W.T: Maxamuud
Muuse Faarax
Minnesota, USA
bulay101@hotmail.com
Maxamuud Muuse
Faarax
|
Dacwo
Maansada Dacwo waxaa curiyay Maxamuud Muuse Faarax oo ku nool gobolka
Minnesota ee waddanka Mareykanka. Maansadu waa tii 48aad ee Silsiladda
Doodwanaag, waxayna taxanaha ku soo biirtay 15kii Abriil sanadka 2006da.
Maansadu waxay xambaarsantahay murti isugu jirta cabasho, talo iyo
tusaaleynba. Waxay maansada Dacwo si toos ah u soo tabinaysaa cabashooyin ka
soo yeeraya dhulkii hooyo oo ciil iyo caloolxumo la ledi la’. Su’ aalaha
muhimka ah ee ay maansadani soo banshigayso ayay ka jawaabistooda laga
sugayaa dadka soomaaliyeed ee dareenka damqada leh.
Maansadu waxay ku billaabsamysaa:
1.Deelayda
maansada.
2.Dibno anoon u kala furin
3.Daalacasho mooyee.
4.Dhalintii da'deydiyo.
5.Duqeydana saluugoo.
6.Dareenkiiba damayoo.
7.dabayaaqo sii yahay.
8.Ayey diricyo soo kacay.
9.Doodwacan abuureen.
10.Degdeg baan u soo deyey.
11.mise waa dadkeygii.
12.kuwii diiranaan jiray.
13.Markaasaan ku doogsaday
14.Salaan debecsan baan diray.
15.Ducana waan ku sii daray.
16.Dantaan maanta leeyahay
17.dulucdeedu waxay tahay
18.Dalkii baa hadlaayoo
19.Markii uu durraan iyo.
20.Madamqade wax dumiyiyo.
21.Midaan diirnaxaynoo
22.Dugsi aan lageyn oo.
23.Dawladnimo innaba arag.
24.Oo qabiilku degashaday.
25.Diintu aysan celineyn.
26.Daayinkiisna caasiyey.
27.Doorronow Rasuulkana.
28.Dariiqiisa aan garan.
29.Danyarta iyo maatida
30.In uu dooxo mooyee.
31.Danba aanan ka laheyn.
32 Oo Dadkuba dugaag iyo.
33.Duunyo u la simanyahay.
34.Dumarkiyo carruuraha.
35.Maddaafiicda ugu diga.
36.darandoorri ugu rida.
37.Iyo Doolaal u soo baxay.
38.Damaqiyo xanuunkii
39.Dacwadiisu waxay tahay.
40.Aan daro wadaamaha.
41.Oon ku doojo ceelkee.
42.Qabta dawliskeedoo.
43. ka durduurta waa tane:
Wuxu yidhi dalkeennii
44.Taariikh da'weynoo.
45.Cidi diidi karin iyo.
46.Danguud qaran wadaagiyo.
47.Dawlad baan lahaan jiray.
48.Dibjirraa u soo baxay
49.Dubba culus la dhacayoo
50.Sii daqiijinaayoo
51.wax ka daa leh ay jirin.
52.Calan dibadda yaalloo.
53.Daruuraha babbanayoo
54.Durriyaddu u heestoo
55.Lagu daadsho u baxoon.
56.Dunida ugu faaniyo.
57.Diirad baan lahaan jiray
58.Maantana dillaaciyo
59.Asoo duug dhamaadaa
60.Meelaha dacdaa yaal.
61.Dabayluha ku bidayaa
62.Dufankaa la mariyaa
63.Dullin baa hoos ku nool
64.Cid daryeesha muu helin.
65.Dalalkaa carbeed iyo
66.Afrikadan la duudsiyay
67.Degmo lagu hirtaayoo
68.Gobonnimo u dooddoo
69.Laga wada dambeeyoo
70.Dalab loo dirsado oo
71.Laga doonto deeqdiyo
72.Darajaan lahaan jiray
73.Maantana markaan dumay
74.Hoosba layma soo dayin
75.Cadawgeyga daranee .
