SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MISABADA
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA LABAAD
[MIDABADA "COLOR"]


CASHARKA LABAAD
Sidii aan kusoo aragnay casharka koowaad, midabku waxa uu ka koobanyaha lix xaraf, waxaana halkan kubaran doonaa qayb kamida midabadaas iyo xeerkooda iyo sida ay u egyihiin marka lagu akhriyo daalacdaha [browserka]. Waxaadna xusuusnaataa in marka midabadka HTML uu u baahan yahay in lagu qorol looxa COLOR ama BGCOLOR. Iyada oo weliba badanaa laraaciyo calaamadda #.

Tusaale ahaan: <BODY BGCOLOR="#AA9944"> waa marka la samaynayo muuqaalka uu yeelanayo bog.

<FONT COLOR="#AA9944"> waxaa la adeegsadaa marka lasamynayo midabka fartu ay yeelaneyso.

Waana kuwan qayb kamida xeerarka midabada iyo qaabka ay kusoo baxayaan.

NB: Xeerkasta midabkiisu waa kan ku dul qoran midabka.

0000ff
000000
FFFFFF
FF0000
FF00FF
FFCC00
CCFF00
6633FF
F08080
FFB6C1
20B2AA
9932CC
FF8C00
8B008B
BDB76B
556B2F
00CED1
00FF00
FFCCFF
CCFFCC
4B0082
4BBB82
FA8072
FFFF00
FFE4E1
FFA500
EEE8AA
FFF5EE
FFD700
E0FFFF
808000
9ACD32
337799
Halkan waxaa kale oo ka heli kartaa bog tijaabo ah oo kuu muujinaya qaabka uu u ekaanayo boggu marka aad bedeshid midabka Body, Guji halkan si aad u aragtid sharraxaada qaybtan. [Xusuus: haddii aad adeegsaneysid computer leh Windows XP waxaa dhici karta in uu computerku ku weydiiyo in aad aqbashid JAVA-da ku jirta bogga furmi doona]

UFIIRSO HALKAN:

Midabku waa in uu ahaadaa lix-xaraf, kuwaas oo noqonkaro tiro, shaqal, ama shiibane, sidii ay doonaan ha isu raaceen.

Xataa magacaagu wuxuu noqonkaraa midab hadii uu lix-xaraf yahay. Waad igu cayaareysaa! MAYA ee u fiirso midabada hoos ku qoran:

XARFO:
 
MOHAMD WALAAL MIDABO SOMALI AFRIKA AFRICA
TIRO:
 
002000 142100 199999 888888 555555 123456
 

ISKUDHAF:
 
SOMA60 60SOMA NABAD1 dj2000 2000SO BA0020
 

Habkani waxa uu kuu sahlayaa in midabkii aad doontid aad xulan kartid, adigoo dooranayo lix-xaraf ama Lix-tiro ama Lix tiro iyo xarfo isku dhafan ah.

Tusaale ahaan haddii aad rabtid in aad samaysid hal sadar oo middabo isku dhow oo mid-ba mid ka khafiifsan yahay waxaad samaynkartaa sidan oo kale:

999999 998888 998877 998866 997777 997766
Waxaan qiyaasayaa in aan isku raacnay in midabka HTML ay barashadiisu aad u sahlan tahay waxa keliya oo aad xusuusnaaneysaa ay tahay kelmedda "LIX" taas oo ku xusuusineysa in lagaa rabo in xarfaha ama tirada midabku ay yihiin lix.

Ugu dambaytii waxaan xusuusnaataa oo kale in haddii LOOXA midabka aad ku qortid kelmedaha muujinaya midabka, sida GREEN, BLACK, WHITE, RED, iwm ay markaas soo saarayaan midabada ku aadan macnaha werahaas.

GREEN BLACK WHITE RED YELLOW VIOLET
Xusuusnow in marka aad qoreysid bidabada oo luqadda Ingiriisiga in aadan ka hormarin calaamada #. Tusaale ahaan marka aad qoreysid midabka GREEN lagaagama baahna in aad qortid #GREEN.

Waxaan u malaynayey in haddiiba midab lasheego lagu lingaxaayo calaamadda #. MAYA, xaalku sidaas ma'aha. Laakiin waxaa jira arin muhiim ah oo walaalkay Maxamed Faarax (Mahdi) i xusuusiyey, taas oo ah in midabka loo adeegsado internetka ee HEX uu adeegsado qaab u gaara, waanatan sharaxaadii walaalkeen ee akhri halkan [Xusuus: haddii aad adeegsaneysid computer leh Windows XP waxaa dhici karta in uu computerku ku weydiiyo in aad aqbashid JAVA-da ku jirta bogga furmi doona]


Haddii aad u baahatid midabbo dheeraad ah waxaad tixraaci kartaa bogga hoos ku qoran:

Lynda's Web
W3schools Colors
WebColors - Background
HTML Clinc
Kira's Web Toolbox
Web Monkey


Waxaan isla meeldhignay midabadda, waxaana markaan u gudbeynaa casharka saddexaad oo kusabsan habka samaynta jumladaha iyo naqshadaynta farta. Akhri: Casharka saddexaad... GUJI...

 


BOGGA HORE

BOGGA XIGA