SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ASAASKA HTML
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA KOOWAAD
[AASAASKA HTML]


CASHARKA KOOWAAD
Badanaa bogga Shabakadda Internetka waxa uu ka kooban yahay HEAD iyo BODY. Labadaas qaybood waa kuwa ugu muhiimsan ee asaaska u ah naqshadaynta bog laga daalacankaro Internet-ka.

BODY waxaa lagu qoraa qaybta la arko marka lafuro bog Internet ah, sida kan hadda aad akhiryeysid oo kale. Taas macneheedu waxaytahay lama daalacanakaro haddii aan boggu lahayn BODY.

HEAD waxaa hoosyimaada TITLE oo ah meesha laguqoro qoraalka kamuuqda meesha ugu sareysa ee [Browser-ka]

Marka laqorayo HTML waxaa la adeegsadaa waxa looyaqaan TAG ama "LOOX" kaas oo ah midka uu fahmikaro [Browser-ka]. Qoraalakana waxaa ladhex geliyaa laba LOOX.

LOOX ama TAG oo ah < > waa kan suurtagalka kadhiga in labedelikaro naqshadda, farta, midabka iyo qaabka, iwm, ee bog-Internet ah. Waa barnaamij aad u sahlan fahamkiisa iyo adeegsigiisuba, ee guntiga dhiisha isagadhig si aan uwada bilowno qormadii ugu horreysey.

Muuqaalka HTML?
Xeerka HTML
Maxsuul
<HTML>
<HEAD>
<TITLE>Tusaale HTML</TITLE>
</HEAD>
<BODY>
Casharka koowaad waa fudayd!
</BODY>
</HTML>
Casharka koowaad waa fudayd!

Haddii aad qortid xeerkaas kore waxa aad samaysay bog Internet ah. Waxaa keliya oo aad u baahan tahay in meesha ay ku qorantahay Casharka koowaad waa fudayd! aad ku bedeshid qoraalkii aad doontid, adiga oo adeegsanaya NOTEPAD kaddibna u xafidaya [save] sidii habkii aan kaga soo sheekaynay bogga Hordhaca. Waxaadna ku arkikartaa daalacdaha ama [Browserka.

FIIRO GAAR AH:

Marka aad xeerka kore kuqortid NOTEPAD ee aad xafideysid [SAVE AS] waxaad magaca aad u bixisid gadaal ka raacisaa ama kaga lingaxdaa .html hadii kale file-kii masoo baxayo marka aad rabtid in aad daabacdid.

Tusaale ahaan hadii file-ka aad u bixisid index ku lingax .html si uu u noqdo index.html ogow sidookale haddii aad qortid index.htm waa wanaag [OK] oo file-kii waa soo baxayaa, wixii intaas kaduwan maya, ogaantayda.

UFIIRSO HALKAN:

<HTML> iyo </HTML> waxay isu yihiin fure iyo qafil, waana kan xakumaya in bog uu kasoo baxo shabakadda Internetka. Waana bilowga iyo dhammaadka qoraalkaaga.

Sidoo kale <HEAD> iyo </HEAD> waxay isu yihiin fure iyo qafil. Waxaadna arkeysaa in dhexdooda uu kujiro <TITLE> Cinwaanka </TITLE> iyaguna waxay isuyihin fure iyo qafil.

<BODY> iyo <BODY> waxaad dhexdooda ku qori doontaa qoraalkii aad rabtey in laga daalacdo Internetka. Maxaa kuu baxay!. Sow kuma dhehin guntiga dhiisha iskaga dhig.

Sida aad ka arkidoontid qoraalka hoose, <BODY> waa meesha midabka uu bog yeelanayo laga hoggaamiyo iyada oo la adeegsanayo waxa loo yaqaan <BGCOLOR>. Amey HTML gadaal kasoo adkaan doontaa? maya maya....

Midabka Bogga
BACKGROUND
Waa meesha laga xakumo sida uu u ekaanayo midabka bogga shaashadda Internetka. Waxaana badanaa looxa dhexdiisa lagu qoraa xarfaha midabada ee afka Ingiriiska sida ('red','green','blue') ama xarfo lix-lix isu raaca ama lixlayaal ah sida ("#AA99BB","#CC0011","DDEEFF").
Xeerka HTML
Maxsuul
<BODY BGCOLOR="#AA9944">

UFIIRSO HALKAN

<BODY BGCOLOR="#AA9944"> halkaas weeye meesha bogga midabkiisa kala bedeleysa. Waxa midabka bedelayana waa "#AA9944" , una fiirso AA9944 waa "lix-xaraf", waana shardi in ay lix ahaadaan haddiikale waxaa soo baxaya wax eynaan ku talagelin.

Calaamadda # ee ku lifaaqan lixda xaraf waxay daalacdaha [browser] usheegeysaa in meeshaan midab kujiro. Inkasta oo waayadaan dambe aan aad loo adeegsan sababta oo ah BROWSER-rada casriga ah waxay midabka akhriyi karaan xataa haddii aan calaamadda # lagu lifaaqin lixdii xaraf. Ogow lixda xaraf la'aantood wax kala soconayaa majiraan marka midabka laga hadlayo. Sidoo kale ha u dayma la'aan calaamadaha " " ee dhinacyada kaaga lingaxan lixdii xaraf. Halkaas si fiican baan u gartaye ina socodsii.


SAWIR MIDAB AHAAN LOO ADEEGSANAYO
IMAGE BACKGROUND
Waxaa aad u sahlan in sawir lagu bedelo halkii midabka ee kor ku xusan. Si arintaas loo hirgeliyo waa in looxa BODY lagu qoraa BACKGROUND iyada oo markaas BROWSERKA loo tilmaamayo sawirka la rabo in la adeegsado, sida hoos ku qoran.
Xeerka HTML
Maxsuul
<BODY BACKGROUND="sawir.gif">

UFIIRSO HALKAN

Waxaad arkeysaa faraqa u dhexeeya midabka iyo sawirka loo adeegsanayo bogga.

Si fiican ugu fiirso <BODY BGCOLOR="#AA9944"> iyo <BODY BACKGROUND="sawir.gif"> , ma aragtay faraqa. Meeshaan xeelad qarsoon ayaa kujirta, waase sahal fahamkeedu.

Iisug inyar koob shaaha ayaan kusoo dhifanayaa ileyn waatan hawshii isku dubba dhacdaye.

Casharka labaad waxaan ku baraneynaa midabada.


BOGGA HORE

BOGGA XIGA