76 Damaciisu ba'anyahay.
77.Ima doonan jirin oo.
78.Dersi baan u dhigi jirey.
79.Daraawiish lixaadliyo
80.Ciidamo diyaaroo
81.Shacabkooda daafaca
82.Danab baan lahaan jiray
83.maantana anaa dagan.
84.Oo halkii laygu dilayiyo
85.Dabinkiisa soo galay.
86.Dalxiis baan lahaan jirey.
87.Daawashada macaanka leh
88.Aan indhuhu ka daaleyn
90.Dakhli baan lahaan jirey.
91.Dadka deeqi jiray waa.
92.Dawersiga ma'aan baran.
93.Dalagyada la beertiyo
94.Duunyo caynba cayniyo
95.Daaqsin aan dhamaanayn.
96.Daa'in igu maneystoo.
97.Maanatana dab baa gubay
98.Wax dushayda yaalloo
99.Dogobbadii ka soo haray
100.Qaar damiirkii kaba lumay.
101.Oon diirkoodu ii nixin
102.Ayaa Dubai u dhoofiya.
103.Diin baan lahaan jirey.
104.Culimada digrida iyo
105.Daalibul-quraanoo
106.Dugsiyaa la dhigan jiray
107.Maantana kan daacada
108.Xaqa diirka ka caddayn
109.Xumahana la diriroo
110.Uga diga dadweynaha
111.Ama Daa’in ka cabsada
112.Waa la kala dafaayoo
113.Doollar baa la siistaa
114.Dullaallaa u shaqa taga!
Dabadeed waxaan idhi:
115.Taariikh dorraadiyo.
116.Dawalad aan la heyn iyo.
117.Calan dunida kaba maqan.
118.Oo cid dooneysaa jirin.
119.Dersi baan cid siin jirey.
120.Daawo kuuma noqotee
121.Boqol Daawad geeloo
122.Kuu dareeri jiray waa
123.waxaa kaaga doorroon.
124.Dameer saaka joogee
125.maxaa maanta daranoo.
126.Daluuntii lagaa riday.
127.kaa soo saaray dalawgii?
Wuxu yidhi dalkeennii:
128.Xanuun bay diloodoo.
129.Dakhar baygu yaalloo.
130.Dalanbaabi iyo ciil.
131.Ayaa ila dersoy helay.
132.Dabiib la ima soo dirin.
133.Daawana iskaba daa.
134.Doog baygu soo maqan.
135.Oo darxumaan u liitaa.
136.Cadawbay dul joogoo.
137.I dugsada habeenkii.
138.Dawankuu tumaayaa.
139.Dhegahayga daashaday.
140.Raggii igu digriyi jirey.
141.Dogobyaa la saaroo.
142.Cidna iima.damaqdoo
143.Daryeel layma soo wado.
Dabadeed waxaan idhi:
144.Ducaysane dalkeygow.
145.Anigaba dushaadii.
146.Degdeg inaan ka dhoofeey
147.Dani igu xambaartoo
148.Dibadahaan wareegaa.
149.Dibnahaygu cadho iyo.
150.Ciil bay la darareen.
151.Duulaan iba jeclayniyo.
152.Dugaag baan la noolahay
153.Sidaan ahay dambiilaa
154.Mar mar lay damiintaa
155.Marna diinta taydiyo
156.Dhaqankaa la durayaa
157.Deeqe lama huraanow.
158.Daw baad u leedahay.
159.In aad ii dacwootee.
160.Aniguba ma daayeen.
161.In aan kuu dansheegtee.
162.Dacwadaada waan furi.
163.waana kuu dul nugulahay.
164.Deelay ku soo hiro.
165.Waxaad hayso soo daa .
Wuxu yidhi dalkeennii:
166.Denbi ma aanan soo gelin.
167.Duunyana ma soo dhicin.
168.Dakanana maley qabin.
169.Hadal dalab leh maan odhan.
170.maxaa la igu duurxulay.
171.Doqomada la ii baday.
172.dadku iiga carareen.?
173.Dooxooyin kaygii.
174.Durduradu maraayeen.
175.daaqsinta iyo keyntii
176.Xoolo kuma dulfoofaan.
177.Danbas baa ka buuxsamey.
178.Dalagayga beeraha.
179.Dalsamaanta aan qabo.
180.Dadkaygaba ka badanoo.
181.In aan duulal kale iyo.
182.Dunidaan badh quudshaa.
183.Rabbi iigu deeqee.
184.Hadaan hoosba loo deyin.
185.Oon laguba daadegin.
186.Maxaa la igu durayaa?.
Dabadeed waxaan idhi:
187.Doorroonow dalkaygow.
188.Midkaan uba damqanayee.
189.Dunidaba dhamaanteed.
190.Rabbi iiga doortee.
191.Derin ii ahaayow.
192.Degel kale ha joogee.
193.kii aan dugsanayow.
194.Dahabkaan dhamaanow.
195.Duruufaha aduunyadu.
196.ways daba maraanoo.
197.Dayriba si weeyee.
198.Dalalkaad la deristahay.
199.Dareen maxaad ka haysaa.
200.Damacoodu wuxu yahay?.
Wuxu yidhi dalkeennii:
201.Diihaalka aan qabo.
202.Iyo doogta igu maqan.
203.Dal kalaba ma fiirshoo.
204.Tiisaba daryeelaa.
205.Tu kaleeto duudshee
206.Daciif heerka aan ahay
207.Duq gaboobay oo kale
208.Qof uu cudur xun daaraan
209.Tallaabada dirqinayaa
210.Ma damoodo dhinacyada
211.Dantayday cusleysoo
212..Wayska daayey deris iyo
213. wixii ay dabbarayaan.
Dabadeed waxaan idhi.
214.Hadduu ruux da'weynyahay.
215.Oo bukaanku degashado.
216.Hurdadoon ka soo degin.
217.Nafta doojinteediyo.
218.Dabiib buu ku waashaa.
219.Wuxuun baad dulmareysaa.
220.Ee u deg gulucda maansada.
Wuxu yidhi Dalkeennii:
221.Dunidaba dhamaanteed.
222.Dirir baa ka shidanoo.
223.Dalal baa la waayoo.
224.Dukum daakum laga dhigay.
225.Xaqoodii la duudsiyey.
226.Oon dubbeeya mooyee
227.Aan cidi ka daayaay.
228.Dulmi baa lagelayaa
229.Hal daqiiqad odhan karin
230.Anna duulalkaas baan.
231.Darajada waddaagnaa.
232.Dabin baa i hoosyaal .
233.Wuxu taa ku sii daray
234.Waar ninyahow dantaydiyo.
235.Dacwadaydii maqashaye.
236.maad dareemin xaajada.
237.Diirnaxaagu waa see
238.Miyaan hadalku kugu duxin?
Dabadeed waxaan idhi :
239..Ducaysane dalkaygow.
240.Daabadkii wacnaayow.
241.Midkii aan idaa iyo.
242. Iga durug lahaynow.
243.Dulqaad badanihiiyow.
244.Daayin beyna dilayee.
245.Meel lagugu doorshiyo
246.Degel kale ma lihiyoo
247.Duugtayda aan dhigo.
248.Dulucdaada hadalkiyo.
249.Dacwadaadu weynaa.
250.hadalkaagu daw iyo.
251.Daliishiisu wacanaa.
252.Ma abwaan da'wenyn baa.
253.Dersigiisa kuu dhigay.
254.Oo Daayin Eebaa.
255.Deeqdiisa kugu baray?.
Wuxu yidhi dalkeennii :
256.Ruux haduu dibjira oo.
257.Dibadaha ku raagoo.
258.Dawarsado shisheeyaha.
259.Damiirkaa ka duuloo.
260.Waa dhagaxdixeedoo
261.Dereenkaa ka taga oo
262.Madamqado dubkiisuye
263.inkastoo markaan dago.
264.Nafta doojiyoo siro.
265.Dib u liqo candhuufada
266.Wax i sii damqaanoo
267.Aanan deyn karaynoo.
268.I dul iman had iyo jeer.
269.Dibnahaygu tebayaan
270.Waxba yaan ku daaline.
271.Hadal doojinmaayee.
272.Dooddeydi aan furay.
273.Aan ku daayo meeshaa.
Dabadeed waxaan idhi:
274.Hadduu geelu dararoo.
275.Doobiga la hoos dhigo.
276.Oo haaneedka laga dego.
277.Danbarkeeda xoorkiyo.
278.Daawaa laga durduurtaa
279.Anna doorka maantaya
280.Waxa maanso ii diray
281.Waa adi dartaayoo
282.Waxan ahay darbane iyo
283.Daljirkaad tabaysaye
284.Hayga dhigin nin kuu daran
285.Hayga didine doo durug
286.Dugso samirka waligaa.
287.Diricyey la joogoo
288.Geesh ila dumaayoo.
289.Kuu danaanin doonee
290.Deelay ku soo hiro.
291.Oo dacwadaadu yey jabin.
Wuxu yidhi dalkeennii:
292.Shan Soomaali daayoo
293.Labadii isdoortee.
294.Daawada ismoodee.
295.Degta calanka saaree.
296.Dhiiggoodi daadshee.
297.Gumaystaha la diriree.
298.Duniduba la yaabtee.
299.Dabaabado wax dila iyo.
300.Diyaaradaha duuliyo.
302.Madfac lala duldegayee.
303.Dirganwaayey jeeray.
304.Dalkoodii xoreeyeen.
305.Heeryadii dulsaareyd.
306.Diiftiina ay maydhaan
307.Isku duubni mooyee
308.Doqontii sideedii
309.Wixii kumanka loo dilay
310.Dib inay u baabi’ in
311.Ooy kala danaystaan
312.Dihnigayga maan gelin
313.Kuwii shalayto dilayoo
314.Dalkoodii badh haysteey
315.Maanta dabarucleynoo
316.U dabceen garaad li
317.Waxse igu dahsoonaa
318.Aan dibadda keenee
319.Damalbaa wuxuu yidhi.
320.Gudinyahay haddaan daab.
321.Diirkeygu kugu jirin.
322.Ima aadan dumiseen.
323.Dakhar igama jeexdeen.
324.Dabka layma saareen.
325.Anigana dadkeygii.
326.Iyagays dilaayoo.
327.Duul kale ma ee gaan.
328.Dooxatiyo col weeyoo.
329.Daakum bayska yeeleen.
330.Dibir baysla seexdeen.
331.Dunidiina kaba hadhe.
332.Dawladnimo iskaba nace.
333.Dugaaggana ka hoos mare.
334.Duumaa la iibsaday.
335.Dirqi bay ku noolyiin.
336.Haddaan daaqad kale furo
337.Falastiin dorraad baa.
338.Dusha lagaga soo degay.
339.Dadkeediina laga raray.
340.Aniguna ma durugsani.
341.Oo diinbaan wadaagnaa.
342.Degelka ay ku taallana.
343.Dabci baan ka simanahay.
344.Haddii aan dadaal iyo
345.Dardar iyo waxqabad iyo
346.Daacadnimo wax loo qaban
347.Diintana wax lagu sixin
348.Dawgeeda inan mari.
349.Duul kalena i soo degi.
350.Daah igama saaree.
351.Waxba yaan dabooline.
352.Haku deeqdo maansadu.
Dabadeed waxaan idhi
353.Dunidaba markaan deyey.
354.Dockastood ka eegtaba.
355.Aduunbow danbeeyoo.
356.Darajada aad sidatana.
357.Dalal baa ka faanee.
358.Madareentay saaxiib?
359.Aan kuu dulxaadshoo.
360.Soo duubo hadalkee
361.Aaway duubabkaagii. ?
362.Aaway diricyadaadii.?
363Aaway deeqsiyiintii. ?
364.Aaway darajo laydii.?
365.Aaway culimo diintii. ?
366.Aaway dumar hormuudkii?
367.Da’ yartii maxaa helay?
368.Digrii cilmi wax haystiyo
369.Diktoor miyaan lagugu arag?
370.Ma dalkay ka dhoofeen?
371.Mise waa laduudsiyey?.
Wuxu yiri dalkeennii
372.Waa su'aal da'weynoo.
373.Madaxa daalineysee.
374.Dawladaha horruu maray.
375.Iyo kuwa deeqda bixiyaba.
376.Igamaba da'weynoo.
377.Dadaal iguma dheeree.
378.Dadkoodow dallacayoo.
379Daruurahaba dhaafshee.
380.Diddib bay ahaayeen.
381.Durdur uusan soo marin.
382.Oon cidiba soo deyin.
383.Anigana ducaalow
384.Daruur iima curatoo.
385.Roobku iima soo da'o.
386.Haduu igu dul hoorana.
387.Doog igama soo baxo.
388.Dildillaac ayey Galay
389.Diihaal la balanbalay
390.Doqomaa i sahansaday.
391.Anoo doqosh la muuqeey
392.Iska key darbeeyeen.
393.Uurkay damqanayoo.
394.Sun baa laygu duugoo.
395.Daleel ba'an sideedii.
396.Ayaa la isku kay dilay.
397.Anigaa la derisiyo.
398.Adigaa wax dumin kara.
399.Ayey dulucda sheekadu.
400.Ku daroortay wiilyahow
401.Darxumada iyo haysiyo
402.Waxa diifo igu yaal
403.Diiwaannadaa qori
404.Doodse kuma dhamayn karo
405.Aan kuu duceeyee
406.Ha i daalin khayrqabe.
Dabadeed waxaan idhi
407.Dugaagguba hadduu ruux.
408.Dibjiroo hallaaboo.
409.Degmadiisa ka ambado .
410.In uu dawga tusa iyo.
411.In uu daba marteeyaba.
412.Waa laba isdaba yaal.
413.Doodna waxaan ku soo xiray
414.Shacabkii Dantiismoog
415 .Markii ay dantoodiyo.
416.Dayaceen wanaagii.
417.Dibada u hayaameen.
418.Doorbideen shisheeyaha.
419.Dayraa ka timidoo
420.Laga waa dareenoo
421.Dunidaba Isleyf( Addoon) bey
422Dadbanaan ku joogaan.
423.Waa lagu duleystaa.
424.Dadna waa u liitaan
425.Adigana dalkaygow.
426.Daa’ inkeey ha kula jiro
Wuxu yidhi dalkeennii:
427.Isagooy ilamdu di’ i
428.Dibnahana calaashaday
429.Dulinnimo waxaw daran.
430.Middaad doorataayoo.
431.Daawadaada inay tahay.
432.Shaydaanku daw iyo.
433.Daliil kaaga soo dhigo.
434.Waxaa taas ka sii daran.
435.In aad damacdo weligaa.
436.Dibjir inaad a haatoo.
437.Dibadaha wareegtoo.
438.Dawarsato shisheeyaha.
439.Iyadoo dalkaagii.
440.Dihinyoon la daahfurin.
Dabadeed waxaan idh:
441.Daayinow Allahayow.
442.Adaa deeqda bixiyoo.
443.Ruuxaad dawaysana.
444.Dabiib kale u baahane.
445.Soomaalida dullowdee.
446.Darxumadu ka dheregtee.
447.Dilka horumar mooddee.
448.Ku dabaalan halistee
449.Dhex mushaaxi dabinkee
450.Cadawgeed u daganee
451.Kuwaan diirnaxayn iyo
452.dibjiryadu horboodeen.
453.Mar uun dawladdeedii.
454.Degdegsiyo u soo celi.
455.Adigana Dalkeygow.
456.Naxariis da'weyn iyo.
457.Deeqdii Ilaah iyo.
458.Samir darajo weyn iyo.
459.Ducaan kugu sagootiyey.
Waxaa diyaariyey m.m.farah{Bulay}
bulay101@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 21,
2006
MAANSADA
HORE |
MAANSADA XIGTA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|