SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SYL

Tix la Yiraahdo: DABDHEER 
W.T  Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
05/15/2008
Email: mabdalle@gmail.com


Maxamuud Axmed Cabdalla

Hordhac:

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan salaan ayaan u diraynaa. Maanta waa bisha May 15-keeda 2008, oo ku aaddan aasaaskii ururka SYL. Haddaba waxa isweydiin leh, maxaa ku dhacay hiyigii iyo riyadii qarankii Soomaaliya? Maanta sidee xaal yahay? kuwii maqnaa? kuwii xoroobey? Tix gabay ah oo la yiraahdo DABDHEER ayaa abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) ka tiriyey maanta duruufaha dalka ka taagan. Tixdani iyadaa is fasiri doonta. Wixii faallo ah abwaanka kala xiriira mabdalle@gmail.com 
Soomaaliya Guul! Soomaaliya Guul! Soomaaliya Guul! Soomaaliya Guul!

GABAY: DABDHEER
  1. Da’da maanso, deelleyda xaraf, dunaha geeraarka
  2. Ma dandaansho aadmiga, ninkii gabay ka deeqtoone
  3. War waa dawlad calanliyo, sidii shay daruuriyahee
  4. Anna duulle goortaan dan bido, waa digsiin jiraye
  5. Ma darrooriyee mawjadaan, kaga dayaanshaaye
  6. Aan duddubiyo caawana, midkeey dihatay laabteeydu 
     
  7. Dadka reer Ogaadeeniyee, nacabku dooxaayo
  8. Ee Doorkii laga gawracee, geesi lagu deynin
  9. Ragga cadowga deyr loogu xidhay, dabinka loo qoolay
  10. Carruuraha darxumadiyo u go’ay, gaajadiyo diifta
  11. Deeqooyinkaa lagu kufsaday, deyrka aqalkooda
  12. Dulmanihiyo maatida la galay, ee la dabar gooyey 
     
  13. Jiidhku way damqanayaa, kolkaan dayo ilaahoowe
  14. Diilalyo iyo ciilbaa wadnuhu, ila dubaaxshaaye
  15. Waan diifanaayaa, sidii ruux bukaan dilaye
  16. Debnahaan qaniinaa, geddii aano daba jooge
  17. Cadhuun baan la duubnahay, sidii aw la duudsiyaye
  18. Doog baygu shidan, aan khalqiqu ila dareemayne 
     
  19. Dumaal sidan hawaystaan saqdhexe, mar isla doodaaye
  20. Damiirkaan canaantaa, naftaan diiqad geliyaaye
  21. Durbaan baan tumaa dhiillo, iyo daramal duullaane
  22. Daabaan la rogay baan hiyiga, kala dardaarmaaye
  23. Dabna iima baxo, oo tashi baan derin la jiifaaye
  24. Daawo nimaan lahayn baan ahoo, tiisi daayacaye 
     
  25. Docdii aan u daqaqami lahaa, baa dahsoon weliye
  26. Afkoo dooda mooyee arrini, waa iskaga daale
  27. Itaal li’idu waa waxa I dilay, oo darkay dhigaye
  28. Dakhar aan isgaadhsiiyay baan, weli la doogtaaye
  29. Bal dayooy dagnaanshuu amxaar, iigu duur xulaye
  30. Haddii deyrku ii oodan yahay, ima dullaysteenee 
     
  31. Miduu daanka dhigo iyo, miduu deli ka tuuryeeyo
  32. Iyo mid u dillaaluu qalbiga, diillin kaga jiiday
  33. Saddexdaa dariiquu ka dhigay, gebi dadkaygiiye
  34. Dellana malaha Soomaalidii, doorkan maanta ahe
  35. Dadqal iyo danaystaa u hadhay, aan dubnixihayne
  36. Dalkii iyo dadkii baylahshoo, duunyadii liqe’ee 
     
  37. Cadow bay u dayreen hadh galay, duumo lagu laye
  38. Labadii dihnaa way ba’sheen, dulugle weeyaane
  39. Daleel bay xornimadii dhigeen, doorar loo huraye
  40. Dixri baa ku baxay, calankii ay rag u dalluumeene
  41. Dafaar uu amxaar soo dirsaday, baa u daaciyahe
  42. Diiwaanki shaydaanku dhigay, baa la daalacaye 
     
  43. Afar iyo badh (4.5) baa dawgu yahay, looxa lagu duugye
  44. Dabinkii Zinawi u dhigay, dalaq yiraahdeene
  45. Damaanyaale aan lagu murmayn, buu la soo degaye
  46. Dabadkii Wayaanuhu, haduu nagu dul joogaaye
  47. Xamar dacalladeedii Tigray, lagu dareersiiye
  48. Dubbihii Amxaarada miyaa, nala ku daadduunshey 
     
  49. Diigaanyo ciidana, miyuu nagu dabbaalsiiyey
  50. Ma durduruu ku tegey meel kastaba, dooxo iyo oogo
  51. Dadkaygii miyuu qaar ku dilay, waa doc reer hebela
  52. Dubaaxda iyo subaggii, miyuu laqanyadii daacay
  53. Miyay kala dibboodeen kolkii, nacab ku soo duuley
  54. Sidii deylo weer helay, miyaa dociba meel aaddey 
     
  55. Dadkaygii danli’i bay noqdeen, daa’imaa badane
  56. Daarood, Isaaq iyo Hawiye, Duulal Raxanweyna
  57. Iyo Dir iyo Shiikhaashi iyo, magacyo duugoobey
  58. Oon duxi ka raacayn, ayaa loogu daw galayee 
     
  59. Afartaa daliilkiisa gabay, daw ma qabadsiiyey
  60. Ma dikriyey sidii weli Qur’an, loogu derejeeyey
  61. Dabuub kalena waa dunidan iyo, dana ka faallaynee 
     
  62. Muslim naga dubnaxa iyo ma jiro, dano walaalowe
  63. Ninna kama digiigaxan madfaca, lagu daryaansiine
  64. Sacab baa durtaba looga tumay, dunida qaarkeede
  65. Doqonniimo waa shile, kolkaan wax is dareensiiyey
  66. Kala daadsanaan bay hoddiyo, diidey reer hebele
  67. Anigays dilaye yaan cid kale, ceeb ku daabicinee 
     
  68. Dulligii qabiiladu wakaa, dilay dadkaygiiye
  69. Daallimiinti hore noo dubtaa, diin la soo shiriye
  70. Nabsigay duddada noo dhigeen, waakan soo duxaye
  71. Dab munaafaq shiday baa salfada, duul lillaahiya’e
  72. Daacadu waddanigii hadhgalay, daabac lagu jiidye
  73. Dibadday ka joogaan sharciga, diinta eebbaha’e 
    Bal dayooy kuwii dumiyaybaa, duubab loo xidhaye 
     
  74. Dukundaakun weeyaan guryihii, dahabku hoos yiile
  75. Daleel weeye Curubiyo, Jubbiyo, oo dalxiis ma lehe
  76. Naftaa lagu dirqiyey maatadii, dul iyo waayeele
  77. Dareemada sideed meydka yaal, dooxadiyo toonka
  78. Dhallaan dooxa iyo gaalibkiyo, aabi dabar goynta
  79. Duhur weerarkiyo, gawraciyo, dhiigga laga daadshey 
     
  80. Jiidhku way damqanayaa, kolkaan dayo ilaahoowe
  81. Diilalyo iyo ciilbaa wadnuhu, ila dubaaxshaaye
  82. Waan diifanayaa sidii, ruux bukaan dilaye
  83. Cadhuunbaan la duubnahay sidii, aw la duudsiyaye
  84. Dabar baygu xidhan duubiyada, duunyo saan ahaye
  85. Dubaaqada I gaadhaan cidina, iga dawayneyne 
     
  86. Dadkaygii danli’i bay noqdeen, daa’imaa badane
  87. Daarood, Isaaq iyo Hawiye, Duulal Raxanweyna
  88. Iyo Dir iyo Shiikhaashi iyo, magacyo duugoobey
  89. Oon duxi ka raacayn, ayaa loogu daw galaye 
     
  90. Afartaa daliilkiisa gabay, daw ma qabadsiiyey
  91. Ma dikriyey sidii weli Qur’an, loogu derejeeyey
  92. Dabuub kalena waa daa’inkay, dalab aan weydiistey 
     
  93. Daa’inoow allow deeqle, waan kaa durraansadaye
  94. Ducaday ajiib xaqa adaan, dabaqa saarayne
  95. Allow nabadda nagu soo dabbaal, dirirku soo meero
  96. Allow dacal-ka-dacal uumiyuhu, daacad wada yaallo
  97. Allow daanta Xamarweyn markale, lagu damaashaado
  98. Allow duunka Baardheere iyo, Jawhar wada daaqo 
     
  99. Degmadii Hargeysiyo, Markiyo, Waamo darafteeda
  100. Baydhabiyo dooxada Bakool, degelka hiiraana
  101. Dalsankii Sanaagiyo, illaa Bari duleedkiisa 
    Galgaduud allow diiqo roob, digada sii xaadho
  102. Nugaaliyo dullaha Booramiyo, Gedo allow dooji
  103. Allow duulka Sool iyi Togdheer, Mudug isdaaweysto 
     
  104. Allow dalag Bu’aaliyo ka baxay, Jilib degaankeeda
  105. Allow darib hilaba ah iyo kalluun, daasad lagu giijey
  106. Allow dahabka ceedhiin, batrool, dheemman wada duuban
  107. Alloow qori dayiba iyo, birtiyo, dedib macaadiina
  108. Allow malabka doocaanka iyo, subag dareeraaya
  109. Allow doonni qaar lagu raroo, debedda loo dhoofsho 
     
  110. Allow dalawadii Geela iyo, Adhiga oo daada
  111. Lo’da oo dinnaahiyi naqii, sabada diinnaysay
  112. Allow doobi lagu maalo, oo caana laga diiqo
  113. Doorkii fardaha iyo gammaan lagu dawaareeyo
  114. Allow daabbad dheeraysa iyo, dadab xambaaraaga
  115. Allow daawad korankay dhashiyo, deeble lagu guuro 
     
  116. Allow dabaqad baabuur leh iyo, dhiro dukaanley ah
  117. Allow daaro wada fooqa iyo, Villo wada deyran
  118. Allow beyd daliilkiyo sharciga, diinta laga raacdo
  119. Allow baro daruustiyo cilmiga, ubadka deeqsiiya
  120. Allow wada dariiq laamiyiyo, daarad wada nuurta
  121. Allow wada dar iyo ceel burqada, webigu soo deexdo 
     
  122. Allow qarankayagoo dawlad ihi, dunidu maamuusto
  123. Allow calanki dookiga ahaa, boodhka laga duugo
  124. Allow wada dirays ciidanliyo, miiggu daaddihiyo
  125. Allow madax u wada daacadoo, danaha raacdeeya
  126. Oo doorasho u loollantoo, doodda ku heshiiya
  127. Allow dar is xilqaamiyo waddani, foodka ugu deeqo!  

Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)

05/15/2008

Email: mabdalle@gmail.com

Maanso: HADAF, taasoo  yoolkeedu yahay wixii Soomaali ka lumay Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2008

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD