SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


W.t: Suldaan Ibraahim Cali shire
London, Uk
inadayr@yahoo.com



Suldaan Ibraahim Cali shire

Doontii Badbaadada : Maansadii 46aad ee Doodwanaag 

Maansada Doontii badbaadada  waxaa curiyay Suldaan Ibraahim Cali Shire oo ku nool magaalda London ee waddanka Ingiriiska. Maansadu waa tii 46aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxayna taxanaha ku soo biirtay 15kii maarso 2006.  

Maansadu waxay tilmaamaysaa dhibaatada colaadaha sokeeye ee aan ujeeddada lahayn iyo  dhaxalka ku dhaqanka qabyaaladda iyo saamaynta ay ku yeelato qofkii ku talaxtaga. Waxay maansadu ku baaqaysaa howl iyo waxqabad iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee maanta dayaca ku sugan.


In ku siman shan dayrood
Ayaa lay dalbaayoo
Doodwanaag kumaad jirin
Geeraar kumaad darin
Ilahaa dadkayguye

Suugaantan deelleey
Doodahaan is dabayaal
Dareenkaygu suu qabo
Anna aan  ku daabaco.

Darka maanso loo siman
Darajaduse waa gaar
Gobaysane dirkii kacay
Axmed Dirir Galoos iyo
Gaanni Cali Ducaaliyo
Sayidkii Dariiqada
Darwiishkii Ismaaciil
Duqii Cali Sharma’arkiyo
Ina dage yarkiisiyo
Qamaan oo la doodiyo
Haw darsho Samatare
Aadan-Carab ku daba fayl
Dabuubteeda Cali dhuux
Ayay uga dambeeyeen.

Anna doorka maantaya
Sida boqor da’ wayn baa
Duub lay hagoogoo
Ubax laygu daadshoo
Dagalkaan maraayaa
Durraaxado la dhigayoo
Sacab iyo durbaan iyo
Daf baa lay garaacaa.
Waxa shiikh la doonaa
Marka maaddo diiniya
Dadka ay ka dadantahay.


Waxa gole la dayraa
Darsadlayda xeedhyaha
Diyaafada la geeyaa
Markay xaajo daris tahay.


Waxa curad la doonaa
Duullaan colaadeed
Marka loo diyaaryahay.


Waxad gole ka diiqdaa
Duqaydiyo waxgaradkuba
Marka ay ku doortaan.


Anna hadalka daaliban
Ma daalaa dhaceeyee
Marka lay dawariyaan
Deexdaa siday tahay.


Ragga dawliska ridee
Maaxdii dar yidhiyow
Alle haydin daayee
Horta waa dadaasheen
Laab daacadoo dhaba
Yaad wada ducayseen.


Aan dakhree halkaan rabo
waxa jira hal diimmoon
In dadkeennu madhanyahay
Waxaa jira hal diimmoon
In dalkeennu dhaxalyahay.
Waxa jira hal diimmoon
In dadkeennu madhanyahay


Wixi jiray dorraad iyo
Duhurkii shalaytiyo
Waxa maanta door yahay
Ama soo darriyi kara
Dhugmo iyo dareen iyo
Dib u sii ogaal male.

 
Waxa jira hal diimmoon
In dadkeenu madhanyahay
Intaa wuu dagaalaa
Ways moora-duugaa
Hal-doorkaa la goobaa
Waayahan dambeetana
Dumarkaaba halis qaba.


Qarankeenni waa dumay
Habqankeenna dalal kale
Ayaa lagu dullaystaa
Dar-xumootay maatadu
War maxaad u dirirteen?
War maxaad ka dirirteen?
War ciddee la dirirteen?
Dul ahaan su’ aalaha
Ka jawaabis daayoo
Dhugmo iyo dareen iyo
Dib u fiirin may laha .


Waxa jira hal diimmoon
In dadkeennu madhanyahay
Diin iyo afkeenniyo
Dubka aan wadaagniyo
Inaan nahay dun kaliyiyo
Oday qudha dirkiisii
Isku diidi maayaan
Hadaad dooxdo uurkana
Dudma iyo xumaaniyo
Reer hebel an diidniyo
Dacar laaqan baataal.


Waxa jira hal diimmoon
In dadkeennu madhanyahay
Inu Daa’in raaciyo
Inu reerka daafaco
Laba daran mid dooroo
U duduucsan garan waa!


In dalkeennu dhaxalayahay
Dayriyoo darkiisii
Ini wayska duur-joog
Ehel daad gureeyoo
Dibadaha u dhoofshay
Taladii ku daasteen
Lacagay diraayaan
Fiisay dalbaayaan
Layn bay dulcinayaan
Dabayaaqadii bay
Digadii ka rogayaan
Janno dagatay waa dhoof
Ha dagtee bal doonida
Mar shiraaqa sii daa
Yaa dardaaran lays faray.


Maansadatan deelka le
Doodwanaag mar way tahay
Marna daawadeenniyo
Waa dabiib na dhayayee
Marna waa dabkaa shidan
Nabad lagu dabbaalee
Marna waa dantii guud
Halka laga darbaayee
Marna waa duruustii
Daahiyo Acraafoo
Laga qaaday diirkee

Marna wayba durugtaa
Dayaxiyo Cadceeddiyo
Meerayaasha duubiyo
Duuggii jabraad iyo
Daraankeena kiimiko
Culuum aadan daalacan
Ayay daabacaysaa
Marka laysku soo daro
Duluc doodda gabayada
Doontii badbaadadaan
Ugu magac daraayaa
Waxse aan yar daba dhigay
Hadal waan ku daallaye
Hawl aan ku durugnee
Yaa diyaara oo kici?



W.t: Suldaan Ibraahim Cali shire
London, Uk
inadayr@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Mar 22, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD