MASAFO: XALKU MAAHA (SHABAAB, SHARIIF, SOOMAALI)

Maxamuud Axmed Cabdalla |
Waxa
tiriyey: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email:
abdalle9@hotmail.com
Gabayga Halkan ka
Dhegeyso
ama soo
rogo (mp3)
abdalle9@hotmail.com
GABAY: BAAQ NABADA BAAN XAMAR U DIRI
Waxa
tiriyey: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
06/21/2009
Email:
abdalle9@hotmail.com
Gabayga Halkan ka
Dhegeyso
ama soo
rogo (mp3)
- Baaq nabada baan Xamar u diri, labada baalloode
- Barbarrada xarbiyayaan wanaag, baaninahayaaye
- Birmageydadaan doonayaa, inay badbaadaane
- Beladiyo colaaddaan dadyohow, baaja leeyahaye
- Soomaali waxa bi'iyey waa, bah iyo reer reere
- Bili beena iyo madaxnimiyo, baashi baan ahaye
- Qarankeedi goortuu burburay, ee la kala baydhshey
- Hadday bahala dirirtaa sidii, beer fircooniyaahee
- Nin walbiba badsuun baa hoddiyo, beegsi magac weyne
- Bal inuu caqligu wada bukooy, maanka wada beeshay
- Waxa biraha loo tumanayaa, buul horaw dumayee
- Afartaasi waa baaqan diri, nabad u baaweyne
- Waa beer walaaliyo kalgacal, biiro, iyo waano
- Afar kalena waa boorrin iyo, beyd xusuus mudane
- Baaddilkii qabiilaysigiyo, boqontii lays heeray
- Bilaash gawracii maatadiyo, bederradii le'eday
- Baroortii habeen iyo dharaar, bogox ka yeeraysey
- Muqdishaay nabsigii biiraybaa, haatan soo baxayee
- Beergooyadiyo, boqol jirkii laga xishoon waayey
- Cawradii la buubsanahayee, ee la bixin waayey
- Birta sebigii lagu gawracee, bahalka loo xooray
- Shiirkole wixii booldhay oday, lagu biraynaayey
- Kaaraan wixii mayd baryaye, BMku cantuugay
- Suuq Bacaad wixii dhiig burqaday, bilistu yuusaysay
- Nasiib Buundo wixii baas cuskaday, baanji lagu laayey
- Wixii beyd nin kale loo dhacaye, boobka lagu qaatay
- Baduuggii Curuubiyo, Jubbiyo, baro dalxiisaadka
- Bamkii bilicda Xamar Weyn ka dilay, boobihiyo jiibka
- Madfacii halkuu beegsadaba, lagu butaacsiiyey
- Barakaciyo kala oodankii, baylah buu dhalayee
- Maantana ma bela qoon wataa, kugu butaynaaya?
- Ma baab diina bay taagan tahay, waxad barooddaaba?
- Is biimayn miyaa lagu dilaa, boqol masaakiina?
- Bulshadii intii kugu hadhaa, beebbe lagu seemay?
- Rabbiyow badbaadiyo kusii, nabadda oo baahda
- Berya hodantigaagii markale, lagugu soo booqdo
- Beladiyo allow kaa xijaab, baaskan kugu raagey
- Barbaartii samaha lagu yiqiin, kugu barwaaqowdo
- Afarkalena buun qayla dhaan, baan ku dirayaaye
- Bi'i waaye Soomaaliyeey, bariya ciiddeenna
- Baallaha kalow soo birmada, beer qudhaa nahaye
- Bari iyo Waqooyow tashada, banaha soo awda
- Nabsigu waa belaayee ka baqa, beladu waa guule
- Bawdada walaal niman asturin, duni ku baayaalye
- Berraa cadawgu soo beegayaa, baasha ula noole
- Tolla'ayeey bog Soomaaliyeed, yaa u boyn waayey?
Waxa tiriyey: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
06/21/2009
Email:
abdalle9@hotmail.com
Sidoo kale dhegeyso maansada XALKU MAAHA..
Dhegeyso ama
soo rogo
Maanso: HADAF,
taasoo yoolkeedu yahay wixii Soomaali ka lumay
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2009
GABAYADII HORE EE SHIINE
MAANSADA
HORE |
MAANSADA
XIGTA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|