddi, dadnimo-xumideedii, cadownimadeedii,
belo-jacaylkeedii, nejaasteedii, gaal-kalkaalnimadeedii… iwm. Laqdabooy,
magacaa ha ba'o!
Dhegahayga iyo samacadda dhegaha ii sudhnayd ba, labadooda ba, waa aan ka
wada shakiyay. Maya! Iyaa, ma tan ayaa walaashaa ah? Qoftan la baxday
neenaastan ahayd Miciyo-Gamaar, ‘tolow ma noqon karaysaa walaashaa?’ ayaan
weli is weydiiyaa. Shibtayda ayaan ka galay. Si xun ayay se, wallee,
qalbigaygii u xagxagatay, uga na dhiijisay. Miciyo-Gamaarey duf ku bax.
Meydadka xafadihii Xamar dhex daadsan ayaa iiga walaaltinimo roon.
Meydadkaas ayaa, wallaahi, iyada iiga sokeeye. Woyane-hu Soomaalida uu dilay
ayaa agtayda iyo ag Ilaahay ba ka nool. Miciyo-Gamaar, waa bakhti, waa fuur
aan weli dillaaci… dadka na aan weli u soo wada urin. Miciyo-Gamaar,
araggeeda iyo maqalkeeda ba, indhaha iyo sanka ayaan ka wada xirtay.
Miciyo-Gamaarey, kaa samray'e; silac u dhimo!
Boqorad Haween, may Xaawo-Taako1948, qoraalkeedii waxa uu isu rogay qoraal
qiireysanaa. Waxa ay billowday in si cadho lahayd ay u soo qorto cay ku
beegnayd qabiilooyinka Soomaaliyeed qaarkood. Dareen waxa galay in dadka
qolka ku jiray oo dhan ay ka soo wada jeedeen hal reer oo aan, maleheeda,
waxba ba ka gelin geerida walaalkeed ku timi. Aniga laftirkayga waa aan u
qaadan waayay in aan ay dadku u soo qori wayeen hal erey oo samirsiin
ahaa;-- dad aan hubay, tacsidaas oo kale, baroordiiqdaas oo kale, iyagu ba,
berrito, in ay u soo yeeri kari lahayd. Hayeeshee, walaalo Soomaaliyeed ee
dadka ka mid ahaa, si wanaagsan na ula socday warkii @Gaaldiid1993 ayaa
talantaalli hadba midkood ugu soo booday mikrofoonkii ama xariiftankoodii ka
billaabay sabuuraddii:
“Ilaahaaga Weyn horta bal ku mahadi Xaawo-Taakaay. Reerkiinna hal wiil ayaa
laga dilay, an se waxaan ka soo haray reer ka koobnaan jiray 20 qofood.
Labaatan qofood. Reer la dabargooyay. Reer la mooroduugay. Dadkaygii Woyane
ayaa cadcad mindi ugu jarjaray. Afkaaga na suubso. Walaaley samair iyo
iimaan. Ciidamada Shabaabku na waa Xooggii Dalka Soomaaliya, Soomaali in ay
nooleeyaan mooyaane, loogu maba talogelin in ay hal ruux ka dilaan. Cadhadha
ku haysaa na, innaga oo idil ayay maanta ina wada haysaa. Walaalkaa na waa
walaalkay oo la dilay oo kale. Xaawo-Taakay Alle xaggiisa u samir. Ilaahay
samir ha kaa siiyo walaalkaa. Salaamu Calaykum. Waan ka degay maaygga,” ayuu
yidhi Agoon-Qaran.
“Yaa aniga tayda ba ka warqaba? Aabbehay oo 85 jir ah iyo 8 wiil uu dhalay
ayaa ka mid ah Ciidamada Shabaabka. Aabbehay jiidda hore ayuu dhufays uga
jiraa," ayuu SankuNeefle na soo qoray.
“Xaawo-Taako: walaalkeed aa la dilay," ayuu @Gaaldiid1993 sabuuradda ugu soo
tuuray qof, magac ahaan, sitay neenaasta Laxdhukan.
Laxdhukan se, si dedgdeg badnayd, dheeg (koobi) ayay sabauuraddii ku soo
waashay, “Maxaa ka macne ah? Wiil awelba koolkoolin ku noolaan jiray, wiil
ka dhashay reer wada fulay ahaa… wiil ummaddiisa ku cidleyn lahaa cadowga
dalka qabsaday, wiil aan sideeda ba aan Soomaalinimo lagu soo barbaarin…
waar kaas waa fulay bakhtiyay ee naga daaya warkiisa… @Gaaldiidow, haddaad
doontid na, i tuur habo.” In yar kadib na waxa ay soo tuurtay, “Hadday
naagtaan Xaawo-Taakadii runta ahayd oo kale tahay, Xamar ma aaddoo?
Xabadkeeda weynne, marrasta Soomaaliyeed ugama dhigtoo madaaficicda
Tagreega?”
Qof horey u sii ogaan karayo, weliba gooraha qaarkood, falceliska ka iman
karayo xagga maalmuleha Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya, run ahaan, ma jiro.
Dhaqanka aan ku soo arkay qolka ay maamulaan haweenay la yidhaahdo @Faadno
Baxuur iyo oday la yidhaahdo Caddow Dheg-Bac, ‘berax iyo
biyo-ka-daba-qaadkii’ negaadraaska la yidhaado Maxamed Xabeed ama
‘Qax-ma-hurtadii’ Salaad Cali Jeelle ama ‘bililiqo-ma-hurtadii burcadda
Maryo-Calasta’ ee ‘uu madaxda u yahay qowlega la yidhaahdo Cabdi Qaybdiid…
iyo qofkii aan faaninayn xasuuqa gurracan ee dowlad ku-sheegta iyo
xil-ma-dhibaannada lagu xareystay Bakhaarkii Mesegada ee Gobolka Bay ay
Muqdisho ka wadaan -- Soomaaligii wanaagsan ba, waa kii Qolka Hoogga
Dowladda laga soo tuuraa. Xilwareejintii RW Cali Maxamed Geeddii mar ay
dadka ugu sheekaynaysay in ay la mid ahayd middii Aadan Cabdulle Cusmaan
(aun) oo kale, ayaan @Faadno Baxuur labaanyada ugu qoray, ‘beentaa waaye’.
Maxaad u maleyn? Bacdayadii ayay bannaanka ii soo dhigtay.
Ninkii walnaa ee talloojiyay ba sow ma odhan, “intaa yar ba, Badweynta wax
uun bay ku sii biirin?” Labdaas erey ba, labadaas cod ba, Jihaadka Weyn ayay
wax ku sii kordhin doonaan, sida ay anigu ila tahay. Kelmadda runta, iyo
midda xaqa ah waa wanaag aad ku sii taartay Jihaadka lagula jiro gaalo
caddeeyda iyo gaalo madowda ba.
@Galldiid1993 na, in uu Laxdhukan tuuri lahaa ayaan ka sugayay. Mayee, ma ba
tuurine, ka warran? Maxuu u tuuri waayay se? Mooyi. Waa su'aal dadka u kala
yeelan jawaabo kala kaan ah.
“Xaawo-Taako: Walaalkaa fulay ayuu ahaa. Ilaahay ayaa se u dhigay meel
Ameeriko u dhaantay?” ayay Laxdhukan mar labaad soo qortay.
“Haaye,” ayay tidhi qof waalid ahayd oo mikrofoonka ka hadlaysay, “wiil
dhintay waa wiil uu lurkiisii ku daayay. Aniga saddex wiil ayaan hooyo u
ahay. Saddex Muslim. Saddex Soomaali. Saddex baarri. Saddex Mujaahid. Saddex
geesi. Saddex halyeeyo. Abbaayday Xaaw-Taakaay. Dhegahaada fur! I maqal!
Horta samir iyo iimaan Alle ha kaa siiyo walaalkaa. Haddii walaalkaa la
dilay, in aad ka dabo dhimato ayaan se ku fari lahaa. In aad ugu aarguddid,
adiga oo hanti, af iyo addin ba ku taageera Xoogagga Dibuxoreynta
Soomaaliya. Difaaca dalka ka sokow, anigu ka hooyo ahaan, gaadh ahaan,
waxaan ka sii werweri doonaa nolosha wiilashaydaas weli wada nool. Haddii
se, sida walaalkaa ay u wada dhintaan, nolol na aan iyaga uga sii dammbeeyo,
waxa igu ballan Ilaahay ah in aan anna naftayda u huri doono diintii iyo
dalkii ay nafahoodii u wada hureen. Saddexdoodu ba, noloshii Yurub, waxay ka
doorbideen nolosha goobihii dagaalka ee Dhiinsoor, Iidaale, illaayo Ras
Kiyambooni; hataan naXamar ayay joogaan -- midkood na weli xagatin soo ma
ayan gaadhin. Adiga se waxa aad ka doorbidday in walaalkaa kaaga soo baxi
lahaa colaaddaas holcaysay, iyo Jihaadkaas weli Nuurkiisii uu baxaayo. Bal u
fiirso walaalay! Naa hooyadaa oo kale ayaan ahay. Ka cabso Rabbigii ku
abuurtay! Ilaahaagii u soo noqo! Iska illow qabyaaladda. U fiirso sida fiise
iyo dhoof kale, walaalkaa looga soo diray Samada Sare. Hayeeshee, sow uma
jeeddid haddee sida aan, misana, kaaga sii murugo iyo werwer ba bad nahay?
Ogow, wiilashaydu, haddii ay dhintaan waa shuhadaa'. Waxa aan qalbigaaga ku
adkeyn lahaa in aad samirtid, kaalintii walaalkaa banneeyay na aad
Soomaalida iyo Muslimka ba u buuxisid. Wa Billaahi Al-Towfiiq. Waxii aan
toosiyay na waa wax Ilaahay igu toosiyay, waxii aan gefay na, waa wax ka
yimid aniga xaggayga ama xag Shaydaan. Mayggu waa firii.”
DHAMMAAD QEYB: II
LA SOCO QEYB III: “Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya” ... Isniinta (HAY).
.
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com