SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


DAGAAL OOGE HADAAN LA TIRTIRIN DOWLAD LAHELI MAAYO. 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  Mar 27, 2006


Marxalad kasta oo nolosha laga soo maro, haddii la damco in la xiro marxaladaaas, wadada kaliya ee lagu gaari karo, waa in laga takhuluso raggii hogaanka u hayey xiligaas.  Taas waxaad ku garan-kataa, markii ladamcay in la baa’biyo noloshii siyaasadeed ee Musuqmaasuqa ku dhisneyd, wuxuu M/Siyaad Bare go’aansaday inuu raggii talada hogaanka u hayey wakhtigaas uu booska  kariixdo, kadibna uu hogaan cusub oo uu isagu u sareeyo uu unko.

Waa isla sidiiyee, raggii iyaguna damcay iney M/Siyaad qaab maamulkiisii badalaan, waxay gudoon-sadeen iney isaga iyo raggiisiiba eryaan, oo iyagu ay noqdaan hogaanka cusub ee bulshada, walow ay taladii ka luntay oo ay haadaan kala sii dheceen umadii.

Hadaba haddii la damco in lasoo afjaro 15. Sano oo hoog iyo ba’ ah, wadada ugu dhaw ee lagu soo afjari karo waa in raggii xiligaas hogaan hayey rag ka duwan lahelaa, taas hadaan la helin, oo ay sii socoto iney iyagu hogaanka hayaan, malaha sidaas ayaa lagu sii jiri-doonnaa.

Waxaa istaas ka sii daran, kuwooda waaweyn hadaan lasoo afjarin, waxaa dhici karta iney sii bataan, oo ay kaligood noqdaan kooxo tiro badan oo isu kaashada tirtirida jiritaanka umadeed, waana sida hadeerba aan hayno, ee ay gardarada isugu hiilinayaan.

Afgaanistaan kolkii ay Daalibaan la wareegeen, waxay meel barxad ah keeneen hogaamiyihii xiligii Shuuciyada dalka hayey, kolkaasey daldaleen, taasoo qudha ka jartay marxaladdii Shuuciyada, iyo awoodihii shisheeye ee faraha kula jiray arimaha Afgaanistaan.

Roomaaniya umaddii ku noolayd, goortii ay waddo kale oo ay hogaamiyahoodii ku ridaan wayeen waxay go’aan-sadeen iney jirkiisa jarjaraan, oo ay hilibkiisa banaanka soo dhigaan, kolkaas ayey ka gudbeen marxaladaas hooga iyo shidada wadatay.

Haddii aan dib u akhrino taariikhdeenna Islaamka, goortii uu Nabi Maxmed S.C.W. Makka gacanta ku dhigay, wuxuu soo saaray laba wareegto oo kala ah. Kow: In la burburiyo Asnaamtii Xaramka ka dhisneyd, kuwaaso tiir u ahaa noloshii caqiido ee ay Quraysh  ku taagneyd. Labo: In la dilo dhawr nin oo saldhig u ahaa hogaanka gaalnimo ee Quraysh, waliba wuxuu amar ku bixiyey in lagu toogto meeshii lagu arkaba, xitaa haday meel aamin ah joogaan.

Sidaasoo ay tahay, dagaal ooge haddii aan umada laga qaban, wax horumar ah oo lagaarayo majiro, sidee looga qabtaa weeye su’aasha? Yaase awood u leh inuu xukumo? Ilaa la tirtiro kolka aan leeyahay, waxaan u jeedaa ilaa maxkamad lasoo taago, oo dhibaatadii ay umada u geysteen laga gooyo, xukunka ay mudanyihiina la saaro.

Waxaa tir-tirid ugu filan in laga fariisiyo siyaasada wadanka, in la tuso umadu iney tashan karto, waxaa yaab leh, beelaha ay ka dhasheen cidaan iyaga ahayn mahaystaan miyaa? Maxaa mar walba iyagaas loogu sacbiyaa?

Intii la doortay C/Laahi Yuusuf waxay dorraad ahayd mararka yar yar ee aan tirsado oo aan  u bogay waraysi uu bixinayo, waana runtiis kolkii uu lahaa, haddii argagixiso lala dirarayo, waa afraadee, maa iyaga la doon-doonto.

Sagaalka aasaastey ururkan, iyo kan tobnaad ee ku soo biirayba, waxay na dhaheen, argaagixso ayaan raadineynaa, oo waxay ku dhex dhuumanayaan Maxkamadaha, haddii ay ogyihiin iney rag tirsan oo layaqaan ay yihiin, mey iyaga guryahooda ku weeraan oo ay toos u abaaraan, siduu Madaxweynuhuba sheegay.

Abwaan Dhagaafe oo isaguna kayaaban kuwan caadaystay dhiigii umada ayaa tixdan ku biiriyey qormadan, isagoo haddeer curiyey murtidan qiimaha leh.

Dadkaygow madiirtaan?
Danta guud magarataan?
Diinta mow adeegtaan?
Haddii dulucdu haa tahay
Maxaa laysku dilayaa?
Afarteeda dacalbaa
Xamar mayd la`daadshoo
Madfac diririg leeyiyo
Hoobiyoo ka daranbaa
Dadkeenii xasuuqoo
Dumarkiyo caruurtii
Maanta dabar go`weeyoo
Dhaawacaan dabiib iyo
Isbitaallo deeqiyo
Wax daweeya loo hayn.!!
Kuwa dirirta huriyow
Mawaydaan dareemayn
Inaan duni lajoogayn?
Aakhiro docdeediyo
Halka noo danbaysana
Xaqba la isku daynayn?

Haddaadse idinku diiddeen
Inaad nabadda doontaan
Inta garasho doorriyo
Damiir uu ku haray iyo
Dadka aan u baaqee
Ma`ogtahay dadkaygow
Kuwa dirirta huriyiyo
Dagaal ooga yaashaba
Haddaan doorka maanta
Isku duubni loo qaban
Dowlad lama helaayoo
Markaan doog hilaaciyo
Cirkoo noo daroorriyo
Daruur nabadda dhowrnoo
Dalka wada jirkiisiyo
Danta loo istaagaba
Dockalay ka curiyaan
Dirirtiyo collaaddoo
Waa niman dan gaara le
Daawo waxaa u noqon kara
Inagoo dadaalnoo
Isku duubnideenana
Danta guud u aragnoo
Daacad wada ahaanoo
Qabqablaha dagaalkiyo
Afartaas na daashaday
Duuduub u qabanee
Dadkaygow diyaar noqo.. 

Goormaan miyirsan-doonaa? Mar hab qabiil bay dadkii isugu laayeen. Mar hab siyaasadeed bay dhiig u qubeen.

Hadaan laga midoobin, oo aan har cad la’iska qaban, wallaan nabad lagaareyn.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Mar 27, 2006

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD