AW JAAMAC CUMAR CIISE:
DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA - Q.1aad
Waxaa qorey: Cabdullahi
Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish) Madrid, Spain.
Email: indhagube@yahoo.es
Waxaa tafatirey:
Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole) Minneapolis, Minnesota Email: lafoole100@yahoo.com
Qaybta:
1aad | 2aad |
3aad | 4aad |
5aad |
HORDHAC
Markii qarnigii 19naad gumaysiga reer yurub u tashaday in uu qaaradda
Afrika qaybsado wadanka Soomaaliya waxa saancadaalihii kaga soo hagaagey
Ingriis, Talyaani iyo Fransiis. Waxa iyana sida abgurida hoos
galgalanysey oo dhul iyo bad ay toban qarni oo ka horeeyey awood u weydey hungri
ka qabtay taliskii Xabashida. Taliskaasi wuxuu geed dheer iyo geed
gaabanba u fuulay siduu dhulkaas ku hantiyi lahaa. Wuxuu guud ahaan
xoogaggii reer galbeedka ee waqtigaas ku beerlaxowsanayey masiixi nimada iyo
diintaa laygu ciilay ee ha la ii hiiliyo. Gaar ahaan wuxu naasnuujin
qarsoon ka dalbaday dawladii Ruushka oo ay masiixinimada ka sokow
wadaagaan “orthodox” nimada.
Furfurkii ummadda Soomaaliyeed bilowgiisii, saancadaalihii waxay
badeheena soo dhigteen maraakiib dagaal oo ay ku baqdin gelinayeen dadyowgii
Soomaaliyeed oo ay markaas isa soo gaadheen. Iyadoo markaa awoodna la
tusayo, qadhaab loo daadiyo iyo siyaasad maldahan oo marka hore macaan,
khiyaamo iyo beense ku salaysanna isticmaalaya.
Dhanka galbeedka waxaa dadkii Soomaaliyeed oo isagu jirey xoola dhaqato
ama reer guuraa u badnaa markaa dagaal umula doox ah kaga soo qaaday
taliskii xabashida oo walaalihiisii diinta hub iyo dhaqaale aad u
xad-dhaafa ka helay.
Dhinaca kalena wuxuu saancadaalihii isku deyey in uu marka hore dadkii
Soomaaliyeed uu reer reer uu kala qoqobo (qaybiyoo xukun). Markii uu
taa ku guuleysteyna wuxuu bilaabay in uu reer walba si gooni ah ula
macaamilo iyagiina cadow isaga dhigo. Taasi waxay dhalisay qarnigii 19naad
labaatankii sano ee ugu dambeeyey in uu la galo heshiisyo kala duwan
beelihii uu isagu markaa Soomaalida u kala qaybiyey. Si ay heshiisyadaasi
ugu hirgalaan oo mawqifka Soomaalidu u debco, reer kasta oo Soomaali ah
wuxu tusay ugu yaraan saddex cadow oo aan hore u jirin oo farsamadiisa
ah: (1) qabiilladii Soomaaliyeed oo ay jaarka ahaayeen oo uu iska hor
keenay, (2) wadamadii reer Yurub oo ay ku wada socdeen in dhulkan la
qaybsado iyo (3) Xabashidii oo ay ku hubeeyeen.
Waayeelkii Soomaaliyeed ee markaasi jirey waxa istustay in ay
khasab ku
tahay, mar haddii dhankii badda laga xidhay oo dhaqaalihii baayac
mushtarku ka soo gelijirey la waayey. Isla markaana wadadii hubka oodrogo
weyn lagu fadhiisiyey in hadday rabaan in tuurinka la saaray laga debciyo
ay khasab ku tahay in ay saancadaalihii horfadhiistaan oo ay ugu yaraan
isku dayaan in uusan wuxuu doono ku sandulayn. Laakiin, inkastoo
waayeelkii Soomaaliyeed ay ciddiyaha ku dagaalameen, siyaasad nifaaq ku
dhisan oo aysan u bislayna ay isku dayeen in ay wax ku qaybsadaan.
Hadana, marka daacadnimo loo hadlo, heshiisyadii waayeelkii
Soomaalidu la galeen saancadaalaha reer Yurub qarnigii 19naad dhamaadkiisii, aad
iyo aad bay uga aragti dheeryihiin ugana adag yihiin kuwii ay la galeen
gumaysiga dadyowga kala duwan ee Afrika iyo Asia. Saas ay tahay,
heshiisyadaasi waxay weylaalis aad u balaadhan u gogleen in dalka
Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigaan, khayraadkiisan ku takriflaan, dadkiisana ay
gumaystaan shisheeye ka yimi dhul fog, dhaqan iyo diin iyo dhalanna aan
la wadaagin.
Markaynu dib ugu fiirsano, waxaynu odhan karnaa, inkastoo dadka
Soomaaliyeed guud ahaan lagu yaqaan xoriyad jecayl, waayeelkoodii waa ka
hoostay iyagoo u jeeda bayna xadhigii lagu deldelilaaha wax ka sooheen ka
dibna luqunta gashadeen. Waxaana taa ka samatabaxay hal reer, oo isagu
dhoolatuskaas iyo hanjebaadii saancadaaluhu cabsigelin weydey. Halkaa
reer baa u noqday asaas iyo awood halgankii daraawiisheed oo rubuc qarniga
socdey dad, dal iyo maalba. Waxaana hubaal ah haddii uu gacan ka heli
lahaa Soomaalida kale ama ay daawadayaal noqon la haayeen in aan layna
gumaysteen.
Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay degaankii tiginada looga taagey
daraawiish ee xornimada Soomaaliyeed looga dagaalamayey, halgankuna ka
hanaqaaday. Inkastoo yaraantiisii iyo barbaarnimadiisiiba ay ku
aadanayd waqti gaalo iyo cawaankeed ay dadka ku hayeen gumaysi isugu jira
cabudhis afka ah, indhaha oo laga daaho, xasuusta oo laga masaxo iyo
maskaxda oo laga gumaysto. Ujeedada ugu weynina ahayd in raadkii halgankii
daraawiishta looga tirtiro dunida korkeeda, wax yar ka dibna la gaadho in
lagu murmo daraawiish iyo halgankeedii run iyo riyo mid uu ahaa.
Nasiib wanaag waxay taasi u cuntami weydey Aw Jaamac Cumar, oo isagu ka
mid ahaa barbaartii markaasi tirtirka la kulantay. Aw Jaamac si aanay
ujeedadaasi u hirgelin, isaga oo dhalinyaro ah sanadkii 1955 buu wuxuu
go’aansaday in uu arrintaas ka dagaalamo uuna maskaxdii bugtey ee
isticmaarka iyo intii hoos joogtey uu kula dagaalamo mid fayow oo ka jid leh.
Wuxuu markaa dhinbiil dib u hulaaqisa saaray dabkii intii u dhexaysey
1921-1955 saancadaalaha iyo Soomaalidii gumaysi kalkaalka ahaydna ay
biyaha iyo ciidda ku bakhtiinayeen, laakiin halgamayaashii intii ka hadhay
iyo Soomaalidii xoriyadda iyo gobanimada jeclayd xusuustooda laga tiri
kariwaayey.
Waxaynu qoraalkan kooban ku soo qaadanaynaa, halka Aw Jaamac Cumar
Ciise ka galay halgankii gobanima doonka Soomaaliyeed iyo hiilkuu u geystey
gaar ahaan raadgurka taariikhdii iyo suugaantii xornimodoonka iyo
guudahaan tan Soomaaliyeed. Si aynu taa u gaadhno waxaynu kashkaash uga
dhigaynaa oo ka horaysiinaynaa, Nabarkii kama dambaysta ahaa oo daraawiishi
ka kiciweydey iyo xeeladihii uu gumaysigu ugu talagalay tirtirkii
dhaxalkooda iyo guudahaan taariikhda, dhaqanka iyo diinta dadka
Soomaaliyeed.
Akhri: Qaybta
Labaad:
NABARKII DARAAWIISHI U GO’DAY
Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain
Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 8, 2006
|