Si aad Computer-kaaga uga heshid Notepad, waxaad martaa wadadadan:
Start > Programs > Accessories > Notepad
Waxaa markaas kuu soo baxaya sida sawirka sare oo kale.
[Taasi waa badanaa meesha "Notepad" uu kaga jiro
Computer-rada.]
Sida kucad sawirkan "NOTEPAD" waa barnaamij aad u sahlan, waxa
keliya oo uu kaa doonayaa waa inaad kuqortid xeerarka HTML, kaddibna
aad tiraahdi xafid ama [SAVE].
Waxaad xusuusnaataa in marka aad tiraahdid [SAVE] ama [SAVE AS]
uu magicii aad "FILE-KA" u bixisay uu kulingaxaayo ama raacinayo
.txt oo u taagan "TEXT" taas oo markaas HTML keenii kadhigeysa
mid aan shaqaynayn marka aan isku dayno in aan daalacanno. Si
arrintaas aysan u dhicin dariiqadan hoose raac.
Marka aad qoraalkii HTML dhammaysid, waxaad riixdaa [click] FILE,
waxaa markaas kuu soo baxaya sidan oo kale.
Kaddibna GUJI [Click] SAVE AS (Waxaad dhag-siin kartaa SAVE,
laakiin waxaa lagayaabaa in file-kii uu kaa aado meel aadan oqoon oo
markaa hadhow lawaayo meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaan had iyo
jeer marka ugu horaysa ee aan file sameynayo adeegsadaa SAVE AS,
hadii aan isla file-kii wax kabedelo oo marlabaad xafido waxaan
adeegsadaa SAVE].
Halkaas marka aad mareysid u fiirso meesha ay kuqorantahay "Save
as type:" waxaana lagayaabaa in ay ku hor qorantahay "Text
Documents" sida kucad sawirkan hoose.
Halkaas waxaad kubedeshaa "All Files (*.*)", waxaa markaas
kuu soo baxaya sidan oo kale:
Waxaa markaan lagaa rabaa in aad magac u bixisid file-ka aad
samaysay, isla mar ahaantaana aad ku xafidid khaanad aad ogtahay,
adiga oo maraya sidan:
- File name: Ku hor qor magaca aad ubixisay file-ka oo
ay ku lingaxantahay ama raacsantahay .html [waa la
raacinkaraa .htm waxaanse anigu badanaa adeegsadaa
.html laakiin ogow labaduba waa sax.]
- Save in: Halkaasi waa meesha aad kabaareysid
khaanadda aad ku xafidi doontid File-kaaga.
N.B: Xusuusnow in File-ka magiciisa loo bixiyo
index.html uu yaha midka toos loo arkayo marka latago khaanad
gaar ah [directory] oo katirsan boggaaga, isla mar ahaantaa haddii
aad filekaas geysid khaanadda ugu sareysa ee boggaaga internetka
[root directory] markaas wuxuu noqonayaa kan la arkayo marka toos
loo soo garaaco cinwaanka bogaaga, tusaale ahaan marka lasoo garaaco
html.somalitalk.com waxaa la imanayaa file aan u bixiyey index.html
Waxaan qiyaasayaa hadda in aad samaysay file, oo aad ku xafiday
khaanad aad ogtahay, hadaba sidee u arki karnaa file-kaas inta
aynaan ineternetka u dirin. Ogowna weligaa Ineternetka ha u dirin
file-aadan tijaabin in uu shaqaynayo iyo in kale.
Si aad u aragtid file-kii waxaan u baahanahay [Browser] ama
daalacde, waxaana badanaa la adeegsadaa Inernet explorer iyo
Netscape iyadoo ay jiraan kuwo kale oo badan, laakiin casharkaan
waxaan kusharxeynaa labadaas aan soo sheegnay ee Internet explorer
iyo Netscape.
INTERNET EXPLORER
Waxaa lagayaabaa in barnaamijkani uu kujiro khaanado kala duwan
marka laga hadlayo Computer-rada kala duwan, waxaase laga yaabaa in
aad heshid haddii aad martid dariiqadan.
Start > Programs > Internet Explorer, marka
uu barnaamijku diyaar noqdo waxaad riixdaa File si aad u
heshid sawirka hoose oo kale.
Guji [Click] File > Open waxaa markaas kuu soo baxaya
sidan hoos kuqoran:
Kaddib Guji [click] Browse.. si aad u heshid sawirka hoose
oo kale
Si aad u furtid file-kii dariiqadan mar:
- Look in: Kabaar khaanaddii aad horay ugu xafiday
file-ka.
- Files of Type: waa in ay ku hor qorraataa HTML
Files si aad u aragtid file-sha HTML kuqoran ee kuxafidan
Computer-kaaga.
- Markaas File-kii guji ama dhag-kasii si uu usoo galo meesha
ay kuqorantahay File name:
- Guji [click] Open
- Guji [click] Ok
Waxaa markas kuusoo baxaaya boggii, haddii HTML ay si sax ah u
qorayd. Waana kan boggan aad hadda akhriyeysid oo aan eegay kahor
intii aanan internetka usoo dirin.

Si sax ah ayuu iila muuqday sabataas ayaan internetka
ugu soo diray si loo akhristo. Weligaa Internetka ha u dirin bog
aadan tijaabin, waa iga talo.
NETSCAPE
Marka aad rabtid in file-kii aad ku furtid Netscape, waxaad
mareysaa dariiqo ama hab aad ugu dhow kan kor kusharaxan ee
ineternet explorer ka oo kale. Waxaa keliya oo ay ku kala
duwanyihiin wa qaybo kamida qoraalka, waana kan qoraalka Netscape.
File > Open Page > Choose File > Open
> Ok
Waxaa halkaas kaaga muuqda sida ay labada [browser], waa internet
explorer iyo Netscape ay isugu dhowyihiin.
Marka aad ogaatey in file-kaagii la akhriyi karo oo HTML kii aad
kuqortay uu sax yahay, tallabada kuxigtaa waa in aad u dirtid
Internetka si loo wada arko.