SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ururka WOJA iyo xuska maalinta Qoraalka aduunka ee magaaladda Nairobi.


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya.


Xaflad balaaran oo ay soo agaasimeyn ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan WOJA ( women journalist in action) kana dhacday Hotel-ka Barakaat ee Magaaladda Nairobi ayaa lagu xusay maalinta caalamiga ah ee qoraalka aduunka oo ku began September 8, sanad walba (International literacy day) oo ay heyadda UNESCO u aqoonsatay November 17, 1965, balse markii ugu horeeysay ee loo dabaalgalay caalamka oo dhan waxa ay aheyd September 8, sanadkii 1966.

Munaasanadan waxaa ka soo qeybgalay dad u badnaa Wariyaal, Qoraayaal, Macalimiin, ardayda jaamacadaha, Fanaaniin, mas'uuliyiin ka socday dowladda TFG iyo marti sharaf kalle..

Ugu horeyntiiba waxaa hadalkii furitaanka lagu oo dhaweeyay Gudoomiyaha ururka WOJA Fardowsa "Korea" oo daaha ka qaaday in sababta ay ururkeeda u soo agaasimeyn munaasabadan ay tahay in maalintan ay muhiim u tahay dhamaan badha warbaahinta ka hoolgasha gaar ahaan wariyaasha. Dhan kalle waxay ku talisay Fardowsa Korea in wariyaasha Somaliyeyd ay wax qoraal isla markaana kuwa aan wax qorin lagu dhiiri galiyo in ay wax qoraan iyadoo arrintasi ku sheegtay in haddii aan wax qorno aan caalamka intiisa kalle tartanka ka socda aan qeyb ka noqon karno


gudoomiyaha ururka Fardowsa Korea

Sheikh Ahmed Buraale oo ka mid ah qoraa caan ka ah dalka Somalia oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday dhibaatadii laga soo maray in Af-ka Somaliga la qoro, isagoo amaan u soo jeediyay Madaxwaynihii hore ee dalka Somalia Mohamed Siyad Barre Alle janadii haka waraabiyee oo uu ku sheegay in uu ahaa shaqsi ku dhiiraday in afka Somaliga la qoro.

Dhan kalle Sheikh Buraale wuxuu dadkii Munaasabada ka soo qeyb galay xasuusiyay in ay jireyn koox dalka Britain u dhalatay oo ku dhiiratay in afka Somaliga in ay qoraan balse markii loo diray fariimo hanjabaad ah ay iska dhaafeyn.


abuu xamza

C/rahman Sh. Abuu Xamza oo ah rugcadaa ku caanbaxay qoridda buugaagta ayaa hadal aad loo jecleystay ka jeediyay munaasabadda isagoo cadeeyay in haddii qofka qoraaga ah uu yahay qof wax aqris badan uu dadka waxa uu jecelyahay u gudbin karo.

Abuu Xamza buugaagta lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah Saaxiiibo kasbo iyo buuga lagu magacaabo dhaaf warbahaarka. Dhan kalle Abuu Xamza wuxuu cadeeyay in uu soo wado buug uu ugu magac daray Sanadkii Madoobaa dhawaana soo bixi doona.

Abuu Xamza oo hadalkiisa si wanaagsan ay dadkii munaabasadda ka soo qeybgalay ay u dhageeysaneyn ayaa ummada Somaliyeyd ugu bishaareeyay in luuqadda Somaliga aysan dhiman doonin isla mar ahaantaana dhibaato fara badan badan laga soo maray in afka Somaliga uu noqdo afka rasmiga ah, isagoo Abuu Xamza sheegay in afka dadka Somaliyeyd ay isticmaali lahaayeyn


wariyad Faadumo "Ruush"

Faadumo "Ruush" oo ka mid ah wariyaasha ku sugan magaaladda Nairobi kana hoolgasha idaacada Star FM (Codka Gobalka Waqooyi Bari) ee magaaladda Nairobi ayaa sheegtay in ay dhowaan soo daabici doonto buug jaceyl ah iyadoo horay u qortay buugaag jacel ah. Faadumo waxay horay u qortay dhowr buug oo arrimaha jaceylka ka hadlaya.


wariye Abuukar Albadri

Abuurkar Al-badri oo ah wariye sidoo kalle aan la dhayalsan Karin lana shaqeeya wargeeska Los angles time ee ka soo baxda dalka USA ayaa isna dhankiisa sheegay in uu dhawaan soo wado buug uu ugu magac daray Hab dhaqanka Qoyska isla markanaa xilligan ku jira sixitaankii ugu danbeeyay. Isagoo amaan buuxda hawada u marsiyay abwaanada Somaliyeyd ee caanka ah Abwaan Hadraawi iyo Abwaan Sangub

Jilaaga ama Majaajiliistaha caanka ah ee Abrirahmaan Xaynuuf kuna magac dheer "Sanqoolaa" ayaa hadal u badnaa kaftan Munaasabada ka soo jeediyay. Sanqoola sidoo kalle wuxuu sheegay in isaga xitaa uu yahaya qoraa maskaxdiisa ay qoraalo badan ka buuxan balse marka fursad loo heli la daabici doono.

Sanqoolaa wuxuu munaasabada ku soo bandhigay buug uu ugu magac daray Aamina Daahir balse uu sheegay in wali maskaxdiisa uusan dhaafin uuna jecelyahay in uu daabaco marka uu fursad u helo

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Pro Mohamed Cumar "Dalxa" oo sidoo kalle buugaag dhowr ah qoray isla markaana ku darsaday in uu yahay Fanaan hees caanbaxday horay ugu luuqeyay


Prof. Dalxa iyo Gentelman

Pro. Dalxa waxa uu ku dheeraaday in afka Somaliga uu yahay af hodan ah isagoo wax badan ka sheekeeyay intuu uu jaamacadda dhigan jiray waxbyaahihii uu ugu jeclaa in ay aheyd sugaanta. Dhan kalle wuxuu ku booriyay bahda warbaahinta in ay umadda ay qalin ku badbaadin karaan.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
http://www.somalitalk.com/gentleman/

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS