SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Cali Maxamuud Xiirane
     (London, UK )
Xiirane2@hotmail.com



Cali Maxamuud Xiirane

 Kala dooro

Maansada  la magacbaxday Kala dooro waxaa curiyay Cali Maxamuud Xiirane oo horay u tiriyay maansooyinkii Deegaan (11) iyo Dulmi-diid (19) oo labaduba ka tirsan silsiladda Doodwanaag. Maansada cusub ee Kaladooro waxay silsiladda ku soo biirtay 1dii May sanadka 2006da, waana maansadii 50aad ee Doodwanaag. Cali wuxuu degganyahay magaalada London, waddanka Ingiriiska. 

Maansadu waxay aad uga warramaysaa  feejignaan la’ aanta shacabka Soomaaliyeed iyo sida doqonnimada ah ee ay uga diimoonyihiin ciddii dulliga badday, illaa maantana ku sii hagaya dariiqii hoogga iyo halaagga.

Maansada Kaladooro waxay bulshada  ku waaninaysaa in ay miyirsadaan oo ay kala miisaamaan waxa u daran iyo u waxa u dana , kadibna ay abbaaraan waxa ay maslaxaddoodu tahay. Naafo ka weyni ma jirto nacabka iyo nasteexa oo la kala garan waayo, waana lagama maarmaan in la taageero ciddii khayr ka talis ah ee umadda wanaag u horseedeysa, sidoo kalena waa lagama maarmaan in laga hortago oo gacanta layska qabto cidda ummadda fitnada u horseedaysa, fitnadaas oo aan ku koobnaan doonin shaqsi iyo shaqsiyaad balse noqonaysa mid saamaysa bulshada oo dhan.

Maansada Kala dooro waxay ku billaabmaysaa 

  • Bahdii doodwanaag baa

  • Beryahaan dadaalkii

  • Debcisoo ka daashoo

  • Dardartii yareysaye

  • Bal aan dowligii iyo

  • Darkii ceelka soo dhigo

  • Doorkaan lahaan jirey

  • Bal aan daabbaddeydii

  • Dusha koorihii suro

  • Awal waa daboolnaa

  • Oo waan dulmarayoo

  • Waatey dednaayeen

  • Doodaha warkeyguye

  • Bal aan daaha soo rogo

  • Darbadeydan seddexaad

  • Kala dooro weeyaan

  • Tanna waa digniin culus

  • Ama waa dardaarane

  • Ruuxii damqanayoow

  • Aan wada duceeynee

  • Ila dooji adiguna

  •  

  • Inkastoo qof door jiro

  • Murti weli daneeyaa

  • Damiin baan xikmadi degin

  • Dhegihiisa daahani

  • U daloolin samahaba

  • Ku darooryantaa iyo

  • La dardaarantaa hadal

  • Waxba kuma duxaayaan

  • Caku doqon dabkii be’e

  • Hadmuu xumo ka daalaa?

  •  

  • Murti naga da’ weynoo

  • Dadkeennii horeetiyo

  • Duqoowdii yiraahdeen

  • Dulucdeedu waa sidan:

  •  

  • Doqon baa la yiri beri

  • Sidii duunyadii lumay

  • Ma doonnaa ma deynaa?

  • Dooddii bar baa yiri

  • Xoolana ma daajiyo

  • Ma daryeelo reeraha

  • Waana dowdarkaasoo

  • Deriskiis ma nabadgalo

  • Dakanuu na soo gelin

  • Dulmi buu la joogaa

  • Daqar buu caruuraha

  • Hadba daanka jebiyaa

  • Ha dawaafo duurkee

  • Amaad nagaba deysaan

  •  

  • Dad kuwii u xigey baa

  • Ka damqaday warkaasoo

  • Yiri waa dad nooloo

  • Dugaaggaa ku cuni meel

  •  

  • Dabandeeb socdaaliyo

  • Dalandoolka gaajiyo

  • Dalandeelka oonkiyo

  • Doon-dooniddii bay

  • Dalanbaab tillaabada

  • Ehelkiis ku daaleen

  •  

  • Wax duruuf la soo maray

  • Waxba yaan ku daahine

  • Waxaa soo dul joogsaday

  • Kuwii awalba loo diray

  •  

  • Degmadii markuu yimid

  • Waa loo dabbaaldegey

  • Damaashaad la wada qabay

  • Wuxuu yiri dabbaalkii

  • Uma diirin ceebtee

  • Maxaa layga soo dumi

  • Berri baan dibbooniye

  •  

  • Waxaan uga danleeyahay

  • Nabad waa danteennee

  • Dararteeda yaa garan

  • Dagaal oogayaashana

  • Yaa dammaana qaad u ah?

  •  

  • Haddii meel la daarshaba

  • Dac-faruurayaashii

  • Soo kama daraayaan

  • Dambarkeeda goortaan

  • Doobbiga u qaadnaba

  • Soo ma daba maraayaan

  • Kuwo loogu dawgalay

  • Nabaddeenna duminteed?

  •  

  • Mar haddii dakanaqabe

  • Dirac loo yaqaannoo

  • Dallaal qoon kaleetaa

  • Hawsheennii loo diray

  • Cidi maynan doorane

  • La ye waa dagaalyahan

  • Dirir bay aloosaan

  • Nabaddana ma doonaan

  • Degmaduu budaagaba

  • Darajuu ku helayaa

  • Soomaali duulka ah

  • Ma dallaco nimaan dilin

  • Asna waaba doorbiday

  • Haddii loo durbaan tumay

  •  

  • Doobabkay dirsanayaan

  • Ayagoo dambiilaa

  • Oo dilay walaalkood

  • Lama duugo welibee

  • Qorigii dulsaarnaa

  • Ayaa laga dafaayoo

  • Dixiriga cunaayaa

  • Looga kala dareeraa

  •  

  • Shacabkii dayeysnaa

  • La ye maba dareemaan

  • Dabinnada u qoolane

  • Weli waa is dooxaan

  • Dibir kama dhergaankii

  • Waa sii dur-duriyaan

  • Guryohoodi dumay bay

  • Weli sii duqeeyaan

  • Dukaafadda hortaalley

  • Deystaan ma qaadaan

  • Dabka lagu gubaayey

  • Dogobbada ku huriyaan

  • Dabbaabbaad duqoobey

  • Isagoo daxaal badan

  • Isla daba wareegaan

  • Danahooda guud bay

  • Dullinimo ka doorteen

  • Daaquud warkiis bay

  • U dulqaad badnaadeen

  • Ruuxii dabaaxeey

  • Middi daab u geliyaan

  • Dandarrada la baday bay

  • Isku daahinaayaan

  • Dammanaanta badan bay

  • Weli daa’imaayaan

  • Damacooda falan bay

  • Daryeelkood ku seegeen

  • Fuusto daba duleeshaa

  • Darroor lagu dhuraayaa

  • Diilalyada rafaadkey

  • Soo dalxiisid moodaan

  • Dekeddey xireen bay

  • Derbiyada yaxoobaan

  • Darajaan la hayn bay

  • sii diriqsanayaan

  • Markii nabad la dooney

  • Danan dhiillo kiciyaan

  • Iyagaa is dilayee

  • Danbasyaalka yaa baday?

  •  

  • Waxba yaanan daaline

  • Dooddeydu badannine

  • Kala dooro labadaan

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Dugsiyada qur’aankiyo

  • Qofkii diinta kuu dhigi

  • Iyo ruuxa kaa dumin

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Dabadhilifka gaaliyo

  • Midkay doollar siiyaan

  • Iyo kii difaacaya

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Isku duubnideenniyo

  • Dar ilaahay kii raba

  • Iyo kii daneeystaa

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Dulmiloowga kii neceb

  • Shacabkeenna kala dila

  • Iyo kii dammiin u ah

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Abaaraha na daashadey

  • Diinnaar midkaan bixin

  • Iyo kii u duubane

  • Dadaalkiisa muujiyey

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Aqoonyahan dadaaliyo

  • Duubab noo adeegiyo

  • Oday daacadoo weyn

  • Iyo daba kanaaxyada

  • Ku dallacay waxbaan dilay

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Dagaallada sokeeyaha

  • Kii dabkooda shidayiyo

  • Ruuxii u duudweyn

  • Iyo kuwa deminayee

  • Nabaddoonnadaada ah

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

  •  

  • Daacuunka halistaa

  • Kii naga daweeyiyo

  • Ruuxaan daneeynine

  • Dhiiggeenna daadiyey

  • Kala dooro labadaas

  • Adigaa u door lehe

 

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  May 21, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD