Somali opposition group seizes port - Aljazeera, Aug 22, 2008
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalada Ka Socda Magaalada Ksimaanyo Ee Xarunta
Jubada Hoose
Aug 22, 2008:
Dagaalo faraha laysula tegey ayaa maalintii sadexaad ka soconaya magaalada xarun
goboleedka jubada Hoose ee kismaanyo kaasoo u dhexeeya milayshiyada taabacsan
beesha mudooyinkii ugu dambeeyey ka ariminaysay deegaanada jubooyinka iyo
xoogaga dagaalyahanka Al-shabaab Halkaasoo ay ka dhasheen Khasaare Baaxad leh oo
isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka maanta (Jimce Aug 22, 2008) oo bilowday saaka barqanimadii ayaa ahaa mid aad u kulul kaasoo
layskula faafay gudaha magaalada kismaanyo gaar ahaan xaafada calanley ,somali
istar ,deegaanka xaafada dow-dhanaan iyo meelo kale iyadoo laysu adeegsanayey
hubka noocyadiisa kala duwan ee lidka diyaaradaha gaar ahaan qoryaha zuu-ga iyo
37-ka halka ay ciidamada ka dagaalamayey gudaha magaaladana ay qaarkood ku
dagaalamayaan hubka baasuukaha iyo qoryaha gacanta .
Sidoo kale dhinacyada kala taabacsan maamulka beelaha iyo al-shabaab ayaa
Habeenkii Hore dagaalkoodu ku gabal dhacsaday Halka ay Jimcadii dagaalku ka
Bolawday taasoo ay sii weheleliso barakac baahsan oo magaaladaasi kadhacay intii
dagaaladu socdeen haba ugu badnaadee maanta (Jimce) oo ay ka Qaxeen magaaladaasi
Boqolaal Qoys .
Dhinaca kale waxaa si lama Filaan ah saaka waqti yar kadib Dagaalku xiligii uu
bilowday Hawada ka baxay shirkadaha kala duwan ee telefoonada iyadoo si rasmi ah
aan Loo Ogaan karin khasaraaha dhabta ah ee uu dhaliyey dagaalkani ,waloow ay
jiraan telefoono dhinaca satalaytka ah oo laga Helayo magaaladaasi oo sheegaya
inay isbitaalka magaalada kismaanyo soo gaareen dhaawacyo kabadan 80-qof oo
qaarkood lasheegayo inay dhaawaca u dhinteen .
Si kastaba ha ahaatee dagaalada afar jirsaday ee kasoconaya magaalada kismaano
ayaa u muuqda kuwo aan lahayn wax waan waan ah islamrkaana salka ku haya arimo
siyaasadeed oo ku saabsan deegaanka bada iyo beriga isugu jira oo lagu Tilmaamo
inuu yahay xarun istaraatiiji ah islamrkaana ku wanaagsan saldhig xeebeed muhiim
ah.
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Update: Magaalada Kismaayo waxaa la wareegey kooxaha taabacsan maxaakiimta.
Faafin: SomaliTalk.com | August 22, 2008
|