SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA KAWTAME

Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com
Khartuum, Suudaan



Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)

  Daliil Gabay

Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com
Khartuum, Suudaan

Gabaygaan daliil gabay waxaa tiriyey abwaan c/khayr c/qaadir maxamud {kawtame] waxuuna uga tallo galay munaasabadda dawlada cusub ee soomaalia u dhalatay

gabaygaan oo isugu jira duco iyo dardaaran

gabaygaan daliil gabay waxuu soo baxay 16/10/2004

waxuuna ku billowday sidaan  

                      daliil gabay

 

  • daliil gabay hadaan maxamadoow damaca maansoondo
  • dabuubtayda weeraha markaan qalinka soo daaro
  • dulka hoorka maansada markaan diirada u qaato
  • docda uu naxwuhu yahay ayaan uga dalxiisaaye
  • deelqaafna uma sootirshee waan ka diriraaye
  • dulmi uma xishee xaqaan uga dugaalaaye
  • beentana masoo daadahshee runtaan daabacaa waliye
     
  • iga duubba maansada murtida galiya diiwaanka
  • damiirkiina  maqalkiyo dadow dhagaha ii deeqa
  • daliilkayga gabay caawa waa daacad qorideede
  • wax dhan baan dadow  maahsanayn daa'imkay magane
  • diraac baa nahaysiyo weheey dakharo jiilaale
  • mar uu daaqu sii dabar go'oo dhulkii wada dangiiboobay
  • oon dibinta laalaadinoo wada daciifownay
  • oo dalagi soo bixi jiriyo beerti dacarowday
  • oon kala dareerroo dadkii dibad usoo yaacay
     
  • rabibaa nasoo doojiyee duco u aamiin dheh
  • illaahow gugaan da'ay nasii daaqsin lagu waaro
  • illaahow gugaan da'ay nasii dahab mataalkiisa
  • illaahow gugaan da'ay nasii caano darartooda
  • illaahow gugaan da'ay nasii doog lawada quuto
  • illaahow gugaan da'ay nasii nabad an duugoobin
  • illaahow gugaan da'ay nimcada ha iga kala daadin
  • illaahow gugaan da'ay kayeel kii la door bido'e
  • insha allaahu waa dawladaani waa deeq Illaah furaye
     
  • dawladaan lasoo doortayeey naqo mid aan daalin
  • dalwadaan lasoo doortayeey noqo mid duul khayr ah
  • dalwaladaan lasoo doortayeey marna ha duuggoobin
  • dawladaan lasoo doortayeey noqo tii nawada deeqda
  • dawladaan lasoo doortayeey noqo tii na daadihisa
  • dawladaan lasoo doortayeey noqo tii dalka dawaysa
  • daa'imkay ha tabantaabiyoo dunida ha aygaarto
     
  • door-roone noqo cabdulaahiyoow daa'imkay magane
  • danta guud markay tahay cabdow diiraha u toosi
  • daa'imkay ha garab galo danbaan cidina diibayne
  • soomaalaay dadaaloow dhamaan qaata darafkiina
  • oo dalaga beeroo arlada doog ka wada yeela
  • muuskiyo babaygii dagnaa dacal kasoo gooya
     
  • wadankii dihnaa dayro badan daacad wada buuxsha
  • rabigay ha daayee dadoow dunida dhaafsiiya
  • afartaas da iyo woow ma iri dahab ma maansooday
  • ma mareershay gabaygii daliil duni ma maansheeyey
  • dockastoo naxwuhu jiro dabaakh hadal ma gaarsiiyey
  • sida aarka dooxada ku nool dawan ma yeersiiyey
  • sida awrka doobida la kaca codkii ma idin deeqsiiyey
  • waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan kusoo daayay
  • rabiyoow nasoo doojisayedaaqu hana deeqo
 
  Aamiin Aamiin Aamiin


Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
Kawtame24@hotmail.com

Khartuum, Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
June 12, 125
QAYBAHA DOODWANAAG

MAANSADA: Bilowga | 1:DAWO | 2:DADNIMO | 3:DARYEEL | 4:DADAAL | 5:DAACADNIMO | 6:DA.YAR | 7:DELEB 8:DAAWAD | 9:DABAQABAD | 10:DEEQ.EEBBE | 11:DEEGAAN | 12:DAWLAD | 13:DAHAB | 14:DIGNIIN | 15:DUCO | 16:DAYN.QARAN | 17:DAN.GUUD | 18:DUL.KA.XAADIS | 19:DULMI.DIID | 20:DOONTII | 21:DULQAAD | 22:DARAJO | 23:DALJIR | 24:DUGGAAL | 25:DABIIB | 26:DISTUUR | 27:DALKA | 28:DAREEN | 29:DADKAYGOW | 30:DANKAHADAL | 31:DEEQA | 32:DARWIISH | 33:DAWAN | 34:DIMOQRAADI
Shuruudaha Maansada ka mid Noqoneysa Doodwanaag:: GUJI


Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD