SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


C/Rashiid Axmed Maygaag [Barbaraawi]
(Ski, Norwey )
maygaag05@hotmail.com



C/Rashiid Axmed Maygaag

Dareen waddaninnimo

Maansadan la magacbaxaday Dareen-Waddaninnimo waxaa curiyay C/Rashiid Axmed Maygaag oo ku magacdheer Barbaraawi.  Barbaraawi wuxu ku noolyahay waddanka Norway Magaalada Ski. 

Maansadan oo ah tii 47aad ee Silsiladda Doodwanaag waxay taxanaha ku soo biirtay 15kii bishii Abriil sanadka 2006da. Maansadu waxay xambaarsantahay duco iyo digniin, waxayna dadka dareensiinaysaa in aysan garab iyo gaashaan u noqon cadowgooda. Waxay si gaar ah maansadu farta ugu fiiqaysaa labada musiibo ee kala ah Qabyaaladda iyo  Qabqableyaasha dagaalka  oo la dhihi karo waxay mas’ uul ka yihiin musiibada maanta haysata umadda Soomaaliyeed. 

Maansadu waxay ku billaabanaysaa: 

  • Da’da gabayga maansada

  • Waayadan ma daaddihin

  • Dabarkaan ku xidhay baan

  • Debci maanta leeyahay

  •  Dareen maansadaydi

  •  Dubaaqayga kicisaaan

  •  Darka keen isleeyahay

  • Doodwanaag ku daba qabo

  •  Anigiyo da’daydaba

  •  Inta diir naxaysee

  • Soomalida danteed jecel

  •  Ilaahay ha daayoo

  • Darejaba ha siiye

  •  Da’di naga horraysiyo

  •  Deelleey rag baa furay

  • Dulmigiyo dhacaba neceb

  • Daacad iyo wanaag jecel

  •  

  •  Afarta da’daydi

  • Dadku igu yaqaanneen

  • Waa irmaan dafkaygi

  •  Se bal aan u daadago

  • Aan duro halka u daran

  • Dulligiyo  damiinkaan

  • Bal dardaaran siin laa

  • Ninkaan  diirnaxaynee

  • Damiirkiisu madhan yahay

  • Aan diini qabanayn

  • Imaankiisu ducuf yahay

  • Dumarkiyo carruuraha

  •  Hadba dumbuq u iibsada

  • Dabbaabada qarxaayiyo

  • Qori diirad dheerliyo

  • Hubka doorkan soo baxay

  •  Hadba doonni kala daga

  •  Hambadii ku dabarjara.

  •  

  • Afarta dadaydii

  • Dadku igu yaqaanneen

  •  Waa irmaan dafkaygii

  •  Dood kalena waxay tahay

  •  Oon dadka dareensiin

  • Dantu waxay ku xidhan tahay

  • Umaddayda daganeey

  •  Daafaha adduunyada

  • Dalanbaabiyaysaay

  • Innago  dirsoociyo

  • Duumada qabiilkiyo

  • Garab siin danaystaha

  • Dadka isku dilayeen

  • Weligii  danteen wadin

  • Waxana ila doorroon

  • Isku duubnideennoo

  •  Isku dabacsanaan baa

  •  Dawadeennu tahayoon

  • Cadaawaha inoo daran

  •  Ku daafici karaynaa

  •  

  • Dulmanoow dalkaygani

  •  Nin doorki iskaga tagay

  •  Intii diirnaxaysee

  • Dabagelaysay tuuggana

  •  Dhegta dhiigga loo daray

  • Waa inaan ka diirnaa

  • Danta aan midaynaa

  •  Damiirkeenna gelinnaa

  •  Inay duumo cudur tahay

  •  Qabiilkuna daroogiyo

  •  Midka dhiiga  doorshiyo

  •  Kun wax oo kasi ii daran

  • Carrabkaygu daya nayn

  • Dawladuhu mamnuuceen

  • Dagaal-oogayaashuna

  •  Dad cunniyo inay yiin

  • Dabadhilifka cadawgiyo

  •  Soomaali diidiyo

  •  Hadba dhiiga dataa

  •  Ruuxay dantiisiyo

  •  Doollar soo kordhayiyo

  •  U tahay dayr barwaaqaa

  • Dadkayguna  u moogyahay.

  •  

  • Deelqaaf billaw iyo

  • Ruux dala’ sigiisiyo

  • Dadka cay kumaan geliin

  • Doodwanaagta jiiftada

  •  Wax i diir gubaayiyo

  •  Waa dareen waddaninnimo

  • Waxaa dooddan igu daray.

  •  

  •  Afartaa dadaydaii

  •  Dadku igu yaqaanneen

  • Waa irmaan dafkaygii

  • Shaxda soo daggeedi

  •  Ila durugtay maansadu

  •  Se bal aan  dabbaaloo

  •  Didibso aan idhaahdee 

  •  Allahayow sidii dana

  •  Duco aan ku soo xidho:

  •  

  • Allahayow dadkaygaa

  • Xaqa wada dabiibsii

  • Oo dantooda garansii

  • Dulmigiyo ka saar xumo

  •  Cadawgood ma daayimo

  •  Madax daacadoo wacan

  •  Noo door ilaahoow

  • Dadkoodu u riyaaqaan

  • Diin iyo aqoon badan

  •  Dawladaha adduunyada

  •  La tartama dadwaynaha

  • Dalka iyo dadkaba jecel.

  •  

AAMIIN AAMIIN

---------------------------------------- 

C/Rashiid Axmed Maygaag [Barbaraawi]
(Ski, Norwey )
maygaag05@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  May 21, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD