SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 23, 2006

MASHRUUCA SOOMAALIYADA CUSUB!! 

Waxaan ka qayb galay shirweynihii jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo lagu qabtay magaala madaxda Oslo 13-17/4/2006. Waxaana kasoo qayb galay dad weyne fara badan oo isaga yimi dalka Norway qaybihiisa kala duwan, iyo dalalka scandinavianka guud ahaan ee Sweden iyo Denmark. Waxaana dadkaasu gaareen ama ka badnaayeen qiyaasti 1500. Hal ku dhegga Shirku wuxuu ahaa: Ilaa ay iyagu is bedelaan!! Taasoo ah qayb ka mida aayad qur’aana oo macneheedu yahay:

((Ilaahay qawm wexey ku sugan yihiin ma bedelo, haddaan iyaga wax iska bedelin)) . 

Shirka aad ayaa loo soo agaasimey, waxaana lagu qabtay, meel shirarka loogu tala galay oo uu leeyahay iskuul ku yaal bartamaha magaalada oslo. Waxaa bartamaha magaalada aad uga muuqanayey maalmahaas uu shirku socdey, oo dalka fasax ka ahayd, dadweyne aad u fara badan oo soomaaliya, oo dharkooda gaarka ah qaba, sida dumarka xijaaban, ee jilbaabka wata, raga cimaamadaha iyo qamiisyada qaba, iyo caruurta soomaaliyeed oo lebesyadaas oo kale xidhan. 

UMMAD DAYACAN!!

Waxaan la tiiraanyaysnahay, la murugaysnahay, Dadkan aan dalka lahayn, oo dibaddda ku dayacan, oo ubadkoodu lumayo, oo dhaqankooda iyo diintoodu halista ku jirto, oo afkoodi soomaali dabaysha raacay, oo  dal ay dugsadaan iyo dawlad ay ku abtirsadaan aan haysan. 

Waxaan la tiiraanyaysnahay, oo la gubanayaa, sida aynu u kala daadsanahay. Dadku wuxuu leeyahay dal uu ku hirto, maxasta ku urursado, mustaqbal ka dhisto maalmaha adduunyada. 

Innagana wadankeeni bahala galeen ayuu noqday. Wuxuu adduunka ka dambeeyaa qarniyaal. Wuxuu ku mashquulsanyahay siduu habeen iyo maalin isugu urursan lahaa dagaal aan macna lahayn, natiijana lahayn.

 

Haddaan diinta Allaah ee la diidayo in laysku xukumo, laysu bedelin in la ogolaado, Haddaan Colaadda dadka dhexdoodaa nabad loo bedelin, Haddaan qabyaaladda na curyaamisey is jeclaan loo bedelin, Haddaan isku dan inaan nahay ayan naga dhaadhicin, oo dan qabiil keligiis inaaney socon Karin lagu qancin, haddaan danta guud tan gaarka ah laga hor marin, haddaan aqoonta iyo waaya aragnimada shaqada lagu qaban, haddaan dagaalada sokeeye cirib xuma maahine wax kale inaaney lahayn la ogaan, haddaan danta guud iyo dalka la wada dhawrin, haddaan nafteennu sidaas isu bedelin, waxaa la hubaa inaan xaalladda guud wax iska bedelayn.

SOOMAALIYADA CUSUB

Waxaan u baahannahay Soomaalida cusub ee is bedeshey iney isu tagto oo wada xiriirto. Waxaan ku talin lahaa: 

1)     Soomaalida cusub ee is bedeshey iney bar ay ku kulanto kuna wada xiriirto loo sameeyo, gaar ahaan xarumaha internetka

2)     Qof walba oo soomaaliya oo is bedeley oo soomaalida cusub ku biiraya ee dooneysa dadkeeda iyo dalkeeda iney badbaadiso, ayagoo ka duulaya diinteenna, inuu is diiwaan geliyo.

3)     In Ammusanayaasha (soomaali ugu badan) ay codkooda furan oo is diiwaan geliyaan.

4)     In hal milyan oo qof oo Sooomaaliya oo rag iyo dumar leh, yar iyo weyn leh, gudo iyo dibad jooga, gobol kasta iyo beel kasta u dhashay, ay diiwaanka u horreeya buuxiyaan.

5)     In Sooomaalidaas cusubi ay saxiixdo (BAAQA SOOMAALIYADA CUSUB). Taasoo ah: 

(Waxaanu dooneynaa Soomaaliya xora oo  Nabada, dawlad iyo maamul kala dameeya leh, diinteeda ku dhaqanta, xorriyad dalkeeda ugu noolaata, shisheeye soo fara gelin, aqoon iyo amaano masuuliyadda lagu doorto, qabyaalad iyo gobolaysi ka xorowda, damiir islaanimo iyo wadaninimo leh, dagaalka dhexdoodaa joojiya, dalkooda dib u dhista, degganaan iyo nolol wanaagsan bulshadeeda ugu dadaasha, qaxootiga iyo ummadda adduunka ku kala firiqday dalkooda ku soo celisa, facyaasha soomaaliyeed ee soo socdana nolol islaameed oo wanaagsan ugu gogolxaara. 

Waxaan diyaar u ahay, doonayaana, in soomaaliyadaas cusub ee adduunka khariidadiisa caqli iyo cilmi cusub ku soo gasha dhismeheeda ka qayb qaato, naf iyo maalna ku bixiyo ilaahay idanki, anigoo Ilaahay aakhiro ajar kaga doonaaya)). 

6)    Waxaan soo jeedin lahaa, in (Soomaalida cusubi) Meel kastoo ay joogto, hammigaas xambaarto, fidiso, bulshada u horseeddo, odayaasha iyo beelaha iyo culimada iyo aqoon yahanka (SOOMAALIYADA CUSUB) doonayaa xilkaas qaadaan. 

Xaaladda aan ku suganahay soomaali ahaan mid loo adkaysan karo maaha, haddii aynaan is bedelin, xaalkeenna wax ka bedelin, danteenna u dhaqaaqin, mustaqbalka facyada soo socda wuu madow yahay, haddaan Ilaahay sabata bixin. 

Waxaan shaki ku jirin, haddii (soomaalida cusub) ee (Soomaliyada cusub ) dooneysaa dhaqaaqdo inaan wax is hortaagi karaa jirin inshallaahu, iyo wax kala geyn kara toonna. 

Ummad dooneysa iney noolaato, ubadkeeda mustaqbal u jeexdo, dugaagga iyo wax ma garadka wadadeeda ka leexiso, dalkeeda iyo nolosheeda dhisato. 

Japan markii ay dagaalka adduunka kazoo baxday iyadoo burburtay, wexey ku tashatay iney adduunka aqoon ku gaarto oo dhaafto. 13 sano ayey ku qaadatay, iney kacdoon cilmi iyo sanco ah hormariso. 

Maku tashan karta (Soomalida cusubi) iney barnaamij 10 sano ah oo nolol cusuba wadankeeda iyo dadkeeda u bilawdo. Waa nolosha aaney garan Karin, XAABADA, WAX MAGARADKA AH, EE DAGAALKA aan natiijada lahayn keliya yaqaan, iney DAMBASKA IYO QASHINKA (16) SANO DHEX FADHIYAAN,DANTA MOODEY, WELINA ISLA QUMMAN YIHIIN.  

Soomaalida wanaaga jecel waxaan ka codsan lahaa, iney afka iyo qalinkaba ku hadlaan, oo codkooda muujiyaan.

MA DOOONEYNAA INAAN DAD MUSLIMA OO NOLOL WANAAGSAN DHISTA NOQONO, MISE WAXAAN ISKA AHAANNA ARI DHURWAAYADA MANAXAYAASHA AHI HADBA DHINAC U CAYRINAYAAN?

Qore: SH. Maxamed Idris
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April  23, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD