Madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa
Golaha baarlamaanka Puntland waxa uu (Arbaca Janaayo 28, 2009) ka hor akhriyey
qorshaha xukuumada DGPL ee 2009-2012. Waxaana markaas Golaha Wakiilada Puntland
cod aqlabiyad ah (57 cod) ku ansixiyeen barnaamijkaas.
Barnamijka Xukumadda DGPL 2009-2012
Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland
Garowe, 28 January, 2009
HORDHAC:
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin:
Asallaamu Calaykum Wa Raxmatu Allahi Wabarakaatuhu,
Gudoomiye, sida aan ka wada warqabnno waxaa 1998-dii la dhisay Dawlad Goboleedka
Puntland oo ay ku bahoobeen 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle (Bari, Sanaag,
Nugaal, Sool, Mudug iyo Degaanka Buhoodle). Arintaaas waxaa keenay baahi loo
qabey qaab dhismeed cusub oo matalikara masiirka bulshadeena. Qab dhismeedkaas
ayaa markii ugu horreysay la taaba geliyay, iyadoo la adeegsanyo habraaca
dhaqanka oo lagu dheehay waayaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa lama huraan
noqotay in lala jaan qaado wacyigii xilligaas jiray, iyadoo la doonayo in aayaha
iyo masiirka dadka reer Puntlnad meel lagu ogaado, si ay u helaan maamul tayo
leh oo suga amniga, una horseeda ummadda horumar dhaqan-dhaqaale (socio-economic
development).
Dhismaha DGPL wuxuu kale oo ahaa qaab-dib-u-heshiisiineed ee loo yaqaan
hoos-ka-dhis kor-u-dhis, una horseedi kara deegaamada kala ee Somaliya inay
dhistaan maamul goboledyo kan oo kale ah, taasoo noqota qaabka keliya oo Somali
la isugu kenikaro Nidaamka Federaaliga oo Dawlad Dhexe oo midaysan lagu gaari
karo. Aakhiritaanki, fikrigan nadiifka ah waxaa la isaga raacay shirkii
di-u-heshiisiineed ee Kenya, 2002-2004, oo beesha caalamka hormuud ka aheyd,
ummada Somaliyedna aqoonsatay.
Miradhalka himiladaas waxaa tusaale u noqday doorashoyinka demoqaradiga ahaa ee
dhowaan ka dhacay Puntland, laguna soo doortay Madaxweyne iyo
Madaxweyne-ku-xigeen 08/01/2009.
Dorashadaas waxay masuuliyad culus dusha u saartay heyadaha dawliga ah ee
Puntland ayna ugu horreyaan Xukummadda iyo Golaha Wakillada cusub oo laga sugayo
is-beddel dhab ah oo lagu higsado himilooyinka mustaqbalka ee dadkeenna, una
horseedi kara amni, xasilloni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale.
Sidaas darteed, waxaa loo baahanyahay inaan wada aqoonsanno in Xukumadda iyo
Golaha Wakiillada ay maanta horyaalin caqabado waaweyn oo dhinac kasta ah, xag
siyasadeed (DFKMG), amniga, dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxa aan qarsoonayn
xaaladda dhabta ah ee jirta.
Haddaba, waxaa la inoo ka baahan yahay – Xukumad, GW iyo shacaba, inaan u wada
howlgalno sidii aynu uga gudbi lahayn marxaladdan adag uguna talaabsan lahayn
waddada horumarka.
Hadafka aan higsaneynana laguma gaari karo si sahal ah, Sidaas darted, waxaa
kuligeen laynoo ka baahan yahay in aan qaadano go’aamo ad-adag oo muhiim u ah
hurumarka shacabka Puntland. Taasi waa lagama maarmaan, mar hadaan dooneyno in
aan la nimaadno is bedel dhab ah oo ka turjumaya himilooyinka aan higsaneyno.
Qorshaha guud ee xukumaddu wuxuu taabandoona dhinacyada kala duwaan ee
nolosha-siyasadeed, amni, dhaqaale , bulsho iyo ilaalinta deganka, dadkeena iyo
dalkeena.
SIYAASADDA GUUD
1. GOLAHA XUKUUMADDA
Waxaa si rasmi loo magacaabay 18 wasiir, 23 Wasiir-ku-xigeen iyo 2 Waasiir Dawlo
taasoo jirta ayaa hadan waxaa Golaha Xukuumadda ka bannaan jagooyin aan weli la
magaacaabin, dhakhsana loo soo buuxin doona markii la helo dadkii ku haboonaa,
haddii Alle Idmo.
Xukuumadu waa garowsan tahay dareenka shacabak Puntland ee ku aadan tirada
xukuumada. Waxaa tirada xukuumada sababay duruufo badan iyo wacyiga lagu sugan
yahay. Sidoo kale waxaa sababay in wasaarado isa saarnaa la kala qaaday, sida
xanaanada xoolaha, beeraha iyo daaqa iyo daryeelka deegaanka oo u baahan
wasaarado gooni ah si hawl dhab ah loo qabto.
Dhanka kale, Xukuumadan aan soo dhisay ma ay wada gaari karto deegaamada iyo
beelaha dhammaantood, laakiin waxay daaweysay wax tirsasho badan oo horay u
jirtay.
Xukuumadan waxqabadkeedu wuxuu noqondoonaa mid muuqda oo lala xisaabtamo. Waxay
xukuumaddu tix gelinaysaa kala madax banaanida iyo wada shaqaynta hay’adaha
dawladda sida, Golaha Wakiiladda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka. Waxaa
ka hawlgeli doona dad aqoon, waayo aragnimo iyo karti u leh maamulidda iyo
hogaaminta hay’adaha dawliga ah (Government Institutions).
Hay’aduhu waxay ku hawl galayaan waajibaad shaqo oo qeexan (Job description). Ku
waasoo la tilmaami doono qaabka wada shaqaynta iyaga iyo hay’adaha kale oo ay
isku ujeedada yihiin, sida garsoorka iyo ammniga, hay’adaha adeegga bulshada,
hay’adaha waxa soo saarka iyo dakhliga IWM.
Waa muhiim in aan leenahay siyaasad qorshaysan oo ka tarjumi karta danta gaarka
u ah shacabka reer Puntland, midda guud ee Somaliya, xiriirka caalamiga ah iyo
xiriir wanaagsan oo aan la yeelano dawladaha deriska ah.
Xukuumadu waxaa ay dardar gelineysaa gedi-socodka demoqradiya oo ay ugu horeyso
dhameystirka Dastuurka cusub oo ka tarjumidoona danta shacabkeena, aftina loo
qaado 18 bilood gudohood, haddi Alle idmo.
Waxaa kale oo ammuurtaas barbar socondoona in la qoro ugu horreyntii xerka
axsaabta badan, furitanka axsaabta, magacaabidda guddiga doorashooyinka iyo
dejinta xeerka dorashada (electoral commission and electoral law), taas oo loola
jeedo dardar gelinta hanaanka geedi socodka dimuqoraadiyadda (Democratization
Process). Taasi waxaa ay Puntland u horseedaysaa, Ilaah idankiis, in laga gudbo
nidaamka qabaliga ah ee toban jirsaday, kaas oo sababay caqabado badan oo
qaarkood la dhaafi kari waayey iyo in lagu tallaabsado nabad buuxda, horumar iyo
iskaashi buuxa ee dhinacayada kala duwan.
Xagga siyasadda ku wajahan Qaran Somaliyeed, xukuumada Puntland waxay
ilaalineysaa nidaamka fedaralka oo ah mid reer Puntland hore u go’aansadeen,
sidaasna saldhig ugu noqday xukuumada Federalka ah ee KM ee hadda jirta oo la
dhisay 2004tii.
Sidaas darteed, waxaa xukuumudu aaminsan tahay daafacaadda nidaamka Federalka ah
ee Dawlad Qaran ee Somaliya, oo wax ka hooseeya dadkeenu marnaba aqbali karayn.
Xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka ahi waxuu ku dhisnaan doonaa nidaamka
Federaalka ah ee hadda kala dhiman oo dhameystirmidoona marka ay soo dhismaan
maamullo Puntland oo kale ah oo ku wada howlgala Xeer Federal ah oo ay si buuxda
Puntland uga hawlgasho diyaarintiisa si ay u ilaashato daneheeda ku saleysan
awood qeybsiga. Taasi waxay tahay inaan cid dibedda ka ah maamulka Puntland
aysan ku matali doonin marnaba diyaarinta xeerkaas.
Middaas oo ay hadda dhacday in diyaarinta Xeerka Federalka ah ay DFKM iyadu
iskeed ugu magacawday dad aan maamulka Puntland soo dirsan oo aan u aragno inay
ilaalinayaan oo keliya danaha Dawladda Federalka KM.
Waa muhiim, waana siyaasadda xukuumadda in aan kula dhaqanno Dawladaha aan
deriska ka nahay xagga berriga iyo xagga baddaba siyaasad ku saleysan is-
xurmeyn, deris wanaag iyo wax-wada-qabsi ku aadan danaha naga dhexeeya oo ay ka
mid yihiin isdhaafsiga ganacsiga iyo adkeynta amniga.
Waxaan iyadana dardar gelineynaa xiriirka wadashaqeynta aan la leenahay Beesha
Calaamka, ha ahaadeen deeq bixiyayaasha (donors) ama hey’adaha kale oo calamiga
ah (UN agencies and INGOs) si ay si buuxda uga hawlgalaan degaanka Puntland mar
labaad, iyadoo la sugi doono haddi Alle idmo amaankooda. Taasi waxay
fududeyneysa in dib loo bilaabo mashaaricdii kala go’day iyo kuwa cusubba.
2. AMNIGA:
Amnigu waa asaaska nolosha adamaha ama noolaha oo dhan. Waxaana muhiim aha inaan
xoogeenna oo dhan saarno, dawlad iyo shacabba, sugidiisa si wadajir, loogu wada
hawlgalo melmarintiisa. Taas oo ah gundhigga siyasadda amniga ee xukumadaan.
Haddaba, waxaa xukumaddan ka go’an:
- Sugidda iyo xojinta amniga dalka oo dhinac walba ah; sida difaaca xuduudaha
DGPL iyo xojinta amniga gudaha, la dagaalanka burcad badeedka, afduubka berriga
iyo tahriibta, si loo yareeyo dhibaatada dadka loo gaysanayo, nabadeynta
beelaha, daryeelka iyo ilaalinta deegaanka.
- Adkeynta midnimada iyo amniga DGPL iyo soo celinta qeybaha hadda maqan, sida
ugu dhaqsaha badan, iyadoo la adeegsanayo qorshe cad oo laga baaraandegay oo
tala wadaag ah.
- Helidda ciidan TIRAKOOBAN oo dhab ah, lana arki karo, oo aan aheyn kuwa
waraaqaha mushaarka keliya ku qoran (jooge maqane). Waxaa xukuumaddu durba ku
tallaabsatay magacaabid iyo hawlgalka guddi nabadgeliyo oo madaxbannaan
(independent security commission) oo loo xilsaaray tirakoobka, diiwangelinta iyo
dib-u-habeynta ciidamada Drawishta, Poliska iyo Asluubta. Tirakoobkani wuxuu ka
mid yahay tallaabooyinka Xukumaddu ku talagashan tahay inay ku saxdo ammaanka
iyo dhaqaalahaba. Waxaa looga golleyahay in la helo ciidan kooban oo la
bixinkaro mushaarkiisa iyo kharashyaadkiisa kale, dabadeedna la tababari karo,
si loo helo ciidan taya leh oo hanankara nabadgeliyada dalka.
3. DHAQAALAHA:
Sal-u-dhigidda iyo hurumarinta dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland waa arrin
muhiim ah. Dhaqaaleheenu wuxuu ku salaysanaan doonaa:
- dhiiri gelinta suuqa xorta ah oo dar dar gelinaya maalgelinta lahaanshaha
gaarka ah (private sector);
- dakhliga dawliga ah (Public sector revenue), oo aan hadda is bixin karin;
- dhaqaalaha hay’adaha caalamig ah ka soo gala dalka oo hadda mashaariicdii oo
dhan istaagtay ammaan darro darteed.
Waxay xukuumadani fulin doontaa, haddii Alle idmo:
- In la helo miisaaniyad isu dheeli tiran, oo kharashku uusan dakhliga ka
badnayn, lana balaariyo ilaha dakhliga dawladda, dakhliga baaqdana la soo
xereeyo, si kor loogu qaado mushahaarooyinka, iyadoo la eexinayo kor u qaadidda
maciishadda hoosaysa ee dadwaynaha. Haddaba, waxaa durbadiiba Xukumaddu ku
tallabsatay in la tirakoobo shaqaalaha iyo ciidamada Dawladda, si loo ogaado
inta dhab ahaan ka howlgasha hey’ad walba oo dawli ah, dabdeena la jaangooyo
inta wasaarad ama hey’ad waliba u bahaan tahay. Tasi waxay wax weyn ka tareysaa
tayenta shaqada la qabanayo iyo awood u helidda bixinta musharooyinka.
- Inay dar dar geliso suuqa xorta ah, si loo dhiiri geliyo maalgashiga debedda,
loona helo horumar dhaqaale oo shaqo abuurid leh.
- Inay xukuumaddu la dirirto, xakamaysana, sicir bararka iyo lacagaha been
abuurka ah oo dalka la soo geliyo, ama lagu sameyn jiray gudihiisa.
- In la dhiiri geliyo horumarka khayraadka dabiiciga ah ee beeraha, iyadoo biyo
mareenada waawayn ee dalka looga faa’ideysanayo maalgalinta mashaariicda
beeraha.
- In si xawli ah loogu hawl galo badbaadinta deegaanka oo ay faro kulul ku
hayaan cashiimaysiga, dhuxul shidida, boholaha, qashinka magaalooyinka iyo
wasakhda biyo mareenada.
- In hay’adaha caalamiga ah lagu dhiiri geliyo inay dalka dib ugu soo noqdaan
iyagoo amaankooda la sugayo si mashaariicdii baaqatay iyo kuwa cusub loo
bilaabo.
- In xukuumaddu ku dadaasho inay tartiib tartiib u buuxiso farqiga dhaqaale
(Economic gap) oo ay hadda buuxiyaan hay’adaha caalamig ah, si looga kaaftoomo
ku tiirsanaantooda.
- In la soo nooleeyo qorshihii shanta sano oo la dhamaystiray, si loogaga
qaybtamo barnaamijka dib u dhiska iyo horumarinta Somalia oo loo yaqaan
(Reconstruction and Devolvement Plan for Somalia).
4. ARRIMHA BULSHADA:
Horumarka bulshadu waa sababta dawladiba u dhisantahay, taas oo xil ka saaran
yahay in ay xal u hesho dhibaatooyinka hortaagan daryeelka caafimaadka iyo
hurumarinta waxbarashada bulshada. Xukuumadu waxay qorshe ka samayndoontaa
arrimaha waxbarashada iyo adeega caafimaadka asaasiga ah ee reer miyaga (Rural
integrated primary education service and health care). Xukuumadu waxaa kale oo
ay muhiim u aragtaa in ay ku talaabsato:
- hagaajinta adeegyada bulshada; waxaa xukuumadani hirgalinaysaa qaab habaysan
oo ay u wada hawl galaan dhinacyada (different sectors) kala duwan ee wadaaga
horumarinta adeegyadaas, sida xukuumada, hay’adaha dadweynaha, kuwa caalamiga ah
iyo xirfadlayaasha sare.
- u gogol xaaridda xiriir dabacsan oo wanaagsan oo wasaaraduhu kula shaqeeyaan,
hay’adaha caalamiga ah ee ku hawllan in ay u adeegaan bulshadeena. Xukuumaddu
waxay xil iska saaraysaa adkeynta nabadgelyadooda.
- Gaarsinta adeegyada muhim ka ah deegamada ka fog wadada dheer ee isku xirta
magaaloyinka waa weyn.
5. HESHIISYADII XUKUMADDII HORE GASHAY:
Sida aad la wada socotaan waxaa jiray heshiisyo horey loo galay, khilaafna ka
jiray, xagga Xukuumada, Golaha Wakiilada iyo cabasho ka imanaysay dadweyne.
Heshiisyadaas Xukumaddii hore ayaa la gashaya shirkado ajnebi ah iyo kuwa wadani
ah. Mabd’a ahaan waa aqoonsanahay heshiisyadaas, hase yeeshe, dib ayaan u
eegidoonaa iyadoo la waafajinayo danaha dadkeena iyo shuruucda Puntland.
6. DARYEELKA DEGAANKA:
Waxaan nahay bulsho weligeedba nolol ahaan ku tiirsanayd kheyraadka debiciiga ah
ee dalkeena, sida xoolaha , daaqa, biyaha, kallunka, ugaarta, dhirta iwm. Sidaas
darted daryeelka degaanku wuxuu xukumaddan u leeyahay mudnaanta koowaad, waxaana
loo sameeyay Wasaarad gaar ah oo ka hawlgaasha degaanka. Waxaana taas ugu wacan
muhiimada daryeelka degganka oo dunida oo dhami hadda u soo jeesatay
daryeelkiisa (Environmental protection is a global issue).
Waxaa xukuumada ka go’an taaba gelinta hanaan wanaagsan oo lagu ilaaliyo
arrimaha degaanka oo hadii aynaan wax ka qaban dhibaatada deegaanka, sida
waxyellada caafimaad, xaalufinta dhulka, burburka doxooyinka boholaha noqday,
dabargoyinta kheyraadka badda, ugaarta iyo qashinka iyo sunta lagu shubo
biyamareenada iyo badahaba.
Wabilaahi Towfiiq
Dr. Cabdiraxmaan Max’ed Maxamuud (Farole)
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
###